Soomaaliya iyo Kuwait oo iska kaashanaya tababarka Diblomaasiyadda

Agaasimaha Machadka Diblomaasiyadda ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, Mudane Danjire Cabdulqaadir Amiin Sheekh ayaa Xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda dalka Kuwait kula kulmay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mac-hadka Saud Nasser Al-Sabah ee Diblomaasiyadda Mudane Danjire Nasser Subiix Al-Sabiix.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga barnaamijyada tababarrada si kor loogu qaado khibradda iyo aqoonta dublamaasiyiinta iyo fududaynta hindisayaasha aqoon isweydaarsiga si loo ballaariyo aragtida dhinaca

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo dagaallada sokeeye ee ka socda qaybo ka mid ah dalka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS ayaa baaq nabadeed u dirtay beelaha walaalaha ah ee ay dirirtu ku dhexmartay qaybo ka mid ah dalka.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in hadafka dowladda uu yahay horumarinta dedaallada nabadeynta iyo heshiisiinta beelaha Soomaaliyeed, balse ay waajib tahay in loo midoobo la dagaallanka Khawaarijta maaddaama ay argagixisadu tahay kuwo naaxiya dagaallada sokeeye.

Markab dagaal oo laga leeyahay Turkiga oo soo gaaray dekedda Muqdisho

Markabkii ugu horeeyay ee nooca dagaalka ah lagana leeyahay dalka Turkigu ayaa maanta kusoo xirtay dekeda magaalada Muqdisho, iyadoo lagu wada munaasabad heerkeedu sarreeyo oo ay ka qeyb-galaayaan madaxda Qaranka in ay ka dhacdo dekedda Muqdisho.

Tan ayaa ah billowga dhaqangalka heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee ku saleysnaa ilaalinta xeebaha Soomaaliya, kaas oo mudadiisu tahay 10 sano.

Heshiiska labada dal ayaa ah mid taageeraya horumarinta dhaqaalaha baluugga, kobcinta wax soo saarka kalluunka, dhisida kaabayaasha dhaqaalaha, ilaalinta khayraadka badda, la dagaallanka argagaxisada iyo ka hor tagga  wax kasta oo sharci darro ah oo la mariyo xeebaha Soomaaliya, waxa uuna Soomaaliya gaarsiin doonaa in ay dhisato  Ciidan Badeed oo ku filnaada  difaaca baddeenna.

SOOMAALI SOOMAALIYA BAA LEH

SAREEDO HADDEY KU WAARTO, HADDII SILIC IYO DHIB GAARO SAMAANTEED IYO XUMAANTEED SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH      

Marka la leeyahay Soomaaliya soomaali baa leh ilaa maalintii soomaalidu soo bilaabeen halganka 1943-kii bishii May 15keedii waxaa jiray halgamayaal u taagan magaca soomaalida iyo kuwo hore ugu geeriyooday oo ay ku jiraan Axmed Guray iyo Sayid Maxamed Cabdulle Xasan .

Kuma koobneyn kuwaas oo keliya ee waxay hoggaan u ahaayeen ummadda soomaaliyeed ee xorriyadda jecel waxayna soo gaarsiiyeenin la helo calan soomaaliyeed .

Intii ay ku jireen halganka waxaa dhabarjebin iyo xagal daacin ku waday kuwo sheegta

magaca soomaalida oo u shaqeeya gumeystaha kiisa cadiyo kiisa madowba.

Waxaa kale oo jiray kuwo kale oo Iyana doonayey in dalka keenaan diimo kala duwan si ay u kala tuuraan caqiidada mideysan ee soomaaliyeed waxayna meelaha qaar ka dhiseen kaniisado ti ugu ballaareydna ay ku taalay Muqdisho .

Arrintaasi ma suurtaglin waxaana ka hortagay shacabka soomaaliyeed  iyadoo soomaalidu u soo mareen arrintaas halgan dheer iyo dhibaato.

Iyadoo la ogyahay dhibta badan ee loo maray halganka xorriyadda ayey hadana maanta jiraan kuwo ka horjeeda midnimada iyo dowlad awood leh oo ka hanoqaada gayiga soomaaliyeed .

Dalka iyo dadkaba waxay halgan ugu jiraan ka soo kabashada burburkii dagaaladii sokeeye hadana waxaa jira gobolo ku gorgortamaya in aan la gaarin heshiis iyo midnimo soomaaliyeed ,

Waxaad ogaataa boqol calan haddii la sameeyo soomaalidu waa soomaali waana mid qura waana barkuma taal in uu baaba’o magaceeda .

Soomaaliya Soomaali baa leh , damaca goonni u goosadka iyo baabi’inta midnimada ma shaqeynayaan waana wax aan ka suurtagal aheyn ummadda isku diinta iyo isku asalka ah ee soomaalida.

Soomaalida kuma kala go’I karto magacyo dad ay rabitaankooda ku saleeyeen iyo calamo , qof walbana waxaa deeqa calanka buluugga ah.

W/Q: Abwaan Gabayre

 

MADAXWEYNE XASAN SH.“CID AWOOD U LEH IN AY BIXISO CAD KA MID AH DALKA SOOMAALIYA MA JIRTO” (WARBIXIN)

Heshiiskii is-afgarad ay dhexmaray Dowladda Ethiopia iyo Somaliland ee Jannaayo 1, 2024 lagu gaaray magaaladda Adis Ababa, waa waxba kama jiraan aan laheyn saldhig sharciyadeed, maadaama uu ka hor imaanayo Dastuurka Dalka, Shuruucada Caalamiga ah oo ay ka mid yihiin Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afriga iyo Xeerka lagu aasaasay Urur Goboleedka IGAD, iyo Qaraarrada Caalamiga ah ee Golaha Ammaanka oo xeerinaya madaxbannaanida Dalka, iyo Xeerka Maalgeshiga Shisheeye Soomaaliya iyo shuruucda kale ee dalka u degsan.

Warka ka soo baxay Addis-ababa ayaa lagu sheegay in lagu siinaayo qeyb ka mid ah Badda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku yaalla Gobalada Waqooyi ee Soomaaliya, sidaasi awgeed ayaa waxaa magaalada Muqisho ka dhacay kulamo aan caadi aheyn.

Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa isugu yeeray Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud sida ku cad dastuurka dalka, waxaana kulanka shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo uu wehlinayay Guddoomiyaha Aqalka Sare Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ku-xigeennada Labada Aqal ee BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyay kulanka Labada Aqal  ayaa sheegay in ajandaha kulanka uu yahay moowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka taagan tahay ilaalinta midnimadeed dhuleed iyo ka dooddida masiirka dalka, Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa sheegay wixii Addis Abbaba ka dhacay ay ka soo horjeedo qaanuunka caalamiga ah, xeerarka Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Jaamacadda Carabta iyo xeerka Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo hadal ka jeediyay kulankaasi ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay ilaaliso midnimada Soomaaliya aysan marnaba ku soo xadgudbin xuduuda iyo qaanuunka u yaala dalalka aduunka, Urur Gboleedka IGAD iyo Midowga Afrika, isagoona sheegay in taako ka mid dhulka Soomaaliya aan la bixin karin.

“Cid awood u leh in ay bixiso cad ka mid ah dalka Soomaaliya ma jirto. Awooweyaasheen baa diiday, Aabeyaasheen baa diiday, hooyooyinkeen baa diiday, annagaana intaan nooleyn diidnay. Sina suurta gal kuma ahan inta yarta ah ee Soomaaliyada aan maanta haysanno oo aan waliba hoosta ka qabno inbadan aa naga maqan oo anan ahayn in ay naga maqnaato, haddana aan ku ballanay in aan intaan horumarsanno, nabadeyno, dadka ku nool iyo deegaannadeen aan qurxisanno aan ku balannay, maanta in cad ka mid ah uu baxo ma ogala dadka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay joogaan”, sidaasina waxaa yiri M૚weyne Xasan Sh. Maxamuud oo ay ka muuqatay cirada uu ka qaaday arrintaasi.

Ra’iisul-Wasaaraha XFS Xamsa Cabdi Barre oo kulan aan caadi ahyen isugu yeeray Golaha Wasiirada ayaa isna sidaani yiri:- “Taako ka mid ah Dhulkeenna, Baddeenna iyo Hawadeenna laguma soo xad-gudbi karo, waana difaaceynaa, “

Dhanka kale hadal-jeedinta Madaxweynaha ka dib Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dood ka yeeshay, heshiis ku sheega dhexmaray Madaxweynaha Soomaaliland iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia, Xildhibaannada labada Aqal ayaa sheegay in marnaba la aqbali doonin, iyadoona Baarlamaanka uu soo saaray Xeer ku saabsan burinta is afgarad beenaadka dhawaan lagu gaaray Addis Abbaba, kaas oo ay si wadajir u saxiixeen Soomaaliland iyo Maamulka Abiy Ahmed, waxayne cadeeyeen in lama taabtaan tahay biyaha iyo dhulka Soomaaliya, lana ilaaliyo nidaamka dunida u degsan iyo kan Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD iyo kan Soomaaliya. Baarlamaanka labadiis Aqal ayaa si wadajir ah u ansixiyay xeerka uu soo saaray Baarlamaanka JFS.

Qaar ka mid ah xildhibaannada ka soo jeeda Gobolada Waqooyiga Soomaaliya ayaa cambaareeyay damaca Itoobiya, Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo aad u xanaaqsanaa oo kulankaasi ka hadlay ayaa  yiri:-“Badda Soomaaliya ma ahan neef Ari ah oo qof suuq geysan karo”. Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay weligeed ku taameysay in ay hesho dhul kale oo ay Soomaaliya leedahay, gaar ahaan badaheenna, wuxuuna cod dheer ku sheegay in aysan badda Soomaaliya ahayn neef xoolo ah oo uu qof suuqa geysanayo balse baddeennu intaasi ay ka culus tahay.

Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed oo isna ka hadlay heshiis ku sheegga dhex maray Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ayaa sheegay Muuse dadka reer Soomaaliland uu ku wado haadaan, jarna ka ridayo , isla markaana uu baabi’inayo wixii ay soddonka sano ku tabcayeen, “ Soomaaliyeey Muuse waa kaa”, ayuu sii raaciyay.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo ka soo jeeda gobolada Waqooyi Xil, Biixi Iimaan Cige ayaa si weyn u soo dhoweeyay qaraarkii ay soo saartay Xukuummadda iyo xeerka labada gole ee BJFS, kaasi oo wax kama jiraan ka dhigay heshiis beenaadkii Itoobiya iyo Muuse Biixi, wuxuuna intaa ku daray in aysan Soomaaliya aqbalayn in ciddi ka mid ah dhulkeeda in la qaato, wuxuuna faray bulshada Soomaaliyeed in si weyn looga dhiidhiyo loona midoobo difaaca dalka.

Madaxweynihii hore ee Galmudug ahna u qaabilsanaha Madaxweyanaha JFS ee dhinaca wadahadalada Soomaaliya iyo Soomaaliland mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aad u caraysan kana xun waxa ay sameysay Itoobiya iyo maamul goboleedka Somaliland ayaa waxa uu ka yiri arrintaasi.

“Waxa ay dowladda Itoobiya ku dhaqaaqday waa fal ka soo horjeeda kana baxsan dhammaan xeerarka iyo shuruucda Aduunka. Xadgudubna ku ah midnimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya. Waana mid lagu fashilinayo wadahada iyo midnimadii dalka ee guusheedu soo dhawaatay. Dowladda Soomaaliyeedna go,aano cad cad ayey si deg deg oga soo saari doonta. Shacabka Soomaaliyeedna waxaa laga doonayaa in ay dowladooda garab istaagan, una midoobaan difaaca dalkooda iyo dadkooda”.

Xildhibaan Caana-nuuga ayaa isna sidaani yiri:- “Maanta ma jirto Mucaarad iyo Muxaafad Aan midowno Difaaca Badeena.

Caalamka ayaa durba bilaabay inay ka hadlaan arrintaasi ayaa Ururka Midowga Yurub oo ka hadlay Xadgudubka dowladda Itoobiya ayaa  garab istaag u muujiyay Dowladda Soomaaliya. War qoraal ah oo ka soo baxay  Midowga Yurub ayaa lagu yiri: “Waxaa lagu wargalinayaa muhiimadda ay leedahay in la ixtiraamo midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo la raacayo dastuurka u yaalla Soomaaliya, Axdiga Midowga Afrika iyo kan Qaramada Midoobay, Tani waxay fure u tahay nabadda iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika oo dhan.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa durba la wadaagay arrinani cusub qaar ka mid ah Wadamada aannu walaalaha nahay, Ururada Caalamiga ah iyo kuwa ay aan saaxiibada nahay ayuu khadka telefoonka kula hadlay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al-Thani, labada masuul ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo kan gobolka, iyagoo isla soo qaaday sidii loo sii horumarin lahaa xiriirka soo jireenka ee labada dal.

Madaxweynuhu waxaa kaloo khadka Taleefanka ay ku wada xiriireen dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, iyagoo ka wada hadlay xaaladda gobolka iyo danaha ay wadajrka u wadaagaan Labada shacab ee walaalaha ah. Labada Madaxweyne ayaa kawada hadlay xoojinta iskaashiga taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Masar, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo caqabadaha wadajirka ah ee gobolka.

“Damac kasta oo ajnabigu innagu weeraro waxaa ka dhalan doona midnimo Soomaaliyeed oo hor leh”, sidaasina waxaa yiri Mowaadin Soomaaliyeed oo cabiraya fikirkiisa, “ Ilaaheeyba Bad ma siinine sidee Muusoow ku siisay”, erayadaasina waxaa tiri Muwaadinad Soomaaliyeed ku nool magaalada Hargeysa.

Mabda’ ahaan madaxda Soomaaliya wey isku raaceen in wixii Addis-Ababa kadhacay laga horyimaado sharcidarana uu ahaa heshiiskaas, lagana tilaabo qaado. Waxaa hadda la sugayaa shaacinta warkaasi iyo waxa xigi doona ficil ahaan.

 

SALAADA IYO CAAFIMAADKA AADANAHA! (QEYBTA 1-AAD)

Waxa aan shaki ku jirin in diinta islaamku ay tahay mid wadata mucjisooyin iyo wax badan oo mudan cibra-qaadasho, waxaan jeclahay in aan halkan kaga hadlo qaar ka mid ah mucjisooyinka, taas oo ah Salaadda iyo xiriirka qotoda dheer ee kala dhexeeya caafimaadka.

Salaadu waxay kala saartaa nolosha qofka tukada, iyo midka aan tukan, ruuxa salaadda ooga naftiisa waxay dareentaa raaxo, nasiino, xasilooni iyo daganaan, taasoo laga dareemi karo jirkiisa, waayo intaas aan soo sheegnay waxay kaalin ku leeyihiin ruuxa caafimaadkiisa,

haddii qofku uu salaadda ku dadaalo wuxuu dareemayaa caafimaad dhan walba ah haddii ay noqon laheyd nafsiyan iyo jir ahaanba, qofka salaadda tukada waxaa ka yaraanaya walwalka iyo walbahaarka iyadoo dhanka kale ruuxa aan salaadda oogin uu ku badanyahay walawalka iyo walbahaarka taasoo dabcan saameyn ku leh caafimaadka ruuxa.

Ruuxa tukada wakhtiga loogu talagalay saladaha shanta ah, wuxuu helayaa faa’iido adduun iyo aakhiraba ah,taasoo ugu horreyso inuu ku jiro maganta Allah SW,

waxaana loo sahlayaa oo loo uruurinayaa amuurihiisa, waana siismo weyn oo xag Alle ka ahaatay mar haddii Alle SW magantiisa gasho arrimahaagana laguu fudeediyo, mana jirto cid maganta Alle kuu dhaafi karto ee lasoco,

sidoo kale, caafimaadka ayaa ka mid ah nimcooyinka waaweyn ee Alle SW uu bixiyo waxaana lagu helaa baryada Alle iyo salaadda oo la ilaaliyo.

Nabi muxamed (SCW), wuxuu tilmaamay qofka tukada oo ilaaliya shanta salaadod inuu la mid yahay qof maalinki shan jeer qabaysta, taas oo macneheedu yahay mayrid maskaxeed iyo mid jireedba, gaar ahan labada qaybood ee jirku ka kooban yahay “anatomical and physiological”.

Qaybta hore ee dhismaha jirka “anatomical”  waxa an kusoo ururin karnaa in waysadu tusale u tahay, taas oo malinka qiyaame nabi Muxamed (SCW) inooga waramay inay ka muuqan doonto umadiisa, isla markaana nuur ama iftiin ka bixi doono xubnihi qofka muslimka ahi uu marin jiray waysada.

Qaybta labaad oo ah tan khusaysa mawduucan ee shaqo ahaaneed“physiological” waxa ay qayb muhiima ka qaadata caafimadka qofka ooga salaada, isla markaana galisa fir-fircooni maskaxeed iyadoo ay ka qayb qaadanayso inta ugu badan dheecaamo “hormones” uu soo dayo jirka aadamuhu  wakhtiyo gaar ah,

haddi wakhtiga ugu haboon laga shaqaysin waayo walxahaa uu soo daynayo hab dhiska dheecanku “endocrine system” gaar ahaan qanjirada “glands” ku jira hab dhiska kan, oo uu ugu muhiimsanyahay qanjidhka loo yaqaano “pineal gland” ama qolada caafimadku ugu yeeraan isha saddexaad ee aadamaha “third eye” waxaana ku iman karta jirka kala dhinaansho shaqo ahaaneed.

La soco qeybta xigta

WD: Ibrahim Warsame

 

QISO KU SAABSAN ABUURKII UMMUNAA XAAWA CS (QEYBTA 2-AAD)

Sidee ayay ku ogaatay Malaa’igtu in Ibna Binu’Aadan dhulka fasahaadin doonaan? Malaaigtu waxay ku garatay arrinkaa wakhtigii hore dhulka waxa ku noolaan jiray jin, kuwaas oo fasahaadiyay dhulkii sida taariikhyanada badhkood sheegayaan Malaa’igtii way gubtay.

Dadka qaarkood waxay sheegeen arrintaasi Nebi Aadan ayay ka horaysay qaarna waxay yiraahdaan waxay ka horaysay boqol kun oo sanno hadalkaasina waa hadalkii Jira, inkasta oo aanu sugnayn.

Sujuudii Malaa’igtu Aadan u sujuudeen waxay ahayd sujuud salaamed iyo sharafeed ee may ahayn sujuudi cibaadada, taas oo ay ahayn jireen sujuuda uu u sujuudo makhluuq cid kale mid banaan sharciyadii inaga horeeyay dabadeed illaahay xaarantimeeyay kuna xaarantimeeyay sharcigeena islaamka.

Degidii Aadan iyo Xaawa ay degeen Jannada:- Illaahay waxa uu faray Nebi Aadan (CS) iyo gabadhiisi Xaawa in ay degaan Jannada, jannadaas oo ah mid lagu waarayo ayna geli doonaan muuminiintu.

Illaahay waxa uu u fasaxay Aadan iyo xaawa in ay ku negaadana Jannada iyaga oo ka cunaaya miraheeda, cabaaya biyaheeda iyaga oo aanay ku dhibtoon daalna aanay ku mudan, iyaga oo helaaya wax kasta oo ay doonaan cunto, cabid geed kaliya mooyaane, geedkaas oo illaahay xaaran ka dhigay una diiday in ay cunaan. Waanu uga digay illaahay cadaawada Iblays.

Qur’aarkana kuma jirto Axaadiista rasuulka (CSW) ee sugana laguma hayo nooca uu yahay geedkani, laakiin culimadu way isku khilaafeen oo qaar waxay yiraahdeen waa geedka la yiraah: Xanda, qaarkoodna waxayba yiraahdeen waaba Tufaaxa, halka qaar kalena dhaheen waa Timirta, qaar kalena waxay sheegeen waa geedka Qumbaha. Laakiin wuu noqon karaa intan oo geed mid ka mid ah  waana khilaaf iska yar, xukunkeeduna maaha in la sheego geedka, wax faa’iido ah oo ku jirta sheegidiisuna ma jirto haddii ay jiri lahaydna illaahay ayaa qur’aanka inoogu sheegi lahaa.

Xaawa iyo Aadan waxay iska degenaayeen jannada iyaga oo iskaga raaxaysanaaya wixii nimcooyin ahaa ee illaahay siiyay iyaga oo dhex maraaya dhirtaa goosanayana mirahooga, cabaaya biyaha macaan. Illaahay (SW) waxa uu yiri “Waxa aanu ku niri Aadan deg adiga iyo ooridaadu Jannada ka cuna meesha aad doontaan ha una dhowaanina geedkaa waxa aad noqon doontaan Daalimiine” Suuratul Al Baqra 35.

Sababtii looga soo saaray jannada:- Aadan ayaa khilaafay wixii illaahay u diiday shaydaankii ayaana waswaas ku riday asiga iyo xaawa.

Shaydaankii ayaa waswaasiyay Xaawa iyo Aadan waxaanu ku yiri la idinkuma diidin geedka ee haddii aad cuntaan waxa aad noqonaysaan laba Malag adduunyadana waad ku waaraysaan. Shaydaankii wuu u dhaartay waxaanu ku yiri anigu waan idinla talinayaa talo wanaagsan ayaana idin siinayaa waanu khiyaameeyay.

Markii ay dhadhamiyeen geedkii waxaaba u muuqatay cawradoodi waxayna bilaabeen in geedka caleemahoodi ku qariyaan cawradooda.

Illaahay ayaa u dhawaaqay oo ku yiri: “Miyaanan idin diidin geedkaa oona idin oran shaydaanku waa cadowgiina cadaystay cadaawada” Suuratul Caraa 22.

WD: Ibraahim Warsame

 

QISADII NABI AADAM CS (QEYBTA 3-AAD)

Cabashadii Nebi Aadan iyo Muuse:- Waxay weriyeen Bukhaari iyo Muslimba in uu Abu HJurreera (RC) soo weriyay in uu rasuulku (CSW) yidhi:- ( Nebi Muuse ayaa ka cawday Nebi Aadan oo waxa uu ku yidhi adigu kii denbigaaga nooga soo saaray jannada ayaad tahay, Nebi Aadanna waxa uu ugu jawaabay oo adigu rasuulkii illaahay doortay miyaanad ahayn ee uu u doortay risaaladiisi iyo hadalkiisi, oo ma waxaad igu canaananaysaa wuxuu illaahay qoray intaanu i abuurin ka hor)

Sidoo kale Axmed Musnadkiisa waxa ku jira in uu nebi Muuse ku yiri Aadan (Adigu waxaad tahay aabahayagii na khiyaameeyay oo waxa naga soo saartay jannadii, ka dibna Nebi Aadan ugu jawaabay Illaahay sooka adiga ku doortay ee kuu doortay hadalkiisa, oo ma waxaad igu canaananaysaa arrin illaahay qoray aniga hortay intaanu i abuurin afartan sanno) Wuxuu xujeeyay Aadan Muuse, Muusane waxa uu xujeeyay Aadan.

Sidoo kale Abu Daa’uud waxa uu isna ka soo weriyay Cumar Binu Khadaab in uu yiri Rasuulkii illaahay ayaa yidhi: Muuse waxa uu yiri: (Illaahayow i tus Aadan, Aadankii isaga iyo anagaba jannadda inaga soo saaray, dabadeedna illaahay ayaa tusay, waxaana uu ku yiri:

Adigu waxaad tahay aabahayo, Aadanna waxa uu ku yiri waa runtaa, wuxuu yidhi Muuse adiga ayuu illaahay kugu afuufay ruux kuna baray magacyadiisi malaa’iigtii kalena uu faray in ay kuu sujuudaan, wayna ku wada sujuudeen, waxa uu ku yidhi waa runtaa, wuxuu yidhi Nebi Muuse oo maxaa kugu kalifay in aad naftaada iyo anagaba jannada naga soo saartid. Aadan ayaa ku yidhi adigu yaad tahay?

Wuxuu yiri anigu waxa aan ahay muuse, ka dibna Aadan wuxuu ku yidhi adigu waxaad tahay Nebigii illaahay reer binu israa’iil illaahay u soo diray ee illaahay la hadlay isagoo illaahay iyo adiga aanay cidi u kala dhexeen wax rasuul ahi, wuxuu yiri muuse waa runtaa.

Wuxuu yiri Nebi Aadan oo miyaanad ogayn in ay ku taalay kitaabka illaahay intaanu illaahay aniga i abuurin, wuxuu ku yidhi waa runtaa, Aadan wuxuu yiri oo hadaa maxaad iigu canaanan wax qadarka illaahay hortay sii jiray, wuu xujeeyay Aadan muuse, muusena wuxuu xujeeyay Aadan).

Xadiiskani waxa uu radinayaa dadka diidaya qadarka illaahay, qofka diida qadarka illaahay qofkaasi waa qof canaad ah, axaadiistan aanu soo bandhignayna waa axaadiis badan oo is xoojinaysa.

Waxaad xustaa markii uu illaahay soo saaray arwaaxdii tafiirtii Nebi Aadan ee dhabarkiisa ku jirtay kana qaaday balan.

Illaahay waxa uu ballan ka qaaday reer bini Aadan iyagoo ku sugan togoogii aabahood nebi adam maalintii carafe. Illaahay waxa uu yidhi (SW) “Waxaad xustaa markii uu illaahay balanta ka qaaday reer bini Aadan iyaga oo ku jira dhabarkooga markhaati geliyayna nafahooga, illaahay waxa uu ku yidhi miyaanan ahayn rebigiin, waxay yidhaahdeen waad tahay, si aydaan u odhan dharaarta qiyaame waxa aanu ahayn qaar moogan.

Amba aanad odhan waxa shariig yeelay aabayaashadii naga horeeyay anaguna waxaanu ahayn tafiirtoodi ka dambaysay, ma waxa aydun nagu halaagi waxay sameeyeen kuwa baadil falayaashu” Suuratul Ca’raaf 172-173}

Waxa ku sugan iimaamu Axmed Musnadkiisa in uu anis binu maalik illaahay raali ha ka noqdee uu ka soo weriyay Nebiga (CSW) in uu yidhi:

(Nin Ehlu naarka ka mid ah ayaa waxa lagu oranayaa maalinta qiyaame haddii aad dhulka wax ku lahaan lahayd miyaad isku furan lahayd? Kaas oo odhanaya haa, waxa lagu odhanaya waxa lagaa doonay wax taa ka fudud oo waxa lagaa qaaday balan adiga oo ku sugan dhabarkii aabaha Aadan in aanad illaahay u shariig yeelin waxba, waad diiday waxna waad la shariik yeeshay).

Xadiiskani waxa uu inoo tilmaamayaa in reer binu Aadan uu illaahay balan ka qaaday intii ay ku jireen dhabarkii aabahood Aadan, kuna markhaati geliyay nafahooga.

 

WD: Ibrahim Warsame

Wasiir Xoosh oo kulamo kala duwan la yeeshay madaxweynayaasha DG Galmudug, KG iyo Hirshabeelle

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta  caasimadda Muqdisho kulammo salaan iyo isxogwareysi ah kula qaatay qaar ka tirsan Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada Soomaaliyeed.

Wasiir Xoosha ayaa booqasho ugu tagay Madaxweynayaasha Maamul Gobaleedyada; Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

May be an image of 2 people, dais and newsroom
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed

Kulanka Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Xoosh) iyo madaxda Dowlad Gobaleedyada; Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle daarnaa wadashaqeynta labada dhinac, hortabinnada iyo qaar kale.

May be an image of 2 people and newsroom
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabeelle

Madaxweynayaasha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa magaalada muqdisho soo gaaray maalmo ka hor, inta caasimadda ku sugan yihiin waxaa lagu wadaa in ay kulamo la yeeshaan qaar ka mid ah madaxda dalka.

Diblomaasiyiinta ku sugan Itoobiya oo walaac ka muujiyay xaaladda sii xumaaneysa ee gobolka Tigray

Ka dib markii dhawaan iska hor imaadyo rabshado wata ay ka dhaceen degmada Raya Alamata, ee ku taal Koonfurta Tigray, ayaa waxaa soo ifbaxaya  cabsida laga qabo in mar kale gobolka Tigray galo colaad cusub.

Colaaddaan soo noqnoqotay ayaa muujineysa sida uu Abiy Axmed ugu fashilmay hogaanka dalka Itoobiya, waxaana iska soo daba  baxaya baaqyada  ka imaanaya qaar ka mid ah safiiradda ku sugan Addis Ababa kuwaas oo walaac xoogan ka qaba colaadda kusii baaheysa deegaanada kala duwan ee dalka Itoobiya.

Safiiradda dalalka Canada, France, Germany, Italy, Japan, UK iyo Mareykanka ee fadhigoodu yahay Addis Ababa, ayaa  carrabka ku adkeeyay  muhiimadda ay leedahay in xukuumaado gudato waajibka kaga aaddan ilaalinta muwaadiniinta iyo nabadda guud ee dalka.

War-murtiyeed wadajir ah oo ay soo saareen safiiradaan ayaa ku baaqaya in xiisadda la dejiyo, lana ilaaliyo dadka rayidka ah ee ku nool deegaannada ay dhibaatadu ka dhacday. Safiirada waxa ay tilmaameen in wada-hadal loo dhan yahay oo ka qeyb galaan dhammaan dhinacyada ay khusayso inuu  yahay hannaanka kaliya ee looga hortagi karo colaadaha kusii fidiya gobolada Itoobiya.

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in dad ku dhaw 29,000 oo qof ay ka barakaceen degmada Raya Alamata kuwaas oo  u qaxay magaalada Kobo ee Woqooyiga Wollo iyo magaalada Sekota ee Wag Xamra ee gobolka Amxaarada.

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa ka digaysa in tiradan ay sii kordhi karto maadaama colaaddu kusii fideyso deegaano hor leh.

Maamulka Abiy Axmed oo qaatay siyaasad ku dhisan cabsi gelin iyo handadaad  ayaa ka dhigay mustaqbalka Itoobiya mid aan la isku halleyn karin, waxaana sii badanaya dadka ka cararaya colaadda si ay u helaan meel ay ugu noolaadaan nabad.

Khubarada gobolka ayaa ka digaya natiijada ka dhalan karta colaadda ka taagan gudaha Itoobiya oo ah mid saameyn ku yeelan doonta deganaanshaha iyo nabadda  Geeska Afrika.

Amni darrada ka jirta gobolada Itoobiya ayaa sababtay in ay adkaato in loo gurmado dadka ay dhibaato soo gaaraty kuwaas oo u baahan gargaar cunto iyo biyo, sida ay sheegeen qaar ka mid ah hay’adaha samafalka.