NOLOL IYO DHAQAN WAA LABA IS HAREER YAAL

Ummad walba oo aduunyada guudkeeda ku dhaqani waxay leedahay hab nololeed u gaar ah, oo ay qarniyaal fog fog ku soo dhaqmayeen, jiilbana jiil ka soo dhaxlay.

 

hab nololeedka bulsho waliba wuxuu salkana ku hayaa miyi iyo magaalo hadba meesha uu hanaankooda nololeed ka soo askumay.

 

Soomaalida oo hillaada tobanaan qarni geeska afrika ku dhaqneyd, waxay ka mid tahay ummadaha ugu hodansan dunida, waxaanay noloshoodu asal ahaan ka soo billaabmantay dhulka miyigaa iyo dhaqashada meesiyada kala duwan ee xoolaha.

 

ka hor hayaankii magaalooyinka soomaalidu waxay laheyd hanaan nololeed oo dhameystiran , jaad walboo baahiyaha aadmiga kamid ihina ku idilyahay sida hu , hoy, hamuuntir calaf, hanaan garsoor, iyo hal is daarasho guud.

 

Jaadadka kala duwan ee agabka iyo kaabayaasha kalee noloshaba ayagoo farsamo casri ah iyo hal-abuur layaab leh, oo aanay cidiba ugu horeyn umaraya ayay gacmahooda ku samaysan jireen, waxay dibadda ka soo dhoofsadaanina ma jirin hadday jireena ma badnayn. Xilligaa waxay nolosha inteeda badani ku tiirsaneed: dhirta iyo xoolaha .

 

Wax la aamo/la cunaahi cad iyo caano ayay ahaan jireen xoolaha ayaana loogu hagaagi jirey , waxaana soo raaci jirey midhaha, xabagta geedaha iyo dalaga beeraha oo aanay inta badan reer guuraaga soomaalidu dheef ka jeeqaaqi jirin, qoys qoyska caydh ah ha joogtee intooda badani maba la ahayn in suuni xoolaad waxaan ahayn lagu noolaan karo, malahayga taasina waa sababta aanay beeraleydu inoogu badnayn kolka la barbar dhigo raacatada.

 

dhanka hoyga waxaa lagu noolaan jirey aqallo si qurux iyo farshanimo leh loo dhisay iyo geedo la hadoodilay oo : dhaxan, dhibic roob, iyo qorax dhalaalkeedba lagaga gabaadsan jirey. Yagleeelida aqalka waxaa u xilsaarnaa dumarka, waxaanu ka koobnaa dhirta iyo saanta xoolaha, udbaha, ulaha dhaadheer ee dhigaha, raarka/dhanbalaha, alool, kashkaashka, abjadka, haansaraarka iyo tiirarkiisa, dhigaatiyada, dhiilaha, xarkaha mayraxdaa ee isku haya aqalka iwm waxaa la samayn jirey dhirta. Jilka, sarta,tebadda, suunka dhiilaha iyo wixii lamidana waxaa laga sameyn jirey saan/maqaarka xoolaha.

 

Huga waxay raggu qaadan jireen laba qayd ooo cadcad, halka ay dumarkuna qaadan jireen guntiino, gambo iyo wixii kalee ay heli karaan, waxaanay dharku kamid ahaayeen waxaayaha fara ku tiriskaa ee debadda nooga iman jirey inkastoo ay odayaasha waaya joogga ihi ii sheegeen in dharka laftiisa maqaarka xoolaha laga samayn jirey.

 

Soomaalidii waayadaa joogtay waxay rumaysnaayeen inay nolosha aadmiga midda ugu feecan haystaan oo cid kaloo qadan iyo qabno ku dhamiba aanay jirin, qof walboo kamid ihina nolosha kaalin mug leh buu kaga jiray, ina rag yar iyo wayn hawshoodu waxay ahayd: sahanka, dhaaminta, shubidda xoolaha, xeryo dhigidda, samaynta yeesha iyo saabaanka ay xooluhu ku cabbaan, baadi-doonkooda iyo col ka dhicintooda, halka ay dumarkuna ku foognaan jireen samaynta hoyga iyo soohidda agabkiisa, ilaalinta xoolaha qeybtooda nugulkaa, qalida xoolaha, diyaarinta gasiinka, lulidda caanaha iyo subag ka bixintooda iwm.

 

isku filnaashaha nololeed ee caynkaasihi wuxuu naafoobay kolkii magaalo loo hayaamay,

Ee dhaqashadii xoolaha laga haajirey layskuna haaraamay, oo nolol seeg- seeg ah iyo cood la’aan ilbaxnimo la mooday aqoon ma dhaleys ahna laysugu faanay.

 

W/Q:Liibaan Xirsi