Meel marinta afarta Cutub ee Dastuurka iyo Guullaha is daba jooga ah ee DFS

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku meel mariyey afarta cutub ee dib u eegista, wax ka badelka iyo dhameystirka Dastuurka.

Tallaabadan taariikhiga ah ayaa waddada u xaareysa fulinta ballanqaadyada Dowladda ee dhameystirka tiirarka muhiimka u ah dhismaha siyaasad xasiloon oo Soomaaliya yeelato.

Guulaha muddada labada sanno ka yar ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso sida Deyn Cafinta, Qaadista Cunaqabateynta Hubka, Dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, Ku Biirista Suuqa Bariga Afrika iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah waxay ka tarjumeysaa in Soomaaliya ay cagta saartey waddada horumarka, nabadda iyo barwaaqada.

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya waxay mar kale u mahad celineysaa Xildhibaannada labada aqal oo maanta muujiyay tallaabo geesinimo ah, una hiiliyey dowladnimada iyo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed ee ay wakiilka ka yihiin.

Baarlamaanka oo Cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dhamaystirka Dastuurka

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyey dhamaystirka Dastuurka oo soo maray marxallado kala duwan,xubnaha labadda gole ayaa saaka subaxnimadii hore ba iska soo xaadiriyey xarunta Golaha ee Villa Hargeisa.

Kulanka ayaa waxa soo xaadiray 254 mudane oo isugi jiray 212 Xildhibaan oo golaha Shacabka ah iyo 42 Senator oo aqalka sare ah,Guddoomiyaha golaha shacabka Sh Aadan Maxamed Nuur Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay natiijada codaynta Ansixinta Dastuurka isagoo ku dhawaaqay in ansixinta Dastuurka ay cod aqlabiyad ah ku meel mariyeen 254 Mudane.

Wax ka beddelka iyo dhamaystirka dastuurka ayaa qoddobada ugu muhiimsan waxa ka mid ah in haykalka xukunka loo guuray Madaxweyne ay Shacabka Soomaaliyees toos u soo dooranayaan iyo Ra”iisul wasaare uu magacaabayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale xubnaha Gudidda doorashooyinka iyo Soohdimaha ee Heer federaal ayaa tiradooda laga dhigay 18 xubnood.

WAXYEELO MALEEDAHAY XABAGTA CADAADKA?

Xabagta caddaadku waa aamin marka laga qaadanayo afka hadii aan la iska badin,  waxaa la la tijaabiyey 30garam oo xabagta ah mudo 6 todobaad ah wax waxyeelo ahna  laguma arag.

  1. Lama oga saamayntiisa marka maqaarka loo isticmaalo.
  2. Waxaa haboon inaan la isticmaalin xiliyada nuugmada iyo uurka.
  3. Waxaa reeban inay isticmaalaan dadka qaba neefta (asthma).
  4. Waxaa reeban inay isticmaalaan dadka xasaasiyada ku qaba dhirta

qaarkeed.

  1. Dadka qaba sonkoroowga waa inay ka ditoonaadaan isticmaalka xabagta

cadaadka, waxay hoos u dhigtaa sorkorta dhiiga, marka waa in dib u eegid

lagu sameeyo daawada sonkorta ee uu bukaanku qaadanay inta uu

isticmaalayo xabagta caddaadka.

  1. Xabagta caddaadku waxay koontarooshaa nisbada sonkorta dhiiga, taasina

waxay keeni kartaa dhibaato weyn marka qaliimada la samaynayo, sidaa

daraadeed lama ogola in la isticmaalo xabagta caddaadka qaliimada

hortood.

Sidee loo abuuraa geedka cadaadka.

Geedka cadaadka waxaa laga abuuraa mirihiisa, waxaa la abuuraa xiliga guga,  marka aad abuuraysid iniinyahay cadaadka biyo la dhig mudo 24 saac ah ugu  yaraan, mirka iniinyuhu soo bararaan u diyaari meeshii aad ku abuuri lahayd (ama  weelkii aad ku abuuri lahayd) ku shub carro jilicsan oo cosob ah bartanka u dhig  iniinta oo carrada ku rog kadibna waraabi, waxay ku soo dhalanaysaa laba  todobaan inshaa allaaah.

Iniintu marka ay soo dhalato ka ilaali in ay qalasho, waana in ay iftiinka maalintii  ayna helin 6 saac wax ka badan.

Taxaneheena xabagta cadaadka waxaan ka barangay cashiro muhiim ah oo ay ka daahsoonaayeen  qaarbadan oo shacabkeena ah balse manta ka faa’iday xogo badan oo ku saabsan xabagta cadaadka oo ay kamid yihiin waa maxay xabagta cadaadka, muhiimada uu leeyahay, faa’idooyinkiisa iyo sidii loo beeri karo Ayaan ku soo koobnaya taxaneheena .

WQ: Abdinasir Ganey

QURBA JOOGTA SOOMAALIYEED OO MAALGASHI KA BILLOWDAY DALKA

Magaalada Muqdisho waa magaalo madaxda dalka waxaana Ku nool bulsho badan oo Ka Kala yimid gobollada dalka iyo dadka deegaanka  ayaa bilaabay hal abuuro ay Ku sameeyaan  warshado ganacsi  yar yar oo ay wax Ka soo saaraan.

Ganacsatadaan yar yar  ee Ku nool magaalada Muqdisho waxa ay wadaan hormarro kala duwan oo ay Ka sameenayaan dhanka warshado yar yar  noocyadiisa Kala duwan.

Warshado yar yar ayaa ah shirkado wax soo saarleh oo lagu soo saaro alaabo badan oo ay Bulshada Soomaliyeed ay baahi weyn ay u qabaan horayna dibadaha oga raad san jireen balse maanta dalka la keenay taasi oo bulshada Soomaliyeed u sahashay in ay dalkooda Ka helaan alaabaha ay sameeyaan ganacsatada haysata shirkadaha yar yar.

Haddaba warshado yar yar  maxaay product ah oo ay soo saaraan.

Waxa ay soo saaraan productyo badan oo Kala duwan sida Saliidaha , Shaabooyinka, Tiishka, Saabuun marista dharka lagu dhaqo  iyo alaabooyinkale oo badan.

Hadaba haddii aan soo qaadano sameynta saliidaha Kala duwan ee laga sameeyo dhirta dalkaeena Ka soo go`da ayaa ah.

Geedka Qumbaha waa Geedka laga sameeyo saliid wax tar leh oo ay Bulshada baahi weyn ay u qabeen, ganacsatada shirkadaha yar yar ayaa Ku dhiiraday in ay layimaadaan warshado yar yar oo wax soo saarleh taasi oo u sahashay in ay dalka gaar ahaan Caasimada ay Ku soo saaraan Saliida qumbada , Saliida Xabsoodada iyo Saliida laga sameeyo Dhagayaraha taasi ayaan sabab u noqotay in Ganacatada ay laiyaamadaan warshado oo ay oga maarmaan in ay alaabaha dibada Ka soo dhoofsadaan.

Sidoo kale warshado yar yar oo sameeyo shaabooyinka ayaa ka jira magaalada muqdisho waana ay ku soo badanayaan.

Warshadahan soo saaro shaabooyinka dharka lagu meerto waxaa inta u badan hal abuurkeeda layimid Haween isku tagay ku waa oo hirgaliyey wasoo saarkoooda ama product kuwaa oo lagu iibiyo suuqyada waaweyn ee magaalada muqdisho iyo sidoo kale waxaa lagu iibiyaa shaaboyinka gobolada dalka.

Sidoo kale waxaa jirta shirkada soo saarta saabuunta dharka lagu dhaqo waxaana ay xarunta ugu weyn ay ku leedahay magaalada muqdisho.

Warshadan soo saarta saabuunta waxaa u shaqa taga dad badan oo iskugu jira dhalin yaro iyo odoyaal taasina waxa ay u horseeday in dhalin yaradaan ka shaqeystay warshada ay helaan shaqo ay mushaar ku qaataan.

Hadaba warshadahan yar yar faa`iidoyo ayey leeyihiin waxaana ay faa`iido u leeyihiin dadka shaqala aanta haysta in ay fursad Ka helaan oo ay ugu shaqeeyaan, haddii ay soo Bataan oo ay yimaadaan warshado waa weyn oo sameeya Dharka , Cuntada, baabuurta , agabka guryaha lagu dhiso iyo waxyaabo badan taasi waxa ay Bulshada Soomaliyeed u horseedeysaa in ay shaqo abuur ay noqoto oo ay meeshaa ay Ka baxdo shaqo la aanta baahsan ee dalka Ka jira.

Dowladda iyana waxaa looga baahan yahay in Bulshada ay Dowladda ay u tahay in ay garab istaagto oo ay Kala shaqeyso baahiyahooda Kala duwan sida ay ugu fududeen laheed oo ay ganacsiyadan yar yar ay hormar baaxad weyn u gaari lahaayeen.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

WAA MAXAY CAQABADAHA HOR TAAGAN GANACSATADA

Dalkeena waa dal ku wanaagsan ganacsiga kala duwan waana dalka ganacsigiisa ka tilaabay xuduudaha oo ay gaareen wadamada dariska ah iyo kuwa shisheba , sidoo kale dalkeena waxa uu fursad u helay in uu ka mid noqdo ururka bariga Afrika oo ganacsigeena sii hormarin kara islamarkaana sameen kara hormaro ganacsi balaaran.

Balse ganacsigeen waxaa ka jira caqabado tira bee loo ganacsigeena ragaadiyey islamarkaana ay dhibaatooyin xooggan ay isku geesanayaan ganacsatada soomaaliyeed .

Magaalada muqisho oo ah  caasimada dalka waa magaalo magaalo madaxda dalka waxa ay fariisin u tahay dowladda federalka waa magaalo ay ku nool yihiin shacab kabadan sadax malyan oo qof balse tirakoob sax lama haayo balse waa qayaas sidoo kale waana magaalo ganacsigooda si xooggan uu oga socdo caasimada dalka.

Hormaro kala duwan ayey caasimada dalka sameeneysaa waxaana magaalada ku arkeysaa dhismayaasha casrigaha ee dalkeena Ka dhismaayo waxaana ay caasimada dalka u horseedayaan dhismayaasha casriga ah muuqaal ahaan caasimada in ay isbadasho sidoo kale waxaa dhismooyin qurux badan oo laamiyo ah Ka socdaan magaalada muqisho waana hormarka dalka kasocdo caasimada waxa ay latartameysaa caasimadaha kale ee adduunka sababta hormarkaas socda waxaa qeyb ka ah nabada caasimada oo hagaagtay.

Ganacsiyada kala duwan ayaa caasimada dalka maalinba maalinka Ka sii danbeesa ku soo badanaayo magaalada muqisho ganacsiyadaas waxa ay hormar oga qaadanayaan hormarka dalka balse mararka qaarkood ganacsiyada tiro beel ka ah waxa ay keenaan dhibaatooyin xooggan waxaana ay suuq xumo baahsan ku ridayaan ganacsiyadii badneed ee kala horeeyey taasina waxa ay sababi kartaa in hormarkii ganacsi ee dalka gaar ahaan caasimaddii oo ah isha kaliya ay eegtaan shacabka Soomaaliyeed in uu qaasro waana dhibaato weyn.

Dhalinyaro badan oo iskugu jra gabdho iyo wiilal oo la yimaadeen ganacsiyo wax ko aal ah balse haysata caqabado badan oo tira bee loo ay kamid yihiin in dhalinyarada ay sameestaan hal ganacsi oo isku mid ah taasi oo caqabad weyn ku ah horumarkooda ganacsi ayna qarka u fuulaan in ganacsigooda uu burburo oo ay la soo darsaan shaqala’aan baahsan oo dhibaato ku ah dalka iyo dadka.

Sidoo kale waxaa magaalada muqdisho ku arkeysaa ganacsiyo badan oo tira beel ah islamarakaana hal goob ay ka furan yihiin hal ganacsi oo isku mid ah tusaale waxaad arkeysaa hal leen oo lagu iibinaayo suud kaliya taasina waxa ay caqabad ku noqoneysaa in ganacsiyo badan ay meeha ka baxaan oo uu yimaado bur bur ganacsiyadeed.

Dhanka kale bulshada soomaalida waa bulsho ganacsiga ku wanaagsan balse ayaga ganacsigooda iska bur buriya oo caqabad ku noqda taasi oo aan u wanaagsaneen bulshada ganacsatada ah waxaana looga baahan yahay in ay sida isku dhamaan oo ay isku sameeyaan dib u eegis ganacsi islmarkaana joojiyaan suuq iska saarida ay isku hayaan.

Dowladdka waxaa looga baahan yahay in ay wax Ka qabtaan dhibaatooyinka ganacsi ee dalka Ka jira oo ay u sameeyo sharciyo kala xadida ganacsiyadooda lagana hubiya tayadooda sidoo kalena ay dowladdu ay joojiso ganacsiyada isku midka ah in lagawada furto hal goob ah oo ay u horseedeyso qasaaro.

Dowladda waxaa habboon in ay dhirii galisaa muwaadiniinteeda canshuur bixiyaasha ah kana caawisaa dhibaatooyinka la soo gudboonaado in ay xaliso gacan qabato iyo in ay hormarkooda ay qeeb ka qaadato.

WQ: Abdinaasir Yuusuf Aadan

XUSKA MAALINTA AFKA CARABIGA

Afka Carabigu waa tiir ka mid ah dhaqamada kala duwanaanshaha aadanaha.

Waa mid ka mid ah luqadaha looga hadlo adduunka oo dhan, oo ay isticmaalaan in ka badan 400 milyan oo qof maalin kasta sida ay diiwaan geliyeen Golaha Qaramada midoobay.

Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Carabiga ayaa la xusaa sanad walba 18-ka December laga soo bilaabo 2012. Taariikhdan ayaa waxay ku beegan tahay maalintii 1973-kii ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay uu qaatay luqadda Carabiga oo ah luqadda rasmiga ah ee lixaad ee Ururka.

Kala duwanaanshaha qaababkeeda, qadiimka ah ama lahjaddeeda, laga bilaabo tibaaxaha odhaahda ilaa tibaaxaha maansada, luqadda Carabiga waxa ay keentay dhibco soo jiidasho leh, marka laga eego dhinacyada kala duwan sida qaab-dhismeedka, gabayada, falsafada iyo heesaha.

Waxay siisaa marin u helida aqoonsiyo iyo caqiidooyin kala duwan oo cajiib ah oo taariikhdeeduna waxay daaha ka qaadaysaa qaninimada xidhiidhka ay la leedahay luqadaha kale.

Waa Maxay Luuqad?

Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha, wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga iyo is dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.

Luuqada Carabiga iyo Soomaaliya.

Dadyowga Soomaalidu waxay ka mid ahaayeen Dadka sida weyn u adeegsada luuqadda carabiga ka hor Dowladnimadda Casriga ah,waxay u isticmaali jireen fariimaha ay isu gudbinayaan sidoo kale waxay kula macaamili jireen dadyowgii kala duwanaa ee si uun xidhiidhka uga dhaxeeyey ha noqdo mid ganacsi iyo mid waxbarasho,sidoo kale luuqadda Carabigu waa luuqadda uu kusoo degay quraanka kariimka sidaas darteed ayey si guud islaamka ugu tahay luuqad guud.

 

Luuqadda Carabigu waxay si weyn ugu dhex milan tahay luuqadda Afka soomaaliga sida dhinacyadda eray bixinaha,tilmaamaha,suugaanta iyo eray muceedyadda,sidoo kale Dadka Soomaaliyeed ayaa ka mid ah Dadyowga ku tirsan dalalka Jaamacadda carabta sidaas darteed ayaa iyadoo laga duulayo dhaxalka iyo wadaaga luuqadeed ee carabiga kaas oo ka dhexeeya Soomaalida iyo Carabta waxa luuqadda labaad ee Dalka soomaaliya loo aqoonsaday in tahay luuqadda carabiga.

Dowladda Federaalka Soomaliya iyo xuska maalinta afka carabiga.

Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA oo la xiriirtay Agaasimaha Waaxda Tacliinta Sare iyo Hiddaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Hiddaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayuu ka siiyey warbixin kooban oo ku aadan xuska afka carabiga isagoo yiri “Waxaan u hambalyeynayaa dalalka Carabta, gaar ahaan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xubin ka ah Jaamacadda Carabta.

Dawladaha Carabta Xafladdan, waxaanu leenahay afka Carabiga ayaa hormuud ka ahaa Soomaaliya, welina waa hormuudka, waayo innaga ka hor inta aan afka Laatiinka lagu qorin afka Soomaaliga, xarfaha badankooda waxa lagu isticmaali jiray afka Carabiga, si la mid ah afka Carabiga.

horumaray, waxaadna ogaanaysaa in af-soomaaligu in kasta oo uu ku qoran yahay Laatiinka, haddana loogu dhawaaqo luqadaha Carabiga sida alif, ba, iyo j, xataa afafka qaarkood sida Ingiriisigu ma laha ereyga “ha” ee laga helo Af-soomaaligeena.

Waxa uu intaa ku daray in dawladda dhexe ay bilawday olole lagu xoojinayo afka Carabiga.

Agaasimaha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya luuqada carabigu maqaam weyn ku leedahay maadaama inta badan Jaamacadaha dalka ay mudnaan weyn siiyaan luuqada carabiga, tusaale ahaan Jaamacada Muqdisho, Jaamacada Islaamiga, Jaamacada Imaamu Shaafici, Jaamacada Taha, Jaamacada Carabta.

Jaamacadda Dar Al Uloom iyo Jaamacadaha kale ee sida gaarka ah loo leeyahay ee dalka ku yaala. Gaba gabadii wuxuu bogaadiyay doorka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee “SONNA” iyo mas’uuliyiinteeda oo aad muhiim ugu ah horumarinta Afka Carabiga iyadoo adeegsaneysa qeybaheeda kala duwan.

WD: C/salaam M. Yaasiin

 

WAA LAGAMA MAARMAAN IN LA HELO MIDDNIMO SOOMAALIYEED

Iyadoo muddo hore xilligii qeybsiga afrika la hoos  geeyey, saddex gobol laba gobolna ay ka xorooben gumeysigii ayaa waxaa suurtagali weyday in la helo midnimadii lagu baaqay ee soomaalinimo .

Jabuuti waxay noqotay dowlad adduunyadu aqoonsan tahay waxaana halgan dheer loo galay labadii gobol ee kale halgan iyo dagaalo ka dib waxaa muuqda hammi jab iyo kala googo’ xitaa goboladii xorta ahaa qaarkood ay doonayaan in ay noqdaan dowlado iskood u madaxbannaan waxaana ka bilowday waxyaabo ka baxsan hidaha iyo dhaqanka soomaaliyed .

Waxaa kale oo kale oo la ogyahay xitaa haddii ay noqdaan dowlado kala madax bannaan oo ay yeeshaan magacyada ay hadda doonayaan dadka soomaaliyeed waa juwo wada dhashay oo wax walba ka dhaxeeyaan umana baahna heybsooc iyo in la kala faquuqo xilligan aynu joogno nin walbana degaanka uu joogo ayuu xaquuq ku leeyahay waxaana aduunyada ka bilowday is xulufeysi midow iyo awood raadin halka gobolada somaaliyeed ka doonayaan gobolo yaryar iyo wax aan macno laheyn.

Aduunyada waxay u guurtay meeshaas meel ka sarreysa , ma waxay fahmi waayeen in Yuryb oo dhan ay yeelatay hal baarlamaan iyo hal lacag .

Hadaba sow ma fiicna in soomaalidu fahmaan halka adduunyadu ay gaartay haddii uu shaqeynayo caqli wanaagsan iyo fikir saliim ah , soomaalidu ma qeybsanto waxayna soomaaidu ku mahmaahdaa saguaro labo tun oo la kala qalo ma leh .

Dadka soomaaliyeed waxqy wadaagaan wax badan oo aysan wadaagin ummadaha kale waxaana ugu muhiimsan dhaqanaka iyo diinta waxaadna moodaa mararka qaar in soomalidu mayso qarnigii dhulgoosiga h.

Haddii aan tilmaan sax ah ka bixino dhulka waxa uu yahay, ilaah ayaa elh mulkigiisa wuxuuna k ubeeraa  umad taas oo xaq u leh in ay Ilaah ku caabudaaan kuna dhaqmaaan xilliga ay doonaan laakiin waxay ka difaacayaan cadow kasta oo ku soo weerara una diidan inay isku maamlaan diinta iyo dhaqankooda wuxuuna leeyahay xuduud iyo magac lagu yaqaano laaakin ma aha in soomaalidu ay ka dhigto qoobado yaryar oo qabiilba meel heysto iskuna dhibaateeyaan.

Bulsahada soomaalida muddo dheer waxay aheyd ummad ku fiican isa soo dhaweynta , is martigalinta , xididtinimada iyo dhaqanka waxayna aheyd weligeed dad is jecel oo is gacan qabta xilliyada ay jiraan duruufaha gaarka ah marka ay soo weeraraan cadow banaanka ka ah waxay ahaayeen dad is difaaca oo hiil iyo isu gumasho leh.

Waxaa sanadahan dambe soo ifbaxaya gobolada qaar oo ku dhaqmaya isir naceyb soomaalida dhexdeeda ah iyo heyb sooc aysan soomaalida caado u laheyn waxayna ila tahay qof kasta oo soomaali ah Meesha uu dego oo uu hanti iyo maal ku yeesho in ay tahay dalkiisa laakiin marka lagula kaco waxyaabo ka baxsan bini’aadnimada sida raafka, masaafuriska , boobka hantida iyo bililiqeysiga

wa arrrin meel uga dhaceysa soomaalinimada haddi laga ficl qaatana keni karta in soomaalinimada nin walba uu qaato qeyb caato ka dibna gobollada oo dhan qabiilba uu qabiil ka baro kiciyo waana arrin aad iyo aad u xun.

Soomaalidu waa dad walaalo ah gobol kasta oo ay degto lagumana sameyn karo masaafurin, boob iyo bililiqeysi midna haddii ay dhacdana waa arrin saameyn doonta soomaali oo dhan .

Addduunyada waa labo gacmood oo ah midig iyo bidix oo aan kala maarmin , gobolada soomaaliyana waa sidaa oo ma jiro gobol ka maarma gobol kale , ninba meel ayuu shaqo u doontaa mana kala soocna dadka soomaaliyeed umana baahna kala faquuq iyo magacyo loo kala bixiyo mana jiro cid ku heleysa horumar iyo madaxbannaani gaar ah .

Ma jiro dad magac gaar ah leh oo ka bixi kara soomaalinimada haddii ay jirtana mar hore aya la heli lahaa ninba maalin ayuu baahan yahay wuxuuna yiri Abwaan Maxamed Cali Kaariye AUN , ninkii kala saar lahow , ninkii kala sooc lahow,aday talo ku seegtee , soomaaliya soomaali baa leh.

WQ: Abwaan Gabayre

 

HOWSHA KEYDKA IDAACADDA RAADIYO MUQDISHO UU DIGITAL UGU BEDELAYO CAJALADIHII HORE EE GABOOBAY

Warbaahinta Qaramada Midoobay ee United Nations News ayaa warbixin dheer dhowaan ka qortay waxayna ku sheegtay in howshan ay hayaan shaqaale aad u karti wanaagsan oo ku shaqeeya qolal ku yaalla Idaacadda oo aad u yar yar oo aan dariishado laheyn.

Qaar ka mid ah shaqalahaas sida Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa codadkaa hore ka roga cajalado hore oo duug ah oo ah kuwii hore ee wareegga ahaa si ay ugu

bedelaan cajalado digiltal ah.

Waxay doonayaan in ay sidaas u casriyeeyan cajaladahaa hore oo ilaa toddobaatan sano halkaa ku keydsanaa si mar kale dib loogu isticmaali idaacadda dowladda ee Radiyo Muqdisho.

“ halkan shaqada waxaan soo gala 8:00 subaxnimo waxaana ka baxaa shaqada 4:00 galabnimo anigoo digital u rogay qiyaastii 40 ilaa 30 cajalad codad maalin walba anigoo ku shaqeeya qalab aan tabar badan laheyn “ ayuu yiri Maxamed.

Keydka Raadiyo Muqdisho waa meesha keliya ee ay yaallaan keydad taariikhi ah oo taariikhda Soomaalida ah oo ay ku jiraan kumanaan cajaladood oo heeso ah, gabayo, suugaan , wacdiyo diini ah, khudbado siyaasadeed , riwaayado oo la duubay tan iyo markii idaacadda la furay sanadkii 1951dii , kuwaas oo haddii aan laga gaarin xaaladoodu halis ku jirto.

“ Waxaan dareemayaa in aan ahay qof nasiib badan maadaama aan fursad u helay in aan ka qeyb qaato hagaajinta taariikhda dalkeyga “ ayuu yiri Maxamed oo dareen ahaan  muujiyey  muhiimadda ay leedahay howshani.

Raadiyo Muqdisho waxaa la aasaasay xilligii Soomaaliya ay ku jirtay wasaayadda ama ilaalinta ee Qaramada Midoobay ee uu Talyaanigu dalka Maamulayey..

Waxaa lagu bilaabay baahinta warka oo Talyaani ku baxayey ka dibna waxaa ku xigay baahinta barnaamijyo Af Soomaali ah.

Sanadihii 1960 meeyadii Raadiyo Muqdisho waxaa lagu casriyeey kaalmo laga helay Midowgii Sofeeti waxaana la bilaabay in lagu baahiyyo afafka Amxaariga , Oromada  Soomaaliga iyo Talyaaniga

Xilligii dagaalada

Idaacdadda Raadiyo Muqdisho waxay xirantay  waxyar ka dib bilowgii dagaalkii sokeeye sanadkii 1991 dii waxaana xaruntii idaacdda gacanta ku dhigay hoggaamiyeyaashii kooxaha . labo sano ka dibna keydkii idaacdda waxaa soo gaaray burbur markii ay isku dhaceen mid ka mid hogaamiyeyaashii kooxaha iyo ciidamadii nabad ilaalinta .

\Degnaansho la’aantaa saanaysay dalka waxay keentay in ay burburaan keyd taariikeedkii dalku lahaa , matxafyadii dalku lahaa ayaa la bililiqeysaty waxaana suuqyada lagu iibiyey  wixii dhaxalka u ahaa dalka oo ay ku jiraan keydkii Raadiyo Muqdisho .]

RAJADA DIGITALKA

“  Teknolojiyada farsamada digitalka ayaa dib u soo celisay rajada keydka idaacadda Raadiyo Muqdisho oo qatar ugu jiay in uu baaba’o taas oo hadda dib u soo noqneysa “ sida uu yiri Daauud Aweys Jaamac , wasiirka Warfaafinta , dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya.

“ Keydka hadalka ee Raadiyo Muqdisho waa kan keliya ee dalku leeyahay wixii ka dambeeyey dagaaladii sokeeye “ ayuuna yiri

Agaasimaha Raadiye Muqqdisho Cabdifitah Dahir Jayte ayaa isna muujiyey dareen “ Waxaa loo baahan yahay tallaabooyin degeg ah si loo badbaadiyo taariikhda, luuqadda , dhaqanka iyo suugaanta qaranka Soomaaliyeed eek u keydsan  keydkan , marka laga hadlo baahsanaanta keydka Raadiyo Muqdisho wuxuu ka kooban yahay 225kun oo cajaladood waana haatan digital loo rogay 30% oo keliya “ ayuu yiri Jeyte.

Isku dayada cajaladaha digital loogu rogayo ayaa bilowday 2013kii waxaana gacan ka geystay dowladda Fransiiska, Midowga Afrika , Qaramada Midoobay  iyo shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta

Hay’adda Qaramada Midoobay xafiiskeeda Soomaaliya ayaa isku dayeysay sidii loo heli lahaa qaab si degdeg ah digital ah loogu bedeli karo keydka Raadiyo Muqdisho

“ Cajaladaha waaweyn ee wareega ee a kwii hore ee Raadiyo Muqdisho waa keyd taariikheed dhaqan ay Soomaaliya ka faa;deysan doonto “ ayey tiri Kirsten Young,, madaxa xafiiska UNSOM oo sidoo kale sheegtay in heynta keydkan iyo ku dadaalistiisa ay Soomaalida u suurtagalin doonto dib u hanashada taarikhdooda.

WD: Maxamed Shiil

 

Safiirka Safaarada Soomaaliya ee dalka Kenya mudane Jibril Ibrahim Abdulle ayaa afur Wadareed u sameeyay Diblomaasiyiinta Caalamka ee Dalalkooda u fadhiya Dalka Kenya kuwaas oo gaarayay in ka badan 40 Danjire oo ka socda Dalal kala duwan.

Danjirayaasha iyo Mas’uuliyiinta kale ee lagu casuumay afurka ah ayaa mahad-balaaran u jeediyay Amb Jabril Ibrahim Abdulle oo kulanka ku martiqaaday Safiirada dhigiisa ah islamarkaana u sameeyo Afur Wadareedka.

Talaabada uu qaaday Safiir Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa kor uqaadaysa wada-shaqeynta iyo hagaajinta xariirka Soomaaliya iyo caalamka.

Tartamayaasha Degmada Xarardheere oo u gudbay wareegga 3-aad

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Xaradheeere,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Hilawaa  ay keensadeen 8-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Xaradheere iyo Hilawaa ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka  Baraawe iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Sanaag.