Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabbilay Cabdillaahi oo guul taariikhi ah ka soo hooyay tartanka Orodka qaarada Afrika

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Cabdulaahi Jama Mohamed oo kaalinta labaad ku guuleystay billadda qalinka ah tartanka orodka 5000m ee Ciyaaraha Guud ee Qaramada Afrika, oo lagu qabtay dalka Ghana.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Cabdulaahi Jama Mohamed sida uu u matalay dalkiisa, isagoo tilmaamay in guusha uu gaaray ay tahay mid taariikhi ah oo dhiirigelin u ah ciyaaraha fudud ee dalka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo kulamo gaar ah la qaatay madaxweynaha Bangiga Adduunka iyo ku xigeenkiisa.

Washington DC: Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka qeyb galay shirka guud ee Wasiirada Maaliyadda Dalalka Afrika iyo Madaxweynaha Bangiga Adduunka, xili uu soconayo shirka Xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo matalaya dhammaan Wasiiradii shirka ka soo qabgalay, kuna hadlay afkooda ayaa jeediyay khudbad uu ku faah faahiyay habka unuglaanshada Deymaha, ka soo kabashada iyo kobcinta dhaqaalaha. Tan iyo wixii ka dambeeyay December 2023, Soomaaliya waxa aheyd tusaale ay ku daydaan dalalka soo koraya ee deymaha lagu leeyahay.

Dhinaca kale, Wasiirka Maaliyadda XFS iyo Wafdiga ku wehliya shirarka Washington waxa ay shir gaar ah oo arrimaha Soomaaliya ah la qaateen Madaxweyne Ku Xigeenka Bangiga Adduunka qeybta Bariga iyo koofurta Qaaradda Afrika, shirkaan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray horumarinta iyo ballaarinta taageerada Baniga ee Soomaaliya.

Bangiga Adduunka waxa uu ka mid yahay Saaxibada Soomaliya ee ka qeyb qaata fulinta Mashaariicda horumarineed iyo dib-u-haneynta Maaliyadda oo hada meel aad u wanaagsan maraya.

   

Wasiirka arrimaha dibadda oo kulan la qaatay sii hayaha safiirka China ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa ku qaabilay Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Chen Wendi, oo ugu yimid booqasho sharafeed. Kulanka ayaa diiradda lagu saarray xoojinta xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya iyo kobcinta dhinacyada iskaashi wadaagga iyo isku-duwidda si looga guul keeno nacfi is-dhaafsiga.

Wadahadalka ayaa lagu fallanqeeyay xiriirka qotada dheer ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, iyadoo lagu muujiyay suuragalnimada kobcinta iskaashi dhinacyo badan ku suntan. Labada dhinac waxa ay carabaabeen sida ay uga go’antahy kobcinta iyo horumarinta iskaashiga, si ay si wadajir ah wax uga qabtaan caqabadaha heer gobol iyo heer caalami.

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay wakiilka Qaramada Midoobay

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Arbaco ah xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho ku qaabilay, Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya (SRSG) ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Catriona Laing, oo uu kala hadlay dhowr arrimood oo ay ku jirto siyaasadda iyo amniga ee ah kuwa lagama maarmaanka u ah horumarka qaranka.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii looga wada-shaqayn lahaa wax ka qabashada caqabadaha ay wajahayso Soomaaliya, iyadoo la muujiyay sida ay lama huraanka u tahay sii ambaqaadidda iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey.

Wasiirka isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda JFS Mudane Saalax Jaamac ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda mudane Maxamed Aadan Macallin (Soomaali) iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Xasan Khaliif.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka oo ku bogaadiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda shaqadii uu Qaranka u soo qabtay, ayaa tilmaamay in dal uusan horumar gaari karin haddii uusan lahayn adeeg teknolojiyadeed oo casri ah, lana jaanqaadaya dunida, kaas oo kaalin weyn ka qaata horumarinta dhinacyada caafimaadka, waxbaashada, dhaqaalaha iyo adeegyada bulsho ee ay dowladdu gaarsiineyso dadka Soomaaliyeed.

Mudane Saalax ayaa sheegay in Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda ay muddo yar ku sameysay horumarro waa-weyn oo ay kamid yihiin sameynta shuruuc iyo siyaasado Qaran oo horseedaya qorshe isbddel oo la jaanqaadaya dunida casriga ah.

Dhanka kale, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xilalka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Jaamac Cabaas Taqal.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyey Wasiirkii hore shaqooyinkii uu Qaranka u soo qabtay, isaga oo kula dardaarmay Wasiirka cusub ee xilka la wareegay in uu ka shaqeeyo sidii ay shacabka Soomaaliyeed u heli lahaayeen biyo nadiif ah iyo koronto jaban.

Warbixinta Toddobaadlaha ee dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneral Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneral Daa’uud, halkaas oo ay ka amba-baxayaan cutubyo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

2- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Soomaaliya Mudane Salah Ahmed Jama, ayaa ka qeyb galay xil wareejinta wasiirada cusub ee Wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

3- Wasiirka Arrimaha Dibedda Danjire Axmed Macallin Fiqi ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga Mudane Alper Aktaş oo booqasho sharafeed ugu yimid.

4- Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa magaalada Washington kaga qeybgalaya shirka arrimaha maaliyadda iyo deyn cafinta kaas oo ay martigeliyeen hay’adaha IMF iyo Bangiga Adduunka.

5- Wasiirka Beeraha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),ayaa sheegay in ay ka shaqeynayaan fududeynta wax walba oo caqabad ku ah beeralayda Soomaaliyeed.

6- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda gobollada dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan argagixisada.

7- Wasiirka Waxbarashadda Soomaaliya Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo magaalada Brussels uga qeybgalay shir calami ah oo la xiriira arrimaha waxbarashada.

8- Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa la kulmay ergeyga gaarka ah ee Finland ee Geeska Afrika.

9- Wasiirka cusub ee Amniga Qaranka General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in dowladdu ay dardar galinayso howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda dalka iyo xaqiijinta amniga deegaannada xorta.

10-  Xafiiska Ergayga Madaxweynaha ee Arrimaha Qaxootiga iyo Socdaalka oo shir looga hadlayey sidii siyaasad qaran looga yeelan lahaa arrimaha tahriibka ku qabtay Muqdisho.

11-  Hay’adda Maaraynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa cunno gargaar ah u dirty degmada Ceeldheer iyo deegaannada hoostaga ee gobolka Galguduud.

12-  Danjiraha Soomaaliya ee Pretoria Mudane Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee  Jamhuuriyadda Koonfuur Afrika Dr. Naledi Pandoroo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dal.

13- Wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka daahfurtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan isku dubaridka dhaqaalaha baluugga ah.

14-  Taliye Xigeenka Ciidanka Booliska S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed oo Muqdisho ku soo dhoweysay Madaxa Xiriirka Arrimaha Dibedda ee Ciidanka Booliska Turkiga Mudane, Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN.

15- Maamulka Gobolka Banaadir iyo laamaha amniga oo ka shiray dardar gelinta sugidda amniga caasimadda.

16- Dab xooggan ayaa ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka cimilada ee sii kululaanaysa.

  

Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoomiyay shirka amniga caasimadda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Guddoomiyey Shirka Amniga Gobolka Banaadir oo looga hadalay dardar galinta tallaaabooyinka loo qaaday xaqiijinta amniga Caasimadda Muqdisho.

Kulankan oo markii ugu horreysay looga yeeray Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa warbixino ku saabsan xaaladda amniga Caasimadda looga dhageystay mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka, iyaga oo soo bandhigay qorsheyaashooda ku aaddan ilaalinta nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir  iyo Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS oo qaabbilay safiirka Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta hoygiisa ku qaabbilay safiirka cusub ee Dowladda Talyaaniga u fadhiya Soomaaliya Mudane Pier Mario Dacco’ Coppi.

Safiirka ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay soo dhowaynta diiran, wuxuuna ballan qaaday in uu si dhow uga shaqeyn doono adkaynta xiriirka wanaagsan ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Talyaaniga.

Dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku guuleysatay abaal marinta Tabaruca Beirut

Koox ka tirsan dhallinyarada Soomaaliyeed oo si iskaa wax u qabso ah xeebaha magaalada Muqdisho uga sameeya howlaha nadaafadda ayaa kaalinta koobaad ka galay tartanka caalamiga ah ee Tabarruca Beirut.

Barnaajimka abaalmarinta Tabarruca Beirut oo ay ku tartameen 81 Urur oo ka dhisan dalalka Carabta ayaa ah barnaamij lagu abaal mariyo is-xilqaamayasha u howlgala soo celinta bilicda.

Ustaad Cabdisataar Carabow oo ah Agaasimaha  “Center for Entrepreneurship and Innovation ee Jaamacadda Muqdisho oo ku matalayay tartanka ayaa u guddoomay abaalmarintaas ay ku guuleysateen dhalinyarada Soomaaliyeed.

Munaasabadda abaal marinta oo lagu qabtay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan ayaa waxaa ka qayb galay madax ka tirsan xubnaha u ololeeya soo celinta bilicda deegaanka ee ururka iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Lubnaan.

Wasiirka Maaliyadda XFS: Waxaan si dhow ula shaqeyn doonnaa saaxibbada caalamka ee Soomaaliya ku garabka taagan horumarinta Maaliyadda

𝐖𝐚𝐬𝐡𝐢𝐧𝐠𝐭𝐨𝐧 𝐃𝐂- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Iimaan Cige oo ku sugan magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa ku boorriyay hay’adaha maaliyadda caalamka in ay ka qeyb qaataan sidii Soomaaliya ay u heli lahayd maalgelin lagu horumarinayo kobcinta ilaha dhaqaalaha si ay taageero ugu noqoto dowladda Soomaaliya oo ka gudbaysa dhammaan marxaladaha deyn cafinta, wuxuuna sheegay in ay si dhow ula shaqan doonaan saaxiibbada caalamka ee taageera Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda XFS “ Waxa aan si dhow ula shaqeyn doonaa dhammaan saaxibbada caalamka ee Dowladda Soomaaliya ku garabka taagan horumarinta nidaamka Maaliyadda iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka”.

Wasiirka oo ka hadlay shirka Guga (Spring Meetings) ee hay’adda Lacagta Addunka iyo Baanka Addunka ee ka socda Magaalada Washington oo diiradda lagu saaray dhismaha hay’adaha maaliyadeed ee Caalamka ayaa sidoo kale faahfaahin ka bixiyay marxaladihii kala duwanaa ee dib u habaynta dhaqaalaha dalka.

Wasiirka ayaa ka qaybgalayaasha la wadaagay geeddiga dib u habaynta dhaqaalaha iyo Maaliyadda ee dowladda Soomaaliya, halkii laga yimid, horumarka la sameeyey iyo caqabadaha laga soo gudbay, dedaaladaas oo horseeday guushii dayn cafiska ee ay Soomaaliya hanatay iyo himillooyinka kale ee lagu raad joogo.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane, Biixi Iimaan Cige iyo wafdi uu hogaaminayo oo ku sogan Magaalada Washington oo uu ka socdo shirka xiliga gu’ga ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa sidoo kale la filayaa in ay kulamo guud iyo kuwo gaar ahaaneed la yeeshaan hay’adaha iyo dalalka ka qayb galay shirkaas.