Howlgal dhanka cirka ah oo lagu dilay ku dhawaad 50 ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar dhanka cirka ah ku dilay kuw dhawaad 50 ka tirsan Khawaarijta.

Xubnaha weerarka ka dhacay deegaan ku dhow Xarardheere, kaas oo lagu magacaabo Baraagta Gurguurte ayaa waxaa kamid ah xubnaha lagu dilay horjooge sare oo lagu magacaabo Axmed Jiis, kaas oo halis ku ahaa dadka Soomaaliyeed, isagoo qorsheenayay falal argagixisimmo ah.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ku daba jira haraadiga kooxda Khawaarijta ee ku cararay duurka, iyadoo shacabka deegaanka uga mahadceliyey sida ay oganatahay soo afjiradda Khawaarijta waqtigooda dhamaaday ee Khawaarijta ah.

DFS oo maamulka SSC-Khaatumo ku wareejisay Gaari qalabeysan oo naaca gargaarka degdega ah

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Cali Xaaji Haji Aden ayaa Gaari qalabeysan oo naaca gargaarka deg dega ah (ambulance) ku wareejiyey Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar Faahiye oo ka wakiil ah Isbitaalka Casuura ee deegaanka Yagoori ee Maamulka SSC-Khaatumo.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in Gaarigan qalabaysan uu wax wayn ka tari doono qeybta Caafimaadka deegaanka Yagoori ee maamulka SSC-Khaatuma, isagoona sidoo kale tilmaamey in Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya u taagan tahay xilli kasta horumarinta Caafimaadka guud dalkeen.

Dhankeeda Xildhibaan Farxiya Yuusuf Cumar ayaa ka mahadcelisey Gaadiidka lagu wareejiyey waxa ayna tilmaamtey in loogu adeegi doona dadka deegaanka yagoori iyo deegaanada ku xeeran si loo xaqiijiyo bedqabka bulshada ku nool deegaanadaasi.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Hay’adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira daadad iyo fatahaado ka dhalan kara Roobka Guga

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa markale maanta ku celisay in Roobka gu’ga ee ka curtay dalka sida saadaasha sheegeyso uu wato daadad iyo fatahaado, dhankeeda ay wado dedaallo arintaas looga gaashaamanayo, iyada oo xustay in daadadkan iyo fatahaadahan laga cabsi qabo in ay sameen ku yeshaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof.

Mareeyaha xarunta Qaran ee SoDMA Xasan cabdulqaadir ciise ayaa sheegay in ay diyariyeen ka hay’add ahaan 51 Domood oo hadii ay dhacaan fatahaadaha iyo daadadka dadka loogu badbaadiyo, sidoo kale waxa uu sheegay in geeyeen jawaano farabadan magaalooyin ka tirsan Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo jubbaland si Wabbiga iyo goobaha biyo mareenada ah meelaha ay ka jilicsan yihiin loogu adkeeyo.

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, Md Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa dhankiisa shacabka ugu baaqay in ay baneeyaan goobaha biyo mareenada ah,hareeraha wabbiyada, shacabkaan looga bahanyahay in ay taxadaran oo fariimaha hay’adda ay si dhaw ula socdaan.

Agaasimaha Guud Wasaaradda Warfaafinta XFS oo soo gabagabeeyay tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS mudane Cabdullaahi Xayir Ducaale ayaa xalay si rasmi ah u soo gaba gabeeyay tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeyb galeen 32 degmo oo ka kala tirsan gobollada dalka.

Agaasimaha Guud oo ka hadlay xiritaankii tartankaasi ayaa u mahadceliyay cidkasta oo gacan ka geysatay diyaarinta tartanka, isagoo si gaar ah ugu mahadceliyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka, Maamulka Gobolka Benaadir iyo Bankiga IBS oo iska kaashaday taabagelinta tartanka.

sidoo kale waxa uu Agaasimuhu hambalyo u diray tartamayaasha kala galay kaalimaha 1-aad, 2-aad iyo 3-aad iyo intii lahayd fikirka aqoonta lagu tartamaayey”ayuu yiri C/Laahi Xayir Ducaa;e.

Dhinaca kale Degmada Laascaanod ayaa xalay ku guuleysatay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan ee ay qaban-qaabiyeen Warbaahinta Qaranka,kadib kolkii kulan adag ay la yeesheen Degmada Xamarweyne.

Tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka waxaa mudadii uu socday maalgaliyay ama qaban-qaabadiisa lahaa Maamulka Gobolka Banaadir iyo Bangiga IBS.

Waa kuma wasiirka magacaaban ee wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS.?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ahaa wasiirka arrimaha Gudaha XF kadib isku shandheyn iyo magacaabis lagu sameeyay golaha wasiiradda.

Haddaba hoos ka akhriso xogta wasiirka magacaabam ee wasaraadda arrimaha dibadda Soomaaliya

Danjire Axmed Macallim Fiqi, Wasiirka cusub ee Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga XFS, waxaa u leedahay khibrad waxbarasho o xagga amniga, maamulka iyo xiriirka caalamiga, waxaa kale u heerar kala duwan ugu soo shaqeeyay qaranka, isaga 0o soo nogday;

1. 2011: Safiirka Soomaaliya ee Suudaan

2. 2013: Agaasimaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

3. 2020-2021: Wasiirka Amniga Gudaha Dowladda Goboleedka Galmudug.

4. 2016-2022: Xildhibaanka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

5. 2022-2024: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka lyo Dib-u-heshiisiinta XFS.

Danjire Axmed Fiqi waxaa uu khibrad durugsan u leeyahay arrimaha horumarinta, siyaasadda, xallinta khilaafaadka iyo dimoqoraadiyadeynta.

Boqortooyada Sacuudiga oo Soomaaliya ka taageereysa dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

Makkah:- Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa War-murtiyeed wadajir ah ka soo saaray Safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

War-murtiyeedka laga soo saaray safarka madaxweynaha iyo kulamada uu la qaatay madaxa dalkaas ayaa lagu xusay qodobo dhowr ah oo taabanaya Xiriirka labada dal.

Labada dhinac ayaa isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta xiriirka maalgashiga ee dhinacyada kala duwan, sida beeraha, xoolaha, kaluumeysiga, gaadiidka, iyo dekedaha.

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga dhanka amniga, iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo xagjirnimada.

Boqortooyadu waxay bogaadisay dadaallada Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku xoreynayo gobollo badan oo dalka ka mid ah, waxayna muujisay sida ay u taageersan tahay dagaalka ay Soomaaliya kula jirto argagixisada.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa xaqiijisay inay u taagantahay midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo madax-bannaanida dhulkeeda, kana soo horjeesatay heshiis beenaadkii dhaxmaray dowladda Itoobiya iyo maamulka Somaliland.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweynta wanaagsan uga mahadceliyay Boqor Salmaan Bin Cabdicasiis, iyo Dhaxal-sugaha Boqortooyada Maxamed Bin Salmaan.

Haya’adda King Salmaan oo dalka keentay Gargaar loogu talo galay danyarta Sakatul fidriga

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin Foundation oo kaashanaysa xarunta Gargaarka Bani’aadantinimo ee King Salmaan,ayaa ku dhawaaqday in ay hirgelinayso Mashruuca Sakaatul Fidriga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Sannadkan 1445-Hijriyadda/2024.

Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa gaarsiin doonta dadka danyarta ah Raashin dhan 646 Ton,Mahasin ayaa gaarsiin doonta deegaanada Dowlad goboleedyada Koonfur-galbeed,Jubaland, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir.

Mashruucan ayaa ka mid aha Mashaariicda Gargaarka ee ay bixiso Haya’adda Gargaarka ee King Salmaan kaas oo ay ku taageerto Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxda Haya’adda Waddaniga ah ee Mahasin ayaa uga mahadcelisay Haya’adda Gargaarka King Salmaan taageerada ay u fidisay shacabka Soomaaliyeed kuwooda nugul.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐪𝐚𝐚𝐭𝐞𝐲 𝐰𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐤𝐚 𝐔𝐍𝐅𝐏𝐀 𝐞𝐞 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Adam ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Cusub ee UNFPA Soomaaliya Dr. Mary Otieno iyo wafdi ay hogaamineysey.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Guuleed Cabdijaliil iyo xubno ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’adda UNFPA.

Kulanka oo ahaa mid isbarasho ah ayaa labada dhinac waxay ugu hadleen sidii loo sii amba qaadi lahaa wadashaqeynta Wasaaradda Caafimaadka iyo Hey’adda UNFPA si loogaaro yoolka horumarineed ee ku foogan qaabeynta iyo tayeynta Caafimaadka qoyska ee Soomaaliya taasoo qeyb lixaad leh ka qaadaneyso in bulshadeenu ku naalooto Caafimaad dhamaystiran.

Dr. Mary Otieno wakiilka cusub ee Hey’adda UNFPA Soomaaliya ayaa sheegtey in ay sii xoojin doonaan wadashaqeynta ay la lee yihiin Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha hortabinta leh ee hadda ku jira qorshaha Hey’adda.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaafka iyo daryeelka iyo bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya H.E Dr. Ali Haji Aden ayaa sheegey in dhankooda ay xoojin doonaan wadashaqeynta kala dhaxeysa Hey’adda UNFPA.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka gaar ahaan qeybta Caafimaadka qoyska iyo xoojinta xiriirka saaxiibadda Caalamiga ah si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Tartamayaasha Ceeldheer oo tiigsaday Kaalinta 3-aad ee tartanka Ramadaanka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Ceeldheer,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Xaradheere ay keensadeen 6-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Ceeldheer iyo Xaradheere ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa kulanka kama dambeysta ah ku baratami doona degmooyinka Xamarweyne iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool,iyadoo ciddii badisa ay ku guuleysan doonto tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo sanadkan ay ka qeybgaleen 32 degmo oo ka kala tirsan Gobollada dalkeenna..

Ra”iisul wasaaraha XFS oo magacaabay qaar ka mid ah golaha Wasiiradda XFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada XFS.

Liiska xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada ayaa waxaa warbaahinta u akhrisay Agaasime ku-xigeenka Warfaafinta Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Nasra Bashir Ali.

Xubnaha Golaha Wasiiradda ee maanta la magacaabay ayaa kala ah

Axmed Macalin Fiqi Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Xildhibaan Cali Xoosh Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Gen Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Wasiirka wasaaradda Amniga,Xildhibaan Cabdillaahi Bidhaan Warsame Wasiirka tamarta iyo Biyaha, Xildhibaan Maxamed Aadan Macalim Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo isgaarsiinta, Axmed Cumar Maxamed Wasiir dowlaha Wasaaradda Bay’ada iyo isbeddelka Cimilada.