Wasiirka amniga oo Muqdisho kula shiray wasiirada amniga dowlad goboleedyada

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Abdullahi Sheikh Ismail – Fartaag, ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada dalka oo Muqdisho u jooga xoojinta wadashaqeynta Laamaha amniga.

Wasiirrada ayaa xoogga saaray sidii loo mideyn lahaa dadaallada lagu sugayo amniga dalka, dardar-gelinta ladagaallanka kooxaha Khawaarijta ah, tayeynta Booliska iyo xoojinta wadashaqeynta ku aaddan ka hortagga iyo kadaba tagga falalka dambiyada.

Wasiir Cabdullaahi Fartaag ayaa xusay muhiimadda ay amniga dalka u leedahay mideynta shaqada laamaha amniga iyo isku xirnaanta Booliska, isagoo bogaadiyey sida ay uga go’an tahay Wasiirrada Amniga ee heer dowlad-goboleed in la sii amba-qaado qorsheyaasha lagu xoojinayo Booliska Soomaaliyeed.

Shirka waxaa ka qeyb-galay Wasiirrada Amniga Dowlad-goboleedyada Jubbaland, Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.

Hawlgal lagu laayey koox Khawaarij ah oo ka dhacay Mudug. WAR-SAXAAFADEED

In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawigal milateri oo ay iska kaashadeen Clidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada calamiga ah oo laga fuliyay deegaanka Carfuuda oo qiyaastii 20km Waqooyi Bari kaga beegan magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Hawlgalka waxaa lagu beegsaday labo arumood oo kala ahaa, mid ay isku abaabulayeen maleeshiyaad Khawaarij ah iyo xarun ay ku diyaarinayeen qaraxyo.

Ciidamada Qaranka iyo saaxiibada caalamka ayaa sidoo kale ku guulaystay in ay burburiyaan dhammaan saanaddii Khawaarijta oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka iyo kuwa ay qaraxyo u diyaariyeen.

Hadafka ugu wayn ee dowladda ayaa ah in Khawaarita lagu beegsado goob kasta oo ay gabaadsadaan si dadkeena iyo dalkeena looga xoreeyo cadawga Khawaarijta.

Diblomaasiyiinta ku sugan dalka Itoobiya oo ka deyrinaya xaaladda gobolka Tigray

Addis Ababa-Diblomaasiyiinta ku sugan Itoobiya oo walaac xoogan ka muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee  gobolka Tigray markii dhawaan iska hor imaadyo rabshado wata ay ka dhaceen degmada Raya Alamata ee ku taalla Koonfurta gobolka Tigray, waxaana soo ifbaxaya cabsida laga qabo in mar kale gobolka Tigray galo colaad cusub.

Colaaddan soo noqnoqotay ayaa muujineysa sida uu Abiy Axmed ugu fashilmay hogaanka dalka Itoobiya, waxaana iska soo daba  baxaya baaqyada  ka imaanaya qaar ka mid ah safiiradda ku sugan Addis Ababa kuwaas oo walaac xoogan ka qaba colaadda kusii baaheysa deegaanada kala duwan ee dalka Itoobiya.

Safiiradda dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, ayaa  carrabka ku adkeeyay  muhiimadda ay leedahay in xukuumaado gudato waajibka kaga aaddan ilaalinta muwaadiniinta iyo nabadda guud ee dalka.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen safiiradaan ayaa ku baaqaya in xiisadda la dejiyo, lana ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday.

Safiiradu waxay tilmaameen in wada-hadal loo dhan yahay oo ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada ay khusayso inuu  yahay hannaanka kaliya ee looga hortagi karo colaadaha kusii fidiya gobolada Itoobiya.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in dad ku dhaw 29,000 oo qof ay ka barakaceen degmada Raya Alamata kuwaas oo  u qaxay magaalada Kobo ee Woqooyiga Wollo iyo magaalada Sekota ee Wag Xamra ee gobolka Amxaarada.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in tiradan ay sii kordhi karto maadaama colaaddu kusii fideyso deegaano hor leh.

Maamulka Abiy Axmed oo qaatay siyaasad ku dhisan cabsi gelin iyo handadaad  ayaa ka dhigay mustaqbalka Itoobiya mid aan la isku halleyn karin, waxaana sii badanaya dadka ka cararaya colaadda si ay u helaan meel ay ugu noolaadaan nabad.

Khubarada gobolka ayaa ka digaya natiijada ka dhalan karta colaadda ka taagan gudaha Itoobiya oo ah mid saameyn ku yeelan doonta deganaanshaha iyo nabadda  Geeska Afrika.

Amni darrada ka jirta gobolada Itoobiya ayaa sababtay in ay adkaato in loo gurmado dadka ay dhibaato soo gaaraty kuwaas oo u baahan gargaar cunto iyo biyo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Soomaaliya oo lagu soo bandhigayay sidii looga faa’iideysan lahaa fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya, iyada oo laga faa’iideysanayo fursadaha jira ee ay kamid tahay deyntii oo laga cafiyey Soomaaliya iyo ku biirista suuqa ganacsiga Bariga Afrika.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay waddan qani ah oo leh kheyraad kala duwan, sidaas awgeedna ay Xukuumadda #DanQaran dedaal ugu jirto soo jiidashada iyo dhiirigelinta maalgashiyo caalami ah oo dalka u horseeda isku filnaansho dhaqaale iyo shaqo abuur.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku dhiirigeliyey maalgashiyada gudaha iyo dibedda in ay ka faa’iideystaan fursadaha badan ee ka bannaan maalgashiga dalka, isaga oo xusay in fursadaha jira ay sii dhiirigelinayaan amniga oo soo hagaagaya iyo shuruucdii maalgashiga hagaysay oo la dhammeystiray, Tallaabooyinkaas oo damaanad siinaya maalgashadeyaasha caalamiga ah.

Shirka oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, ayaa waxaa ka soo qeyb galeen ganacsato ka socotay waddamada Bariga Afrika, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha waaweyn ee dhinaca maalgashiga ah ee ka jira Soomaaliya, kuwaas oo u baahan in lagu sameeyo maalgelin, si bulshada Soomaaliyeed ay uga faa’iideystaan.

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray xarunta howlgalka deg-degga ah ee Caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xariga ka jaray xarunta howlgalka deg-degga ah ee Caafimaadka dadweynaha gobolka Banaadir.

Xaruntaan oo laga hirgeliyay degmada Xamarweyne ayaa noqon doonta mid la socota dhaq-dhaqaaqyada xaaladaha Caafimaadka ee gobolka ka jira iyo uruurinta xogaha, sida uu sheegay Agaasimaha Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed.

Guddoomiye Madaale ayaa sheegay in xaruntaan howlgalka deg-degga ee Caafimaadka dadweynaha ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida adeegyo Caafimaad oo ay baahi u qabaan Bulshada Gobolka Banaadir.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay horumarinta adeegyada Caafimaadka, wuxuuna faray Agaasinka Caafimaadka Dowladda hoose ee Xamar in xoogga la saaro arrimaha Faya-dhowrka si loo ilaaliyo bad-qabka bulshada.

Wasiirka amniga gudaha XFS oo shir guddoomiyay wajiga labaad marshuurca horumarinta Boliiska Soomaaliya

Waiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee JFS S/Guuto C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa guddoomiyay shirka wajiga labaad ee mashruuca JPP ee horumarinta Boliiska Soomaaliyeed, kaas oo looga arrinsanayo sidii loo horumarin lahaa Boliiska.

Shirkan waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto. Sulub Axmed Firin, Wasiirrada Amniga Dowlada Goboleedyada iyo qaar ka mid ah deeq bixiyayaasha.

Ujeedka Shirkan ayaa ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa tayada iyo aqoonta Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, si ay ula falgalaan bulshada Soomaaliyeed.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahad celiyaya saaxiibada Caalamka ee marwalba garab istaaga Boliiska Soomaaliya.

Dhanka kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya S/Guuto Sulub axmed Firin ayaa ka hadlay habka loo marayo mashruuca horumarinta Boliiska Soomaaliya, kana mahad celiyay wada shqeynta wanaagsan ee saaxiibbada caalanka ee garab istaagay Boliiska Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo u ambabaxay Turkiga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa maanta u amba baxay dalka Turkiga, halkaas oo uu uga qeyb gali doono shir soconaya muddo seddex maalmood ah.

Mudane Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu wadaa in dalka Turkiga uu uga qayb galo shir ay isugu imaanayaan madaxda Baarlamaannada wadamada Islaamka, Isagoo kulammo kala duwan la qaadan doona madaxda baarlamaanka dalkaasi.

Wasiirka Difaaca XFS oo sheegay in wixii hadda ka dambeeya aan lagu soo xad gudbi doonin baddeenna

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa faafaafihin ka bixiyay heshiiska Iskaashiga Difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga oo maanta dhaqan-galay.

Wasiirka oo ka hadlayay munaasabad lagu daah-furayay dhaqan galka heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga oo lagu qabtay gudaha Markab dagaal oo ay Ankara usoo dirtay Muqdisho ayaa intaa ku daray tallaabadani ay ka dhigan tahay in wixii hadda ka dambeeya aan lagu soo xad gudbi Karin baddeenna.

Wasiir Jaamac “Waxaan rajeynaynaa hadduu Alle idmo in wixii hadda ka dambeeya aan baddeena looga baqayn, cadowga noocyadiisa kala duwan, sida burcad badeed, kuwo qashin ku shubaya, kuwo uu damac uga jira ama kuwo kalluumeysi sharci darro ah ka wado”.

Wasiirka Gaashaandhiga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in ay si dardar leh ku socdaan tababarka iyo isku dubaridka ciidamada Qaranka noocyadooda kala duwan dhowaanna ay iyagu la wareegi doonaan amniga guud ee dalka sida uu qorshuhu yahay.

ICRC: Xaalad quus ah ayaa ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya

Geneva- Hay’adda laanqayrta cas ee Caalamiga ah ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la bixiyo dadaal dheeri ah si loo caawiyo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadda ka jirta dalka Itoobiya, si ay cagahooda ugu istaagaan mar kale.

“Waa in dadka ku waayay xubno ka mid ah qoysaskooda la siiyaa  jawaabo waafiya oo lagu qanci karo”.

Sidaas waxaa tiri, Sarah Epprecht-Noetzli oo ah  Agaasimaha Ilaalinta iyo  adeegyada muhiimka ah ee hay’adda ICRC, intii ay ku guda jirtay  booqashadeeda gobolka  Tigray ee ay colaaduhu aafeeyeen.

Sarah ayaa sheegtay in ay booqatay deegaanno ka tirsan gobolka Tigray oo ay aad u saaameeyeen iska hor imaadyadii hubeysnaa ee ka dhacay gobolka, waxayna tiri “ xaaladda ka tagaan halkaan (Tigray) waa qalbi jab, gabi ahaanba wax rajo ah  kama muuqato”

Sarah ayaa intaas raacisay in ICRC ay qaadeyso tallaabbo kasta iyo wixi karaankeeda ah si loo caawiyo dadka dhibaateysan ee rayidka ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.

Qeyla dhaanta ay hay’adaha samafalka ka muujinyaan xaaladda dalka Itoobiya ayaa maalin ba maalinta ka dambeysa kasii dareysa, iyada oo dhanka kale maamulka Abiy Axmed uu ciqaab wadareed ku xukumay dadka rayidka ah iyo kuwa nugul.

Warbixinnada hay’adaha caalamiga ee dhanka xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale muujinaya  xad gudubyo ay ciidamada dowladda Itoobiya kula kaceen dadka rayidka, waxana qaar ka mid ah magaalooyinka Yurub laga dhigay mudaaharaadyo looga soo horjeedo Abiy Axmed iyo maamulkiisa.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya: Amniga Soomaaliya wuxuu la mid yahay kan Turkiga

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Amb; alper aktaş ayaa sheegay in heshiiska ay labada dowladood kala saxiixdeen dhowaan uu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis sii jira.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya “Heshiiska aan la saxiixanay Soomaaliya wuxuu caalamka tusay in xiriirka walaaltinimo uu ahaan doono mid waligiis sii jiri doona”.

Amb; alper aktaş ayaa sidoo kale sheegay in markabkaan dagaal ee yimid Soomaaliya uu qeyb ka yahay heshiiskii difaaca Badda ee Soomaaliya iyo Turkiga dhowaan wada ay galeen.

Wuxuu sheegay Safiirku in aminiga Soomaaliya uu ula mid yahay kan Turkiga, sidaa awgeedna aragtida dhanka xasilloonida labada dal ay u siman yihiin.

Mr; alper ayaa intaa ku daray in cilaaqaadka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga mid la mid ah uu caalamka aad u yahay, isagoo xusay in xiriirkaasi qotada dheer lagu gaaray dedaallada ay muujiyeen hoggaanka labada dal.