Wasaaradda Deegaanka XFS oo soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada

Wasaaradda Deegaanka XFS ayaa soo saartay warbixin ku aaddan saadaasha hawada iyo digniino ku saabsan Isbeddelka Cimilada, iyadoo saadaalisay in 27-ka bishan uu roobku wada gaari doono inta badan gobollada dalka, kuwaas oo soo billowday 20-kii bishan April.

Warbixinta ayaa sheegtay in Webiga Shabeelle uu qatar ugu jiro in uu fataho gaar ahaan degmada Jowhar oo ay ka harsan tahay kaliya 23 cm ee billowga fatahada Wabiga Shabeelle.

Waxa kale oo suurta-gal ah ayaa la lagu yiri warbixintan in ay ka dhashaan roobka daadad degmooyinka dhaca goballada Bay, Sanaag, Waqooyi Galbeed, Togdheer, Banaadir, Hiiraan iyo Gedo, kuwaas oo hakad gelin kara dhammaan isku socodka gadiidka iyo kaabayaasha nolasha guud ahaan iyadoo xaddiga roobkuna uu u dhaxeyn doono 50% ilaa 60%.

Xaddiga kuleylka ayaa isna sii ahaan doona mid u dhaxeeya 32°-39° guud ahaan Soomaaliya.

Warbixinta ayaa lagu xusay in waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaarada Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada XFS ay ku boorineyso dhamaan bulshada Soomaliyeed in ay muujiyaan taxaddar iyo feejignaan dheeri ah.

Wasiir Maxamed Bare oo qeyb-galay shirka dhiggiisa ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Bare Maxamuud iyo wefdi uu hogaaminaayo oo ay qeyb ka yihiin Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Md. Cabdiraxiin Warsame Diiriye iyo La taliye Fahad Cali Xasan ayaa magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Libya kaga qeybgalay meertada 4aad ee shirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states (CEN-SAD member states).

Shirkaan oo ay kasoo qeybgaleen Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states ayaa looga dooday dhismaha Xarun Dhallinyaro (Youth Centre) oo caalami ah oo ay yeeshaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states, xaruntaas oo tababaro iyo xirfado u sameyn doonta Dhallinyarada ka soo jeeda dalalkaas.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS Xil. Maxamed Bare Maxamuud oo khudbad ka jeediyay shirka ayaa tilmaamay muhiimadda ay dhallinyarada Soomaaliyeed u leedahay dhismaha xarun dhallinyaro oo caalami ah taas oo sare u qaada aqoontooda iyo xirfadahooda iyo sida ay uga go’antahay Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha XFS inay dhallinyarada Soomaaliyeed kaga faa’ideyso fursadaha caalamiga ah oo ay ugu horeyso xaruntaam dhallinyaro oo ay si wadajir ah u yeelanaayaan dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states.

Ugu dambeyn, Wasiirka ayaa kaga mahadceliyay shacabka iyo dowladda dalka Libya, sida quruxda badan oo ay u marti-galiyeen meertada 4aad ee shirka Wasiirrada Dhallinyarada iyo Cayaaraha dalalka ku mideysan Bulshada Sahel-Saharan states.

Wafdi ka socda wasaaradda gaashaandhigga oo Nairobi kula kulmay saraakiil Maraykan ah

Nairobi: Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xfs Mudane Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye gaas Ibraahim Shiikh Muxudiin ayaa kulan kula qaatay Magaalada Nairobi Ee dalka Kenya Saraakiil sar sare oo ka socday Wasaaradda Difaaaca Maraykanka, waxaana kulanka Qayb ka ahaa Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Soomaaliya Cabdixakiin Maxamed Yuusuf iyo xubna kale.

Kulanka ayaana diirada lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wadashaqaynta Soomaalia iyo Maraykanka, gaar ahaan dhinaca Amniga iyo sidii Dawlada Maraykanku usii laba jibaari lahayd Tageerada ay siiso Dawlada Soomaalia.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Xfs Cabdifitaax Qaasim iyo Taliyaha Ciidanka XDS S/Gaas ibraahim Sheikh Muxudiin iyo masuuliyiinta kale ayaa umahd-celiyay Saraakiisha kasocotay Dowladda Maraykanka.

     

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasada dhaqangelinta heshiiska difaaca ee Soomaaliya iyo Turkiga u dhexeeya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehelinayaan Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Danjiraha dowladda Turkiga ayaa kaga qeyb-galay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin Ciidamada Difaaca Turkiga munaasabad ku saabsan dhaqan-gelinta heshiiska iskaashiga difaaca Labada dal.

Madaxweynaha ayaa xusay taariikhda faca-weyn ee ka dhaxaysa Turkiga iyo Soomaaliya, gaar ahaan doorka wanaagsan ee ay ka qaadanayaan dowlad-dhiska, gargaarka iyo garab istaagga dadka Soomaaliyeed, iyagoo xilli adag ku soo dhiirraday in ay soo gaaraan Soomaaliya.

“Dowladda aan walaalaha nahay ee Turkiga oo heshiiskani inaga dhexeeyo waa dal iyo dad aan naqaanno, marar badan hiil inoo muujiyay. Waa waddan saaxiib iyo walaal ah oo aan ku aamini karno iskaashigan muhiimka u ah difaaca qarannimadeeenna iyo midnimadeenna dhuleed”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo mahadcelin iyo bogaadin u diray Madaxweynaha Turkiga, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyey in dhaqan-gelinta heshiiskan ay suurta gelinayso dib u soo celinta Ciidamadda Badda Soomaaliyeed oo awood u yeesha in ay kaligood sugaan difaaca badaheenna, muddo dhow kaddib, haddii Alle idmo.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh “Turkiga waxaa naga dhexeeya wax saaxiibtinimo ka weyn”

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo galabta ka hadlay Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Badda Turkiga oo ku soo xirtay Dekadda Muqdisho ayaa sheegay in dhacdadan ay Soomaaliya uga dhigan tahay horumar weyn oo bilow u ah dhaqangelinta heshiiskii ay bishii Feberury wadagaareen Turkiga iyo Soomaaliya.

Heshiiskaas oo ku saabsan in muddo 10-sano ah Turkigu ilaaliyo ammaanka xeebaha Soomaaliya, islamarkaana loo tababaro ciidamada Badda Soomaaliya ayuu madaxweyne Xasan Sheekh sheegay inuu ahmiyad weyn u leeyahay ammaanka iyo horumarka Soomaaliya.

“Dhaqangalka heshiiska aan maanta u joogno waxa uu soo yaraynayaa mudadii ay inagu qaada lahyd inaan hello ciidan Soomaaliyeed oo badeena ilaaliya” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha JFS  Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in Soomaaliya oo ku jirta marxalad ay ka soo kabanayso dagaalkii sokeeye ay wadamo badan oo saaxiibo la ah ka caawinayaan sidii loo hagaajin lahaa amniga dalka, loona xoojin lahaa hay’adaha dowladda, balse Turkigu uu Soomaaliya u sameeyey gacan qabasho weyn oo ka balaaran saaxiibtinimo.

   

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Shirkadaha Korontada Muqdisho faray in ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho faray in ay ka shaqeeyaan sidii shacabku ay u heli lahaayeen koronto qiimo jaban, awood leh la iskuna haleyn karo.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay kulan ay heshiis lagu mideynayo qaar kamid shirkadaha korontada bixiya ee Muqdisho ay gaareen ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dalka laga helo adeeg koronto oo ku filan , taas oo ay awoodi karaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedayo fursado waaweyn oo wax ka beddeli kara korontada dalka, taas oo fursad siineysa ganacstada Soomaaliyeed.

“Dawladdu waxa ay u dejisaa xeerarkaan iyo siyaasadahaan si loo abuuro nidaamka suuqa furan ee ganacsiyadu ku tartamaan tayeynta iyo baahinta adeeggooda iyo yareynta khasaaraha, kuwaas oo dhammaantood horseeda isku-filnaansho dhaqaale iyo kobaca wax soosaarka“.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in Shirkadaha Korontada ka shaqeeya ay il gaar ah ku eegaan goobaha danta guud iyo kuwa cibaadada, kuwaas oo had iyo jeer loo baahan yahay in laga helo koronto joogto ah.

Wasiirka Tamarta iyo Biyaha XFS , Cabdullaahi Bidhaan Warsame oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Wasaaraddu ay wadahadal muddo sadex bilood ah soo wadday taasna ay ku timid in heshiiskan la saxiixay eek u saabsan mideynta shirkadahan.

Heshiiska oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Tamar iyo Biyaha Xukuumadda F. Soomaaliya, ayaa waxaa kala saxiixday Banaadir Electric Company, BlueSky Energy iyo Mogadishu Supply.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ku dhowaaqay hindise lagu casriyaynayo howlaha Wasaaradda

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay iskugu yimaadaan Xoghayaha Joogtada iyo Agaasimayaasha Waaxyaha Wasaaradda oo diiradda lagu saaray isbedello istiraatiijiyadeed oo ujeedkeedu yahay hagaajinta iyo dardargelinta shaqada.

Wasiir Fiqi ayaa faray howl wadeennada fulinta qorsheyaal hiigsi leh oo dib loogu habeynayo arkiifiyada iyo adeegyada qunsuliyadeed, iyadoo ujeeddadu tahay casriyaynta iyo ka dhigidda “degital” nambar iyo tixraac leh.

Mudane Fiqi ayaa caddeeyay muhiimadda ay leedahay xiriirka labo geesoodka iyo midka dhinacyada badan, wuxuuna qeexay istiraatiiyado lagu xoojinayo xiriirada siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho, iyadoo la unkayo feylal dhammaystiran oo u samaysan hab juquraafi ah.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi ayaa ku nuux-nuuxsaday muhiimadda ay leedahay in si la hubo loo keydiyo dukumiintiyada iyo natiijooyinka ka soo baxa shirarka iyo wada hadallada dibadda si loo raad-raaco, loona fuliyo.

Wasiirka ayaa dhiirri geliyay hal-abuurka iyo wax-soo-saarka howl wadeennada wasaaradda, isagoo sheegay in ay yihiin tiirar lama-huraan ah oo lagu gaaro guulo diblamaasiyadeed, ayna xoojinayaan sumcadda Soomaaliya ee dhanka caalamka.

𝗪𝗔𝗦𝗜𝗜𝗥𝗞𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔 XFS 𝗢𝗢 𝗦𝗛𝗜𝗥 𝗟𝗔 𝗤𝗔𝗔𝗧𝗔𝗬 𝗠𝗔𝗗𝗔𝗫𝗗𝗔 𝗦𝗛𝗜𝗥𝗞𝗔𝗗𝗔𝗛𝗔 𝗜𝗦𝗚𝗔𝗔𝗥𝗦𝗜𝗜𝗡𝗧𝗔

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Aadan Macallin (Maxamed Soomaali) ayaa maanta kulan la yeeshay Madaxda Shirkadaha Isgaarsiinta Dalka, waxaana looga wada hadlay xoojinta iyo xiriirka Wadashaqeynta ee ka dhaxeeyso Wasaaradda iyo Shirkadaha Isgaarsiinta.

Sidoo kale Shirkan waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq iyo qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Maxamed Soomaali ayaa bogaadiyey Shaqada ay Shirkaddaha Isgaarsiinta u hayaan Bulshada Soomalaaliyeed iyo sida ay hanti badan ugaliyeen dalka iyaga oo qeyb weyn ka ah kobaca dhaqaalaha dalka.

“Sida aan la socono adduunka Shirkaddaha dal kasta leeyahay waa lagu faanaa, Wasaaradda waxa ay u shaqeysaa ganacsatada Soomaaliyeed, waxaad u baahan tihiin in la xoojiyo shuruucdii la idinku difaaci lahaa oo diyaar ah, duruufaha aad ku shaqeysaan waa fahmayaa, waxaana rajeenayaa in tartanka Shirkaddaha uu noqdo mid hufan oo dan u ah bulshada Soomaaliyeed”.

Madaxda shirkadaha isgaarsiinta ayaa dhankooda ka mahad celiyey kulanka gaar ah ee ay la yeesheen Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada, waxayna ballan qaadeen in ay si dhow u wada shaqeyn doonaan.

SoDMA oo gargaar gaarsiisay deegaanka Masaggawaay ee gobolka Galgaduud

Dhuusamareeb- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka SoDMA ayaa 1,300 oo qoys oo ku dhaqan degaanka Masaggawaay ee gobolka Galgaduud u qeybisay gargaar  kala duwan.

Gargarkaan ayaa iskugu jiray qaybaha kala duwan ee raashinka, iyadoo qoysaskii la gaarsiiyay iyo maamulka degaanka ay u mahad ceilyeen Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ee SoDMA.

Hay’adda SoDMA ayaa dhowr jeer gaarsiisay degaannada dhowaan laga xoreeyay khawaarijta gargaar kala duwan, iyadoo dowladda federaalkuna ay halkaasi ka waddo soo celinta dhammaan adeegyadii bulshada oo ay horay u cuuryaamiyeen Khawaarijta arxanka daran.

Madaxweynaha Hirshabeelle oo xarigga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay Balcad

Balcad- Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) iyo wafdi uu hoggaaminaya ayaa maanta gaaray degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Madaxweynaha ayaa xarigga ka jaray garoonka kubbadda cagta ee Dr. Ayuub Jeenyo oo si casri loo dhisay iyo mashaariic kale oo laga hirgaeliyay gudaha degmadaas.

Socdaalka madaxweyne Cali Guudlaawe uu ku tagay degmada Balcad waxaa ku wehlinaya Xildhibaan Cusmaan Xaadoolle oo ka tirsan golaha shacabka BFS, xubno  katirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Hirshabeelle iyo masuuliyiin kale.