Safiirka JFS ee dalka Shiinaha Amb. Kullane oo ka qeyb galay shirka iskaashiga Shiinaha iyo Afrika

Beijing:- Safiirka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Kullane Cali ayaa Khudbad muhiim ah ka jeediyay daah-furka shirka Shiinaha iyo Afrika, kaas oo ka dhacay dhismaha xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada Beijing.

Shirkan oo ay soo agaasintay Hay’adda (UNGC), ayaa waxaa diirada lagu saaray sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta dalalka soo koraya ee qaaradda Afrika.

Danjire,  Cawaale Cali Kullane, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashiga Afrika iyo Shiinaha ee ku aaddan gaaridda yoolalka horumarineed ee joogtada ah, wuxuu sidoo kale tilmaamay doorka Soomaaliya ee ku aaddan dhiirrigelinta maareynta deegaanka iyo horumarka bulshada.

Shirka waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka kala socda qeybaha dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah, kuwaas oo ka wada hadlay kor u qaadista iyo tayeynta shirkadaha Shiinaha ee ka howlgala Afrika, gaar ahaan mashruucyada sida Fosun Pharmaceutical iyo kan Huawei ee Afrika, ayaa tusaale loo soo qaatay  faa’iidooyinka ka dhasha iskaashiga noocan ah.

   

Qaar kamid ah labada gole ee K/Galbeed oo beydhabo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hey’adda SODMA

Mas’uuliyiin ka kala tirsan labada gole ee Maamulka Dowlad Goboleedka K/Galbeed ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beydhabo ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Hey’adda SODMA Md. Maxamuud Macallim Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminaayo

Guddoomiyaha Hey’adda ayaa la sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay u kuurgalidsa iyo indha-indheynta xalaadaha dadka danyarta ah madaama la gudagalay xilligii roobkii gu’ga .

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa lagu wadaa in uu goobjoog ka ahaado qeybinta gargaarka SODMA ay gaarsiineyo dadka danyarta ee u nugu, kuwaas oo hore ay saameyn ugu yeesheen xaladihii El-Niño ee sannadkii hore.

Dhinaca kale,Guddoomiye Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa kulan gaar ah la qaatay wasiirka Gargaarka maamulka Koonfur Cabdinaasir Cabdi Caruush, isaga oo shacabka ugu baaqay in ay ka fogaadaan goobaha cabsida laga qabo ee biyo mareenada ah.

Maalinimada burrito ah ayaa la filayaa in magaalooyinka Baydhabo iyo Buurhakaba dadka ku nool,gaar ahaan kuwa danyarta ah la gaarsiiyo gargaar biniaadanimo oo wax ka tara dhibicda roobka iyo cadceedda qorraxda .

Maxkamadda Ciidanka oo Galmudug ku dishay laba eedeysane oo geystay falal dil ah

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta dil toogasho ah ku fulisay laba askari oo horay u geystay falal dil ah oo ka dhacay Galmnudug.

Dilkaan oo ahaa mid qisaas ah waxaa fuliyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida,gaar ahaan qeybta Dowlad Goboleedka ee Galmudug .

Dilkaan qisaasta ah ayaa lagu fuliyay dable xoogga dalka Cabdikaafi Cali Cabdulle iyo Iidle Cumar Idiris oo ka tirsanaa Guutada 18-aad ee Gorgor,kuwaas oo dilal u geystay Allaha u naxariistee Cadnaan Cali Salaad iyo Bilan Xaashi Salaad.

Soomaaliya oo ka qeyb gashay shir ka dhacay Turkiga oo looga hadlay bad-qabka badaha

Shir caalami ah oo looga hadlaayey sidii wax looga qaban lahaa ka hortagga wasakheynta Badaha iyo ka faa’ideysiga kheyraadka ayaa lagu qabtay Magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Shirkaasi oo ay soo qabanqaabiyeen Wadamada Kosto Rika iyo Turkiga wxaa dhinaca Soomaaliya uga qeybgalay wakiilka jaamacadda Nabadda ee Qaeamada Midoobay Dr. Dr.Maxamed Cismaan.

Wakiilkaasi ayaa sheegay in mudadii uu socday shirka looga hadlay Ilaalinta deegaanka badaha,gaar ahaan ka hortagga wasaqeynta biyaha badda

Iyo sida ugu habboon ee looga faa’ideysan karo kheyraadka ku xiran koboca dhaqaalaha.

Shirkaasi waxaa ka qeybgalay dalal ay kamid yihiin Jabaan,Faransiiska, Imaaraadka Carabta iyo kuwo kale.

Bilihii la soo dhaagay waxaa magaalada Muqdisho laga hirgaliyay Jaamacad qaabilsan dhanka waxbarashada badaha,maadaama Soomaliya ay kamid tahay ay ay leedahay kheyraadka ugu badan ee xagga xeebaha.

Madaxa Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda oo Faransiiska kaga qeyb galay shir muhiim ah

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Saciid Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa magaalada Lyon ee dalka Faransiiska uga qeybgalay shirka sanadlaha ah ee Interpol.

 Shirkan oo ah kii 19aad oo ay kasoo qaybgaleen 196 dowladood oo xubin ka ah Interpol ayaa sanadkaan waxaa looga wadahadlay arrimo khuseeya ka hortagga danbiyada socdaalka iyo xog isweydaarsiga.

 Agaasimaha Guud ayaa kulamo gaar ah la yeeshay madaxda sare ee Interpol isaga oo kala hadlay kawada wadashaqaynta arrimaha socdaalka iyo isdhaafsiga xogta iyo wadaaga khibradaha.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Saciid Maxamed waxaa safasrkiisa ku wehelinaayey Mudane Mahad Abdi oo ah lataliye Sare.

Mudanayaal ka tirsan labada aqal ee Soomaaliya oo ka qayb galay shirka Vienna

Wafuud ka kala socda baarlamaanada dunida oo ay kamid ahaayeen Xildhibaan Saalim Caliyow Ibrow iyo Senator Cismaan Maxamuud Dubbe ayaa Soomaaliya uga qayb galay shirka xakamaynta iyo nabad u isticmaalidda Nukliyeerka,kaas oo ka dhacay caasimadda Austria ee Vienna.

Xildhibaanada Soomaaliyeed ee shirka ka qayb galay intii ay ku jireen kulamada shirka waxa ay si gaar gaar ah ula kulmeen madaxda Qaramada Midoobay ee xaruntoodu tahay Vienna, sida Agaasimaha Guud ee hay’adda ka hortagga Nukliyeerka ee IAEA Mr. Rafael Mariano Grossi, madaxa xakamaynta tijaabada nukliyeerka Dr Robert Floyd, madaxa hay’adda ka hortagga dembiyada qaramada midoobay ee UNODC qaybta dembiyada, madaxda booliska adduunka ee Interpol, safiirada dalalka Maraykanka, Norway, Ciraaq iyo madax badan oo ka kala socotay caalamka, kuwaas oo ay warbixin dhammaytiran ka siiyeen horumarka laga sameeyey la dagaalanka khawaarijta, dhammaystirka dastuurka iyo shaqooyinka u qabsoomay baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya labadii sano ee u dambeysay.

 Xildhibaanadaan ayaa sidoo kale waxa ay booqdeen shaybaarka Siebersdorf oo ah kan ugu weyn adduunka ee lagu horumariyo cilmiga nukliyeerka oo looga faaiideysanayo si nabad gelyo ah.

 Shaybaarkan oo ay maamusho hay’adda nukliyeerka adduunka ee IAEA, isla markaana ay hirgelintiisa ku baxday boqolaal malyuun oo dollar waxa durba lagu guuleystay cilmi baarisyo waxtar u leh aadamaha, iyada oo laga faaiideysanayo awoodda nukliyeerka.

Xildhibaanada ayaa sidoo kale booqday Saddex labaratoori ,kuwaas oo qabta shaqooyin ay kamid yihiimn:-

Xanuunka kansarka (cancer) oo la tilmaamay in lagu guleystay xakameynta iyo daawynta cudurkaasi,gaar ahaan marka uu cusub yahay.Illaa haddana mishiinka ama qalabka looga hortago cudurkaasi waxa la’ geeyey 8 waddan oo Afrikaan ah.

 2-Shaybaar qaabilsan dhinaca beeraha waxaana lagu guuleystay in geedkii ku bixi jirey 6 bilood in laga dhigo 2 bilood

Mashruucana waxa lagu tijaabiyey bariiska Thailand oo wax soosaarkiisii saddex laab kordhay sida uu mudanayaasha baarlamaanka u sheegay Agaasimaha Guud ee IAEA Rafael Mariano Grossi.

 3-Shaybaarka qalab sii sheegaya qaraxa ama sunnaamiga ka dhasha dhulgariirka, 10 daqiiqo kahor inta uusan dhicin. Qalabkaas oo mustaqbalka wax weyn ka tari doona bedqabka iyo badbaadada shacabkeena.

Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da’aya Soomaaliya iyo dalal kale

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu’ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.

Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu’ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada (OCHA)  ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da’ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da’ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.

Daadad iyo dhul go’ ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka da’ayaan guud ahaan Bariga Afrika.

 Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado.

Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan.

Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.

 Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da’ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo ka hadashay taageerada Maraykanka iyo qodobbo kale

warbixin ka soo saartay wasaaradda gaashaandhigga XFS ayaa lagu sheegay in mareykanka uu iskaashi istiraatijiyadeed oo dhinacyo badan uu la leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed oo dagaal kula jira kooxaha Khawaarijta ee ku haray deegaanno kooban oo ka mid ah dalka.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale loogu mahadceliyay maamulka Marykanka oo weli ku howlan bixinta taageerada bini’aadanimo ee loo fidinaayo dadka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka ah.

Maalgalinta Dowladda Mareykanku ku sameyneyso dhismaha ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab waxay abuurtay ciidan xoog leh oo horseed u noqday howlgalada ciidanka Xoogga ee ka dhanka ah kooxaha khawaarijta.

Qoraalkaan ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ayaa dhinaca kale lagu sheegay in shaqada laga joojiyay saraakiil ka tirsan ciidanka Danab oo la tilmaamay in ay leexsadeen qeybo kamid ah raashinkii loogu talagalay ciidankaasi,iyadoo la eegayo xaqiijinta isla xisaabtanka iyo hufnaanta saadka ciidanka.

Dowlaada Soomaaliya oo la tashi dhow la sameysay Mareykanka waxay qaadi doontaa mas’uuliyadda bixinta raashina Danab,waxaana ay hadda si dhow ula shaqeyneysaa Dowladda Mareykanka si ay ula wareegto mas’uuliyadda taakuleynta ciidanka Danab.

Dowladda Soomaaliya ayaa xilligaan xoogga saareysa la wareegidda amniga iyo taakuleynta ciidamadeeda.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Booqasho rasmi ah ku tagay dalka Tansaaniya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey caasimadda dalka Tansaaniya ee Daaru-salaam, halkaas oo xarun u ah Dallada Bulshada Bariga Afrika ee dhawaan ay ku biirtay Soomaaliya.

Madaxweynaha oo martiqaad rasmi ah ka helay Madaxweynaha Tansaaniya Marwo Samia Suluhu Hassan ayaa la yeelan doona shir ku saabsan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan Labada dal, taas oo ay ka mid tahay Dallada ay ku mideysan yihiin ee Bulshada Bariga Afrika oo dalka Tansaaniya ay ka mid ahaayeen dalalka doorka wanaagsan ka qaatay aqbalaadda codsiga Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka qeyb-geli doona sannad-guurada 60-aad ee midowga iyo qarannimada dalka Tansaaniya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa inta ay ku sugan yihiin Daaru-salaam waxa ay kulammo la qaadan doonaan Madaxda dalkaas, iyagoo kala hadli doona xiriirka soo jireenka ah ee labada dal, dardar-gelinta xubinnimada Soomaaliya ee Dallada Geeska Afrika, iskaashiga arrimaha dhaqaalaha iyo maalgashiga.

        

Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan sagootin ah la yeeshay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Kulan sagootin ah maanta Muqdisho kula qaadatay Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay Marwo Catriona Laing.

Wasiirka Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Marwo Catriona Laing oo xilka kasii dagaysa uga mahad celiyey doorka wanaagsan ee qaramada midoobey ka ciyaareyso geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Inta uu socday kulanka Wasiirka  Ergeyga ayaa la wadaagnay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay fulinta aragtideeda ku aaddan Soomaaliya xasilloon oo ammaan ah.