Ciidanka xoogga dalka Ururka 47-aad Ee Guutada 8-aad Ee Qeybta 60-aad ayaa waxaa isku soo dhiibay Cali Guudow Madey oo ka tirsana Khawaarijta dhexdoona looga garan ogga ( Cali Dheere ).
Cali Dheer ayaa sheegay in u tababarro kala duwaan ku soo qaatay goboladda Baay iyo Jubbada dhaxe isagoo intaas ku daray in u dagaallo dhowr ah oo ka dhacay qeybo ka mid ah goboladda Hiiraan,Galgaduud iyo qaar ka mid ah Koonfurta Mudug ay argagixisada ku soo qaaday u ka qeyb qaatay.
Haatan ayuu isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka ee ku sugan deegaanka Goof-gaduud Buurey oo ka tirsan gobolka Baay
Ugu Dambeyn Cali Guudow Maday ayaa Saaxiibadiis ugu baaqay in ay ka soo Duurka ay jiraan oo ay isku soo dhiibaan Laamaha Amniga dalka.



