12-ka April Xuska Maalinta Qaran ee Ciidanka Xoogga Dalka

Umad kasta oo kamid ah bulshooyinka ku dhaqan dunida waxay si gaar ah u leeyihiin  munaasabado iyo xaflado qiimo gal ah  oo lagu soo bandhigo taariikhda dhaxalka ah ee ay ka tageen dadka wadaniyiinta  ah iyo kuwa kale ee u soo halgamay midnimada iyo difaaca qaran kasta oo ka jira Caalamka.

12-ka April,waxa ay ka mid tahay maalmaha qaran ee loo dabbaaldego aasaaska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya,taasina waxa ay muujineysa in shacbiga iyo dowladda ay mar kasta diyaar u yihiin ka qeybqaadashda xusaska maalmaha qaran ee ku weyn dadka.

Aasaaskii ciidanka Xoogga

Sanadkii 1960-kii,gaar ahaan 12-kii April ayeey aheyd markii la unkay ciidamada xoogga dalka oo ah cududda koowaad ee laf-dhabarka u ah dowladnimada,isla markaana ka qeybqaadan kara ammaanka guud ee Qaaradda,kan gobolka iyo gudaha dalka Soomaaliya.

Dhismaha Hoggaanada Ciidanka

Waa dhab ah in dhismaha ciidamada xoogga uu ahaa mid ku yimid dadaal miro-dhal ah oo ay wada lahaayeen bulshada ka dib kolkii la dareemay baahida weyn ee loo qabo waajibaadyada shaqo iyo howlaha qaran ee horyaalla ciidamada,sida 1-ilaalinta xuduudaha dalka,2-difaaca dadka iyo dalka,3-la-dagaallanka argagixisada iyo ka qeybqaadashada howlaha lagu sugayo amniga guud ee gudaha dalka.

ka dib kolkii loo howlgalay kordhinta tayada iyo aqoonta ciidamada xoogga waxaa lagu guuleystay in la sameeyo hogaanno badan oo ka qeybqaata socodsiinta howlaha ciidamada,haddeey ahaan lahaayeen dhanka maamulka maaliyadda iwm.

Waxaa markhaati ma doonto ah sanadihii u dhexeeyey 1964- 1977-dii in Ciidamada xoogga dalka ay ahaayeen kuwo soo hooyay guullo taariikhi ah ka dib markii ay baadigoob u galeen soo celinta dhulalkii ka maqnaa dadka Soomaaliyeed,iyagoo kaashanaya dowladda iyo shacanka oo ka qeybgalay diyaarinta  ciidamo xoogan oo leh tiro iyo tayo,isla markaana lagu aamini karo dadka iyo dalka.

Xilligii burburka & soo kabashada

Inkastoo dagaaladii sokeeyey ee ka dhacay dalka sanadkii 1991-dii ay saameyn ku yeesheen dhismaha qeybaha ciidamada,haddana,waxaa labaatankii sano ee u dambeeyay lagu najaxay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay  dhallinyaro  cusub oo dhiirri geliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Marka loo eego qaabka ciidamada ay u fuliyaan howlaha kala duwan ee horyaalla iyo sida ay u socdaan dadaalada kale ee ay kaga qeybgalaan horumarka dalka,waxaa xaqiiqo ah in ay yihiin kuwo leh maamuus qaran iyo xasuus gaar ah oo ku qoran qalbiyada iyo baalasha dahabiga ah ee taariikhda Soomaaliya,

waxa haboon in xilligaan adage e la marayo loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa ciidamada, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo sidoo kale in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan difaaca iyo ammaanka guud ee dalka.

Xilligaan adage e lagu jiro waxaa ciidamada Xoogga la gudboon in ay la yimaadaan niyad bir ah iyo karti lagu wajaho howlaha qaran ee ay u hayaan umadda Soomaaliyeed oo xilligaan sugaya ama ay u muuqdaan mustaqbal wanaagsan.

Ugu dambeyntii xuska sanadkaan ee sanadguurada 64-aad ,Ciidanka Xoogga waxaan u rajeeyneynaa in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

SONNA

Dadka deegaanka Ceel-Baraf oo soo dhoweeyay furitaanka ceel-biyood iyo deeq raashin oo la gaarsiiyay

Boqolaal qoys oo ku dhaqan tuulada ganaweyne oo hoostagta deegaanka Ceel-Baraf ayaa helay deeq raashin ah oo ay soo gudbiyeen Hey’adda Sitra oo wakiil ka ah Dowladda Imaraadka Carabta.

Bixinta deeqdaasi rashinka ah waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka maaliyadda Dowlad Goboleedka Hirshabeelle C/Raxiin Ciise caddoow iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jiray kuwa deegaanka.

Illaa laba boqol oo qoys ayaa helay deeq raashin ah oo fudud,waxaana sidoo kale munaasabaddii guddoonsiinta kaalmadaasi barbar socday furitaanka ceel-biyood laga hirgaliyay tuulada ganaweyne ee deegaanka Ceelbaraf oo ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.

Qaar kamid ah qoysaska ku sugan halkaasi ayaa codsaday in si bini’aadanimo ah looga warqabo dadkaasi,isla markaana lala soo gaaro kaalmooyin ntaa ka badan.

Tuuladaasi ayaa la sheegay in ay soo buuxdhaafiyeen dad barakacayaal ah oo ka kala yimid deegaanada gobolkaasi,kuwaas oo la ildaran dhibaatooyin xagga nolosha ah.

Israel oo saacadihii u dambeeyay Gaza ku dishay ugu yaraan 63 ruux

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 63 falastiiniyiin ah lagu dilay Gaza,isla markaana la dhaawacay 45 kale,kadib kolkii ciidamada Israel ay  weerareen halkaasi.

Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in burburinta Khan Younis iyo dhaawaca soo gaaray waaxda caafimaadku ay tahay mid aan la qiyaasi karin,ka dib bixitaanka ciidamada Israel.

Madaxa USAID Samantha Power ayaa noqotay mas’uulkii ugu horeeyay ee Mareykan ah oo si cad u sheegay in macluul ay ka jirto waqooyiga Gaza, kadib markii la sameeyay qiimeyn ay fulisay Qaramada Midoobay ee lagu eegayo gaajada daran ee deegaanadaasi.

Ugu yaraan 33,545 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza,76,094 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

MW Xasan Sheekh oo dhiggiisa dalka Kenya kala hadlay amniga xuduudaha labada dal

Nayroobi:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo oo hal maalin ah ku jooga dalka Kenya ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Madaxweynaha dalka Kenya Mudane William Ruto

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Labada dal, amniga xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya, dagaalka ka dhanka ah argagixisada, dariswanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Madaxweynaha dowladda Kenya Mudane William Ruto ayaa muujiyey sida dalkiisu u garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah argagixisada,  waxaana uu tilmaamay muhiimadda ay leedahay In la sameeyo qorshe wada jir ah oo lagu ciribtirayo argagaxisa gobolka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Kenya soo dhaweynta diirran, isagoo xusay iskaashiga taarikhiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya oo maanta ay tahay in la xoojiyo maadaama Labada dalba ay ka go’an tahay in la dabar-gooyo argagixisada Alshabaab oo caqabad weyn ku ah horumarka iyo nolosha shucuubta gobolka.

Ciidanka XDS oo 27 ka tirsan Khawaarij ku dilay hawlgal ka dhacay Jubbada Hoose

Ilaa 27 ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Al-Shabaab ayaa lagu dilay hawlgal ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobalka Jubbada Hoose.

Ciidanka Qaranka ayaa sidoo kale nolosha ku qabtay ilaa shan ka tirsan maleeshiyaadka Khawaarijta ah, iyadoo hawlgalkan uu ka dambeeyay ka dib markii Khawaarijtu ay isku dayeen in ay weeraraan fariisin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya  ku leeyihiin deegaankaas, laakiin ciidamada oo sii hayey xogta cadowga ayaa ka hortagay dhagartooda sidoo kalena jab xooggan gaarsiiyay.

Geesiyaasha Ciidanka Qalabka Sida oo kaashanaya saaxiibada caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa cadowga Khawaarijta ah ku jabiyay mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo badan oo ka dhacay gobolada dalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.

Wasiirka Amniga & Taliye Sulub oo maanta la Ciiday Caruurta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta la Ciiday Caruurta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed kuwaasi oo ku ciidayay Beerta Nabada ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabada Ciida ee Caruurta Agoonta Boliiska waxaa Wasiirka iyo Taliyaha ku weyhliyay Taliye xigeenka Koowaad ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S.Guuto Cusmaan Cabdullaahi Maxamed (Kaniif) iyo Saraakiil Kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya  S/Guuto Sulub Axmed Firin ayaa Caruuta agoonta Boliiska oo uu la Ciiday ugu Hambalyeeyay Caruurta Maalintan Ciida ah ee dhamaan looga dabaaldagay Dunida islaamka gaar ahaan dalka, waxa uuna Allaha weydiisatay in Ciidan Ciideeda kale Nabad iyo Barwaaqo Nagu Gaarsiiyo.

Madaxweynaha JFS oo booqsho rasmi ah ku tagay dalka Kenya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah oo hal maalin ah ku jooga magaladda Nairobi ayaa ka helay casuumaada dhigiisa madaxweynaha dalka Kenya William Ruto.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xudeyfi oo faahfaahin ka bixiyey safarka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku tegay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in u daaran yahay Adkewynta xiriirka labada dal,iskaashiga dhanka ganacsiga iyo cilaaqaadka labada dal ka dhexeeya.

Dhanka kale waxay ka wadda hadli doonaan labada madaxweyne sidii ay isaga kaashan lahayeen la dagaalanka Argagixisada,maadaama ay caqabad weyn ku yihiin geeska Afrika.
Kulanka ay yeelanayaan Madaxweynayaasha Xasan Sheekha iyo William Ruto ayaa la rajeynaya in ay ka soo baxaan wadda hadalo mira dhal ah,sida uu u sheegay warbaahinta dowladda Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

 

Ciidanka xoogga dalka oo fashiliyey weerar Khawaarijta ay doonayeen in ay ku qaadan Barsanguuni

Ciidanka xoogga dalka qaybta 43-aad iyo kuwa Jubbaland ayaa fashiliyey weerar ay doonayeen kooxda Khawaarijta ah inay ku qaadaan deegaanka Barsanguuni ee gobolka Jubbada hoose.

Ciidamada Qaranka waxaa u suurta-gashay inay ka hor tagaan weerarkii Khaawarijta oo xogtiisa la sii hayey, waxaana socda weli socda howlgal looga dilay dhagarqabayaal badan, kuwaas oo meedadkooda ay goobta saadsan yihiin.

Goordhow la soco xog dhameystiran oo ku saabsan howlgalkaas weli socda.

Xamaas oo ka hadashay qodobbo dhowr ah oo ay ku jireen dilka caruur uu dhalay Ismacil Haniyah

Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa ku eedeeyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu inuu waxyeeleynayo wadahadallada xabbad-joojinta ka dib saddex wiil iyo afar uu awoowe u yahay hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ay ka geysatay waqooyiga Gaza.

 Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaddib weerar cirka ah oo ka dhacay Gaza.

 Afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa  Ismaaciil Haniyeh ayaa sidoo kale maalimnimadii shalay ee bilowga ciidda lagu soo waramayaa in lagu dilay duqeyn ka dhacday xerada Shaati .

Haniyeh ayaa u sheegay Al Jazeera in dilalkaasi ay yihiin falal waxshinimo ah oo lagu beegsanaayo caruurta,isagoo tilmaamay in dhaqamada Israel aysan hor-istaagi doonin hadafkooda.

Madaxweynaha Mareykanka oo la kulmay dhaleeceyntii ugu adkeyd ee dagaalka Gaza ayaa Israel u sheegay in ay ku dhawaaqaan xabbad joojin,isagoo dhinaca kale howlgalada milatari ku tilmaamay  inay yihiin khalad.

 Dadka reer Gaza ee la daalaa-dhacaya dagaalka iyo gaajada ayaa kaqeybgalay xuska dabbaaldegga Ciidul-Fidriga ,iyadoo Israa’iil ay sii waddo weerarada cirka ee lagu xanibaayo cunnada la geeyo Gaza . 

Madaxweynaha JFS oo kulan la yeeshay Saraakiisha haweenka ah ee ku jira ciidanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga awgeed kulan dhiirigelin ah la yeeshay qaar ka mid ah Saraakiisha haweenka ah ee ku jira Ciidamada qalabka sida.
Waxaa uunna ku bogaadiyay sida nafhurnimada leh ee ay ugu taagan yihiin difaaca dalka,ilaalinta gobanimada iyo karaamada Ummadda Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin laf-dhabarta dowladnimada Soomaaliya, waxa uuna ku booriyay in ay laba jibaaraan doorkooda halganka dib u xoreynta dalka, dhiirigalinta ciidamada qaranka iyo wacyi gelinta bulshada ee dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.