Beesha Caalamka oo soo dhaweysay dadaalka dowladda ee dhameystirka dastuurka

Beesha Caalamka oo si wayn u soo dhowaysay dadaalka Dowladda FS ay ku bixinayso dhamaystirka waxyaabaha muhiimka u ah dowlad wanaaga sida qabya tirka Dastuurka.

War qoraal ah oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu yiri:-

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay bogaadinayaan dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka ah ee lagu xaqiijinayo u hogaansanaanta Soomaaliya ee waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa heer gobol ee khuseeya xuquuqul insaanka, oo ay ku jiraan xuquuqda carruurta. Waxaan rajeyneynaa iskaashi [sii socda] mustaqbalka oo aan la yeelano Soomaaliya oo iyadu  xoojineysa dowrka ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah.

Waxaan sidoo kale qireynaa ku-talagalka adag ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku talagashay horumar ay ka sameyso dhameystirka Dastuurka, waxaana ku boorineynaa dhammaan saamileeyda inay sii laba jibbaaraan dedaalladooda ku aaddan dhisidda  wadar-oggol loo marayo geeddi-socod loo dhanyahay.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan sagootin ah la qaatay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah la qaatay Danjiraha muddo xileedkiisa diblumaasiyaseed uu dhammaaday ee Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha u fadhiyey dalkeenna, Safiir Fei Shengchao.

Madaxweynaha ayaa ku ammaanay Danjire Fei doorka uu ka qaatay adkaynta xiriirka Labada dal iyo kobcinta iskaashiga faca weyn ee ka dhexeeya Labada shacab, isagoo xusay sida dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay u soo dhaweeyeen Danjiraha, ulana shaqeeyeen muddadii uu matalayey dalkiisa.

Dhankiisa, Danjire Fei Shengchao ayaa uga mahadceliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda kulankan saagootinta ah ee uu ugu sameeyey Madaxtooyada Qaranka, waxa uuna tilmaamay xusuusta wanaagsan ee uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooda, muddada uu ku sugnaa dalkeenna.

 

Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay nuqulka rasmiga ah cutubyada dastuurka ee uu meelmariyay Baarlamaanka FS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa  saxiixay Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-ka beddelka cutubyada 1aad, 2aad, 3aad iyo 4aad ee Dastuurka JFS,  oo ay shalay  cod Aqlabiyad leh ku ansixiyeen Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in dhammeystirka Dastuurku uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, sinaanta dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, adkaynta iyo dhisida hay’ado dowladeed oo hufan.

Munaasabadda saxiixa Nuqulka Rasmiga ah ee Wax-kabeddelka cutubyada Dastuurka dalka waxaa goobjoog ahaa Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  

Wasaaradda Maaliyadda XFS oo soo saartay fariin ku socota ganacsatada Soomaaliyeed

Fariin ka socota agaasinka Guud ee Dakhliga ee wasaaradda Maaliyadda.

Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Agaasinka Guud ee Dakhliga Wasaaradda Maaliyadda wuxuu ogeysiinayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed in la balaariyay ganacsiyada laga qaadayo canshuurta ”gadida” oo markii hore aad u xadidnaa. Xeer sharciga Lr.2 1984, wuxuu ku waajibanayaa canshuur bixinta ilaa iyo afar ganacsi oo kale ah:-

Keenidda Badeecadda, Ganacsiga Jumlada, Qaansheegtada Hootelka iyo badeecadaha ay soo saaraan warshadaha.

                                                           Maxaa isbeddelay?

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sannad-maaliyadeedkan ansixiyay in la balaariyo ganacsiyada laga qaadayo canshuurta gadida, iyadoo wasiirka wasaaradda maaliyadda uu soo saaray xeer-nidaamiye noocyada ganacsiyada iyo shirkadda lagu dabaqayo gadida canshuurta.

               Maxay yihiin ganacsiyada cusub ee laga qaadayo ee laga qaadayo cabshuurta gadida?

Korontada, TV cables-yada, shirkadaha Biyaha, shirkadda mihnadlayaasha sida kuwa bixiya adeegyada qareenada, nootaayooyinka, xisaabiyeyaasha, maraakiibta iyo shirkadaha gaarka ah ee bixiya adeegyada amniga iyo kuwa la midka ah. Isgaarsiinta, Daabacadaha Tafaariiqda, Maqaayadaha, Caafimaadka, Ceymiska, adeegyada gaadiidka, Bangiyada iyo Xawaaladaha, ganacsiyada kale ee iibiya badeecadaha ama adeegyada.

Haddaba, waxaa laga doonayaa dhammaan shirkadaha iyo ganacsiyada adeegyadaas bixiya in ay saaraan 5% qaansheegadyada ay u jaraan dadka ay adeegyada u qabtaan laga bilaabo 1-da bisha April sanadka 2024.

Canshuur bixintu waa dhismaha waddankeenna. Canshuurta bixi muwaadin aan barwaaqo gaarnee.

Guddoomiye Maddaale: ayaa soo xiray tartanka Qur’aan akhriska Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu soo gaba-gabeenayay Tartanka Quraan Aqriska Bisha Ramadaan ee Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.

Tartankaan oo mid sanadle ah ayaa waxaa taaba-geliya Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana ku tartamay ardey ka kala socday Dugsiyadda Quraanka Kariimka ee Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir, kuwaasi oo kaalimaha u kala galay:

1- Mujiiburaxmaan Maxamed Cabdullaahi (Kaalinta 1-aad). Waxa uu ka socday Degmada Wabari.

2- Asmaa Maxamed Ibraahim (Kaalinta 2-aad) waxa ay ka socotay Degmada Wadajir.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta XFS, Xildhibaano, Culuma’udiin, Agaasimeyaal, Guddoomiyeyaal Degmo, Ururka Haweenka Gobolka Banaadir, Maclimiinta Dugsiyadda, Waalidiin iyo marti sharaf kale.

Shacabka Soomaaliyeed oo soo dhoweeyey dhamaystirka Dastuurka

Shacabka Soomaaliyeed ee ku kala nool gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa si weyn u soo dhoweeyey dhamaystirka Dastuurka oo ay meel mariyeen labadda Gole Baarlamaan maalintii shalay.

Haweenka,dhalinyaradda,Ardayda,Culimada iyo dhammaan qaybaha kala duwan bulshada ayaa si weyn u soo dhoweeyey dhamaystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo wakhti dheer qabyo ahaa iyagoo shacabku sheegeen in mudo dheer ka dib Shacabka loo soo celiyey awooda ayna dooran doonaan Madax iyaga metesha.

Sidoo kale Qurbejoogta Soomaaliyeed oo ku kala nool dalal qurbaha sida Maraykanka,Yurub,dalalka Carabta iyo dhammaan daafaha dunida ayaa si weyn u soo dhoweeyey dhamaystirka Dastuurka iyagoo xusay in tallaabadani wax weyn ka tari doonto dhismaha dowladnimadda Soomaaliyeed.

Tartamayaasha Degmada Dhahar oo u gudbay wareegga 3-aad

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Dhahar,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Baraawe ay keensadeen 12-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhahar iyo Barawe ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Ceeldheer oo ka wada tirsan Gobollada Galgaduud.

Dhinaca kale, waxaan halkan idinkugu soo gudbineynaa isku aadka wareegga 3-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, kaasi oo ay u soo gudbeen 8 degmo.

 

Ra’iisul wasaare Xamse oo ku bogaadiyey Golaha Baarlamaanka ansixinta dhamaystirka Dastuurka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku boggaadiyey Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay Baarlamaanka Jamhuuriyadda gudahada waajibaad kooda Qaran, isaga oo sidoo kale boggaadiyey labada guddi ee Dastuurka, kuwaas oo juhdi badan geliyey sidii dalku u yeelan lahaa dastuur dhammeystiran.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay tahay mid dan u ah qof kasta oo Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xarriiqay in tallaabadan taariikhiga ah ay qeyb ka tahay fulinta ballan-qaadyada Xukuumadda ee la xiriiray dhammeystirka Dastuurka, si talada dib loogu celiyo dadka Soomaaliya oo ay u soo doortaan hoggaankooda.

Xukuumadda DanQaran ayaa muddo gaaban ku xaqiijisay guulo waaweyn oo wax badan ku soo kordhinaya hannaanka Dowladnimada Soomaaliya, kuwaas oo ay kamid yihiin, Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika, xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo tallaabada maanta lagu ansixinta wax-ka-beddelka afarta cutub  ee Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xukunka Askari dhac geystay oo Abahiis ku soo wareejiyay hay’adaha amniga

Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, Dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan, Dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed oo labaduba shacab ah, ayaa si wadajjir ah loogu soo eedeeyey burcadnimmo hubeysan iyo dhac ay ka geeysteen degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Shantaan eedeysane ayaa taleefano iyo lacago ka qaatay dad isugu jira shacab iyo askar aan xilligaasi hubeysaneyn oo shaqada fasax ka ahaa, iyaggoo dhaawac u geeystay qaar kamid ah dhibaneyaasha, waxaana eedeysaneyaasha ay falkaan ku geysteen hal qori oo Ak47 ah oo uu lahaa Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed.

Dhaca kadib Eedeysaneyaasha ayaa tagay Guriga Eedeysanaha koowaad Axmed Cali Maxamed, si ay u qeybsadaan taleefanada iyo Lacagihii ay soo dhaceen, ugu dambeynna waxay isku qabsadeen sida loo kala qaadanayo, halkaasna waxaa ka dhashay buuq ku dhowaaday gacan ka hadal.

Intaasi kadib Dable Axmed Aabihiis oo guriga ku sugnaa, ayaa ku soo baxay buuqa eedeysaneyaasha, markii uu arkay in wiilkiisa iyo saaxiibadiis ay isku heystaan, iskuna dagaaleen taleefanada iyo lacagtii ay soo dhaceen, ayaa waxa uu qaatay go’aan dhif iyo naadir ah oo ku dayasho mudan, waxa uu wacay Ciidanka Booliska degmadda Afgooye, isaggoo ku war geliyey falka ay ku kaceen. Wiilkiisa iyo saaxiibadiis, halkaasi ayaana lagu soo xiray Eedeysaneyaasha taariikhdu markii ay aheyd todobada Bishii labo iyo tobnaad 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Labaatan iyo todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray shanta eedeysane, waxaa lagu kala xukumay:-

1- Ex Dable Xoogga Axmed Cali Maxamed, ayaa lagu Xukumay 8 sano oo Xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ahaanshiyaha ciidanka xoogga dalka.
2- Ex dable Xoogga Cabdiraxmaan Cabdullaahi Cismaan iyo Ex dable Xoogga Khaalid Maxamed Sheekh Muuse, ayaa lagu xukumay min Shan sano oo xabsi ciidan ah iyo in laga saaray kamid ah ahaanshiyaha Ciidanka xoogga dalka.
3- Xasan Axmed Xuseen iyo Maxamuud Daahir Maxamed, ayaa iyagana lagu xukumay min shan sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale waxaa lagu xukumay dhammaan inay bixiyaan Taleefanada iyo lacagihii ay dhaceen.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku Bogaadiyey Golaha Baarlamaanka Ansixinta dhamaystirka Dastuurka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku bogaadiyey Guddoonka iyo Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ansixinta qabyo-tirka cutubyada 4-ta ah ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo ay ka soo shaqeeyeen Labada Guddi ee dib u eegsita Dastuurka.

Madaxweynaha oo ah Ilaaliyaha mabaadi’da aasaasiga ah ee Dastuurka ayaa tilmaamay in Dastuurkan uu ku saleysan yahay Shareecada Islaamka iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed, isagoo hoosta ka xarriiqay ahmiyadda ay u leedahay dowladnimada Soomaaliyeed dhammeystirka Dastuurka.

“Maanta waa maalin taariikhi oo baal dahab ka gali doonta hannaanka dowlad-dhiska dalka ee muddada soosocday. Dhammeystirka Dastuurka waxa uu aas-aas u yahay horumarinta dimuqraadiyadda, qarannimada iyo Hay’adaha dowladnimada, waxaan ugu baaqayaa Xildhibaanna Labada Aqal in ay sii amba-qaadaan turxaan-bixinta, toosinta iyo dhammeystirka cutubyada dhiman ee Dastuurka”.