Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Hay’adda SODMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Md. Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay xarunta Madaxtooyada KGS ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo Maanta howlo shaqo ku gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulankaan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha taagan ee bani’aadannimo, sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Koonfur galbeed iyo u diyaar-garowga sidii loo gacan qaban lahaa dadka ay saameeyaan dagaallada dalka lagu xoreynayo Khawaarijta iyo door ku lahaanshaha barnaamijyada xasilinta.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay dardargalinta mashaariic loogu talagalay DG KGS oo ay hay’adda SoDMA fulin doonto iyadoo kaashaneysa Wasaradda Gargaarka KGS, mashaariicdaas oo uu maal geliyay Bankiga Aduunka, waxaana kulankaan goobjoog ka ahaa Wasiirka Gargaarka Koonfur Galbeed Cabdinaasir Cabdi Caruush.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Hay’adda SoDMA iyo hoggaankeeda ugu mahad-celiyay howlaha ballaaran ee hay’addu dalka ka waddo, gaar ahaan howlaha bani’aadannimo ee ay ka fulisay degaannada maamulkaas.

Howlgal qorsheysan oo laga fuliyay gobolka Bari ee Soomaaliya

Ciidanka Qaranka oo garab ka helaya saaxiibada caalamiga ah gaar ahaan Mareykanka ayaa howlgal lagu dhabar jabiyay kooxda argagaxisada ee Daacish ka fuliyay gobalka Bari ee Puntland.

Howlgalka oo qeyb ka ah dagaalka lagu ciribtirayo argagaxisada ayaa waxaa jab loogu geystay maleeshiyada Daacish oo halkaas isku uruursaneysay.

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin doonta qasaaraha dhabta ee gaaray argagaxisada.

Soomaaliya oo laga cafiyay deyntii Ururka Midowga Boostada Adduunka (UPU)

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Geneva ayaa u kictimay Magaalada Berne ee wadanka Switzerland si uu kulan gaar ah ula yeeshay Mr.
Masahiko Metoki Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU) oo halkaas xaruntooda ah.

Socdaalka Wasiirka uu ahaa in Soomaaliya laga cafiyo deynta lagu lahaa oo ku dhow 2 milyan oo doolarka Mareykanka ah oo isugu jirta qaaraanka xubinimada oo dhan Hal Milyan doolar iyo dulsaar aruurey ayaa ka soo billaabatay Sebtember 1982-kii illaa 2018-kii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Mr. Masahiko Metoki ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya laga Cafiyey Deyntii lagu lahaa maadaama ay buuxisay Shuruudihii laga rabay.

Deyn Cafinta kadib Soomaaliya waxa ay si rasmi u noqotay Xubin buuxda oo ka tirsan Midowga Boostada Adduunka (UPU) iyadoo laga qaaday xannibaadii saarneyd.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali oo sharraxayay qorshaha ay Wasaaraddu u dajisay soo-nooleynta Boostada ayaa sheegay in hawlo badan laga qaban doono dajinta siyaasadihii iyo qorshayaashii lagu hagi lahaa boostada dalka, tababarka iyo tayeynta shaqaalaha boostada, helitaanka agabkii lagu shaqeyn lahaa iyo dib-dhiska xarumihii boostada ee magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa uga mahadceliyay UPU taageeradii kala duwaneyd ee ay siisay Soomaaliya sanadihii la soo dhaafay, kuwaa oo ay ka mid ahayd inay fududeysay in boostadu ay dalka timaaddo, inkasta oo ay xayiraad dalkeena ka saaran tahay inaan dalka dibeddiisa wax u dirno iyadoo Wasaaraddu ku hoolantahay in la dhameestiro Qorshahaas.

    

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaalida ee kenya

Gudoomiyaha golaha shacabka BFS Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe iyo xubno kale oo ka socday baarlamaanka Soomaaliya  ayaa booqday xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,halkaasi oo ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiinta safaaradda.

Gudoomiyaha ayaa Kormeeray qaybaha kala duwan ee Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya,isagoo warbixin ka dhageystay Danjire Jabril Ibrahim Abdulle oo ka hadlay howlaha muhiimka ah ee bulshada Soomaaliyeed loo qabto.

Gudoomiyaha golaha shacabka Mudane Shiikh Aadan Maxamed Nuur”Aadan Madoobe” iyo wafdi Xildhibaano ah oo la socda ayaa howlo shaqo u jooga Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxda Masar iyo Jaamacadda Carabta oo kulan sagootin ah u sameeyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry iyo Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa kulamo Sagootin ah u sameeyay Safiirka J.F.S ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar oo dhameystay muddo-xileedkii diblumaasiyadeed ee uu ku joogay Masar.

Ra’iisul Wasaaraha Masar Dr. Mustafa Madbouli iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Sameh Shoukry ayaa ku bogaadiyay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar daddaalladii diblomaasiyadeed, waxqabadkii iyo wada shaqayntii uu muujiyay gaar ahaan kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, iyago xusay sida dowladda iyo shacabka Masar ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Sidoo kalle Xogheyaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abuu Geyd ayaa ku amaanay Danjire Ilyaas Sheikh Cumar inuu xoojiyay xiriirka iyo wadashaqeynta ururka Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha iyo  Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar Kulamada uu la yeeshay, waxa uuna muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Masar, inta uu ku guda jiray gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 IMF 𝐨𝐨 𝐬𝐨𝐨 gunaanadday 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐢𝐢 𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐫𝐞 𝐞𝐞 Hey’adda Lacagta Adduunka ayaa 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐛𝐚 𝐠𝐚𝐛𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐛-𝐮-𝐞𝐞𝐠𝐢𝐬𝐭𝐢𝐢 𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐡𝐚𝐪𝐚𝐚𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚,𝐤𝐚𝐝𝐢𝐛 𝐡𝐚𝐧𝐧𝐚𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐃𝐞𝐲𝐧-𝐂𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚.

Kadib,shirar isdaba joog ahaa oo ay wada qaateen madaxda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa hey’adda IMF tan iyo December 2023-kii oo aheyd markii ay Dowladda Soomaaliya gaartay bar dhamaadka deyn cafinta, ayay hada guddiga sare ee IMF waxa ay si rami ah ugu dhawaaqeen warbixin ku saabsan arrimaha Soomaaliya,waxaana kamid ahaa”-

in Dowladda Soomaaliya ay ku socoto dhabbaha saxda ah ee horumarinta dhaqaalaha.

Go’aan ka gaba gabada ah ee guddigu soo saaray, waxa uu Dowladda Soomaaliya u ogolaanayaa in si deg deg ah loo siiyo ilaa $10 milyan oo doolar oo taageero u ah horumarinta siyaasadda dhaqaalaha iyo qorsheyaasha dib-u-habaynta Maaliyadda.

Hey’adda IMF ayaa saadaalin wanaagsan ka bixisay hiigsiga 2024-ka halka lafilayo in uu gaaro dhaqaala Soomaaliya (GDB) oo ah 3.7 Boqolkiiba, marka loo eego halkii uu taagnaa sanadkii tagay ee 2023-ka oo uu ahaa 2.8.

Boqolkiiba, Warbixinta IMF ayaa lagu yiri, Soomaaliya waxa ay sii wadday in ay horumariso barnaamijyadeeda dib-u-habeynta Maaliyadda oo u ahaa ajande xoogan oo mudnaan gaar ah lasiiyay. sidoo kale, waxaa xooga la saaray joogteynta qorshayaasha horumarinta dakhliga iyo maamul wanaaga maaliyadda ayaa lagu yiri warbixintaasi.

 

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga oo tababar loogu soo xiray Turkiye

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa tababar aqoon kororsi ah oo la xiriiray kor u qaadidda xirfadahooda shaqo loogu soo gabagabeeyay dalka turkiga.

Saraakiishan ayaa in muddo ah dalkaasi ku qaatay koorsooyin ku saabsan barashada khibradaha muhiimka u ah ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku jira halganka dalka looga sifaynayo Argagexisada.

Saraakiishan oo la filayo ineey dhawaan dalka ku soo laabtaan ayaa waxaa la rajaynayaa ineey gacan wayn ka gaystaan howlaha shaqo ee ciidanka iyo hormarinta howlgallada sifaynta ee dalka looga xoreynaayo khawaarijta nabad-diidka ah eek u haray deegaanno yar oo dalka ah.

Howlgallo ciidan oo lagu sugaayey amniga oo ka dhacay duleedka Berdaale

Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Koonfur Galbeed Mudane Xasan Cabdiqaadir Maxamed, Gudoomiyaha gobolka Baay Maxamed Xasan Caracas iyo Talisyada kala duwan ee Ciidamada Amniga ayaa duleedka degmada Berdaale ka sameeyay howlgalo lagu xaqiijinayo amaanka degmada Berdaale ee Gobolka Baay.

Howlgalladaan ayaa qeyb ka ahaa la socodka xaaladaha bulshada ee ku dhaqan Berdaale iyo tuulooyinka hoostaga iyo ogaanshaha wixii dhibaato ah ee jira.

Intii uu socday howlgalkaasi waxaa madaxda iyo ciidanka halkaasi ku soo dhoweeya qeybaha bulshada,iyadoo qeybaha ciidamada ay tageen deegaano kala duwan oo ku dhow Berdaale.

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo booqday xabsiyo ay ku jiraan dhallinyaro Soomaaliyeed

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka koonfur Afrika Mudane Maxamed Sheekh Isaaq ayaa booqday xabsi lagu magacaabo Lindela oo ay ku jiraan dhallinyaro Soomaali ah.

Danjire Maxamed Sheekh Isaaq ayaa Mawaadiniinta uu kula kulmay xabsiga ka dhageystay baahiyaha ay qabaan, isagoo u ballan qaaday in uu kala shaqeyn doono sidii ay xoriyadooda dib ugu heli lahaayeen.

Booqashada uu safiirku ku tagay xabsiga lindela ayaa qeyb ka ah u kuur galidda xaaladaha kala duwan ee ay ku suganyihiin dadka Soomaaliyeed ee ku jira xabsiyada dalkaasi.

Xabsigan ayaa lagu xiraa dadka aan sharciga heysan si dib loogu celiyo dalkooda.

 

Maraykanka iyo Ingiriiska oo weerar ku qaaday Xuutiyiinta Yemen

Ciidamada Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa duqaymo dhanka cirka ah ku fuliyay 13 goobood oo ku yaallla Magaalada Sanca,kuwaas oo la tilmaamayin ay yihiin bartilmaamedyo lagu beegsaday Xuutiyiinta Yemen,Taliska dhexe ee Maraykanka (CENTCOM) ayaa sidaas sheegay.

Taliska ayaa sheegtay in ciidamadoodu ay ku guulaysteen in ay burburiyaan qalab iyo 8 Drone oo ah kuwa aan duuliyaha lahayn (UAV) oo ku sugnaa dhulka ay Xuuthiyiinta ka taliyaan ee Yemen iyo badda cas.

Weerarka cirka oo lala beegsaday Magaalada Sanca,illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.

Sidoo kale ma jiraan wax faallo ah oo ka soo baxay Maraykanka iyo Ingiriiska UK.

Duqeymankaan ayaa yimid xilli hogaamiyaha kooxda Cabdul-Maalik al-Xuuti khudbad uu ka jeediyay taleefishinka uu ku sheegay in ciidamadoodu ay todobaadkii hore beegsadeen 10 markab oo xiriir la leh Mareykanka, UK iyo Israa’iil,kuwaas oo marayey badda cas, Mediterranean-ka iyo badweynta Hindiya.