Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo furay Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta ee Madasha Qaxootiga Aduunka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali  “Xoosh” oo furay Shirwaynaha Qaran ee dib u Eegista Hirgalinta Balanqaadyadii Dowladda Soomaaliya ee Madasha Qaxootiga Aduunka 2019.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa sheegay “Kulan how-leedkan waxa uu ka marqaati kacayaa mas’uuliyad wadaagga naga saran inaan si wada jir ah uga wada shaqeeyno ballanqaadyada iyo iskaashiga lagu horumarinayo barakacayaasha. Afkaarta iyo Istaraatiijiyadaha aan maanta halkan ku curinno waxaa ay saldhig u noqon doonaan qorshaha Istaraatiijiyadda xalka waara ee Hey’adda NCRI ee kahortagga barakaca qasabka ah“.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh oo hadalka sii wata ayaa ku dheeraadey dhibaatada barakicinta qasabka ah “Barakaca qasabka ah waa xaqiiq taabaneysa nolosha dad badan, taasi oo wadatashiyadii kala duwanaa ee saamileyda kadib aan ballanqaadnay xal u heliddooda, waxaanna naga go’an in Qaxootiga iyo Barakacayaasha ay qeyb ka noqdaan siyaasadaha noo degsan, lana xoojiyo la qabsigooda isbadalka cilimada“.

Ugu dambayn, wasiirka ayaa bogaadiyey Hay’adda Qaxootiga Iyo Barakacayaasha Qaranka dadaallka aan kala go’a lahayn ee ay ku bixiso howlaha Banii’aadnimada iyo fulinta aragtida xukuumadda ee xal u helidda barakaca, qaxootiga, kuwa soo gurya noqda iyo howlaha dib u dejinta.