Wasaaradda Kalluumeysiga XFS oo diginin u dirtay maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta Soomaaliya

Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka Kalluumeysta biyaha Soomaaliya.

Digniintaan ayaa ku qotonta u hoggaansanaanta sharciga Maareynta iyo Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliyeed, gaar ahaan qodobka 31aad ee qeexaya hababka Kalluumeysi ee la ogol yahay.

Iyadoo la xiganayo qodobkan ayaa Wasaaraddu si adag u sheegtay in aan la ogoleyn dhammaan nuucyada ama hababka Kalluumeysi ee ka hor imaanaya sharciga, haddii ay dhacaanna ay sababi karaan in tallaabooyin adag oo ka dhan ah cidda lagu helo la qaadi doono.

Waxaa loogu baaqay dhammaan dhinacyada ay digniintan ku socoto in ay qaataan mas’uuliyaddooda si loo ilaaliyo kheyraadka badaheenna islamarknaa si wax ku oolnimo leh looga faa’iideysto.

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay Dhaxal-sugaha Sacuudi Carabiya

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka aan walaalaha nahay ee Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa kulan la qaatay Dhaxal-sugaha dalkaas, Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdi-casiis.

Labada hoggaamiye oo ka wada hadlay xaaladda gobolka, xoojinta iskaashiga iyo xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Sucuudiga, Arrimaha Dhaqaalaha, Maalgashiga iyo Ganacsiga, Difaaca iyo Amniga, madaxbannaanida Soomaaliya.

Boqortooyada Sucuudi Carabiya ayaa dhankeeda soo bandhigtay sida ay u garab taagan tahay midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo tilmaamay gafka iyo dhibaatada heshiiska sharci darrada ah ee Itoobiya ay la saxiixatay Maamulka Soomaaliland, kaas oo caqabad ku ah daris-wanaagga iyo xasilloonida Gobolka.

Maxkamadda Ciidamada oo dil toogasho ah ku xukuntay taliyihii degmadda Hilwa

Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa taliyihii Hilwaa, kabtan Police ka tirsan iyo Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone oo la shaqeynaayey taliyaha

Waana qasaasta marxuum Abuukar Axmed Kaabax oo ay Dileen 24/02/2024.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa ka xayuubisay darajadiisa ciidan, kana saartay ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Dhamme Qoslaaye iyo Qoone.

Maxkamadda Ciidamada ayaa 15-Sano oo xabsi ciidan ah ku riday Liibaan Maxamed Cumar oo sidoo kale Liibaan Maxamed Axmed ku isticmaalo Passport-kenyan, Waana abaabulaha kiiskan ka agaasimay Dubai.

Maxamed Cadaawe Cali iyo Yaasiin Cabdi Jaamac oo ahaa maleeshiyad aan diiwaanka Ciidanka ku jirin laakiin Qoslaaye uu dharka Police-ka u xiray ayaa lagu xukumay min  10-Sano oo xabsi Ciidan ah halka Xasan Maxamed Saciid [Dhiin-Dhiin] oo ahaa farsamiyaqaan loo adeegsaday daba galka iyo shaxda dhicista isku xun laga dhigay labadan.

Maxkamadda ayaa sii daysay Maxamed Xasan Cusmaan oo ay wax Dambi ah ku wayday.

Rafcaan waa furan yahay sida lagu sheegay bayaanka maxkamadda

Ra”iisul wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Turkiye

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaalnimo ee u dhexeeya labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Danjiraha la wadaaga tacsida muwaadin u dhashay dalka Turkiga oo isaga oo gargaar qeybinaya ay dileen kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga dadka muslimiinta, xilligaan lagu jiro tobankii ee bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa xaqiijiyay sida ay uga go’an tahay sii wadidda taageerada ay la garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed ee walaalahood ah, isaga oo xusay in falkaas argagixiso uusan hakin doonin taageeradooda.

Ciidanka Qaranka oo 11 Khawaarij ah ku dilay duleedka Balcad

Balcad:-Ciidanka Qaranka ayaa saaka subaxdii hore fashiliyey weerar arbushaad ah oo kooxda Khawaarijtu isku dayeen in ay ku soo qaadaan degmada Balcad.

Guddoomiyaha degmada Balcad Qaasim Cali Nuur( Furdug) oo la hadlay Wakaaladda Wararka SONNA ayaa xaqiijiyey in afaafka hore ee magaalada lagu dilay 11 xubnood oo ahaa Khawaarijtii isku dayga weerar soo qaaday saaka.

Sidoo kale Guddoomiyaha ayaa SONNA u xaqiijiyey in ay jiraan dhismeyaal Shacab oo khasaare soo gaaray.

Ciidanka Qaranka oo fashiliyey weerar Arbushad ah oo khawaarijtu ku soo qaadeen Balcad

Ciidamada Qaranka ayaa saakay fashiliyey dhagar ay Khawaarijtu u soo maleegtay shacabka degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, kadib markii gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay isku dayeen inay magaalada soo geliyaan.

Ciidamada geesiyaasha ah ayaa ka hor tegay dhagartaas, waxaana meel cidlo ah ku qarxay gaarigii cadowgu damacsanaa inuu ku dhibaateeyo shacabka, kaas oo loo soo ekeysiiyey gaari rakaab ah.

Guryo ay lahaayeen dad shacab ah ayaa ku burburay qaraxaas la fashiliyey, mana jirto dhimasho ah oo soo gaartay shacabka, markii laga reebay dhaawacyo fudud oo soo gaaray saddex askari oo fashilisay dhagartaas.

Goordhow la soco warbixin dhameystiran.

Laascaanood oo u gudubtay kulanka kama dambeysta ee tartanka Ramadaanka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Laascaanood,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Xaradheere ay keensadeen 10-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee laascanood iyo Xaradheere ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Mudug .

 

Taliyaha Ciidanka Booliiska oo kulan afur ah u sameeyey xubno ka socday Goleyaasha Dowladda

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa xalay xaflad afur ah u sameeyay xubno ka kala socday labada aqal ee Baarlamaanka JFS, Maamulka Gobalka Banaadir, Saraakiil ka kala socotay Ciidamada Booliiska, Nabad-sugida & Xooga Dalka, Bulshada Rayidka & Agaasimayaasha Saxaafada.

Kulankan oo ka dhacay Xarunta Taliska Ciidanka Booliiska ee Kumando Boliisiya ayaa daarnaa isku xidhka Bulshada & Hay’adaha Amaanka gaar ahaan Booliiska.

Sulub Ahmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliiska oo madasha hadal ka jeediyay ayaa sheegay in lagu guulaystay sugida amniga Caasimada inta lagu gudo jiray Bisha Barakaysan re Ramadaan, iminka loo diyaar garoobaya sugida Amniga Maalmaha Ciida,

Sidoo kale Taliyah Ciidanka Booliiska S.Guuto Sulub Axmed Firin ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay wadashaqaynta Booliiska & Saxaafada.

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka tacsiyeeyay dil loo geystay muwaadiniin Turki ah

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Türkiye Alper Aktaş uga tacsiyeeyay dilka muwaadiniin Turki ah oo si gaadmo ah loogu weeraray Magaalada Muqdisho.

Wasiirka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda ayaa manta garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ku sii sagootiyay hawl-wadeenno sidday dhaawaca iyo meydka dadkaasi Turkiga ah ee shalay kooxaga khawaarijta ay ku fuliyeen weerar gaadmo ah,xilli ay wadeen howlo bini’aadanimo oo gurmad ah.

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud  ayaa u rajeeyay kuwa dhintay in uu Alle ka waraabiyo janatul Fardowsaisagoo kuwa dhaawaca ahna ugu duceeyay  caafimaadqab.

Dukaammo dhowr ah oo ku burburay dab qabsaday suuqa Bakaaraha

Dab geystay khasaarooyin kala duwan ayaa saaka qabsaday dukaammo dhowr ah oo ku yiillay Suuqa Bakaara ee Magaalada Muqdisho.

Dabkaan oo saaka la sheegay in uu ka kacay ama ka dhashay fiilooyinka korontada ayaa sababay burburka hanti u badfan dhar iyo qalab.

Kooxda dabdamiska ee gobolka Banaadir ayaa barqadii maanta xakameeyay dabkaasi qabsaday dhowr dukaan eek u yiillay suuqaasi.

Illaa sadex dab-damis iyo laba booyadood ayaa ka qeybgalay daminta dabkaan oo burburiyay dukaammo dhowr ah oo ku yiillay qeybta carwiiynka dharka ee suuqaasi.

Qaar kamid ah ganacsatada suuqa bakaaraha ayaa dowladda ka codsaday in la furo waddooyinka gala suuqaasi ,kadib markii gawaarida dab-damiska ay saakay dhibaatooyin kala kuleen xirnaanshaha waddooyinkaasi .