Mareykanka oo Israel ku cadaadiyay in la furo waddooyin cusub oo la mariyo gargaarka Gaza

Israa’iil ayaa sheegtay in ay oggolaatay in la furo laba waddo oo dhanka Gaza ah si loo oggolaado gargaar dheeraad ah oo la geeyo deeaanada ay joogaan dadka rayidka ah,gaar ahaan kuwa barakacayaasha.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegantay saacado ka dib markii Joe Biden uu khadka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil,taas oo ah  markii ugu horreysay tan iyo markii la dilay toddobo shaqaale oo kuwa gargaarka ah.

Albaabka Erez ee waqooyiga Gaza ayaa si ku meel gaar ah dib loo furi doonaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalka bilowday, iyadoo sidoo kale la furi doonaa dekedda Ashdod si loo helo gargaarka bini’aadanimo.

Dhanka kale,gargaar dheeraad ah oo ka yimaada Jordan ayaa loo oggolaan doonaa in laga soo galiyo Isgoyska Kerem Shalom.

Mr Biden ayaa sidoo kale Netenyaahu ku adkeeyay in kooxdiisa wada-xaajoodka arrimaha Gaza ay soo gunaanadaan ama soo gabagabeeyaan heshiiska lala galayo Falastiiniyiinta,gaar ahaan koxxda Xamaas.

 

Xamar weyne oo u gudubtay kulanka kama dambeysta ah ee tartanka Ramadaanka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 22- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Xamarweyne,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Ceeldheer ay keensadeen 18-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xamarweyne iyo Ceeldheer ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Laascaanood iyo Xarardheere oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Mudug.

 

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo lagu amray in uu dalka kaga baxo 72 saacadood gudahood

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay tallaabooyin diblomaasiyadeed oo ka dhan ah dowladda Itoobiya oo faragalin qaaran ku haysa dowladda Soomaaliya. waxay ku dhawaaqday billowga dhowr tallaabo oo diblomaasiyadeed.

Go’aankan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ayaa daba socda go’aankii Golaha Wasiirada ee looga jawaabayay tallaabooyinka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Federaalka Itoobiya, kuwaas oo ku xad-gudbaya madax-bannaanida iyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay tallaabooyinkaan:-

1- Safiirka Dowladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Muqtaar Maxamed Waare ayaa lagu wargeliyay in 72 saac gudahood uu uga baxo Soomaaliya.

2- In muddo toddoba maalmood gudahood ah lagu xidho Qunsuliyadaha Itoobiya ee Hargeysa iyo Garoowe.

3- In Safiirka Dowladda Federaalka Soomaaliya u jooga Addis Ababa loogu yeero Muqdisho, si wada tashi buuxa loogu sameeyo.

Tallaabooyinkan ayey Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya ku sheegtay in loo qaaday si loo ilaaliyo madaxbannaanida, midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Qaraarka golaha wasiirrada Ee ku Aaddan habdhaqanka gurracan iyo faragelinta qaawan Ee dowladda Itoobiya

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Markii ay arkeen: -Qodobada 99aad xarfihiisa (a) iyo (f) iyo Qodobka 54aad xarfihiisa (a), (b) iyo (c) ee Dastuurka dalka.

Markii ay arkeen:-Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 12aad oo xeerinaya in dowladda soo dirsatay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah aysan xafiisyo ka furan karin meel ka baxsan meesha uu madaxa ergadu uu ka howlgalo, haddii aan oggolaansho cad laga helin dowladda martida loo yahay. Markii ay arkeen:-

Axdiga Vienna ee ku saabsan xiriirrada diblomaasiyadeed gaar ahaan Qodobkiisa 41aad faqradiisa 3aad oo xeerinaysa in xarumaha diblomaasiyadeed aan loo isticmaali karin ujeeddooyin ka baxsan shaqada uu sharcigu u oggol yahay ergada diblomaasiyadeed ee martida ah.

Markii ay garowsadeen:-

In faragelinta qaawan ee Dowladda Itoobiya ku heyso arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay xadgudub ku tahay qaranimada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliya,waxa ay soo saareen qodobbada soo socda:

QODOBKA 1AAD

XIRITAANKA QUNSULIYADAHA ITOOBIYA

1. Laga billaabo maanta oo taariikhdu ay tahay 04 April 2024, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay xirtey isla markaana oggolaanshihii hawlgalka oo ay dalka uga furnaayeen kala noqotay qunsuliyadaha ay Dowladda Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe iyo Hargeysa, waana in ay muddo todobaad gudahiis ah ku xirtaa labadaasi qunsuliyadood.

2. Diblomaasiyiinta iyo shaqaalaha Dowladda Ethiopia uga howlgala labada qunsuliyadood ee ka furnaa magaalooyinka kor ku xusan waa in ay dalka uga baxaan muddo todobaad gudahiis ah.

QODOBKA 2AAD

XADGUDUBYADA

1. Diblomaasiyiinta Dowladda Itoobiya ee u hoggaansami waaya qaraarkaan waxa ay galayaan xadgudub ka dhan ah Qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaana laga qaadayaa tallaabooyin dheeri ah oo waafaqsan xeerarka diblomaasiyadda caalamka.

QODOBKA 3AAD

DHAQANGALKA

1. Wasaarada arrimaha dibedda waxaa la farayaa in ay qaraarkan si rasmi ah u gaarsiiso dawladda Itoobiya, kuna wargeliso Safiirka Dowladda Itoobiya u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya in uu dalkiisa la tashi ugu laabto.

2. Qaraarkaan waxa uu dhaqangelayaa marka ay ansixiyaan Golaha Wasiirada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uuna saxiixo Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Golaha wasiirrada oo ansixiyey Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddaabadlaha ahaa,ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka in uu noqdo Mudane C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Agaasimaha Hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali,ayaa aqoon iyo khibrad u leh howlaha Sirdoonka iyo nabad-sugidda Qaranka, isaga oo dhowr jeer oo hore soo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid yihiin, Wasiir, Xildhibaan ,Danjire iyo Agaasimaha Hey’adda NISA oo uu noqonayo markii saddexaad.

Golaha ayaa uga mahadceliyey Agaasimihii hore ee hey’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Mudane Mahad Maxamed Salaad muddadii uu xilka hayey shaqadii uu Qaranka u soo qabtay.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh oo safar shaqo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo oo rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga ayaa maanta booqday Masjidka Nebiga (CSW) ee magaalada Barakaysan ee Madiina Al-munawara.

Madaxweynaha ayaa salaaddaha ku oogay Masaajidka Rasuulka naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, waxa uuna shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu duceeyay amni, nabad waarta, horumar iyo xasillooni.

Ra’iisul wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa dhiirigeliyey maalgashiga ay ganacsatada Soomaaliyeed ka sameynayaan dalkooda, isaga oo xarigga ka jaray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI, kaas oo laga hirgeliyey Muqdisho.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in kobaca ganacsiga caasimadda uu aas-aas u yahay xasilloonida amni ee ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, taas oo ku dhiirri-gelinaysa ganacsatada Soomaaliyeed in ay aaminaan maalgashiga dalkooda.

Ra’iisul Wasaaraha oo ka soo dukaameystay suuqan casriga ah, ayaa ammaanay ganacsatada ka hirgelisay suuqan caasimadda, taas oo muujinaysa in ganacsiyada caalamiga ah ay dib ugu soo laabanayaan dalka.

    

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka wada Shabeellaha hoose

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ayaa maanta howlgallo balaaran kawada deegaanno dhowra oo ka tirsan gobalka Shabeellaha hoose.

Ciidanka ayaa isku fidiyay dhul balaaran oo u dhaxeeya Deegaanada Maracadde,Galka saalimow iyo Garas-wayne oo ah dhul howda oo ka wada tirsan Shabeellaha Hoose,

Ciidanka ilaalo qaran ee lagu soo tababaray dalka Eritrea ayaa wadda howlgal ka wadda dhulka hawdka ah ee ku teedsan Shabeellaha  hoose waxana howlgalkan hoggaaminayay Taliyaha ururka 302 aad guutada 30 aad birjeex ee CXDS.

Tartamayaasha Xarar dheere oo u gudbay afar dhamaadka tartanka (Semifinal)

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 8- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Xaradheere,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dhahar ay keensadeen 4-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xaradheere iyo Dhahar ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga Afar dhamaadka ((Semi Final) ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay u soo gudbeen 4 degmo.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.

Danjiraha Soomaaliya ee Koofur Afrika oo warqadda aqoonsiga laga guddoomay

Pretoria: Wasaaradda arrimaha Debadda Koonfur Afrika ayaa Nuqul ka mid ah warqadda Aqoonsiga ee Safiirka Cusub ee Soomaaliya u magacowday dalkaasi Koonfur Afrika ka guddoontay.

Munaasabadda oo ka dhacday xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Dalkaasi Koonfur Afrika ayuu Danjire Maxamed Sheekh Isxaaq oo ay wehliyaan Diblomaasiyiinta safaaradda waxaa uu ku wareejiyay warqadaha Aqoonsiga ku simaha agaasimaha protocol-ka ee wasaarada Arrimaha dibadda ee Koonfur Afrika.

Labada masuul ayaa isla soo hadal qaaday xiriirka qotada dheer ee ka dhaxeeya labada dowladood ee soo jireenka ah iyo sido kale dhinacyada u baahan in iskaashi laga sameeyo.