Madaxweynaha Koonfur galbeed oo la kulmay Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya

Madaxweynaha Dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Wafdi uu hoggaaminayey Safiirka Midowga Afrika ufadhiya Soomaaliya Souef Mohamed El-Amine

Madaxweyne Laftagareen iyo Danjire Souef Mohamed ayaa kulankooda la isaga Xog-waraystay Amniga Guud Deeganada Koonfur Galbeed iyo Howlgalka Ciidanka Nabad ilaalinta ujooga Soomaaliya ee ATMIS.

Kulanka waxaa Madaxweynaha ku Wehlinayey Wasiiro, Saraakiisha Hay’addaha Amniga iyo Agaasimaha Guud Madaxtooyada Koonfur Galbeed.