Taliyaha Ciidanka Boliiska oo Xafiiskiisa ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto  Sulub Axmed Firin ayaa Xafiiskiisa Ku qaabilay Saraakiil Ka socda Dalka Masar kuwaa oo Shalay Soo gaaray Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Soodhaweynta Saraakiishan waxa goob joog ahaa Taliye ku Xigeenada Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Cusmaan C/llaahi Maxamed (Kaniif) iyo S/Guuto Zakia Xussen Axmed iyo hogaanada ciidanka.

U jeedka Socdaalka Wafdigaan ayaa la xiriira casuumaad uu u fidiyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin.

Taliye Sulub ayaa Saraakiishan uga Mahad celiyay Aqbalaada Casuumaadii uu u fidayay sidooakalana uga Mahad Celiyaya Garab istaaga ay u sameeyeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Saraakiisha ka socday dalka Masar ayaa bogaadiyay hormarka ay ku tilaabsadeen ciidan boliiska Soomaaliyeed, iyaga oo xusay in ay ciidanka boliiska Soomaaliyeed ka taageeri doonaan tababarrada, xirfadaha iyo guud ahaan hormarada ciidanka.