Taliyaha CXD oo booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil uu hoggaaminayay ayaa kormeer ku tegay xarunta Safaaradda Soomaaliya ee dalka Kenya, halkaasi  uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle iyo qaar ka mid ah diblomaasiyiinta Safaaradda.

Taliyaha iyo Safiirka ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo dadaallada dowladdu ugu jirto la dagaallanka khawaarijta.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas  ay xilli waliba  diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Xoraynta dalka iyo horumarka Soomaaliya.

Hawlgal qorsheysan oo ka dhacay gobolka Mudug ayaa lagu dilay maleshiyad ka tirsan Khawaarijta

War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri :-In ka badan 70 Khawaarij ah ayaa lagu dilay ilaa 30 kalana waa lagu dhaawacay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo saaxiibada caalamka oo laga fuliyay hawdka deegaanka Tabar-mooge oo qiyaastii 28-km Waqooyi kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Maleeshiyaadka halaagsamay waxaa lagu beegsaday saddex barood oo ku yaala deegaankaas, xogta la helay ayaa sheegeysa in ay isku aruursanayeen ilaa 150-Khawaarij ah, kuwaas oo isugu jiray maleeshiyaad ka soo firxaday hawlgalkii shalay ka dhacay deegaanka Carfuuda iyo maleeshiyaad kale oo la soo aruuriyay.

Geesiyaasha Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka ayaa wali ku raad-jooga Kontomeeyo maleeshiyaad Khawaarij ah oo isku dayay in ay dhulka hawdka ah ku baxsadaan, iyada oo sidoo kale Khawaarijtu daryeel u la’dahay maleeshiyaadka dhaawacyada daran ay ka soo gaareen hawlgalka maanta.

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Saaxiibada Caalamka iyo Geesiyaasha Shacabka Soomaaliyeed ayaa aad ugu jabiyay Khawaarijta hawlgaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay qaybo badan oo ka mid ah wadanka, waxaana ka go’an dowladda in la sii xoojiyo bartilmaameedsiga Khawaarijta ilaa dadkeenu xor ka noqonayaan cadowga ku soo duulay.

Wasiiru dowlaha wasaaradda isgaariisanta iyo teknolojiyada oo ka qeyb galay shirweynaha isku xirka isgaarsiinta Afrika

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye iyo wefdi uu hoggaaminaayo ayaa ka qeybgalay  shirweynaha  isku xirka Afrika oo lagu qabtay Magaalada Nairobi, waxaana Daahfuray Madaxweynaha Kenya H.E. Dr. William Samoei Ruto.

Shirweynaha isku xirka Afrika  waa dhacdo muhiim ah oo qaabaynaysa Mustaqbalka dhijitaalka ah ee Afrika, waxaana ka soo qeybgalay Wasiirada Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Dowladaha Afrika iyo Madaxda Wadamada qaar, Shirkadaha ICT-da ee adduunka ugu waawayn iyo Waddamada ku hor Maray Dhigital-ka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda xildhibaan Axmed Cismaan Diiriye  ayaa Shirweynaha ku soo bandhigay horumarka ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay Iskuxirka Isgaarsiinta iyo baahinta Internetka oo la geeyey tuulooyinka ka fog magaalooyinka.

Intii uu socday Shirweynaha, wasiiru dowlaha wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa kulamo doceedyo layeeshay qaar ka mid ah madaxda  Shirkadaha caalmiga ah,waxa uuna la wadaagay Dadaalada ay Dowladda Soomaaliya wado ee ku aadan horumarinta kaabayaasha  dhijitaalka, Amniga Internetka iyo hormarinta xirfadaha dhigitalka.

Shirweynahaan  waa Madal sanadle ah oo ay isugu yimaadaan khubarada isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ee Wadamada Afrika, waxaana diiradda lagu saaraa Mustaqbalka Dhijitaalka iyo Iskuxirka Wadadamada Afrika, waxaana Dowladda Soomaaliya qeyb ka tatahay  mashruuca isku xirka dhijitaalka ee gobolka bariga Afrika oo looyaqaano (𝗘𝗔-𝗥𝗗𝗜𝗣) waxa uuna xoojinayaa in Magaalooyinka lagu baahiyo Internetka si kor loogu qaado Kaabayaasha Dhaqaalaha Dalka.

   

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo u ambabaxay dalka Turkiga

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u ambabaxay dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qayb gali doono shirka Madasha Baarlamaanada ee Qudus oo looga hadlayo Xornimada iyo Madax-bannaanida Falastiin.

Shirkan oo soconaya muddo saddex maalmood ah oo ay ka soo qayb gelayaan madaxda baarlamaannada wadamada Islaamka ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha Falastiin gaar ahaan dhinacyada bini’aadnnimada.

Guddoomiyaha Gobolka oo dhagax dhigay dhismaha waddada Laamiga Via Uganda

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha waddada Laamiga Via Uganda oo ah wadada isku xirta isgoosyada Dabka iyo Dekadda Magaalada muqdisho

Munaasabaddan dhagax-dhiga waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada iyo Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Waabari iyo Xamar Jajab.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in ay sii socon doonan mashaariicda dhismaha waddooyinka Caasimadda, isaga oo sheegay in wadadaan ay muhiim u tahay isku socodka Bulshada iyo Gaadiidka badeecada ka qaada Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho.
       

Machadka Diblomaasiyadda DFS oo laga soo bandhigay sababaha keenay damaca Ethiopia

Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa shalay agaasimay muxaadaro cinwaankeedu ahaa (Sababaha keenaya damaca Itoobiya ee dhul ballaarsiga iyo farogelinteeda Soomaaliya) oo uu jeediyay Dr. Xasan Maxamed-nuur Axmadey oo aad ugu xeel-dheer cilmiga taariikhda.

Muxaadaradani ayaa waxaa madasha laga jeedinayay goob-joog ka ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, Wasiiru dowlaha Wasaaradda, Mudane Cali Maxamed Cumar, Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka, Xoghayaha Joogtada Wasaaradda, Guddiga sare ee latalinta Wasaaradda, agaasimayaasha waaxyaha, diblomaasiyiinta iyo howlwadeennada Wasaaradda.

Dr. Xasan ayaa soo bandhigay damaca guracan ee Itoobiya iyo ka been abuuriddeeda taariikhda soo jireenka ah ee Geeska Afrika, isaga oo sheegay in xukunnadii kala duwanaa ee soo maray dalkaasi ay lahaayeen hal ujeeddo oo qura oo ah wiiqidda awood dowlad dhexe oo ka hana-qaadda dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in haddii midnimo iyo wadajir ummadeed ka dhaqan-galo dalka uu xirmi doono albaabka gardarada iyo xadgudubka Itoobiya.

Wasiirka iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda oo hadallo ka kala jeediyeen muxaadarada ayaa waxa ay si wadajir ah u adkeeyeen in laga howlgalo sidii qalinka, maxkaxda iyo muruqa Soomaaliyeed u shaqayn lahaayeen si looga guul keeno siyaasad qaran oo majaxaabinaysa damaca waallan ee Itoobiya, una saldhigi lahayd “Soomaali Heshiis ah”.

Wasiir Fiqi oo xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Ergada IGAD u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa shalay oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay Madaxa Ergada IGAD u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Axmed, oo booqasho sharafeed ugu yimid.

Mudane Maxamuud waxa uu gudbiyay fariin hambalyo ah oo uu ka siday Xoghayaha Fulinta ee IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu, oo uu u soo diray Wasiir Fiqi oo ku saabsan xilka Wasiirka Arrimaha Dibadda ee loo magacaabay dhowaantan, isagoo u rajeeyay guul.

Intii lagu guda-jiray kulanka ayaa waxaa lagaga hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto hab maamuus goboleedka isku gudubka xoolaha iyo dadaalada lagu bixinayo dedejinta ansixinta cahdiga IGAD.

WAR-MURTIYEED KU SAABSAN XIRIIRKA DFS IYO DOWLAD GOBOLEEDYADA

War-murtiyeed ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u qornaa sidan:- Dowladda Federaalka Soomaaliyeed ee aan hoggaamiyo waxay ugu horreyntiiba mudnaan gaar ah siisay xiriirka wada-shaqeyn ee kala dhaxeeya dowlad goboleedyada iyadoo saldhig uga dhigaysa mabaadi’da dastuureed ee hagaysa hannaanka wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada si loo dardargeliyo fulinta ajendayaasha qaran oo ay ugu horreeyaan adkaynta amniga dalka, dhammaystirka Dastuurka Dalka oo dabranaa muddo ka badan 10 sanadood, xoojinta federaalaynta dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Nasiib wanaag, muddadii koobneyd ee aan talada Dalka hayey, Dowladda Federaalku waxay ka mirodhalisay xaqiijinta inta badan ajandeyaashii mudo inagu madlanaa inaga oo guulo ka gaarnay la-dagaalanka khawaarijta oo aan deegaano baaxad weyn ka saarnay, qaadista cunaqabateyntii hubka ee ina saarnayd in ka badan muddo 30 sano ah iyo cafinta deyntii naga hortaagneyd maalgashiga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka waxa ay horumar ka sameysay dibu-eegista lagu dhammaystirayo Dastuurka J.F.S iyada oo sameysay wadatashiga saamileyda siyaasadeed iyo si gaar ah talo aruurin dadweyne si toos ah iyo si danabeysanba (Online), welina waxa ay dowladu dhiirigelinaysaa wada-xaajoodka iyo wada-tashiga lagu dhameystirayo dastuurka dalka si shacabka Soomaaliyeed u gaaraan himillooyinka ay hiigsanayaan ee ah helidda dowlad hagaagsan oo dimoqraadi ah kana shaqeysa baraaraha muwaadinka Soomaaliga ah.

Waxaan si gaar ah hoosta uga xariiqayaa in Dawladda Federaalku dadaal farabadan ku bixisay hagaajinta xiriirka wadashaqeyn ee kala dhaxeeya dhammaan Dowlad Goboleedyada si gaar ahna Dowladda Puntland si uu noqdo xiriir sharci ah oo ku salaysan danta dadka iyo dalka, welina waxaa ka go’an Dawladda Federaalku in ay sii wado dadaal kasta oo ay ku hagaajineyso Xiriirka Dawladda Puntaland si dadka Soomaaliyeed u hantaan dawlad Soomaaliyeed oo xaqiijin karta himilooyinkooda Dawladnimo.

Hadaba, Dowladda Federaalka waxaa ka go’an sidii horeba in aysan marnaba siyaasadeynin waajibka ka saaran wadashaqeynta labada heer dowladeed ee federaalka si gaar ah arrimaha ku saabsan dhaqaalaha, horumarinta iyo la tacaalidda arrimaha bini’aadannimada iyadoo oo adkeynaysa waajibka iyo xuquuqaha dastuuriga oo ay leeyihiin Dowlad goboleedyadu.

Ugu dambeyn, anigoo gudanaya xilkeyga dastuuriga ee ah ilaalinta midnimada iyo wadajirka dalka waxaan xusuusinayaa sida uu qabo Dastuurka Dalka in dowlad goboleedyadu aysan marnaba siyaasadeynin arrimaha masiiriga ah ee dowladnimada Soomaaliyeed sida: midnimada iyo wadajir Dalka, madax-bannaanida iyo gobnimada siyaasadeed ee Dalka, amniga Dalka, iyo bedqabka muwaadinka.

Wasiirka arrimaha dibadda oo safiirka Imaaraatka kala hadlay xoojinta calaaqaadka labada wadan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Safiirka Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta, Ahmad Juma Al Rumaithi, oo uu kala hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee walaalaha ah.

Danjire Ahmad Al Rumaithi, oo ka wakiil ah Sheikh Abdullah bin Zayed Al Nahyan, Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraatka, ayaa gudbiyay fariin hambalyo ah oo uu ka siday, kuna socotay Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo uu ugu hambalyeeyay xilka, una rajeeyay inuu ku guulaysto howsha loo igmaday.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay hore-u-dhaqaajinta iskaashiga labo geesoodka, iyadoo la soo banbixinayo fursadaha iyo istiraatiijiyadaha iskaashi ee dhinac weliba leh si loo dejiyo wax wadaag xooggan, loogana guul keeno kobac iyo horumar wadajir ah.

Hay’adda qaxootiga iyo Barakacyaasha oo ka digtay fatahaado cusub

Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka ee DFS ayaa digniin ka soo saartay saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhallan kara Roobab aad u xooggan oo la filayo in 8-da maalmood ee soo socota ay ka da’aan magaalooyinka Beledweyne, Bu’aale, Garbahaarey iyo Baydhaba.