Wasiirka Gaashaandhiga XFS oo Hambalyo u diray Ciidanka Xoogga iyo Saraakiishooda

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay ka hadlay munaasabad lagu qabtay Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga taas oo lagu xusayay 64-sanno guurada ka soo wareegtay dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed isagoo ayaa Hambalyo u diray Dhammaan Ciidanka Xoogga,xasaaskooda,Carruurtooda iyo Saraakiishooda kala duwan.

Wasiir Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Hadh iyo habeen difaacyada iyo furimaha Dagaalka ugu jiraan Difaaca dalka iyo sidii nabad ugu ledi lahaayeen Shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka xoogga u diyaar yihiin dhammaan difaacida Xuduudaha Dalka sida Dhulka,Cirka iyo Badda oo marna aanay suurogal ahayn in taako dhulkeena ka mid ah la qaato.

Wasiirka ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey Dowladda Turkiga iyo dowladdaha kale ee Soomaaliya ka taageera dhismaha Ciidamada.

WAAD DHISTEEN WAANA QAALI

Markaan ka hadleyno Kirada Guryaha Muqdisho maahan wax keligeed saameeya, waana qeybo ka mid ah ayaana loola jeeda, waxaana cirka isku shareeray si naxariis darro ah kirada looga kireysto danyarta iyo shaqaalaha welibana loogu daro caga jugleyn aan waafaqsaneyn nidaamka iyo sharciga wax lagu kireysto, waxaana dhacda had iyo jeer qoys kirada muddada wax yar dhaafto iyadoon ogeysiin la siin looguna daro alaabta in bannaanka loogu soo daadiyo.

Qof muwaadin oo soomaali ah kira badanna oo qaali ah bixinayay muddo badan, taasoo uu xaq u leeyahay muwaadinkaas in la siiyo ogeysiin haddii kale laga dacweeyo saldhigga iyo degmada laakiin aan loo isticmaalin anaa guriga iska leh alaabtiina bannaanka lagu daadiyo, waayo guri kale raadin ayuu u baahan yahay iyo la siiyo waqti, waxaa kaloo jira kireystayaal guriyo ku leh degmooyinka ka fog meelahaas iyaga ah.

Ciidamada qalabka sida, noocyadooda kala duwan waxaa dantooda iyo  danta shacabka waxay ku jirtaa inay si isku xirnaan ah ayagoon u kala harin sugaan amniga degmooyinkaas shacabkooduna ay ka dhigtaan saaxiib sabatoo ah shacabka wuxuu doonayaa wax u qabasho, amniga oo la sugo iyo caafimaad.

Goortey doonaan inay ganacsadaan si xor ah, Waddooyinkana u maraan si nabad ah, sidaasna waxaa ku soo noqon lahaa noloshada dadka iyo bilicda magaalada haddaan la ilaalin nolosha bulshada doowladnimo ma jirto nabada nolosha ayey ka horreysaa nabad la’aan caafimaad ma jiro

Nabad la’aan sharafi majirto, nabad la’aan lama cibaadeysan karo, waayo shiikha saq dhexe raba inuu addimo, wuu ka baqaya amniga awadiis, taasina waxaad ku ogaaneysaa adduunka siduu qaali uga yahay talo bixin

Hantiilelyaasha iyo dadka guryaha iska leh ee soomaalida ah, iyagoo ilaah ka cabsanaya ilaalinayana midnimada bulshada iyo isjecelka soomaaliyeed ha dhowreen hana u naxariisteen dadka kireysteyaasha ah haddii lagu dhibaateeyo kirada iyo macaamilka waxaa abuurmaya colaad iyo isnaceyb ha soo dhaweeyeen heykalka dowladnimo magaca iyo sharafka soomaaliyeed.

Haddii saa yeeli waayaan waxaa muuqanaya inaysan qarannimo Soomaalinimo iyo sharaf aysan jirin intaasi waa naga talo.

Waxaa kaloo aan wareysi aan la yeeshay dable maxamed oo deegaankaasi ku nool kana mid ah kireysteyaasha wuxuu ii sheegay degmooyinka amnigooda la sugay inuu ku dhaawacmay saddex jeer ilaaheyna ka badbaadiyay ilaa gobollada shabeellooyinka inuu ku tagay howlgal, sidaa darteed in uu aad uga xun yahay in abaalkiidu noqdo kiro uusan xamili Karin iyo caga jugleyn loogu abaal gudo haddii kirada  uu iska bixin waayo alaabta bannaanka loo dhigo wuxuuna yiri waxaan ku fikirayaa haddii aysidaa noqdeen degmooyinka aad dhiigga u shubtay kuwa dambena ee aan ku howlnahay in aan amnigeeda sugno sidaa na yeelimayaan, wuxuu intaas ku daray inay arrintaasi tahay abaal darro iyo garasho xumo dadkiisa ka soo wajahday.

Haddaba si aysan sidaasi u dhicin, mural jab iyo qalbi xumo ka timaada ciidamada iyo shacabka biyiaha ka daba sida oo iyagana ka barbar dagaallama ciidamada, ciidamo aan shacab lahayn ammni ma sugayaan mana dagaallami karaan haddab si loo helo isku tiirsanaan iyo wax wada qabsi nafta iyo maalkaba ay ugu dhaxeeyaan ummadda soomaaliyeed waa in la ilaaliyaa arrin kasta oo keeneysa kala jab weliba loo naxariisto dadka danyarta ah ee soomaaliyeed ha ugu darnaadeen kuwooda difaaca ku howlan had iyo  jeerna ka maqan guryahooda.

Waxay Soomaali ku maahmaahdaa adduunyada waa laba boowdo oo midiba maalin qaawan tahay haddaba muwaadin astur cowrada walaalkaa si taada berry loo asturo.

W/Q: Abwaan C/salaam Axmed Gabeyre.

 

SHEEKO: NINKII INDHOOLAHA AHAAN JIRAY

Nin reer miyi ahaan jirey baa carruur wuxuu ka lahaa hal wiil

Ninkaas indhoolaha ah waxaa hagi jiray wiilkiisa, kaasoo ay caado u ahayd ka cabashada haggidda aabihiis sababtana waxay ahayd caasinimo ku jirtay awgeed taasoo keentay in aan waxba laga qaban edeb darrada ka soo socota waayo maleheen qofkaloo lagu beddesho.

Maalin maalmaha ka mid ah wiilkii oo aabihiis hoggaaminaya ayna marayaan meel cidla ah oo duur ah ayaa wiilkii wuxuu ku fikiray oo ku tashaday in uu aabihiis dhummiyo oo geed hoos fadhiisiyo kagana tago si uu dhurwaa ama libaax halkaasi ugu cunaan

Wuxuu goostay in arrintaas fuliyo ka dibna aabihiis ayuu wuxuu ku yiri aabbo waan daalnay ee geedkaan sii hoos fadhiiso, dudumahaas ayaan fuulayaa si aan u arko wax xoolo ah ama dad la socda, ka dibna wuxuu sameeyay halkii buu aabihiis kaga dhaqaaqay dib dambana uguma soo noqon.

Haddaba, wiilkii aabbihiis nolosha ku xooray si ay u cunaan habar dugaag ayaa weynaaday oo guursaday ka dibna Ilaahey wuxuu ugu deeqay wiil keliya.

Sidii oo kale wiilkiisii markuu soo yara weynaaday ayaa waxaa sidii oo kale indho beelay aabihii oo ahaa kii aabihiis kaga tegay duurka cidlada ah.

Ka dib maxaa dhacay markay wiilkii iyo aabbihii muddo sidaasi kuwada noolaayeen ayaa wiilkii wuxuu billaabay xumaan iyo weji beddel uu kula kacayo aabbihiis si looga daayo hoggaaminta iyo meelo u wad wadka.

Maali ayaa sidii oo kale, wiilkii wuxuu soo hoggaamiyay aabbihiis wuxuuna ku fakaray in uu dhumiyo aabihiis meel cidla’ahna kaga tago iyagoo maraya halkii ayuu wiilkii yiri aabbo halkaan sii fadhi waxaan meelaha ka eeg eegayaa in jiraan in wax xoola ah ay nagu dhow yihiine waan kugu soo noqonayaa.

Intaas ka dib waxaa shakiyay aabbihii indhoolaha ahaa oo wiilkiisa waydiiyay meesha ay maryaan ama ay joogaan magaceeda.

Markii meesha magaceeda loo sheegay wuxuu gartay in meeshu tahay halkii isagoo dhallin yar uu aabbihiis oo indhoole ah kaga tegay dabadeedna dugaagtu ku cuntay.

Kolkaasuu odaygii wiilkiisu ku yiri Maandhoow iska tag igu soo noqon meyside maxaa yeelay meeshaan waa tii aan aabbahay oo nool uga tegaye, wiilkii wuu ka tegay isla galabtaas buuna dugaaggu cunay odaygii indhoolaha ahaa taasina waa abaalkii hore ee uu u geystay aabbihiisa oo loo guday maxaa yeelay haddii ninku aabbii cidlo uusan kaga tegi lahayn isna maanta lagama tageen.

Haddaba, qof walba oo waalid dhalay waxay uga baahan yihiin inay xanaaneeyaan oo ka warqabaan una ilaaliyaan siday u ilaalin jireen markay yar yar yihiin, sidoo kalena marka ay duqoobaan waxay u baahan yihiin inaad la garab joogtaan oo u dhego nuglaataan inta ay ifka ku nool yihiin si aad adigana uga hesho abaalkaas kuwa aad dhali doonto si ay kugu abaalgudaan wixii aad horay u geysatay oo kale oo wanaag ah.

WD: Osman Dhiblaawe

 

 

SHEEKO: TODDOBA DILE MAXAA QABSADAY?

Bari baa waxaa magaalo joogi jiray nin dhallinyaro ah, oo fool-xumo iyo fulaynimo haad ka carar ah isku darsaday.

Maalin walba waxaa tuuryayn jiray, oo magaalada ku dhax cayrsan jiray ciyaal yar-yar iyo dumar aan sinnaba ugu jixin jixin oo shiidka iyo ulaha isugu rogi jiray. Dhibaatadii ay ciyaalku u gaysan jireen iyo dhag xumadii markuu u adkaysan waayay, ayuu go’aan ku gaaray inuu iska socdaalo, oo dhul aan laga aqoon qabto ama (aado).

Markuu dhowr maalmood socday ayuu magaalo ku baxay, wuxuuna dadkii magaalada joogay u sheegay inuu yahay nin geesi ma gambada ah, oo la yiraahdo “toddoba dile”.

Boqorkii magaalada ayaa maqlay inuu nin “toddoba dile” la yiraahdo oo geesi ihi yimid, wuxuuna dalbaday in loo keeno.

Toddoba dile ayaa boqorkii loo geeyay markaa buu ku yiri “ Ninyahow maadaama aad tahay geesi waxaa magaalada dhibaato ku haya Liibaax habeen kasta qof uu cuno geed loogu xiro, caawana gabadhayda ayaa la rabaa in loo xiro, markaa waxaan kaa rabaa inaad Liibaaxaas disho, gabadhana ii badbaadiso”.

toddoba dile oo cabsi darteed wadnuhu sidii dhariga u taqayo farahana ka garcinaya, balse qosal been ah isku maldahaya ayaa ugu jawaabay “ Boqorow taasi waa shaqadayda ee geedka Liibaaxa korkiisa aniga halay saaro si aan u dilo”,

sidii ayaa la yeelay oo geedkii korkiisa ayaa toddoba dile lagu diyaarshay qofkii hoos lagu xiri lahaana waa la fasaxay.

Xilli saq-dhexe oo habeenimo ah ayaa Libaaxii geedkii hoos yimid, wuxuuna ka waayay qofkii meesha loogu xiri jiray, asagoo xanaaqsan, baahi daran la hamaansanaya ayuu laba jeer Af labadii dhawaaqay, toddobo dile ayaa dhawaaqa Libaaxa maqlay hayeeshee cabsi aawadeed ayuu geed haleel uga soo dhacay, oo dhulka kuma dhicine Liibaaxii dusha uga dhacay.

Markuu arkay inuu Libaaxii sidii faras kooraysan dusha uga saaran yahay, hadduu ka dhacona sidii doolshaha loogu hanfiilan doono, oo lagu cashayn doono ayuu Libaaxii sidii mooto laba lugoodlay ah labada dhagood ku dhagay, kallidana qoob kaga dhiftay.

Libaaxii oo asaga qudhiisa aad u naxay ayaa sidii faras baxdooya ula booday, oo afar qaadle orod ah iskula jin baacay, wuxuuna la dhax maray magaaladii asagoo sidii faraska ula kablayna hadbana dhinac ula rogmanaya.

Dadkii oo dhan ayaa la yaabay ninkan libaaxa sidii faraska u kaxaysanaya, waxayna dhamaantood iska dhaadhiciyeen inuu yahay geesi sooma jeeste ah , hayeeshee waxaa isla markiiba dareenkoodii dhanka kale u rogay oo haddana ka yaabshay markay arkeen toddoba dile oo libaaxii ka dhacay, naftiisana la cararay iyo libaaxii oo sidii gantaalka u daba jooga, Illaahay amarkii toddoba dile wuxuu gacanta midig ku haystay toori yaroo laba afle ah.

Ayadoo uu toddoba dile libaaxii qaban gaaray, orodkiina uu meel ku gaari la’yahay ayaa tooraydii uu gacanta ku lalminayay waxay galowda ka dooxday libaaxii oo asaguna markaa isla gacanta rabay inuu afka ku rito, halkaas ayuu libaaxii ku dhintay.

Subaxdii ayuu boqorkii ku kalahay, wuxuuna u sheegay inuu libaaxii dilay, waxaana lagu abaal mariyay gabadhii uu boqorku dhalay ee libaaxa loo xiri rabay iyo hanti fara badan.

WD: Liibaan Xirsi Jimcaale

Safiirka Soomaaliya ee Kenya oo ka qayb galay kulan Casho sharaf ah oo looga hadlayey dhaqanka iyo Ganacsiga Soomaalida

Danjire Jibriil Ibrahim Abdulle ayaa xalay ka qayb-galay kulan Casho Sharaf ah oo lagu soo bandhiggayay dhaqanka dadka Soomaaliyeed isla markaana loogu dabaaldegayay munaasabadda Ciida,waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay ganacsiga heerka sare gaaray ee dadka Soomaalida ku leeyihiin dalka Kenya.

Xafladaan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay Madxafka Qaranka ee dalka Kenya,Munaasabadaan ayaa hordhac u ah badhig soconaya mudo dhowr maalmood ah.

Kumannaan kamida dadka ku dhaqan magaalada Nairobi ayaa u daawasho tegay bandhiga dhaqanka Soomaalida. Bandhigaan ayaa lagu qabtay Madxafka Qaranka

Ma ahan oo kaliya in dhaqanka la soo bandhigayo, balse waxaa iyadana munaasabada lagu soo bandhigay firfircoonida iyo kobcinta ganacsiyada dadka Soomaalida ee ku dhaqan dalka Kenya.

Danjire Jabril Ibrahim Abdulle , ayaa Xafladaas ka jeediyay khudbad meelo badan taabatay. Isaga oo ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in dadka Soomaaliyeed la isku soo dhaweeyo.

  

Dowladda Soomaaliya oo been abuur ku tilmaantay war ay faafisay Reuters

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay si xooggan u diiddan tahay, ayna beeninaysaa warka ay faafisay Wakaaladda Wararka Reuters ee ah in kulanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweyne William Ruto ku dhexmarey magaalada Nairobi lagu soo hadal qaadey soo jeedin la xiriirta heshiis arrimaha badda ee dalalka gobolka gelayaan.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay caddeyneysaa in qodobkaasi aanu marnaba ka mid ahayn ajendaha kulanka labada Madaxweyne dhex marey. Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an ilaalinta qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo ugu hambalyeeyey ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed sanad guurada 64-aad

-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda sannaD guurada 64-aad ee ka soo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay in qaadista cunaqabataynta hubka oo dowladdu ay dadaal ku bixisay ay horseedi doonto qalabaynta, tayeynta iyo xoojinta cududda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, ayna ka soo kaban doonaan, haddii Alle idmo, dhaawacii ka soo gaaray burburkii dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay muhiimadda weyn ee qarankeenna ay u leedahay ciidan awood leh oo si buuxda u hanta sugidda amniga iyo xuduudaha dalka, kana difaaca dadkeenna khatar kasta oo cadowgu ay soo maleegaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Alle uga baryey naxariistiisa Janno dhammaan geesiyaasha Ciidamada Xoogga Dalka ee u shahiiday iyagoo difaacaya dalkooda, waxa uuna bogaadiyey nafhurnimada ay ku xoreeyeen deegaanno badan oo argagixiaadu ay ku dhibaateynayeen dadkeenna Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ugu hambalyeeye ciidanka xoogga dalka sanad guurada 64-aad

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna ay Xukuumadda DanQaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurgelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Astaan Qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda Qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Khawaarijta cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, isla markaana ay Xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo didaacaya Qarankooda.

Ra’iisul wasaare Xamse oo ugu hambalyeeye ciidanka xoogga dalka sanad guurada 64-aad

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu hambalyeeyay saraakiisha, saraakiil-xigeennada, aliflayda, dableyda, dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda 64-guurada kasoo wareegtay aasaaskii Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in ciidan awood iyo tayo leh ay muhiimad weyn u leeyihiin qarannimadeenna iyo dib u soo nooleynta dowladnimada dalkeenna, sidaas darteedna ay Xukuumadda DanQaran qaadday tallaabo muuqata oo ku aaddan dib-u-habeynta iyo dhismaha Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Xoogga dalka Soomaaliyeed, taas oo suurgelisay in cadowga laga fara-maroojiyo dhul ballaaran oo ay ku dhibaatayn jireen shacabka Soomaaliyeed.

“Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed waa Astaan Qaran oo loo carbiyey difaaca haybadda Qarannimo, waxa ayna u taagan yihiin difaaca dalkeenna, ilaalinta wadajirka, sharafta iyo karaamada Shacabka Soomaaliyeed. Waxa ay naftooda u hibeeyeen si ay dalkooda uga xoreeyaan Khawaarijta cadawga ah ee u taagan daadinta dhiigga Shacabka Somaaliyeed”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaaruhu in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu laf-dhabar u yahay difaaca dalka, isla markaana ay Xukuumadda ka go’an tahay sidii dib loogu soo celin lahaa libaaxyadii Afrika ee ku suntanaa geesinimada. Isaga oo hoosta ka xarriiqay in marnaba aan la ilaawi doonin halyeeyadii naftooda ku waayey iyaga oo didaacaya Qarankooda.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1-    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan muhiim ah kula yeeshay Nairobi Madaxweynaha Kenya William Ruto.

2-     Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabaaldegaya sannadguuradii 64-aad tan iyo markii la aasaasey.

3-     Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga, jeediyayna fariimo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, dhowrista qaranimada dalka, amniga , dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalka.

4-     Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirigelin ah la qaatey qaar ka mid ah saraakiisha haweenka ee ku jira Ciidamada Qalabka Sida.

5-     Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farxadda Ciidul Fitriga la qaatey qaar ka mid ah carruurta halyeeyadii Ciidamada Xoogga Dalka ee ku shahiiday dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabab.

6-     Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah magaalada Makka kula yeeshay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdulcasiis.

7-     Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabaaldegaya sannadguuradii 64-aad tan iyo markii la aasaasey.

8-     Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed.

9-     Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirrada, iyadoo xilalka la magacaabay uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Moallim Fiqi.

10-   Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay kulan afur ah oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ee ka jira magaalada Muqdisho.

11-   Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI laanta magaalada Muqdisho.

12-   Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa  Muqdisho ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dowladood.

13-   Golaha Wasiirrada oo ansixiyay wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda.

14-   Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa isku taacay in ay wadajir isaga kaashadaan Amniga iyo Dhaqaalaha kadib safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

15-   Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa markale ku celisay in Roobka gu’ga ee ka curtay dalka sida saadaasha sheegeyso uu wato daadad iyo fatahaado, lagana cabsi qabo inay saameeyaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof.

16-   Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan ciribtirka maandooriyaha oo khatar ku ah nolosha bulshada caasimadda.

17-   Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa Taliyihii Booliska ee Degmada Heliwaa, Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, kadib markii lagu helay inay nin ganacsade ah ku dileen magaalada Muqdisho.

18-   Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar ka fuliyay deegaano ku yaalla Xarardheere ee gobolka Mudug, kuna dilay ku dhawaad 50 ka tirsan Khawaarijta.

19-   Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka Turkiga Alper Aktaş uga tacsiyeeyay dilka muwaadin Turki ah oo ka dhacay Muqdisho kadib weerar argagixiso oo lagu qaadey.

20-   Ciidanka Xoogga Dalka ayaa isku fidiyay dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Shabeellha Hoose iyagoo ku guda jira hawlgalo milateri oo ka dhan ah Khawaarijta.

21-   Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska kala qeyb galay afur, isagoo kula dardaarmey dardargelinta sugidda amniga.

22-   Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay 27 maliishiyaad ka tirsan Khawaarijta, qaar kalena nolosha ku qabtey.

23-   Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey weerar ay Khawaarijtu doonayeen inay ku soo qaadaan degmada Balcad, iyagoo dilay 11 ka mid ah argagixisada.

24-   Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka kalluumeysta biyaha Soomaaliya inay ka fogaadaan kallumeysiga sharcidarrada ah.

25-   Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Cusub ee UNFPA Soomaaliya Dr. Mary Otieno.