Wasiirka isgaarsiinta XFS oo kulan la qaatay hoggaanka Hay’adda isgaarsiinta Qaranka

Wasiirka  Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin ayaa maanta xarunta Wasaaradda kulan Isbarasho iyo xog-wareysi kula yeeshay Hoggaanka Hay’adda Isgaarsiinta Qarnaka.

Maareeyaha guud ee Hey’adda Isgaaraiinta Qaranka 𝗠𝗱. 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮 𝗬𝗮𝗮𝘀𝗶𝗻 𝗦𝗵𝗶𝗶𝗸𝗵 iyo Maareeye ku-xigeenka Md. 𝗔𝘅𝗺𝗲𝗱 𝗖𝗮𝗹𝗶 𝗦𝗮𝗹𝗮𝗮𝗱 ayaa Wasiirka Warbixin guud ka siiyey howlaha shaqo ee ka socda Hey’adda.

Maareeye 𝗠𝘂𝘀𝘁𝗮𝗳𝗮  ayaa sheegay in 𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 ay qabtay Shaqooyin Muhiim ah oo ay ka mid yihiin Xeer-nidaamiyaha Xaqiiqjinta Macaamilaadka Maaliyadeed iyo Hubinta Tayada Isgaarsiinta, Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah, hirgalinta Xarunta Howlaha Kormeerka Hirarka iyo adeegga Isku-xirka Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo shaqooyin kale oo badan.

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa ugu horeyn u Mahadceliyey Hoggaanka Hey’adda dadaalka shaqo ay wadaan, waxa uuna ku dhiirigaliyey in ay sii labo jibaaraan Shaqada ay u hayaan Qaranka.

𝗪𝗮𝘀𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝗧𝗲𝗸𝗻𝗼𝗹𝗼𝗷𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 markii uu xilka la wareegay Shaqada Wasaaradda waxa uu dardargalin ku bilaabay Shaqooyinka socda, iyada oo laga duulay Tayenta iyo habsami usocoshada Howlaha Wasaaradda iyo Hey’adaha hoosyimaada.

𝗛𝗮𝘆’𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗜𝘀𝗴𝗮𝗮𝗿𝘀𝗶𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗤𝗮𝗿𝗮𝗻𝗸𝗮 oo hoostimaado Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada waxa ay Mas’uul ka tahay fududeynta horumarinta, maamulka iyo nidaaminta isgaarsiinta Dalka.

Ra’isal wasaare kuxigeenka XFS oo dhagax-dhigay dhismaha xarunta Laanta socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare KuXigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta Laanta socotada Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laga hirgaliyey Muqdisho.

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka ayaa tilmaamay in xaruntan ay Ciidanka Booliska Soomaaliyeed u qaban jirtay hawlo muhiim ah oo ay kamid yihiin   dhinacyada  wacyi galinta, iska warqabka ciidanka, ka hortaga rabshadaha iyo howlagallada deg-deg ah, iyada oo hadana dib u dhis balaadhan lagu samayn doono, si ay kor ugu qaado shaqada Laanta socotada ee Ciidanka Booliska.

Dhagax dhigan ayaa waxa Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka ku wehelinaayey Wasiirka Amniga Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo billad sharaf ku maamuusay Orod-yahan Cabdullaahi oo ku guulaystay billada Qalinka ee Ciyaaraha Orodks Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhiirigalinaya Halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ku guuleystay Billadda Qalinka ah ee tartanka orodka 5000 mitir ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika ayaa ku maamuusay Billadda ugu sarreysa ciyaaraha dalka oo uu ku mutay guusha taariikhiga ah ee uu usoo hooyay dalkiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku ammaanay Orodyahan Cabdullaahi sida kartida, wadaniyadda iyo kalsoonida leh ee uu fagaarayaasha caalamiga ah ugu matalay dalkiisa, isaga oo sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay garab taagan tahay.

“Cabdullaahi Jaamac waxa uu ka mid yahay Xiddigaha usoo iftiimaya Qaranka. Kalsooni buuxda ayaan ku qabaa in Cabdullaahi gaaridoono hiigsigiisa waqti dhow si la mid ah halyeey Cabdi Bile Cabdi, waxa ayna dowladdiisu ku abaalmarindoontaa wax kasta oo ay awooddo”.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay ganacsatada iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan dhiirigalinta iyo taageerada halyeey Cabdullaahi Jaamac Maxamed, si mustaqbalka dhow uu guulo ka sarreeya middan ugu soo hooyo Qaranka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga Qaranka oo kulan la qaadatay Madaxa Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka,Marwo Safiya Xasan Maxamed ayaa kulan gaar ah la qaadatay Madaxa Bisha Cas Turkiga ee Soomaaliya MD. Şerif Şimşek.

Kulankaan ayaa ahaa mid looga hadlayay sidii loo garab istaagi lahaa  dadaka Barakacyaasha ah Qaxootiga iyo magangalyadoonka.

Wasiirka Ganacsiga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Xildhibaan Jibril Abdirashid Haji Abdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hay’adda UNDP ee Soomaaliya Mr. Lionel Laurens oo ay ka wada-hadleen iskaashiga labada dhinac, horumarinta ganacsiyada gaarka ah, shaqo abuurka iyo guud ahaan kobaca dhaqaalaha ee wadanka.

Kulanka, ayaa lagu falanqeeyey waxyaabaha mudnaanta u leh Wasaaradda gaar ahaan samaynta aaga dhaqaalaha ee wadanka, fududeynta ganacsiga, iyo weli ba horumarinta iyo taageeridda ganacsiyada yar yar iyo kuwa dhaxe si kor looggu qaado shaqo abuurka.

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo sagootiyay sarakiil tababbar aqoon kororsi loogu qaaday dalka dibadiisa

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta Xaflad Sagootin ah ugu sameeyayay Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed saraakiil iyo kormeerayaal ka tirsan Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo dalka dibadiisa  u aadaya aqoon kororsi ku aadan sara u qaadida xirfadaha Booliiska,

Saraakiishan iyo Kormeerayaashan ayaa u kala baxaya Yurub. Afrika iyo Aasiya waxa ayna ku soo baranayaan xirfadaha kala duwan ee la xiriira Booliiska.

S/Guuto Sulub axmed Firin oo lahadalay Saraakiisha iyo kormeerayaashan ayaa kula dar daarmay in ay ka faa’iideystaan xirfadaha wadamada ay u ambabaxayaan sidoo kalana uga faa’iideeyaan xirfadaha ay yaqaanaan.

 

 

   

Tiradii ugu badneyd ee khawaarij ah oo isku soo dhiibay laamaha ammaanka

Horjoogayaasha iyo maleeshiyaadka ka tirsan Khawaarijta ee isku soo dhiibaya dowladda ayaa aad u batay maalmahan, kuwaas oo sheegay inay u adkeysa waayeen dhibaatooyin nololeed ee duurka ku heysta argagixisada iyo baacsiga ay kala kulmayaan ciidamada qaranka iyo shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay.

Deegaanada Jubbaland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed waxaa maalmihii lasoo dhaafay iska soo dhiibay tobanaan dhalinyaro ah oo sheegay inay ka soo hareen fikirkii guracnaa ee Khawaarijta, kuwaas oo soo dhaweyn wanaagsan iyo nidaam loogu talagalay kala kulmay dowladda.

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo kaashanaya shacabka xaq u dirirka ah ee hubkooda qaatay si ay isaga xoreeyaan Khawaarijta ayaa maalmahaan kordhiyey howlgallada ka socda deegaanada fog-fog ee gobollada dalka, taas oo Khawaarijta ku abuurtay cabsi badan, geeri joogto ah iyo nolosha duurka oo ku adkaatay.

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir oo bilaabeyso dhageysiga dacwad loo heysto Sayid Cali oo horay u dilay Xaaskiisa

Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta oo Axad ah bilaabeysa dhageysiga dacwad loo heysto Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo Maxkamadda Gobolka Banaadir ay ku xukuntay dil toogasho ah, kadib markii lagu helay kiis ah inuu gubay xaaskiisii  marxuumada Luul Cabdicasiis.

Warqad ka soo baxday maxkamadda racfaanka gobolka ayaa Taliyaha booliska degmada Xamarweyne lagu faray in Maanta uu horgeeyo Sayid Cali Maxkamadda si loo dhageysto dacwada kiiska dilka ah ee loo heysto.

Maxkamadda ayaa furmi doonta 9:00AM, waxaana sidoo kale taliyaha booliska degmada Xamarweyne laga dalbaday in maxkamadeynta kadib uu Sayidcali ku celiyo Xabsiga Dhexe ee Xamar.dhinacayda dacwada ayaa la ogeysiiya in ay kasoo qeybgalaan dhageysiga dacwada.

Sayid Cali Macalin Daa”uud ayaa horay Degamada dharkenley ku gubay. Xaskiisii Allah unaxariista Luul Cabdicasiis,oo ugu dambeyn u geeriyootay dhawaca kasoo gaaray dabkaas,waxan bishii hore xukun dil ah ku riday Maxkamada gobolka Banaadir oo ah qisaasta marxuumada,balsa qareennada ay racfaan ka qateen.

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha Seerbiya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta gelinkii dambe  xafiiskiisa Villa Hargeysa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Seerbiya u qaabilsan Arrimaha Geeska Afrika Mudane Vladimir Orlié oo booqasho rasmi ah  ku yimid Muqdisho

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo Ergeyga ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashi ee ka dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Seerbiya, wadashqeynta labada Baarlamaan iyo sidii loo dhisi lahaa guddiyada saaxibtinimo ee Baarlamaanada Soomaaliya iyo Serbiya, waxaana uu Ergeyga tilmaamay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yhiin, islamarkaana kaalin ka geeysan doonan horumar kasta.

 

 

  

Wasiirka arrimaha Gudaha XFS oo kormeer shaqo ku tagay xarunta hey’adda NIRA

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali (Xoosh) oo ay wehliyaan wasiir ku xigeenka Wasaaradda, Md. Cabdixakiim Ashkir, Agaasimaha guud ee wasaarada Md. Caydaruus Macalin  iyo masuuliyiin kale oo Wasaaradda ka tirsan ayaa kormeer shaqo  ku tagay Xarunta dhexe ee Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaan galinta Qaranka (NIRA)

Socdaalkaan ayaa la xiriiray xog-waraysi, isbarasho iyo kormeer ku saabsan hanaanka iyo habsami u socodka shaqada diiwaangelinta Dadweynaha.

Maareeyaha Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA) mudane Cabdiweli Cali Cabdulle (Timacadde) ayaa sheegay in shaqo dardar leh  ay qabteen muddadii yareyd ee ay Hay’addu jirtay.

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Fadaraalka iyo dib u heshiisiinta mudane Cali Yuusuf Cali  ayaa Maamulka Hay’adda aqoonsiga iyo diiwaangalinta Qaranka  ku ammaaanay shaqada wanagsan ee ay u hayaan guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, wuxuuna Wasiirku sheegay inay dardar galinayaan sidii Kaarka Aqoonsiga loo gaar siin lahaa guud ahaan Dalka si Muwaadin kasta ay ugu sahlanaato qaadashada Kaarka aqoonsiga Qaranka.