Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ciidanka dowladda iyo kuwa Jubbaland ay ku qaadeen khawaarijta

Cidanka kumaandooska Danab, gaar ahaan ururka 162aad iyo Guutada Gurmadka ee cidanka nabad sugida Jubbaland ayaa kooxaha khawaarijta u geystay jab xooggan ,kadib markii ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen  degaanada ku teedsan Webiga jubba, sida Jiimay, Bangeeni iyo Bandar jadiid.

Howlgalkan ayaa Khawaarijta lagu gaarsiiyay qasaare lixaadleh iyadoo laga laayay in kabadan   30  ruuxoo isugu jiray horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaana sidoo kale laga qabtay maxaabiis dhaawac ah iyo kuwa kale.

Howlgalkan ayaa wali ka socda deegaanada kulaala wabiga,kuwaas oo lagu baacsanayo kooxaha nabadiidka ah. Wixii xog ah ee soo kordha kala soco bogga Wakaaladaa Wararka SONNA..

Golaha Ammaanka oo taageeray in Xalka Israel iyo Falastiin uu ku jiro dhismaha 2 dal

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray xalka laba dawladood ah oo lagu dhameeyo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin ka dib markii Maraykanku diiday dalabkii Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay.

Kulan ay yeesheen golaha waxaa 12 xubnood ay u codeeyeen qaraar qabyo ah oo ay soo diyaarisay Aljeeriya,kaas oo sheegaya in Dawladda Falastiin ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay, balse waxaa hor istaagay Mareykanka,waxaana ka aamusay UK iyo Switzerland.

Ergeyga Algeria ee Qaramada Midoobay, Amar Bendjama, ayaa sheegay in dadaalka waddankiisa uusan joogsan doonin ilaa dawladda Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.

Safiirka Shiinaha Fu Cong ayaa yiri”oggolaanshaha Falastiin oo xubin buuxda ka ah Qaramada Midoobay waxay runtii gacan ka geysan doontaa wada xaajood lala galo Israel oo khuseeya xalka  laba dawladood ah.

Roobabkii guga oo inta badan ka bilowday Gobolada Soomaalliya

Roobabkii guga ayaa si rasmi ah uga curtay deegaanno badan oo dhaca gobollada Dalka Soomaaliya,kadib markii maalmihii u dambeeyay ay jireen xaalado daran oo dhanka kulaylka ah.

Roobabkaan ayaa ka da’ay Puntland, Somaliland, Galmudug, Hirshabeelle , Koonfurgalbeed, Jubbaland iyo dawlad deegaanka Soomaalida ee kililka shanaad.

Gobollada dalka wararkii ugu dambeeyay waxaa ay sheegayaan in dadku ay dareemayaam jawi roobab oo aad u wanaagsan,mana jiraan khasaarooyin baaxad leh oo la soo sheegay illaa hadda.

Marka loo eego roobabkii ka da’ay dhowaan dalalka dariska ah ee bariga iyo bartamaha Afrika iyo  xataa waddamada khaliijka , waxay ina tusayaan in loo baahan yahay dadaal ku aadan la socodaka  daadad suurtagal ah in ay dhaliyaan barakac ,gaar ahaan deegaannada dhaca xeebaha iyo  wabiyada.

DFS oo ka Tacsiyadeysay geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya

Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa dowlada iyo Shacbka dalka Kenya kaga Tacsiyadeysay geerida ku timid Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya kaas oo shil diyaarad maanta u geeriyooday.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Wasaaradda ay uga tacsiyeenayso, Wasaaradda Gaashaandhigga, ciidanka difaaca, dowladda iyo shacabka dalkaas geerida ku timid Taliyaha Taliyihii Ciidanka Difaaca Kenya.

Wasiir Maareeye oo dalka Morocco uga qeyb galay Shirka 33-aad ee Wasiirada Beeraha Africa

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa ka qayb galay Shirka 33-aad ee Wasiirada Beeraha Africa, oo lagu qabtay magaalada Rabat ee Dalka Morocco.

Shirka ayaa waxaa looga hadlayaa dib-u-habeynta iyo horumarinta nolosha Beeraleyda yar yar (Rural transformation) iyo barida Beeraleyda laqabsiga iyo u adkeysiga isbedelka cimilada.

Shirka ayaa waxaa ka soo qaybgalay Agaasimaha Guud FAO, AU commissioner-ka ee Beeraha, Wakiilo ka socda Caalamka iyo Quburo ku xeeldheer arrimaha Beeraha, iyada oo Soomaaliya shirkaan uu ku matalayo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye).

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo daahfuray shir looga hadlayo la dagaalanka fekerka xagjirka ah

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa furay shirka saddex biloodlaha ah ee Madasha isku xirka hawlaha ka hortagga iyo la dagaallanka afkaarta xagjirka ah ee rabshadaha wadata, kaas oo ay soo qaban qaabisay Xarunta Qaran ee Tubsan.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa madasha ka sheegay sida ay muhiimka u tahay in la wiiqo afkaarta ku dhisan argagixisonida ee dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku marin habaabiyaan kooxaha Khawaarijta ah.

Mudane Saalax ayaa intaas ku daray in Xukuumadda Danqaran ay qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo lagu wiiqay awooddii Khawaarijta ee dhinacyada dhaqaalaha, fikirka iyo ciidanka, taas oo keentay in dhallinyarada Soomaaliyeed ee ay marin habaabiyeen ay dib uga soo laabanayaan afkaartii ay argagixisadu ku shubeen.

Ciidanka Booliiska ilaalada Xeebaha Soomaaliyeed oo tababbar ku qaatay Markab dagaal oo laga leeyahay Spain

Ciidanka Ilaalada Xeebaha Booliiska iyo Hawlgalka Ciidamada Badda Midowga Yurub ee Soomaaliya loona yaqaano (ATALANTA) ayaa fuliyay layli mideysan ay ku qaateen Markabka dagaalka lagu magacaabo (CANARIAS) ee Dalka Spain gudaha biyaha Soomaaliya.

Layligaan ayaa xambaarsanaa qaababka la dagaalanka burcad-badeedka, dhaca hubeysan ee badda iyo ka hortagga maagelinta sharci darrada ah ee dembiilayaasha iyo shabakadaha Argagixisada.

Layligaan wuxuu kamid yahay tababarada joogtada ah ee lagu tayeynayo Ciidanka Ilaalada Xeebaha Boliiska, sarena loogu qaadayo xirfadaha kala duwan ee Saraakiisha ammaanka iyo nabadgalyada badaha.

Layligaan wadajirka ah waxaa hoogaaminaayay Taliyaha Ilaalada Xeebaha G/sare Bashiir Cabdi Qaasim iyo Taliyaha Markabka Dagaalka “CANARIAS” (F-86) Carlos CASTOSA.

              

Ciidanka NISA oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa hawgal ku dilay 9 xubnood oo khawaarij ah

Bay(SONNA):-Ciidanka NISA  Iyo Kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa burburiyay Saldhig ay Khawaarijta kulahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidanka Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo kuwa Deeganka ayaa howlgalkaan sifaynta ah ku dilay 9 xubnood oo la tirsanaa Khawaarijta.

Sidoo kale Ciidanka ayaa ku soo furtay hawlgalka 7 qori oo AK 47 ah,hal qori oo BKM iyo Sanduuqyo Rasaas ah.

Shirka Golaha wasiiradda XFS oo lagu ansixiyey Saddex heshiis oo wada galeen Soomaaliya iyo Tansaaniya

Golaha Wasiiradda Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, ayaa lagu ansixiyey saddex heshiis oo ay wada gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya.

Heshiisyada ay goluhu meel-mariyeen ayaa kala ah, heshiis iskaashi oo u dhexeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Tansaaniya, heshiiska wareejinta Maxaabiista Xukuman iyo Heshiiska Iskaashiga Dalxiiska.

Shirka Golaha oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa looga dhageysatay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, xasillinta iyo dagaalka lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah.

    

Ciidanka Xoogga oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa hawgal ku dilay 9 xubnood oo khawaarij ah

Bay:-Ciidanka Xoogga Dalka Iyo Kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa burburiyay Saldhig ay Khawaarijta kulahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deeganka ayaa howlgalkaan sifaynta ah ku dilay 9 xubnood oo la tirsanaa Khawaarijta.

Sidoo kale Ciidanka ayaa ku soo furtay hawlgalka 7 qori oo AK 47 ah,hal qori oo BKM iyo Sanduuqyo Rasaas ah.