𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐂𝐚𝐚𝐟𝐢𝐦𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐪𝐞𝐲𝐛 𝐠𝐚𝐥a𝐲 𝐱𝐮𝐬𝐤𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐮𝐭𝐢𝐬𝐦𝐤𝐚 𝐀𝐝d𝐮𝐮𝐧𝐤𝐚

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho uga qaybgalay xuska maalinta Autismka adduunka oo ay soo qaban qaabisay xarunta baahiyaha gaarka ah ee Mustaqbal.

Wasiirka ayaa xusay muhiimada ay leedahay in il gooni ah lagu hayo caruurta xaaladdan ay lasoo gudboonaato isla markaana ay helaan daryeelka lagama maarmaanka ah si loola tacaalo xaaladdooda isagoo sheegey in Wasaaradda Caafimaadka ay si dhaw ula socon doonto daryeelka caruurta ay xaalada Autismka lasoo daristo, kana shaqayn doono sidii siyaasad looga yeelan lahaa caruurta Autismka qaba.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa bogaadiyay xarunta Mustaqbal oo isu taagtay la tacaalida xaaladda caruurta Autismka wajahaysa isagoo dhiirigaliyay in la helo xarumo kale oo bixiya adeegga Caafimaad ay u baahanyihiin.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Tartamayaasha Laascaanood oo u gudbay afar dhamaadka tartanka (Semifinal)

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Laascaanood,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Caabudwaaq ay keensadeen 8-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Caabudwaaq ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Sanaag.   

Duqa Muqdisho oo mar kale sheegay in ay xoogga saari doonaan ciribtirka maandooriyaha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in muddo gaaban gudaheeda horumar kala duwan laga sameeyey Degmada Kaxda.

Duqa ayaa sheegay in ay Kaxda ka hirgeliyeen goobo waxbarasho oo lacag la’aan ah, xarumo caafimaad iyo waddooyin waaweyn, wuxuuna sheegay in ay sii wadi doonaan horumarinta degmada.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho ayaa xusay dhibaatooyinka ay daroogga ku hayso bulshada, gaar ahaan da’yarta Soomaaliyeed, isaga oo ku baaqay in si wadajir ah looga hortago dhibaatada uu maandooriyuhu ku hayo bulshada.

Duqa Muqdisho oo ka hadlayay afur wadareed loogu sameeyay degmada Kaxda Ra’iisul Wasaaraha XFS, Wasiirro, Xildhibaanno, Taliyeyaasha Ciidamada nabad gelyada iyo maamulka gobolka Banaadir ayaa intaa ku daray dalka uu isu beddelayo goobo loo soo iib geeyo waxyaabo dowladihii soo saaray xitaa aysan isticmaalin, kuwaas oo isugu jira noocyada kala duwan ee maandooriyaha loona baahan yahay in dagaal wada jir ah lagu qaado si loo cirib tiro.

Shalay ayay ahayd markii uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) sheegay in ay maxkamad la tiigsan doonaan ganacsatadii lagu helo in ay dalka soo geliyaan waxyaabaha maanka dooriya.

Wasiirka Cadaaladda oo booqday waddo laga hirgelinayo Deyniile

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS, Mudane, Xasan Macallin Maxamuud oo booqasho ku tegay deegaanka Gubta ee degmada Dayniille ayaa kormeeray dhismaha waddada laamiga ah ee laga hir-gelinayo deegaanka.

Wasiirka ayaa halkaasi kula kulmay guddiga dhismaha waddada oo uga war-bixiyay shaqada socota, odayaasha iyo wax-garadka deegaanka oo kala hadlay daboolidda baahida adeegyada dowladeed ee deegaanka.

Mudane Xasan Macallin oo ay wehliyeen xildhibaan Cadar Cali Shalaqbeen iyo xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa bogaadiyay dadaallada isku tashiga ah ee bulshadu ay ku horumarineyso deegaanka, waxuuuna kormeerka kadib bulshada deegaanka kula afuray gudaha deegaanka Gubta.

Wasiirka ayaa bulshada deegaanka ka ballan qaaday in dowladdu kala shaqeyneyso helidda adeegyada dowlaleed ee ay u baahanyihiin, si loo gaaro horumarka uu deegaanku hiigsanayo.

Ra’iisul wasaare Xamse oo bogaadiyey horumarka amni ee degmada Kaxda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay Kulan Affur Wadareed oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ka jira Caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay shacabka degmada Kaxda sida ay isugu tashadeen, isla markaana ay horumarka degmadooda gacan weyn ugu geysteen. Isaga oo sheegay in hormarinta kaabayaasha bulshadu ee ay ugu horreeyaan dhismaha waddooyinka ay qeyb weyn ka qaataan bilicda, horumarka iyo amniga.

“Degmada Kaxda waxaa deggan dad iimaan iyo akhlaaq leh, lagamana filaayo in daroogo iyo khawaarij ku faafto, labaduba waxa ay ku faafaan meelaha jahligu yaal, halkaanna waa goob culimo oo kitaabta lagu akhriyo”.Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Waxa uu sheegay in horumarka degmada ay qeyb weyn ka qaadatay isbeddelka amni ee jira, taas oo keentay in lala affuro bulshada Kaxda oo kamid ah degmooyinka dhaca cirifyada. Isaga oo intaas ku daray in amniga caasimaddu uusan hagaageen haddii aan lagu guuleysteen caqabado badan oo kamid yihiin, Khawaarijta, Ciyaal-weerada, hubkii magaalada lagu dhex watay iyo nidaaminta Bajaajta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in wax laga qaban doono baahiyaha kale duwan ee ka jira degmada iyo guud ahaan gobolka Banaadir, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay bixiyaan canshuurta, si loogu beddelo horumar iyo amni, caasimadduna u noqoto mid la tartanta caasimadaha dhiggeeda ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho Rasmi ah ku tegay Dalka Sucuudiga

Riyaad:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo casuumaad rasmi ah ka helay Boqorka Dalka Sucuudiga Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Jida.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Boqor Salmaan Binu Cabdicasiis ayaa ka wadahadli doona xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.

Horjooge isu soo dhiibay Ciidanka deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug

Gaalkacyo-Horjooge Ismaaciil Xasan Cali oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa xalay isku soo dhiibay ciidanka deegaanka Xinlabi ee Gobalka Mudug, kadib markii uu xiriir la soo sameeyay.

Ciidanka deegaanka ayaa soo dhawayn kadib waxay Horjooge Ismaaciil ku wareejiyeen Ciidanka Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA, qeybtooda Galmudug, si loo marsiiyo habraaca loo diyaariyay xubnaha isa soo dhiiba ee ka soo hara fikirka gurracan ee Khawaarijta.

Waxaa isa soo taraya xubnaha horay ugu tirsanaa Khawaarijta ee isu soo dhiibaya Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka markii ay adakaysan waayeen weerarrada xooggan eek aga imanaya Ciidamada.

Ciidanka Israel oo dilay Todobo shaqaale oo kuwa gurmadka ah

Kooxda gargaarka ee fadhigeedu yahay Mareykanka ee World Central Kitchen ayaa xaqiijisay in toddobo ka tirsan shaqaalaheeda ay Israel  ku dileen duqeyn xagga cirka ah oo laga sameeyay Gaza .

Hey’adda ayaa sheegtay in shaqaalahaasi  lagu dilay weerar toos ah oo ay fuliyeen Israel,waxaana dadka la dilay ay ka soo kala jeedaan Falastiin, Australia, Poland, UK, iyo labo heysta dhalashada Mareykanka iyo Canada ah.

Kooxda World Central Kitchen  waxay millatariga Israa’iil ugu baaqeen inay joojiyaan dilka aan kala sooca lahayn ee Gaza loogu geysanaayo dadka ratidka ah iyo shaqaalaha gargaarka.

Maamulka dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in cisbitaalka al-Shifa ee Gaza la burburiyay maalin ka dib markii ciidamada Israel ay ka baxeen dhismahaasi ,kuwaas oo laba todobaad halkaasi ka waday weerar lagu beegsanaayo dadka rayidka.

Sarkaal u hadlay Iiraan ayaa sheegay in Israa’iil ay weerartay dhismaha qunsuliyadda Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Dimishiq, halkaas oo ay ku dileen dhowr qof, oo uu ku jiro taliye sare.

Ugu yaraan 32,845 falastiiniyiin ah ayaa la dilay, 75,392 oo kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Tartamayaasha Xamarweyne oo u gudbay afar dhamaadka tartanka (Semifinal)

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Xamarweyne,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Bardaale ay keensadeen 10-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Ceeldheer iyo Dhuusamareeb ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Laascaanood iyo Caabudwaaq oo ka kala tirsan Gobollada Sool iyo Galgaduud.

Maamulka Gobolka Banaadir oo afur u sameeyay Ra’iisul waasaraha dalka iyo xubnaha labada Aqal ee BFS

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Aqalka Dowladda hoose ee Xamar Munaasabad Afur mahadnaqah ugu sameeyay xubnaha Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ku guuleystay Ansixinta 4-ta Cutub ee ugu horeeya Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Guddoomiye Kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiya Yaasiin Samatar, Wasiiro, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal,  Guddoonka Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Danjiraha Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Guddoomiyeyaal Degmo, Agaasimeyaal, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir iyo marti sharaf kale ayaa goobjoog ka ahaa munaasabadda.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa halkaasi ka jeediyay ayaa tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin shacabka caasimaddu qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna sheegay in bulshada Gobolka Banaadir ay ka rajaynayaan Xildhibaannada Labada Aqal Ansixinta Maqaamka iyo Matalaada Caasimadda.