Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer ku tagay xerada Jeneral Daa’uud oo ay ciidanka Gorgor daganyihiin

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa’uud, halkaas oo ay ka amba-baxayaan cutubyo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, waxa uuna tilmaamay filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu oo u hamuum qaba in laga dulqaado cadowga dhiig miiratada ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go’an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha oo Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey baaris ku saabsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca SJS

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir u gudbiyey warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), kaas oo loo adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha kaas oo ay heshay warbaahinta Qaranka ayaa lagu yiri, “Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo gudanaya waajibaadkiisa Qaran ayaa u gudbiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir warbixin baaris, xayiraad iyo fatashaad la xiriirsan Koontooyin ganacsi oo ku furan magaca Somali Journalists Syndicate oo loo soo gaabsho (SJS), loona adeegsaday diiwaan galintooda shati been abuur ah.”

Sidoo kale Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ayaa lagu sheegay in SJS loo haysto, “fal-danbiyeedyada ku xusan Qodobada: 372, 378, 452/3 ee Xeerka Ciqa- abta Soomaaliyeed iyo Qodobada 8aad, f- laad, Qod. 16aad f- laad, Qod. 26aad ee Sharciga Saxaafadda Xeer Lr. 26, ee soo baxay 30/07/2020.”

Maxkamadda oo ka jawaabaysa codsiga Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka waxa ay soo saartay amar Fatashaad iyo Xayiraad waafaqsan qodobada 53,54,55 XHCS. Sida lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha ee Qaranka.

Ugu dambeyn Xafiiska ayaa sheegay in marka uu baarista dhamaystiro uu eed waafaqsan qodob- ka 7laad ee XHCS u gudbinayaa Maxkamadda gobolka Banaadir.

May be an image of text

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay Safiirka Cusub ee dalka Taliyaaniga

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub dalka Taliyaaniga ee Soomaaliya Amb. Pier Marion Dacco Coppi.

Kullanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo danjiraha dalka Taliyaaniga Mudane Pier Marion Dacco Coppi oo ahaa mid isbarasho iyo kala warqaadasho ah, maadaama safiirka uu cusub yahay.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii Dowladda Taliyaaniga ay kaalin muuqata uga qaadan laheyd tayaynta iyo horumarinta Golaha Shacabka, waxaana uu ammaanay doorka Baarlamaanka Soomaaliya ka qaatay ansixinta shuruucda muhiimka u ah qaranka. Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa  Dowladda Taliyaaniga ku boggaadiyay kaalinta weyn ka soo qaateen dib u dhiska dalka.

   

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo sheegay in Dowladda ay xoogga saartay dagaalka ka dhanka ah khawaarijta

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Dowladdu ay xoogga saartay howlgallada ka dhanka ah khawaarijta ee ka socda Gobollada dalka si gacanta loogu dhigo deegaannada ay weli joogaan argagixisada.

Wasiir Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in ujeedka ciidanku uu yahay ka gungaarista waxa ay u dhaartayn oo ah in ay difaacaan Dalkooda, Dadkooda & Diintooda sidaas awgeed lagu gaari karo wadajir iyo iskaashiga ciidamada & Shacabka.

“Halgankaan qiimaha badan ay ciidamadu ku jiraan oo ay qayb ka yihiin ciidanka Daraawiishta iyo Macawiislayda waa in la difaaca Diinta, Sharafka & karamkooda, Dad badan ayaa u dhintay halgankaan waxaa nalaga rabaa inta uu qof naga nool yahay in aan xaqiijiyo hhadafkaas”sidaa waxa yiri wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa sheegay in tababarrada ciidamada Dowladda Federaalka ay bixinayso ay ku arkeen Dhallinyaro heegan u ah kana go’an tahay in ay difaacaan Dalkooda si lamid ah halyeeyadii ka shaqeeyay halgankii xorriyadda Dalka, warkan ayuu wasiirku ka sheegay xafladda qalin-jebinta dufcadda 10-aad ee ciidanka Danab oo ka dhacday Taliska Bali-doogle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraysa dib u habeynta ciidanka xoogga dalka iyo sidii guud ahaan dalka looga xoreyn lahaa khawaarijta oo dhibaato xooggan ku haysa shacabka Soomaaliyeed

Dab khasaare geystay oo ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee gobolka Nugaal

Dangorayo:- Dab xoogan ayaa maanta ka kacay dooxada deegaanka Dalsan ee degmada Dangorayo ee gobalka Nugaal, kaas oo loo badinayo in uu ka dhashay isbeddelka Cimilada ee sii kululaanaysa.

Dabkan ayaa la sheegay in uu sababay khasaare soo gaaray dhul daaqsimeedka siman ee dooxada Dalsan oo ku dhow degmada Dangorayo.

Guddoomiye Ku Xigeenka degmada Dangorayo Mudane Cabdinuur Xaaji Axmed ayaa Sheegay in Maamulka degmada ay ku guulaysteen daminta dabkaasi, islamarkaana la baarayo waxa sababay.

Shir looga hadlaayey sidii siyaasad Qaran looga yeelan lahaa arrimaha tahriibka oo lagu qabtay Muqdisho

Shirkan oo uu soo qaban qaabiyay Xafiiska Ergayga gaarka ah ee Madaxweynah JFS u qaabilsan Arrimaha Muhaajiriinta, Soogalootiga iyo xuquuqda carruurta, loogana hadlayay in siyaasad Qaran laga yeesho yareynta Tahriibka iyo sidii dib loogu soo celi lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan wadamada Caalamka ee doonaya in ay dalka dib ugu soo laabtaan, waxaa ka qeybgalay Wasiirada Wasaaradaha ay quseyso iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay shirka.

Egayga Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa masuuliyiinta sharka ka qeybgashay uga warbixisay waxyaabihii u soo qabsoomay Xafiiska iyo xog uruurintii uu sameeyay intii uu jiray ee ku aadan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan Caalamka.

Intaasi kadib masuuliyiinta Wasiirada ah ee ka qeybgalay shirka ayaa dhankooda sheegay in muhiim ay tahay in la helo goobo Caafimaad oo  lagu baxnaaniyo dadka qaar ee dhibaatooyinku ka soo gaareen tahriibta iyo in  la helo qorshe dib u dejin loogu sameynayo dadkaasi.

Egayga Madaxweynah Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Arrimaha Qaxootiga Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf ayaa tilmaamtay in muhiim ay tahay in qorshe Qaran laga yeesho Tahriibka madaama uu yahay dhibaatada ugu badan ee heysta dadka Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo kala hadlay Ergeyga gaarka ah ee Finland ee geeska Afrika xoojinta xiriirka labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Danjire Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta oo Axad ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Ergeyga gaarka ee dhexdhexaadinta Nabadda Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Finland, Mudane Suldaan Saciid Axmed, isaga oo kala hadlay xoojinta xiriirka labo geesoodka iyo iskaashiga u dhexeeya labada dal ee saaxiibada ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu fallanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee heer gobol iyo heer caalami ee muhiimadda gaarka ah u leh, iyaga oo muujiyay sida ay uga go’an tahay labada dhinac inay iska kaashadaan hindisayaasha nabadda iyo xasilloonida.

     

Xubnihii dhowaan la magacaabay ee Golaha wasiirrada oo maanta la dhaariyey

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo ay maanta yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa dhaarinta wasiiradda dhowaan uu soo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, waxaana dhaariyay garsoore Saalax Sheekh Ibrahim ka tirsan Maxkamadda Sare ee dalka. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo la dardaarmay wasiiradda cusub ayaa xusay in xilkooda u gutaan si mas’uuliyad ku jirto ugana adeegaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed.

 

          

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo ka hadlay cabashooyin ka timid beeralayda Soomaaliyeed

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Mareeye),ayaa ka jawaabay cabashooyin ay beeralaydu ku qabeen ciidamada jooga baraha lagu baaro baabuurta sida khudaarta soo gasha Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in beeraleyda Soomaaliyeed ay kamid yihin dadka ugu qiimaha badan shacabka soomaaliyeed madama ay soo saraan waxyabihii bulshada nolosheda ay ku tiirsaneyd, kaalin weyn ku leeyihin waxsoo saarka dalka,wasaaradana ay kala sheqeeyn doonto wax walbo oo u fududeeynayo in dalagyadooda ay gaarsiiyaan suuqayada Caasimadda.

“Beeraleyda soomaaliyeed waxaan u Sheegayaa in wasaaradda ay u taagan tahy in ay caawiso beeraleyda ,in ay u sameeyso wax kasto oo dhiirigalin u noqonayo sidii waxsoo saarkoodu u fiicnaan lahaa,masuuliyadaa ayaana u taaganahnay” sidaa ayu yiri wasiir Mareeye

Sidoo kale wasiir Mareeye ayaa ganacsatada iyo beeraleyda dhankooda in ay u dulqataan ciidanka har iyo Habeen u taagan sugidda amniga Caasimadda,si looga hortago dhagaraha argagixisada,ciidanka amniga ayuu sidoo kale  ka codsaday in iyadoo la Eegay dalagyada ay sidaan qaarkood oo aan mudda badan ooli kKaren bannaanka in loo fududeeyo iyadoo aan lagu xad gudbeen habka sugidda amniga.

Dhawaan ayay ahayad markii Beeraleyda Soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyeen ciidanka ku sugan baraha lagu baaro gadiidka,taa oo ay shegeen in mudda lagu hayo halkaa islamarkana ay inta badan ka halabaan dalgyadii ay beeraha kasoo gureen.

QISADII NABI AADAM CS (QEYBTA 3-AAD)

Cabashadii Nebi Aadan iyo Muuse:- Waxay weriyeen Bukhaari iyo Muslimba in uu Abu HJurreera (RC) soo weriyay in uu rasuulku (CSW) yidhi:- ( Nebi Muuse ayaa ka cawday Nebi Aadan oo waxa uu ku yidhi adigu kii denbigaaga nooga soo saaray jannada ayaad tahay, Nebi Aadanna waxa uu ugu jawaabay oo adigu rasuulkii illaahay doortay miyaanad ahayn ee uu u doortay risaaladiisi iyo hadalkiisi, oo ma waxaad igu canaananaysaa wuxuu illaahay qoray intaanu i abuurin ka hor)

Sidoo kale Axmed Musnadkiisa waxa ku jira in uu nebi Muuse ku yiri Aadan (Adigu waxaad tahay aabahayagii na khiyaameeyay oo waxa naga soo saartay jannadii, ka dibna Nebi Aadan ugu jawaabay Illaahay sooka adiga ku doortay ee kuu doortay hadalkiisa, oo ma waxaad igu canaananaysaa arrin illaahay qoray aniga hortay intaanu i abuurin afartan sanno) Wuxuu xujeeyay Aadan Muuse, Muusane waxa uu xujeeyay Aadan.

Sidoo kale Abu Daa’uud waxa uu isna ka soo weriyay Cumar Binu Khadaab in uu yiri Rasuulkii illaahay ayaa yidhi: Muuse waxa uu yiri: (Illaahayow i tus Aadan, Aadankii isaga iyo anagaba jannadda inaga soo saaray, dabadeedna illaahay ayaa tusay, waxaana uu ku yiri:

Adigu waxaad tahay aabahayo, Aadanna waxa uu ku yiri waa runtaa, wuxuu yidhi Muuse adiga ayuu illaahay kugu afuufay ruux kuna baray magacyadiisi malaa’iigtii kalena uu faray in ay kuu sujuudaan, wayna ku wada sujuudeen, waxa uu ku yidhi waa runtaa, wuxuu yidhi Nebi Muuse oo maxaa kugu kalifay in aad naftaada iyo anagaba jannada naga soo saartid. Aadan ayaa ku yidhi adigu yaad tahay?

Wuxuu yiri anigu waxa aan ahay muuse, ka dibna Aadan wuxuu ku yidhi adigu waxaad tahay Nebigii illaahay reer binu israa’iil illaahay u soo diray ee illaahay la hadlay isagoo illaahay iyo adiga aanay cidi u kala dhexeen wax rasuul ahi, wuxuu yiri muuse waa runtaa.

Wuxuu yiri Nebi Aadan oo miyaanad ogayn in ay ku taalay kitaabka illaahay intaanu illaahay aniga i abuurin, wuxuu ku yidhi waa runtaa, Aadan wuxuu yiri oo hadaa maxaad iigu canaanan wax qadarka illaahay hortay sii jiray, wuu xujeeyay Aadan muuse, muusena wuxuu xujeeyay Aadan).

Xadiiskani waxa uu radinayaa dadka diidaya qadarka illaahay, qofka diida qadarka illaahay qofkaasi waa qof canaad ah, axaadiistan aanu soo bandhignayna waa axaadiis badan oo is xoojinaysa.

Waxaad xustaa markii uu illaahay soo saaray arwaaxdii tafiirtii Nebi Aadan ee dhabarkiisa ku jirtay kana qaaday balan.

Illaahay waxa uu ballan ka qaaday reer bini Aadan iyagoo ku sugan togoogii aabahood nebi adam maalintii carafe. Illaahay waxa uu yidhi (SW) “Waxaad xustaa markii uu illaahay balanta ka qaaday reer bini Aadan iyaga oo ku jira dhabarkooga markhaati geliyayna nafahooga, illaahay waxa uu ku yidhi miyaanan ahayn rebigiin, waxay yidhaahdeen waad tahay, si aydaan u odhan dharaarta qiyaame waxa aanu ahayn qaar moogan.

Amba aanad odhan waxa shariig yeelay aabayaashadii naga horeeyay anaguna waxaanu ahayn tafiirtoodi ka dambaysay, ma waxa aydun nagu halaagi waxay sameeyeen kuwa baadil falayaashu” Suuratul Ca’raaf 172-173}

Waxa ku sugan iimaamu Axmed Musnadkiisa in uu anis binu maalik illaahay raali ha ka noqdee uu ka soo weriyay Nebiga (CSW) in uu yidhi:

(Nin Ehlu naarka ka mid ah ayaa waxa lagu oranayaa maalinta qiyaame haddii aad dhulka wax ku lahaan lahayd miyaad isku furan lahayd? Kaas oo odhanaya haa, waxa lagu odhanaya waxa lagaa doonay wax taa ka fudud oo waxa lagaa qaaday balan adiga oo ku sugan dhabarkii aabaha Aadan in aanad illaahay u shariig yeelin waxba, waad diiday waxna waad la shariik yeeshay).

Xadiiskani waxa uu inoo tilmaamayaa in reer binu Aadan uu illaahay balan ka qaaday intii ay ku jireen dhabarkii aabahood Aadan, kuna markhaati geliyay nafahooga.

 

WD: Ibrahim Warsame