SOOMAALIYA OO CARO XOOGAN KA MUUJISAY HESHIISKII BADDA

Soomaaliya ayaa muujisay sida ay u diidan tahay heshiiskii ay Itoobiya oo aan bad laheyn dhul xirana ah la gashay Jamhuuriyadda iskeed isku magacowday ee Somaliland , kaas oo la sheegay in Itoobiya uu suurtagalinayo in ay Somaliland oo in ka badan soddon sano ka hor sheegtay in ay ka go’day Soomaaliya balse aan helin wax aqoonsi ah oo caalami ah.

Arrintan muran fara badan iyo caro ayaa ka dhalatay waxaana inta badan la isweydiinayaa : Itoobiya aqoonsigeeda muxuu u soo kordhin karaa Somaliland?.

Tan waxaaba ka horreeya waayo ayo cidda Heshiisku dhexmaray ?

Itoobiya cid aan dowladda Soomaaliya aheyn heshiis ma kala geli kartaa dhul iyo bad Soomaaliyeed ?

Sidoo kale waxaa la is weydiin karaa : Maxay Somaliland maamulkeedu ku bedelanayaan bixinta deked, saldhig ciidan iyo badda ?

Muuse Biixi Cabdi wuxuu sheegay markii uu Hargeysa ku soo laabtay in Itoobiya ay noqon doonto dalkii ugu horreeyey ee caalamka ee aqoonsada Somaliland sida uu yiri.

Su:aalahaa oo dhan ma aha luwo jawaabtoodu caddahay waxaana ka soo baxay falcelino kala duwan.

Sidoo kale dowladaha caalamka laftooda siiba Mareykanka , Ingiriiska, Midowga Afrika iyo IGADD siyaabo aan is laheyn oo kala duwan ayey uga hadleen arrintan qaarkoodna waxaa ka muuqatay in ay ka cago jiidayeen in ay si cad u sheegaan in Itoobiya soo faragalisay arrimaha Soomaaliya ayna wax u dhintay qaranimada Soomaaliyeed.

Dhinacyo kale marka laga fiiriyo arrintan waa mid xiisaddeeda wadata oo gobolkan geeska Afrika galin karta loolan hor leh iyo tartan ay ku tartamaan dalal siyaasad hoose isku haya ayna labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya ay kala taageeraan sic id waliba u ilaashato danaheeda geeska Afrika siiba dalal ay ku jiraan Masar, Imaaraadka Carabta , Ingiriiska , Sacuudiga , Ereteriya iyo kuwo kale taas oo sii cakiri karta xaaladda.

Sidoo kalena waxay arrintani ay qalqal gelin kartaa shuruucdii u taallay Midowga Afrika ee dhinaca xuduudaha iyado sidoo kalena meel ka dhac ku ah heshiisyada diblomaasiyeed ee caalamiha ah.

Haddii ay arrintan si dhab ah heshiiskan is afgarad  u saxiixdo Itoobiya wuxuu noqonayaa in Itoobiya si cad u kala geysay midnimada Soomaalida maalna uga dhacday.

Wuxuu sidoo kale soo gabagabeyn karaa heshiiskan xiriirkii wanaagsanaanayey ee in muddo ah u dhaxeeyey Soomaaliya iyo Itoobiya

“Heshiiskaas waa waxba kama jiraan “ ayey tiri dowladda Soomaaliya si carol eh ayeyna uga jawaabtay iyadoo shacabka Soomaaliyeedna ay isugu soo baxeen bannaanbaxyo ay ku muujinayaan shacuurtooda kuna diidan yihiin arrintaa .

Madaxweynaha Somaaliya Xasan Sheekh Maxamud iyo Ra’iisul wasaarihiisa labadaba waxay jeediyeen hadalo kulkulul oo ay ku sheegeen in aan la oggolaan Karin in taako ka mid ah dalka Soomaaliya ay qaadato Itoobiya ayna Soomaaliya difaacaneyso Qaranimadeeda.

Sidoo kalena Soomaaliya waxay u yeeratay danjiraheedii dalka Itoobiya taas oo muujineysa heerka carada ka dhalatay arrintaa ay gaarsiisan tahay.

WQ: Maxamed Shiil Xasan

 

DARYEELKA DANTA GUUD MAXAA LAGA QABTAY?

Waxaa qalabiga Ummadda Soomaaliyeed sida dabeysha ugu wareegaya, goorta ay heli doonaan dareelka danta guud, oo ay ugu horreeyaan goobahii Caafimaadka iyo gargaarka degdegga ah, soo jeedkii kalantankii farmashiyeyaalka kuwaasoo diyaar u ahaa dadka habeenkii xanuunsada sida kuwa neefta qaba iyo weliba heegankii taqaatiirta isbitaallada, taasoo loo baahan yahay xilliyada habeenkii ah iyo xilliyada ay dhacaan shilalka ay sababaan gaadiidka dagaallada iyo warshadaha.

Sidoo kale, waxaa dadka indhahooda muddo badan ka daahay boosteejooyinkii baabuurta laga raaci jiray iyo gaadiidkii degmooyinka u kala gooshi jiray oo lambareysan kaasoo dadku ay ku qabi jireen amni, lana yaqiinnay meeshuu ka baxayo iyo meeshuu u socdo, arrintan waxay waxbadan ka tari lahayd dadka aan magaalada kala aqoon iyo kuwa shaqada u deg-degaya, waxayna hadda u maraan degmooyin kala duwan oo aysan dan kala heyn oo waxayba gaadiidka qaarkiis kaa luminayaan jahadi aad u socotay.

Shacabka Soomaaliyeed, waxay tebayaan oo aysan muddo helin Dugsiyadii Waxbarashada ee lacag la’aanta ahaa, sidoo kale, Waxbarashadii Dadka waa-weyn oo Iyana faa’iido badan lahayd, wuxuuna shacabku ka dhursugayaa waxyaabaha aan kor ku soo xusnay oo dhan.

Sidoo kale Dareenka Shacabka, waxaa ka dhax-guuxaya, Ceelashii biyaha macaana iyo korontadii ay ku taami jireen goorta loo soocelin doono, weliba gaadiidkii dowladda hoose ee dadku u yaqiineen Shitaawe, ama Baska dowladda hoose ee lagu raaci jiray qiimaha aadka u jaban iyagoo gaari jiray masaafo aad u kala fog.

Waxa kaloo dareenka shacabka ka dhex guuxaya, goorta ay heleyaan  Degmooyin la shaqeeya xaafadaha iyo deeganka ay xukumaan kawar hayn iyo lashaqayn gaar ah taasoo ay aad u wanaagsan tahay in ay iskuxiran yihiin dagma iyo shabkeeda sababtoo ah dagmadu waxay masuul katahay shacabka kunool deegaaanka ay xukunto hadaba maqaalka dareenka shacabku waxa uu idiinso ban dhigaaya had iyo jeer wacyi gelin ku saabsan midnimo isgarabsi wada shaqayn iyo horumar taasoo lagu gaari karo guusha ugu sarreeysa iyo higsiga qaran ee baaxad leh

W/Q: Abwaan Gabeyre

 

FAA’IIDADA NAAS NUUJINTU AY LEEDAHAY CARUURTA

Caanaha naaska hooyada waa caano isku dheelitiran oo rabaani ah oo fatamiinnada iyo wax kasta oo la xiriira nacfiga jirka ay ku dhan yihiin kuwaasoo ay ka mid yihiin Brotin, kaalshiyam, biyo, fosfaris, iyo noocyada kale.

Naas nuujinta waxay cunugga ka difaacdaa cudurro badan wuxuuna cunugga markaasi dareemaa kalgaceylka hooyada

Hooyada inta ay uurka leedahay waa in ay la socota xaaladdeeda oo ay ku xirnaataa xarunta caafimaadka ee hooyada iyo dhallaanka (MCH) ugu dhaw iyo dhaqtarka markaasi ku taqasusay cudurrada haweenka jinakolijiya

MCH-ku wuxuu hooyada ka caawiyaa  tallaalka ay u baahan tahay iyo xaaladaha arrimaheeda halka dhaqtarka cudurrada haweenka qaabilsan uu ka caawin karo hooyadaasi uurka leh xaaladaha ay ku sugan tahay kama dambeysta sida in ilmahu uu yahay mid caadi ku dhallan kara ama in uu yahay mid u baahan qalliin oo cunugga yari ee caloosha ku jira uu si dadab ah ilmo galeenka ugu jiro waana mid muhiim ah in markasta lala socodo xaaladda haweenka uurka leh.

Inta hooyada umusha ay ku jirto marka laga billaabo xilliga ay dhasho cunugga waa inay heshaa daryeel gaar ah iyo nafaqeyn waa sidaasiyee waa lama huraan hooyada in ay ilmaha yari nuujiso maalmaha hore oo aysan noqn arrintu caanaha waa dambar lama nuujin karo cunugga yari waa inuu helaa xafidaad daryeel, iyo naas nuujin joogto ah muddo laba sano ah sida ay diinta islaamka ay qabto

Cunugga yari waa in si waqtiyeysan loo jaqsiiyaa naaska, ilmaha yari waa in lagu habaa ama lasiiyaa biyo bad qabaa ama nadiif ah oo qafiif ah sida biyo caafi islamarkaasna loogu qabeeyaa saabunta caruurta looguna dhaashaa kareemka loogu talagalay iyo saliiddaba

Waxaa jira bilo yar ka dib hooyada ilmaha in ay ku billowdo caana booraha qasacyada ku jir ee kala duwan kuwaasoo wax faa’iido ah aan u lahayn cunugga marka la barbar dhigo naaska hooyada oo ah kan ilmaha yari koriya jir ahaan iyo maskax ahaanba inkastoo masaasadda aan looga maarmin xilliyada uu gar guurashada balse caanaha la siiyo ay noqdaan kuwa ariga ama lo’da

Goor walba waxaa wanaagsan in caanooyinkale aan lagu degdegin gaar ahaan caana booraha oo si joogta ah loogu habaa naaska hooyada ka dibna la siiyo caanaha mamex ka dibna kuwa kale haddii aan laga maarmin iyadoo laga taxaddarayo ugu dambeyn ogoow hooyo in naas nuujintu tahay wadiiqada keliya ee Asw ugu talagalay in lagu quudiyo muddo laba sano ah sidaa daraadeed dareel cunuggaaga yar.

WQ: Ibraahim A. Ali

MAXAA LOO JARAYAA DHIRTA?

Forestry worker othinning a forest to prevent large forest fires. Proactive brush and tree thinning and controlled burns can help reduce the risk of large forest fires.

Guud ahaan gayiga Soomaaliyeed waxaa ka socda xaaalufinta dhirta taas oo inta badan laga shito dhuxul.

Ka ganacsiga dhuxusha waxaa ku nool kumanaan qof oo Soomaali ah kuwaasi oo ka ganacsada dhuxusha kuna maareeyo noloshooda maalin laha ah.

Balse taa badalkeeda ka ganacsiga dhuxusha waxa ay dhibaato weyn u keentay deegaanka,  jaridda Dhuxusha waxa ay deegaanada Soomaalida u keentay xaalufin.

Xaalufinta dhirta waxey keeneysaa ama keentay abaaro joogto ah oo soo laa laabto sabab too ah dhirtii xiliga jilaalka ay daaqi lahaayeen xoolaha waa la xaalufiyey oo waxaa laga jaray dhuxul waxeyna sabab u noqotay in ay soo noqnoqto abaarta,dhirta waxey u baahan tahay badbaado waayoo dhir hadeysan jirin jiri maayo dhal.

Dhuxusha laga jara Somaaliya ayaa si qarsoodi ah loo dhoofiyaa iyadoo dadka qaar ay ku eedeeyeen ciidamada kenya ee qeybta ka ah howl galka midowga Africa ee Amisome in si qar soodi ah dhuxul uga dhoofiyaan dakadda magaalada kismaayo.

Deegaanada qaar ee Soomaaliya waxaa ka nabaad guuray duur joogtii waxa ugu horeeyo oo sababay waxaa ka mid ah xaalufinta dhirta iyo dagaaladii sokeeya ee ka dhacay dalka , Soomaaliya waxaa laga heli jiray duur joogta nuucyadooda kala duwan maantana xitaa shibirihii ayaa ka nabaad guuray.

Mar haddii ay sii socota xaalufinta dhirta side lagu joojin karaa oo looga hortagi karaa xaalufinta dhirta?

1 waxa looga hor tagi karaa in dadka jaraayo dhuxusha in loo sameeyo wacyo galin iyo in loo sharxo dhibaatada ka dhalan karto jaridda dhuxusha, wacyi galinta markasto waa muhiim.

2 Dhowladda in ay ka soo saarto sharci jaridda dhuxusha, sharci gaasoo cadeynaayo cid kasto oo sharci la’aan jarta dhuxusha ciqaabta ay muteysaneyso, maxaa yeelay sharcigu waxuu xadidayaa ama yareyna yaa xaalufinta dhirta.

3 In ay dowladda ay ku saarto guddi dabagalo oo lasocodo dhaqan galka sharciga iyo ka soo warbixinta arimaha xaalufinta dhirta.

4 dadka deegaanka oo is xilqaamo iyaduna waxey wax weyn ka tari kartaa ka hortagga ama joojinta xaalufinta dhirta.

Rxuux kast oo Soomaali ah oo dagan gudaha dalka waxa ay mas’uuliyad ka saarantahay ka hortagga ama joojinta xaalufinta dhirta.

Quruxda dalkeena sharaf ayeey inoo tahay dhamaateen cid gooni ah sharaf uma aha ee soomaali oo dhan ayey sharaf u tahay.

Dowladana waxaa looga fadgiyaa in sharci cad ay ka soo saarto xaalufinta ama jaridda dhirta taasi oo  dhibaato weyn ku heyso  deegaanka.

W/Q: Cumar Maxamed Cumar.

 

 

DEEN CAFINTA SOOMAALIYA WAA TALLAABO YEDADIILO LEH OO WADIIQO CUSUB U FUREYSA DALKA

Dadaal muddo soo socday oo lahaa sharuudo iyo texraacyo kala duwan oo dowladda soomaaliya si wacan kaga soo baxday dhammaan waxyaabihii ku xiraa habka deen cafinta kaasoo kama danbeystii hay’adaha dunida ee deynta nagu lahaa ku qanceen taabagelintii fulinta sharuudaha

Arrintaan ayaa noqotay mid soo celisa haybaddii iyo heykalkii dowladda soomaaliya ay ku dhex laheyd ay ku lahayd dunida, waa tallaabo horay loo qaaday mustaqbalkana dalka u horseedi karta kobac dhaqaale oo kaalin ka qaataa horumarinta mashruucyo badan oo dalka laga hirgeliyo oo noocyo kala duwan leh

Waxaa haatan Meesha ka baxaya caqabadaha la macaamilka dowladaha aan gacan saarka la lahayn oo awal hore u heelanaa in si cad wax loo wada qabsado

sidoo kale, hay’adda lacagta adduunka ee IMF iyo Banka Adduunka iyo Midowga Yurub ayaa si wacan loola macaamili karaa mustaqbalka dhow iyo kan fog oo ka fududeyn doona dowladda culeyskii habka dhaqaalaha lagu horumarin lahaa

arrimaha fulinta sactarrada horumarinta beeraha iyo caafimaadka kalluumeysiga mashruucyada jidadka iyo qeybo kale oo aan halkaan ku soo koobi Karin

waa isha keliya eel aga faa’iideysto xilliga ku habboon oo markaasi loo dejiyo  qorsho tafaftiran kaasoo ku saleysan baahida dalka iyo qaabka loo abaari karo

mustaqbalka fog ee soo aaddan si habsami leh looga fiirsado amaahda ama la xiriirka dowladaha aanu saaxiibka nahay oo naga caawiya mashaariicyo badan oo dalka u baahan yahay oo waqti ku habboon

waa arrin farxad gelineysaa muwaadiniinta deyn cafinta tani waana mid guul laga gaaray dadaal badan oo la geliyay waxaan u rajeynaya guul iyo horumar badan mustaqbalka

WQ: Ibraahim A. Ali

CAAWI MASAAKIINTA IYO DANYARTA DARUUFEYSAN

Waxaan ka soo kacnaa sariir raaxo badan oo dhex taallo qol qurux badan oo ku dhex yaallo guri ka sameysan dhagax, qaboojiye ka dhex guuxaayo, Telefishinkuna daarran yahay xilli kasta!.

Waxaa soo xiranaa dhar qurux badan, kabo kala xiran, gacanta waxaa ku soo xardhanaa cilaan farshaxameysan saacad qaalli ahna waan soo xeranaa.

Sidoo kale, waxaan soo qaadannaa gaari ama waxaa soo raacnaa Bajaaj si aan u gaarno meel qurux badan oo leh hawo macaan, indhahana u roon!.

Ma hilmaano in aan buuxsanno dabka telfoonkeenna qaalliga ah, si aan sawirano meelo qurux badan ugu galno sheekada iyo Shaaha ka dib, waxaana soo galinaa Baraha Bulshada si Like, Love ama Woow la noogu saaro, taas oo ay noo dheer tahay sheekooyin raqiis ah oo loogu waqlalay “cadaw iska jabin”!.

Weli adiga iyo aniguba Kuma fekerno in ay jiraan kuwo aan heysan sariirtaas raaxada badan oo dhulkey seexdaan, qolkaas qurux badan, aqalkaas dhagaxa ka sameysan, koronto warkeedba daa, kuwaas oo ku hoydo cariish ka sameysan maryaha aa iska tuurno iyo Baco!.

Marnaba maankeenna kuma soo dhacdo in ay jiraan kuwo aan labbisan, isticmaalo lugahooda ‘lugeeyo’, heysan Telfoon ay Hellow dhahaan, haddii ay heli lahaayen cid sawirradooda keenta Baraha Bulshadana

Midkeenna kuma seexdo in ay jiraan kuwo nolosha kufisay, halka beddelkeeda nolosha uu Eebbe innaga noo kufiyay, waxaana ku jirnaa kibrinta naf dharagsan, halka beddelkeeda ay iyaga u dagaalamayaan helidda wax yar ay nafta ku badbaadsadaan!.

Halka meel aan ka simannahay ayaa ah xagga Allaah, waxa aan dheernahayna waa imtixaan adduun oo Eebbe naga qaadaayo, waxaa ku guuleysto imtixaankaas qofka fiirsha dhinacyadiisa iyo inta ka hooseyso, natiijadiisana waxey taallaa Eebbe agtiisa.

Kuwii ku guuleysta Allaha naga dhigo

WQ: C/salaam M. Yaasiin

 

Maamulka Gobolka Banaadir iyo Sarakiisha Ciidanka oo ka shiray dardargalinta Sugidda Amniga Caasimadda

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa gudoomiyay shir gaar ah oo looga hadlayay dardargalinta sugida Amniga Caasimadda iyo xoojinta isku xirka wada shaqeynta Laamaha Amniga iyo Bulshada.

Shirkaan oo ay goobjoog ka ahaayeen Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed  Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/sare Macalin Mahdi iyo Taliyaha Qeybta Guud ee NISA G/sare Muxiyadiin Warbac Shadoor, ayaa waxaa warbixin ku saabsan horumarada iyo isbedelka Amniga loogu dhageystay Guddoomiyaasha iyo Saraakiisha qeybta Bartamaha ee Gobolka Banaadir.

   

Wasiirka waxbarashadda XFS oo magaalada Brussels uga qeybgalay shirka Global Gateway for Education

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Faarax Sh. Cabdulqaadir ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium uga qaybgalay shirka caalamiga ah ee Global Gateway for Education.

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay Midowga Yurub, ayaa looga hadlay iskaashiga waxbarashada ee heer caalami, ahmiyadda waxbarashadu u leedahay kobcinta Iyo horumarinta aadanaha. Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa dood-wadaag ka qeybgelay intii uu socday shirka isagoo kalmad dad badan soo jiidatayna madasha ka jeediyey. Waxa uu si kooban uga sheekeeyay dadaalka labadii sanno ee la soo dhaafay ay XFS ku bixisay horumarinta waxbarashada, iyadoo miisaaniyadda dakhliga gudaha 9.5% loo qoondeeyay waxbarashada sannadkan 2024.

Wasiirku waxa uu sidoo kale dulmaray qorshaha dawladda ee la xiriira kobcinta tirada macallimiinta ka shaqeeya waxbarashada guud (dowladda), waxa uuna sheegay in kadib markii wajigii koowaad ee xulashada, tababarridda iyo shaqaaleysiinta macallimiintu guul ku dhammaday, dowladda Soomaaliya ay u tabaabusheysaneyso qaadashada 3000 Macallin oo cusub ah toddobaadyada soo socdo. Tiradani waxa ay qayb ka tahay qorshaha xukuumadda Dan Qaran ee lagu hiigsanayo in la gaarsiiyo tirada macallimiinta dugsiyada dadweynaha ka shaqeeya10,000, Sannadka 2025.

Intii uu shirku socday, wasiirka ayaa kulamo la yeeshay Madaxa Iskaashiga Caalamiga ah ee Midowga Yurub, wasiirrada Horumarinta Belgium iyo Wasiirka Waxbarashada Finland, ku xigeenka xoghayaha guud ee Qarammada Midoobey u qaabilsan arrimaha horumarinta bulshada iyo saraakiil sare oo ka tirsan Midowga Yurub. Wafdiga wasiirka waxaa ku wehliyay Safiirka soomaaliya u fadhiyo Midowga Yurub iyo Agaasimaha Guud ee Waxbarashada.

 

Wasiir Fartaag”Bilaha fooda nagu soo haya Khawaarijta waa laga weyn doonaa Galmudug iyo Hirshabeelle

Wasiirka cusub ee amnida dalka Generaal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in ay dardar ku socdaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda dalka, kuwaas oo uu sheegay in guulo la taaban karo laga gaaray.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in howlgallada ay ka socda dhammaan maamul gobolleedyada dalka gaar ahaan Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, wuxuuna carabka ku adkeeyay in la wiiqay awooddoodii, billaha soo socdana laga nadiifin doono deegaannada fara ku tiriska ah ay kaga harsan yihiin maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle.

” Waxaa la xaqiijiyay in nimanku tabar iyo xoog midna lahayn, oo ay ahayd waxoodu argagixisanimo, boor isku qarin iyo waxaan loo joogin iyo caga-jugleyn, waxaan filayaa Inshallaahu Tacaallaa, Ilaahey idinkiisa bishan bisheeda in iyadoo dalka Soomaaliya laga nadiifiyay Khawaarijta inaan ku gaari doono, maxaa yeelay maamulka Galmudug billahan nagu soo fool leh in Khawaarij laga weyn doono Inshallaahi Tacaallaa, hadda Hirshabeelle ayaa loo soo jeesan doonaa iyana waa noo fududaan doontaa inaan Khawaarijta ka ciribtirno,” ayuu yiri wasiirka amniga gudaha.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka go’an sidii gacanta Dowladda dib loogu soo celin lahaa deegaannada maqan ee Khawaarijtu ay ku dhibaateynayaan dadka shacabka ah.

Wasiirka Arrimaha Dibedda XFS oo maanta la wareegay xilka

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah XFS mudane Axmed Macallin Fiqi ayaa maanta xilka la wareegay, iyada oo uu ku wareejiyey Sii-hayihii ahna Wasiiru dowlaha Wasaaradda mudane Cali Cumar (Cali Balcad).

Mudane Axmed Fiqi, Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo ka hadlay munaasabadda xilwareejinta ee ka dhacday xarunta Wasaaradda ayaa ugu horreyn u mahadceliyey Madaxweynaha JFS mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha XFS mudane Xamsa Cabdi Barre oo u gartay in xilkan cusub ugu adeego qaranka, waxaa uu ballanqaaday xoojinta kaalinta Diblomaasiyadda iyo muuqa siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya isaga oo intaa raaciyay inuu ka shaqeyn doono difaaca danaha dowladda, sarreynta qadiyadaha iyo masaalixda kala duwan ee qaranka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamiga ah.

Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya mudane Fiqi ayaa xilka la wareegaya xilli wax ka qabasho, dardargelin iyo horumarin u baahan yihiin danno badan oo Soomaaliya kala dhaxeeya dalalka dariska, gobolka iyo caalamkaba.

Xilwareejinta kadib, Wasiirka Cusub ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa kulammo kala duwan la qaatay hoggaanka, waaxyada iyo howlwadeennada Wasaaradda isaga oo ka dhageystay shaqada ka socota iyo ajendeyaasha sanadka.

Danjire Axmed Macallin Fiqi oo ka tirsanaa Wasaaraddan Arrimaha Dibadda, heystana khibrad in ka badan 20 sano uu ka shaqeynayay hoggaanka sare ee heerarka kala duwan ee dowladnimada, soona noqday Safiirka Soomaaliya ee Suudaan, Taliyaha NISA, Wasiirka Amniga Galmudug, shaqadan cusub ka horna ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu dhiig cusub ku shubo siyaasadda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya isla markaana uu soo celiyo kaalinteeda bulshoweynta caalamka.