Wasiir kuxigeenka Cadaaladda XFS oo daahfuray Shir Wadatashi ah oo ku saabsan hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka xukuumadda JFS Mudane Axmed Cabdiraxmaan Xasan oo uu weheliyo xoghayaha joogtada Wasaradda Mudane Feysal Aadan Xasan ayaa daahfuray Shir Wadatashi ah oo ku saabsan hannaanka Federaaleynta Asluubta Soomaaliyeed.

Shirka oo ay kasoo qeybgaleen bahda Asluubta Soomaaliyeed ayaa dood wax ku ool ah laga sameyn doonaa Farsamada qaab dhismeedka nidaamka hannaanka federaleynta Asluubta Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa heshiis ku saabsan hagaajinta iyo hirgalinta lagama maarmaanka u ah hannaanka federaaleynta Soomaaliyeed.