Madaxweyne Xasan Sheekh oo Dr. Cabdirashiid u magacaabay Ergey Caafimaadka & Nafaqada

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Ergeyga Gaar ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada Mudane Xildhibaan Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa  kula dardaarmay Ergayga gaarka ah i in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka oo uu  ka shaqeeyo ilaalinta iyo u qareemidda caafimaadka Muwaadiniinta.

Dr. Cabdirashiid Maxamed Nuur jilley Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa khibrad, aqoon iyo xirfad wanaagsan u leh arrimaha Caafimaadka iyo Nafqada, taas oo u sahleysa in uu xaqiijiyo hiigsiga dowladda Soomaaliya ee ku aaddan horumarinta caafimaadka dalka.

Guddoomiyaha SODMA oo kulan la yeeshay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed, Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay ku xigeenka Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna iskuduwaha gargaarka bini’aadannimada George Conway.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray ka dhabeynta mudnaanta Dowladda ee ah ka hortagga leexsashada gargaarka, horumarinta qaab-dhismeedka isla xisaabtanka, doorka dawladdu ku leedahay fulinta iyo la socodka qorshaha ka jawaabista, sida canshuur dhaafku muhiim ugu yahay deeqaha bani’aadannimo iyo caddeynta waajibaadka adeeg bixiyayaasha dalka.

Guddoomiyaha SoDMA, Maxamuud Macallin ayaa uga mahadceliyay ku xigeenka Ergeyga iyo guud ahaan hoggaanka xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya sida ay uga go’antahay taageerada howlaha bani’aadannimo ee dalkeenna.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qeyb galay munaasabad afur ah oo loogu mahadcelinayey mudayaasha labada Aqal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad afur ah oo loogu mahadcelinayey Guddoonka, Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo labada guddi ee dastuurka oo ku guuleystay ansixinta wax ka beddelka afarta cutub ee ugu horreeya Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa soo bandhigay sida ay ugu faraxsan yihiin shacabka Soomaaliyeed qabyo-tirka Dastuurka, waxa uuna sheegay in baarlamaanka 11-aad uu ku guuleystay tallaabooyin wax ku ool ah, taasoo mudan ammaan iyo boggaadin.

Mudane Xamsa ayaa intaas ku daray in la joogo xiligii ay dadka Soomaaliyeed u midoobi lahaayeen horumarka dalkooda, isla markaana aan aqbali karin tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Xukuumadda ay ka go’an tahay ciddii tabasho qabta in ay dhageysto, balse aan la aqbali karin in la is-hortaago go’aamada ay gaarayaan hey’adaha dastuuriga ah. Isaga oo tallaabo bilow ah oo guul u ah dadka Soomaaliyeed ku tilmaamay qodobada la meelmariyey, waxuuna ugu baaqay Xildhibaannada in ay dhammeystiraan kuwa haray, si dalku u yeesho dastuur buuxa.

Xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo maanta la xarig jaray

Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) ayaa maanta si rasmi ah u yeelatay xarun dhexe oo la jaanqaadaysa hay’adaha duulista ee caalamka ,taa oo maanta si rasmi ah xarigga looga jaray, wixii hadda ka dambeeyana ay ku shaqeyn doonaan maamulka, howlwadeennada iyo khuburada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA).

Dhismaha xarunta ayaa ka kooban labo dhisme oo dabaqyo ah oo ay ku yeelaan 30 xafiis oo waax walba ay leedahay hoolkeeda shirarka, hool weyn oo shir, masaajid, maqaayad, goobaha la dhigto gaadiidka iyo qaybo kale oo leh  nasniino, iyadoo dhismayaasha dhaqaalaha ku baxay uu yahay mid ay bixisay dawladda, halka ay dhammeystirkiisa iyo qalabeynta ay ka qaybqaadatay safaaradda dawladda Shiinaha ee Muqdisho.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Xil. Fardowsa Cismaan Cigaal oo ka hadashay munaasabadda ayaa sheegtay in xarig-jarka xarunta ay u tahay dalka dhacdo muhiim ah , maaddama horumarada Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ay door ka qaateen isbeddelada dal oo ay ugu horreyso kobaca dhaqaalaha.

“Maanta waxay inoo ahayd waqti kale oo muhiim ah , waxaan xarig-jarnay xarunta cusub oo noqon doonta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, oo loo dhisay qaab waafaqsan, isla markaana la jaanqaadaysa agabka iyo xafiisyadaba xarumaha hay’adaha duulista caalamka.  Hirgelinta dhismayaasha xaruntan cusub, waxay door dedejinaya ka qaadanaysa horumarka iyo wax-soosaarka waaxyaha Duulista Rayidka ee dalka.” sidaa waxaa sheegtay Wasiir Fardowsa.

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay munaasabadda xarig-jarka ee dhismayaasha cusub ee xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ayaa sheegay inay door ka qaadanayaan xafiisyadan horumarinta howlaha shaqo, taa oo kor u qaadaysa wax-soosaarka iyo kobaca dhaqaalaha ee Hay’adda.

Munaasabadda oo ay ka qaybgaleen guddiga Gaadiidka iyo Duulista ee Golaha Shacabka, Xildhibaanno , mas’uuliyiin ka socday golayaasha dawladda iyo diblomaasiyiin , ayaa xubnihii u hadlay waxay boggaadiyeen horumarka deg deg leh ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Dhammeystirka dhismayaasha iyo qalabeynta xarunta dhexe ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa qayb ka ahaa hiigsiga iyo qorshaha sannad laha ah ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed , iyadoo xilligan qorshaha dhow ay ka mid yihiin in sare loo qaado wax-soosaarka shaqo iyo in si la mid ah sare loo qaado duulimaadyo cusub oo caalami ah oo ay ugu horreynayso shirkadda duulimaadyada ee Egyptair iyo Saudi Arabian Airlines.

Tiradii ugu badnad ee Khawaarij ah oo isu soo dhiibay Dowladda Soomaaliya

Baydhabo:- Ciidanka Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdonka Qaranka ee ka howlgala deegaanada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta soo bandhigay maleeshiyaad ka soo goostay kooxda Khawaarijta,kuwaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladda.

Kooxda isasoo dhiibtay oo ka kooban 10 Xubnood kana soo goostay Khawaarijta arxanka daran ayaa lagu soo bandhigay Taliska Hey’adda Nabaddugidda magaalada Baydhabo,waxaana raggan isasoo dhiibay ay Khawaarijta u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraa Jabhadaha.

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha JFS Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo qeyb ay ka yihiin madaxweynaha Galmudug, xildhibaanno, wasiirrada gaashaandhigga iyo arrimaha gudaha, taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo saraakiil kale ayaa hadda gaaray degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

Xildhibaan Maxamed Cajiib iyo Xildhibaan Yaasiin Farey oo degmada Ceeldheer uga sii horeeyey wafdiga, qeybaha kala duwan ee bulshada, saraakiisha ciidamada qaranka iyo masuuliyiinta deegaanka ayaa halkaas ku soo dhaweeyey wafdiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo mas’uuliyiinta uu hoggaaminayo oo saakay ka baxay Muqdisho ayaa tegay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, isaga ciidamada, maamulka iyo shacabka degmada Xarardheere ku dhiirigeliyey dagaalka ay kula jiraan Khawaarijta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Xarardheere

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug, iyadoo halkaas si wayn loogu soo dhaweeyey.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka reer Xarardheere, Ciidamada qaranka iyo kuwa deegaanka ku dhiirigeliyey jihaadka ay Khawaarijta uga xoreynayaan dalka.

Madaxweynaha dowalad gobolleedka Galmudug, Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo mas’uuliyiin kale ayaa qeyb ka ah socdaalka Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ku gaaray magaalada Xarardheere.

Xarardheere iyo Ceeldheer ayaa ka mid ah Degmooyinka uu hadda ka socodo Qorshaha xoraynta Dalka gaar ahaa Deegaanada Galmudug

Guddoomiye Madaale: oo xalay booqday Suuqa Bakaaraha

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa xalay kormeer shaqo ku tagay Suuqa ugu weyn ee dalka Soomaaliya (Suuqa Bakaaraha) si uu ugu kuur-galo isbadalka dhinaca Amniga iyo dhaq-dhaqaaqa Ganacsi ee suuqaasi ka jira xilliyada Habeenkii.

Kormeerkaan oo ay Duqa Muqdisho ku wehlinayeen Maamulka Degmada Howlwadaag, Saraakiisha Laamaha Amniga iyo xubno kale, ayaa waxa uu mid mid u dhageystay shacabka usoo dukaameysi tagay Suuqa iyo qaar ka mid ah ganacsatada, kuwaasi oo ka warbixiyay isbadalka Amni iyo kobaca Ganacsi ee ka jira Suuqa.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka iyo Ganacsatada in ay la shaqeeyaan Laamaha Amniga si loo xoojiyo Amniga Caasimadda.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa si aad ah ugu dukaameysanaya Suuqa Bakaaraha iyo Suuqyada kale ee Magaalada Muqdisho xilliyada Habeenkii maadaama lagu jiro 10-kii ugu danbeeyay ee Bisha Ramadaan, iyadoona la isku diyaarinaayo u diyaar garowga Maalmaha Ciida.

   

Wasiirka maaliyadda XFS oo la kulmay Safiirka Dowladda Sweden u jooga Soomaaliya

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa  kulan muhiim ah kula qaatay xafiiskiisa Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya Mudane Joachim Waern.

Wasiirka Maaliyadda XFS Md. Biixi Imaan Cige ayaa sheegay in ay ka wada hadleen isaga iyo Safiirka arrimo ay ka mid yihiin, qorshaha cusub ee dib-u-habeynta Maaliyadda, sare u qaadidda dakhliga gudaha, horumarinta hannaanka Maamulka Maaliyadda Guud iyo hagaajinta xiriirada dhaqaalaha.

Dowladda Sweden waxa ay ka mid tahay Dowladaha sida gaarka ah saaxiibka ula ah Dowladda Soomaaliya, waxa ayna qeyb ka tahay Mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya ay ka fuliyaan Saaxiibada Caalamka.

NISA oo gacanta ku dhigtay laba dhagar qabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad sugidda Qaranka ee NISA ayaa gacanta ku dhigay labo dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta kuwaasi oo doonayay inay falal amni darro ka gaystaan magaalada Muqdisho.

Xilliga ay qabanayeen ciidamada labada Dhagar-qabe ayaa waxay gacmaha ku wateen Qaraxyo ay damacsanaayeen inay ku dhibaateeyaan dadka shacabka ah.

Ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa saacad kasta u taagan sugidda amniga magaalada iyagoo wada shaqayn buuxda ka helaya muwaadiniinta Soomaaliyeed.