Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka oo Shir uga qayb galay Talyaaniga

Italy:-Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo hor-kacayay Wafdi Ka kala socday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo tacliinta Sare XFS, Wasaaradda Arimaha Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga Ah XFS ,Akadeemiyada Cilmiga, Dhaqanka iyo Suugaanta,iyo sidoo kale Xubno ka socday Jamacadda Umadda Soomaaliyeed ayaa Magaalada Trieste ee Dalka Talyaaniga kaga qeyb galay Shir looga hadlaayay ,Magaaleynta taariikhda dhaqanka ee Muqdisho ,Dhaqaalaha badda ee rajada horumarka ee Soomaaliya,
Iyo Wax ka qabashada Caqabadaha Magaalada, Dhaqaalaha, Iskaashiga Caalamiga ah iyo Caafimaadka Bulshada.

Shirka oo Socday muddo sedax Cisho ah
Waxaa Soo qabanqaabiyay guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi

Intaas kadib Guddoomiyaha ayaa Xariga ka jaray bandhig sawireedkii hore ee Muqdisho iyo horumarkeeda taariikheed ee Magaalo ahaan Waxa uuna ka Sheekeeyay Guddoomiyaha Xiriirka soo jireenka ah ee Dowladda talyaaniga iyo Dowladda Soomaaliya ay leeyahiin loona baahanyahy ayuu yari’ in la soo nooleeyo Taariikhayadii barisamaadkii hore, xarig Jarkaan bandhig sawireedkii hore waxa uu xasuuus gaar ah galinayaa waaya joogii hore ee Soomaaliya;

Ugu danbeeyntii guddoomiyaha waxa uu si gaar ah ugu Mahadceliyay Jaaliyadda soomaaliyeed ee soo qaban qaabisay shirkaan oo u ugu Horeeyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Magaalada Trieste Dr Ahmed Fiqi Cilmi.

 

Shir lagu xoojinayo Amniga Gobolka Banaadir oo lagu qabtay Muqdisho

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir Gudoomiyay Shirka Amniga Caasimadda iyo kor u qaadida bilicda caasimadda Muqdisho.

Shirka waxaa ka soo qeyb galay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin iyo Taliyaha Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Sidoo kale waxaa warbixino laga dhageystay Taliyayaasha Booliiska iyo Nabad-sugidda Gobolka Banaadir, Gudoomiyeyaasha Dagmooyinka Gobalka Banaadir, Saraakiisha fadhiyada madaxa banaan, Taliyaasha Qeybaha Booliiska iyo Nabad-sugidda iyo Taliyaasha Saldhigyada Gobolka Banaadir.

U jeedka Shirka ayaa ahaa daadajinta amniga Caasimadda iyo nawaaxigeeda iyo sidii loo bilaabi lahaa isla xisaabtan dhab ah oo la xiriira amniga guud ee Caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka Amniga XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Maxamed El-Amine Souef iyo saraakiil ka tirsan Ciidanka ATMIS.

Wasiirka iyo Ergayga ayaa wada hadlay wada-shaqeynta dhinacyada Amniga iyo la dagaallanka Argagixisada, iyada oo isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga Amni ee labada dhinac, isla markaana si joogto ah ay u kala war qaadan doonaan hey’adaha amniga, si loo helo Soomaaliya xasilloon oo ka caaggan Khawaarijta.

General Fartaag Wasiirka Amniga Gudaha, ayaa uga mahadceliyey howlgalka ATMIS doorka ay ka qaataan sidii Soomaaliya looga ciribtiri lahaa argagixisada diiddan horumarka iyo amniga Soomaaliya.

DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go’an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani’aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.

Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi’ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda’a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale.

Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa qiridda horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa naga go’an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey’adaheena. Sida habsamida leh ee mas’uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.

Wadamada G7 oo walaac ka muujiyay damaca gurracan ee Ethiopia ee dhulka Soomaaliyeed

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ayaa walaac ka muujiyay Heshiiska beenaadka sharci darada ah ee la sheegay inuu dhexmaray Itoobiya iyo Maamulka Gobalada Waqooyi oo qayb ka ah Soomaaliya bishii Janaayo ee sanadkaan.

Wadamada G7 ayaa ku adkaystay in la ilaaliyo sharciyada Caalamiga ah Madaxbaaanida iyo Qaranimada ee ku cad cahdiga Qaramada Midoobay.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Wadamada G7 ee Kanada, faransiiska, Jarmalka, Talyaaniga Jaban, Boqortooyada UK Maraykanka iyo Ergayga Midowga Yurubka ayaa bogaadiyay horumarada lixaadka leh ee Soomaaliya ay ka samaysay dhanka Hay’adaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Sidoo kale waxay ku dhiiragaliyeen dowladda Soomaaliya inay sii wado oo ay sii laba jibaarto ka guul gaarirada dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta, iyadoo dhanka kale wasiiradu ay soo dhoweeyeen qorshayaasha ay wadaan dowladda Soomaaliya iyo midowga Afrika ee ku aadan hormarinta qorshaha dowladdu ay kula wareegayso ammaanka wadanka.

Shirka golaha wadatashiga qaran oo lagu ballansanaa in uu Muqdisho ka furmo oo dib loo dhigay

Iyada oo maalinta berri ah lagu ballansanaa in uu qabsoomo shirka golaha wadatashiga qaran(CWQ) ee uu ku baaqay madaxweynaha JFS ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxaa lagu yiri:-

Shirka golaha wadatashiga qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u baaqayda arrimo farsamo awgood oo dib loogu dhigay furitaanka shirka.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulamo looga hadlay horumarinta dhaqaalaha kaga qeyb-galay Mareykanka

𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧:- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan Magaalada Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka socdo shirka xiliga Gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka qeyb galay shirar muhiim u ah Maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya iyo kulamo doceedyo miro-dhalay oo looga arrinsaday horumarinta iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya.

𝐍𝐨𝐫𝐰𝐚𝐲:- Wasiirka Maaliyadda Xukumadda federal ka Soomaaliya Md. Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka horumarinta Caalamiga ah ee Dowladda Norway Marwo Anne Beathe Tvinnereim oo qeyb ka aheyd wafdiga ka soo qayb galay shirka xili-dhaxaad ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa uga mahadceliyay Wasiiradda, doorkii ay Dowladeeda Norway ka cayaartay hannanka deyn cafinta iyo habkii ay uga qaab qaateen dib-u-habeynta Maaliyadda Soomaaliya oo soo martay heerar kala duwan, taas oo sababtay in ugu dambeyn Dowladda Soomaaliya laga cafiyo deymihii lagu lahaa.

𝐔𝐊:- dhinaca kale Wasiirka Maaliyadda ayaa kulan gaar ah la qaatay ku-xigeenka Xoghaya Joogtada ah ee Xafiiska Horumarinta Arrimaha Dibadda Mr. Nick Dyer. Kulanka labada masuul ayaa looga wada hadlay heerka uu taagan yahay dhaqaalaha Soomaaliya, wadashaqaynta ku saleysan sare u qaadidda dakhliga iyi maalgalinka xiliga isbaddalka cimilada oo saameyn kuleh gudaha Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda UK xiriirkeeda Saaxibtinimo iyo taageeradeeda, iyadoo Dowladda UK ay dhawaan ku dhawaaqday in ay tirtirtay oo ay cafisay Deymihii ay Dowladda Soomaaliya ku laheyd taas oo aheyd Cafin Boqol kiiba Boqol aheyd, 100%.

𝐈𝐌𝐅: Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda ee ku sugan Washington ayaa kulan gaar ah oo mühim ahaa la qaatay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Lacagta Adduunka u qaalbilsan Dalalka Carabta iyo Bartamaha Qaaradda Aasiya Mr. Jihad Azour. Wasiirka iyo Wafdigiisa ayaa kala hadlay Mr. Jihad, qorshayaasha IMF ee Soomaaliya ee dib-u-eegista Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Sadeda Sano ee soo socota.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal dheeri ah ugu jirta sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya, loona helilahaa maalgalin dhameystiran oo Soomaaliya gaarsiin karta heerka isku filnaashaha maaliyadeed, maadaama laga cafiyay deymihii cuslaynayay hannaanka Dowliga ah ee dalka.

Qurbo-joog Soomaaliyeed oo ku baaqay in loo istaago raadinta nabadda iyo horumarka Dalka

Qaar kamid ah Qurbo-joogtaan oo ka kala socday  mareykanka iyo Kanada ayaa Magaalada Boston ku qabtay shir socday muddo afar cisho ah oo looga hadlaayey dagaal sokeeye oo ka dhacay Galbeedka Mudug iyo sida gacan looga geysan karo horumarinta kaabayaasha dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah bulshada.

Shirkaasi oo mudadii uu socday ay ka qeybgaleen xubno ka kala socday maamulada Puntland iyo Galmudug ,aqoonyahanno,ganacsato iyo waxgarad kale,waxaa la istusay muhiimadda ay leedahay nabadda iyo sida qurbo-joogta Soomaakida ay uga qeybgali karaan xal u helidda colaadaha sokeye iyo guud ahaan horumarka Dalka.

Shirkaasi oo ay ka qeybgaleen xubno uu kamid ahaa Xildhibaan c/ladiif Muuse  nuur-yare,waxaa laga soo saaray warmurtiyeed ku wajahan in colaad kasta loo maro wadahadal nabadeed, iyadoo la kaashanaayo maamulada puntiland iyo Galmudug.

Ugu dambeyntii war-murtiyeedkaan waxaa lagu dalbaday in bulshada Soomaaliyeed ay meel iska dhigaan dagaalada sokeeye,isla markaana ay u soo jeedtaan horumarkooda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka FS oo la kulmay Madaxda Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kula kulmay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallim Cabdulle iyo Lataliyaha Hay’adda ee Ka-hortaga Leexsashada Gargaarka Mudane C/khaadir Shariif Shiikuna.

Guddoomiyaha Hey’adda oo warbixin siiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in hay’addu ay xoojin doonto  dardar-gelinta shaqada qaranka, iyo gaarsiinta gar-gaarka dadka u naahan, maadaama ayii yiri la galay xilli roobaadka gu’ga,lagana cabsi qabo fatahaado sababa barakac iyo dhibaatooyin hor leh.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa boggaadiyay shaqada baaxada leh ee hey’addu ay u heeyso bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu faray in bulshada Soomaaliyeed la gaarsiiyo digniino, isla-markaana laga wacyi-geliyo goobaha looga cabsi qabo in ay dabeylaha ku dhuftaan, hay’adduna ay mas’uuliyad gaar ah iska saarto ilaalinta iyo bad-qabka dadka u nugul musiibooyinka dabiiciga ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo ku baaqday in la joojiyo dagaallo ka jira deegaanada K/Galbeed

Madaxda Wasaaradda arrimaha gudaha XFS ayaa ku baaqday in la joojiyo dagaal beeleedyo ka socda deegaanno hoostaga maamulka Koofur Galbeed.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow oo ka hadlay colaadaha ka soo cusboonaday degmooyinka Diinsoor,Burhakaba ,Baraawe,Qoryooleey ayaa baaq farriin ah oo lagu qaboojinaayo dagaaladaasi u diray maamulka K/Galbeed iyo hoggaamiyaasha bulshada ee deegaanadaasi.

Wasiiru dowlaha waxa uu si gaar ah u codsaday in la badaadiyo dhiigga dadka walaalaha ah ee ku wada dhaqan deegaanadaas,wuxuuna maamulka K/Galbeed si gaar ah uga dalbadqan in ay ku baxaan wax ka qabashada colahaasi.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS Saadaad Caliyow waxa uu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin sidii gacan looga geysan lahaa qaboojinta dagaaladaasi,isagoo dhinaca kalena ku baaqay in dadka dagaalamaya ay la yimaadaan Alla ka cabsi iyo in xil la iska saaro wada noolaanshaha dadka ku wada dhaqan halkaasi.

Dagaal beeleedyada ka soo cusboonaday deegaanada K/Galbeed ayaa dhaliyay barakac,dhimasho iyo burbur hanta.