MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FARXADDA CIIDDA LA QAATAY CARUURTA SHUHADADA CIIDANKA XOOGGA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta farxadda Munaasabadda Ciidul fidriga la qaatay qaar ka mid caruurta Halyeeyadii ku shahiiday dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta ayaa tilmaamay in dowladdu ay joogteyn doonto xuquuq u gaar ah caruurta agoonta Ciidamada Qalabka Sida.

Madaxweynaha ayaa sheegay in geesiyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda qaaliga ah u huray xoreynta iyo difaaca dalka ay ummadda Soomaaliyeed ugu qoranyihiin Baal dahabi ah, dowladdooduna aysan marnaba hilmaami doonin ubadka iyo ehelladooda sharafta badan, isaga oo Alle u weydiiyay dhammaan halyeeyadii nafta u huray difaaca dalka, dadka iyo diinta islaamka in uu hoygooda ka yeelo Janatul Firdowsa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku amaanay hooyooyinka iyo waalidiinta kale ee gacanta ku haya barbaarinta ubadka Shuhadada, sida kartida iyo dhabar adeyga leh ee ay dusha u saarteen mas’uuliyadda daryeelka caruurta isaga oo adkeeyay in dowladdu ay doorkeeda ka qaadan-doonto waxbaridda caruurtan.

  

Madaxweynaha JFS oo kumanaan shacab ah salaadda ciida kula tukaday Masjidka Isbaheysiga Islaamka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saakay Masaajidka Isbaheysiga Islaamka salaada ciida kula tukaday, mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo kumanaan shacab ah oo isaga kala yimid magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalmahan barakaysan ee Ciiddul Fidriga, shacabka Soomaaliyeed ayuu Alle uga baryay in sannadkan kiisa xigga ay ku gaaraan, amni, barwaaqo iyo caafimaad, isagoo ku baaqay in dadka tabarta yar la garab istaago.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Aadan Maxamed Nuur Madoobe, wasiiro, Xildhibaano ayaa kamid ahaa madaxdii sidoo kale salaadda kula tukaday Isbaheysiga Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeey munaasabada Ciidda

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan ba Shucuubta Islaamka ugu hambalyeey munaasabada Ciidka.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed ugu duceeyey Nabad iyo horumar waara sidoo kale na kula dardaarmay in ay ilaashadaan Nabadda iyo Xasiloonida dalkooda.

Madaxweynaha ayaa Ugu dambayn u duceeyey Geesiyaasha Qaranka ee kala duwan kuwaas oo guluf dagaal oo miro dhalay la galay Khawaarijta kana sifeeyey badi deegaamadii Khawaarijtu ku dhuumanaysay.

Madaxweyne Xasan Sheekh” Dadka Soomaaliyeed balan ayaa ka qaadnay cid aan iyagu dooranin inaan xukumin,”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, arrimaha doorashooyinka, ilaalinta madax-bannaanida dalka iyo dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo guulo wax ku ool ah laga gaaray.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si gaar ah kaga hadlay muhiimadda ay leedahay in talada dalka lagu celiyo shacabka, iyaguna ay doortaan cidda xukumeysa, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka balan qaaday in cid iyagu aan dooranin xukumin.
” Dalka Dimuqraadiyad ayuu aaday, afartii Jabter ee ugu horeysay Dastuurka waa la ansixiyay, wanaagii lagu ansixiyeyna dadka Soomaaliyeed waa arkayeen oo daawanayeen, tiradii, qaabka iyo nidaamka loo maray ee lagu ansixiyay, dadka Soomaaliyeed waxaan leeyahay afartaas Jabter ee la ansixiyay hal dabar ayey naga furtay, dadka Soomaaliyeed doorasho qof iyo cod ah ha u diyaargarowbaan, kuwo xun xun haddaan nahay maanta talada jooga, beri loo socdaaye iska keyn dira,dadka Soomaaliyeed balan ayaa ka qaadnay in cid iyagu aan dooranin inaan xukumin, balankaas ayaa qaadnay, balankaas ayaana ku taagan nahay,” ayuu yiri madaxweynaha.
Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ku adkeeyay shacabka Soomaaliyeed in ay doortaan cidda ra’yiga wanaagsan oo dalka iyo dadka Soomaaliyeed u daneyneysa, wuxuuna dhanka kale, carabka ku adkeeyay in ay waajib tahay in la ilaaliyo madax bannaanida iyo gobonimada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh: Khawaarijta waxaan la galay dagaal adag waana ka guulaysanay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad dhinacyo badan taabaysa ka jeediyey qasriga Madaxtooyadda ayaa ugu horayn ugu hambalyeey munaasabada Eidka Shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan Shucuubta Islaamka.

Madaxweynaha ayaa ka hadlay dagaalka Dowladdu ku qaaday Khawaarijta” runtii waxa aan la galay Dagaal adag waanan ka guulaysanay,hadda awoodoodii waxay isugu soo ururtay gaadmo daciif ah mana geli karaan dagaal toos ah” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa xusay in geeddiga lagu dhisayo dowlad Soomaaliyeed oo awood leh uu yahay mid socda ka Madaxweyne ahaan na uu rabo inuu raad dowladnimo oo awood leh uga tago Shacabka Soomaaliyeed” wax aan rabaa in aad dalkayga iyo dadkayga uga tago dhaxal Dowlad awood leh oo ay ku najaxaan” ayuu markale yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyey in maanta Dowladdu haysato Ciidan ku filan difaaca dalka oo leh tababbar iyo qalab casri ah cadayntiisuna tahay sida Ciidanku Guullo deg deg ah uga keenay furimaha dagaalka.

Wasiir Daa’uud Aweys “Waxan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta”

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya: Waxaan Safiirka Ethiopia ka dalbaney inuu waddankiisa ku laabto, sababo la xiriira faragelinta soo laalaabatey ee Addis-Abbaba ku hayso qarannimada Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac sheegay in tallaabada ay DFS qaaddey ay jawaab u tahay falalka ka baxsan shuruucda caalamiga ee ay Ethiopia ku hayso qaranimada iyo madaxbanaanida dhuleed ee Soomaaliya, sidaa darteedna ay ka dalbatey Danjirihii Ethiopia u fashiyay Soomaaliya inuu dalkiisa wadatashi ugu laabto.

Wasiirka oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Carabta ee (AWP) ayaa intaas ku daray in go’aanka lagu xirayo labada qunsuliyadood ee Itoobiya ay ku leedahay magaalooyinka Hargeysa iyo Garoowe ee Soomaaliya uu ku yimid, iyada oo laga jawaabayo xadgudubyada joogtada ah ee ay Itoobiya ku hayso madax-bannaanida dalka.

Wasiirka ayaa hoosta ka xariiqay in Somaliland iyo Puntland ay yihiin labo gobol oo ka tirsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu intaas raaciyay in labada qunsuliyadood ee Ethiopia ay ku shaqeynayeen ogolaanshiyaha iyo raali ahaanshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, balse ay meesha ka baxday sharcigii ay ku shaqeynayeen, isla markaana ay Dowladda Federaalka go’aansatay in ay joojiso ogolaanshihii hore ay u haysteen.

Wasiirka ayaa yiri “Waxaa muhiim ah in Ethiopia ay ixtiraamto shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka diblomaasiyadeed ee Axdiga Geneva, kuwaas oo lagu maamulo, laguna xakameynayo hannaanka diblomaasiyadeed ee waafaqsan heshiisyada caalamiga ah”.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey tillaabooyinka sharciga ah ee dalkiisu ka qaadi karo Ethiopia, ayaa yiri “Waxaan diyaar u nahay inaan qaadno dhammaan tillaabooyinka lagama maarmaanka ah si aan u ilaalinno qaranimadeenna iyo midnimada dhulkeenna”

Wasiir Daa’uud Aweys waxa uu carrabka ku adkeeyay in xiisadda taagan si deg deg ah loo xallin karo hadii hogaanka Addis-Abbaba uu joojiyo hab dhaqanka mas’uuliyad darrada ah, kaas oo aan khatar ku ahayn Soomaaliya oo kaliya balse dhibaato ku ah gobolka Geeska Afrika oo dhan.

Wasiirku waxa uu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku adkeysaneyso mowqifkeeda ku aaddan ixtiraamka shuruucda caalamiga ah iyo in ay nabad iyo xiriir wanaagsan la wadaagto deriska iyo caalamka intiisa kale.

Waasiirka ayaa yiri, “Waa nasiib darro in Ethiopia aysan dan ka lahayn xeerarka maxalliga ah iyo kuwa caalamiga ah ee ujeeddadoodu tahay ilaalinta nabadda gobolka”. Beesha caalamku isha ayay ku heysaa xaaladda dhabta ah iyo colaadda ka taagan gudaha Ethiopia. Waddadda kaliya ee furan waa in si nabad ah lagu xalliyo dhibaatooyinkaas, balse madaxda Ethiopia halkii ay ka xalin lahaayeen mashaakilaadkooda gudaha ayaa waxay door bideen in ay qaadaan tallaabooyin ay colaado cusub uga abuureyaan gobolka, khatarna keeni kara.

Dowladda Ingiriiska oo Soomaaliya ka cafisay deymihii ay ku laheed

Dowladda UK oo kansashay dhammaan deymihii ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.

Artinkan ayaa yimid kadib kulan muhiim ah oo ay maanta wadayeesheen Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige iyo masuuliyiinta Safaaradda UK ee Muqdisho, Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Safiir kuxigeenka UK ee Soomaaliya Mudane Sam Thomas, kulanka oo saaco qaatay kadib ayaa Safiir Sam waxa uu shaaciyay in uu u xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda XFS in Dowladda UK ay cafisay dhammaan daybihii ay ku leheyd Dowladda Soomaaliya 100%.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Cige oo war qoraal ah soo saaray ayaa ku tilmaamay tallaabo guul ah oo Soomaaliya u soo hoyatay taas oo daba socota go’aankii ay dhawaan gaareen Wadamada ku bohoobay ururka Naadiga Paris, go’aankaas ayaa dhigayay in Dowladda Soomaaliya ay wadahadalo gaar gaar ah la qaadato dalalka Paris Club, si loo sii dhameystiro cafinta deymaha ay lee yihiin dalalka qaarkood.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay munaasabad uu xilka kula wareegayey agaasimaha cusub ee NISA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb-galay munaasabad ay xilka kula kala wareegayeen Agaasimaha Hay’adda nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee dhawaan la magacaabay Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Shanbaloolshe) iyo Agaasimihii Hore, Mudane Mahad Maxamed Salaad.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey Taliyihii Hore ee Hay’adda Mudane Mahad Salaad dadaalka uu ku bixiyey horumarinta shaqada Hay’adda, isagoo u rajeeyey Taliyaha cusub in uu ka soo dhalaalo waajibaadka adag ee horyaalla.

“Qaranka Soomaaliyeed ayaad u shaqeysaan ee uma shaqeysaan Agaasime tagay iyo mid yimid, waa in aad kalsooni galisaan shacabka oo aad soo dhoweysataan. Shaqada noo taala waa dagaalka Khawaarijta oo ay tahay in aan dhammaanteen wadajir ugu istaagno”.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ka hadlay muhiimadda Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranku ay u leedahay qorshaha xoreynta dalka, waxa uuna sheegay in ay horseed u ahayd deegaannada laga xoreeyey gacanta argagixisada.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismayaasha qaybta Sirdoonka iyo Akadeemiyadda Jilicoow ee Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka oo qaab casri ah loo dhisay.

Taliyaha Ciidanka xasilinta oo Saraakiisha faray in ay daacad u noqdaan shacabka

Taliyaha guutada 23-aad ee Gungaar, Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa saraakiisha ciidanka xasilinta Caasimadda kula dardaarmay in ay daacad u noqdaan u shaqeynta shacabka.

Gaashaanle Aadan Jeelle ayaa sheegay in sarkaalka qabta shaqa wanaagsan lagu abaal marin doono dallacsiin, sida ay horay u ballan qaadeen madaxda Qaranka.

Taliyaha Ciidanka xasilinta ee guutada Gungaar ayaa Saraakiisha faray in ay ka dhabeeyaan dhaartii ay mareen, taas oo ah mid u mareen in ay si hufan ugu adeegayaan bulshada ku nool Caasimadda.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo laba jibbaaray howlaha amni ee Caasimadda

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto; Sulub Axmed Firin, ayaa xalay cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska kala qeyb galay afur wadareed.

Ujeedka afur wadareedka ayaa ahaa dhiirri gelin iyo in la laba jibbaaro holwaha shaqo ee horyaalla Ciidanka, maaddaama ay nagu soo food leedahay maalmaha farxadda Ciida.

Sarreeyo Guuto; Sulub Axmed Firin oo afurka ka dib la hadlay Ciidanka ayaa faray in la dardar geliyo howlaha shaqo ee horyaalla iyo sidii sare loogu qaadi lahaa arrimaha amniga Caasimadda iyo nawaaxigeeda.

Taliska Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa muddooyinkii dambe waday dedaallo lagu xoojinayo ammaanka guud ee dalka gaar ahaan Caasimadda oo muddooyinkii dambe laga dareemayay degganaan.