Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS oo qaabbilay orodyahan Cabdullaahi Jaamac

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa xafiiskiisa ku qaabbilay Cabdullaahi Jaamac Maxamed oo ah Orodyahan Soomaaliyeed oo guul ka soo hooyey billad qalin ahna Soomaaliya ugu soo guuleystay orodka 5000 ee mitir ee Kulankii 13aad ee Cayaaraha Afrikaanka (13th African Games), kaas oo ka dhacay Accra, Ghana, 22kii Maarso 2024.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in Cabdullaahi uu yahay nin dhallinyaro ah oo ammaan gaar ah mudan, maadaama uu iskiis isugu xilqaamay in uu waddankiisa iyo calankiisa ku metelo fagaarayaasha ciyaaraha ee caalamiga.

“Cabdullaahi dadaalkiisa iyo go’aan-qaadashadiisu waxa ay dhiirragelin u yihiin dhallinyarada Soomaaliyeed, in aanay meel kale ka sugin ee horumarinta ay iyagu hormood u yihiin, iyo in guushu tahay mid la gaari karo, si walba oo caqabaduhu u badan yihiin”. Ayuu yiri Mudane Saalax.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mudnaan siinaysaa horumarinta ciyaaraha, iyada oo dhisaysa kaabayaasha isboortiga, si dhallinyaradu u helaan tababbarro iyo fursado heer caalami ah oo ay asaaggood kula tartamaan una soo bandhigaan hibooyinkooda gaarka ah iyo kartidooda.

Waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku in Xukuumadda #DanQaran ay ka go’an tahay horumarinta karaanka dhallinyarada iyo sare-u-qaadidda xirfadahooda, si ay awood ugu yeeshaan in ay ka qayb qaataan suuqa shaqo-abuurka.

“Waxa aan ku kalsoon ahay in Cabdullaahi iyo dhallinyarada la midka ah ee isxilqaamayaasha ahi ay guulo intan iyo ka weyn ba ah soo hoyin doonaan sidii aan hore u ga barannay. Xukuumaddu na wax ay garab taagan tahay dadaalka dhallinyarada, waxa na ay diyaar u tahay in ay ku taageerto himilooyinka guusha ee ay ku taamayaan”. Ayuu intaas raaciyey Mudane Saalax Axmed Jaamac.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Finland u qaabbilsan nabadeynta geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya mudane Cali Yuusuf (Cali- Xoosh ) ayaa gelinkii dambe ee maanta kulan isbarasho ah la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Dowladda Finland u qaabbilsan dhexdhexaadinta nabadeynta Geeska Afrika, Suldaan Saciid Axmed.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dib-u-heshiisiinta iyo dhexdhexaadinta, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray doorka dhallinyarada ay ku leeyihiin nabadaynta.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Deegaanka oo xilka loo dhaariyay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada Mudane Axmed Cumar Maxamed.

Wasiiru-dowlaha oo kamid ah wasiirradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa waxaa dhaariyay Habdhowraha Golaha Shacabka Mudane Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan – Nuux, waxaana uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe kula dardaarmay in xilka loo dhaariyay uu u guto si mas’uuliyadi ku jirto ugana adeego dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka arrimaha gudaha XFS oo xilka la wareegay

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Salah Jama, ayaa xilalka uu kula wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Mudane Cali Yuusuf  Cali Xoosh iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku ammaanay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Mudane Axmed Macallin Fiqi xaqiijinta halbeegyo waaweyn oo ay lahayd wasaaraddu, kuwaas oo muddo gaaban lagu gaaray.

Mudane Saalax ayaa sheegay in loo baahan yahay hannaanka dowladnimada Soomaaliya in ay ka muuqato astaamihii federaalka, isaga oo kula dardaarmay wasiirka cusub in laga rabo hirgelinta doorasho ay dadweynaha Soomaaliyeed ku soo doortaan hoggaankooda, maadaama ay inta badan dhammeystiran yihiin shuruucdii lagama maarmaanka u ahaa qabsoomidda doorashada.

Saraakiil ka tirsan Booliska Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

Taliye Xigeenka Boliiska S/Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa airportka Aden Cadde ee Magalada Muqdisho ku soo dhaweeysay Madaxa Xiriirka arrimaha dibedda ee Ciidanka Boliiska Turkiga Mudane, Gökhan DEMIRTILA iyo Ku Xigeenkiisa Mudane Turgay OLGUN,

Wafdigan oo uu hoggaaminayo Mudane, DEMIRTILA waxaa magaalada Muqdisho ku casumay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/Guuto Sulub Axmed Firin,

Mas’uuliyiintan ka socda dalka Turkiga ayaa waxa uu u jeedka socdaalkoodu yahay  xoojinta wada shaqaynta labada ciidan iyo kordhinta mashaariicda dowladda Turkiga ay ku taageerto Ciidanka Boliiska.

Wasaaradda Kalluumeysiga oo Muqdisho ka daahfurtay aqoon is-weydaarsi ku saabsan isku dubaridka dhaqaalaha baluugga ah

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa Urur goboleedka IGAD ayaa magaalada Muqdisho ka daahfurtay aqoon is weydaarsi ku saabsan xoojinta isku xirka howlaha la xiriira dhaqaalaha Buluugga ee dalka oo dhan, kaas oo ay ka qeyb galayaan wasaaradaha xiriirka la leh Dhaqaalaha Buluugga, Hay’adaha daneeya saktarkaan oo ay kamid tahay Hay’adda Qaramada Midoobay ee FAO iyo mas’uuliyiin ka socta xafiiska Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya.

Aqoon is weydaarsigaan oo socon doona muddo laba maalin ah ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha Buluugga, gaar ahaan isku dubaridka howlaha muhiimka ah ee la xiriira Dhaqaalaha Buluugga iyada la raacayo istiraatiijiyadda qaran ee ay wasaaraddu u dajisay isku dubaridka dhammaan howlaha la xiriira dhaqaalaha buluugga.

Madaxa Xafiiska IGAD ee Soomaaliya Mudane Maxamuud Cabdi Kaarshe oo hadal kooban ka jeediyey furitaanka shirkaan ayaa u mahadceliyey Urur goboleedka IGAD isaga oo sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay ka faa’iideysigan Dhaqalaha Buluugga oo ah aag dihan qeyb weyna ka qaadan kara horumarinta guud ahaan dhaqaalaha wadanka.

Agaasimaha waaxda Dhaqalaaha Buluugga ee Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee dalka Marwo Raisa Mohamed oo si rasmi ah u daahfurtay shirkaan ayaa sheegtay in wasaaraddu ay diyaar u tahay xoojinta isku xirka howlaha la xiira dhaqalaha Buluugga si taas loo gaarana ay diyaarisay istiraatiijiyad qaran oo ku sabsan arrintaas.

Waxay u mahadcelisay Urur Goboleedka IGAD ee soo qaban qaabisay aqoon isweydaarsigan iyo dhammaan dhinacayada kale ee ka soo qeybgalay iyada sheegay in ay rajeyneyso in ay ka soo bixi doonaan qodobo wax u tara isku dubaridka howlaha muhiimka ah ee ku saabsan dhaqalaha Buluugga ee dalka.

Soomaaliya iyo Koofur Afrika oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Pretoria- Safiirka dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koofur Afrika Amb; Maxamed Sheekh Isxaaq ayaa kulan la qaatay Wasiirka arrimaha dibedda ee South Afrika Dr.Naledi Pandor.

Amb; Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Wasiirka arrimaha dibedda Koofur Afrika Dr.Naledi Pandor ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojinlahaa xiriirka laba geesoodka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Amb; Maxamed Sheekh Isxaaq “Sharaf ayay ii ahayn in aan la Kulmo Wasiirada Arrimaha Dibadda ee wadanka Koonfur Africa Dr.Naledi Pandor taasoo aan ka wada hadalney sidii loo xoojinlahaa xiriirka laba geesoodka ee taariikhiga ah oo ka dhaxeeya labada dal”.

Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay degmooyin ka mid ah Galgaduud

Hay’adda maaraynta musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SoDMA ayaa xalay 116,5 tan oo raashiin kala duwan ah u dirtay Ceeldheer iyo Masaggawaay oo ka wada tirsan gobolka Galgaduud.

Agaasimaha Waaxda gargaarka ee hay’adda SoDMA, Sahra Cali Yuusuf oo sagootisay shixnadda gargaarka ah ayaa deeqada raashinka ah ku wareejisay Wasiirka howlaha guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe Casayr iyo guddoomiyaha degmada Ceeldheer, waxayna xustay in sii wadi doonaan kaalmada ay halkaasi geynayaan maaddaama deegaannadaasi ay dhowaan ka xoroobeen gacanta Khawaarijta saamaynna ku yeesheen colaadaha iyo abaaraha halkaasi ka dhacay.

Wasiirka howlaha guud ee Galmudug Axmed Dhiblaawe Casayr ayaa sheegay in gargaarkani uu yahay kii labaad ee la gaarsiiyo degaannadaasi, wuxuuna sheegay in ay si hufan u gaarsiin doonaan dadkii loogu tala galay iyagoo gaashanaya maamulka gobolka iyo kan degmada.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo gaaray Washington DC

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC, halkaas oo lagu qabanayo shirka xiliga gu,ga (Lix biloodlaha) ee IMF iyo Banging Adduunka oo socon doona muddo hal asbuuc ah.

Ka hor furitaanka shirka loo dhan yahay, wafdiga Wasiirka Maaliyaddu waxa ay maanta kulan muhiim ah la yeesheen Dr. Mahmoud Mohieldin, oo ah Agaasimaha Sare ee Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF u qaabilsan dalal ay Soomaaliya ka mid tahay.

Kukankan gaarka ah ayaa diiradda lagu saaray dib-u-habeynta maaliyadda dalka, caawimaadda IMF iyo helidda maalgalin buuxda oo looga gudbayo xiliga deyn cafinta kadib.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa la filayaa muddada toddobaadka ah ee soo socota in uu Washington kulamo muhiim ah kula qaato madaxda dalal iyo hey’ado maaliyadeed si loo horumariyo maaliyadda iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Wasiir Fiqi oo xarunta SODMA loogu qabtay kulan satoogis, maamuus & soo dhaweyn iskugu jira

Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa maanta waxaa kulan satoogis, Maamuus iyo soo dhaweeyn iskugu jira loogu sameeyay Xarunta Qaran ee howlgalka Gurmadka Deg-dega ee hay’adda maareynta musiboyinka Qaranka ee SoDMA.

Maamulka sare ee hay’adda SoDMA oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Hay’adda Md. Maxamuud Macallim Cabdulle, iyo Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Dr Axmed Cabdi Aadan Wasiirka uga mahadceliyeen wada shaqeyntii wanaagsaned iyo hoggaamintiisi hagar la’aaneed inta uu hayey xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha.

Wasiirka oo uu wehliyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka ayaa si wadajir ah u kormeeray qeybaha kala duwan ee xafiisyada xaruntaan, waxaana kulankaan lagu soo bandhigay wax qabadka hay’adda u qabsoomay inta ay jirto, isaga oo lagu maamuusay Wasiir fiqi hadyado muhiim ah oo loogu mahadcelinayey wada shaqeyntiisii hay’adda iyo sida uu garabka ugu ahaa.