Golaha Ammaanka oo taageeray in Xalka Israel iyo Falastiin uu ku jiro dhismaha 2 dal

Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa taageeray xalka laba dawladood ah oo lagu dhameeyo khilaafka Israa’iil iyo Falastiin ka dib markii Maraykanku diiday dalabkii Falastiin ee xubinnimada Qaramada Midoobay.

Kulan ay yeesheen golaha waxaa 12 xubnood ay u codeeyeen qaraar qabyo ah oo ay soo diyaarisay Aljeeriya,kaas oo sheegaya in Dawladda Falastiin ay xubin ka noqoto Qaramada Midoobay, balse waxaa hor istaagay Mareykanka,waxaana ka aamusay UK iyo Switzerland.

Ergeyga Algeria ee Qaramada Midoobay, Amar Bendjama, ayaa sheegay in dadaalka waddankiisa uusan joogsan doonin ilaa dawladda Falastiin ay xubin buuxda ka noqoto Qaramada Midoobay.

Safiirka Shiinaha Fu Cong ayaa yiri”oggolaanshaha Falastiin oo xubin buuxda ka ah Qaramada Midoobay waxay runtii gacan ka geysan doontaa wada xaajood lala galo Israel oo khuseeya xalka  laba dawladood ah.