𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐝𝐮𝐜𝐚𝐲𝐧𝐚𝐲𝐨 𝐌𝐚𝐫𝐱𝐮𝐮𝐦 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐂𝐢𝐬𝐦𝐚𝐚𝐧 𝐗𝐚𝐫𝐞𝐞𝐝 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐪𝐚𝐛𝐭𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐪𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐫𝐞

Simaha Guddoomiyaha Aqalka Sare ahna Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim oo uu weheliyo Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde, ayaa ka qayb galay munaasabad Quraan akhris ah oo loogu ducaynayay alle ha u naxariistee Marxuum Cabdi Cismaan Xareed.

Kulanka Ducada ayaa lagu soo bandhigay sooyaalkii nololeed ee Marxuum Cabdi Cismaan Xareed,oo ku suntanaa abaabulka iyo ka qayb qaadashada hawlaha samafalka sida dhisidda Masaajidyada,goobo waxbarasho,qodista ceelal biyoodyo iyo gurmadka dhibatooyinka soo laalaabta, iyada oo ay dadkii kulanka ka hadlay dhammaantood ay tilmaameen in marxuumku uu ahaa qof degan,afgaaban, naxariis badan oo ummadda Soomaaliyeed ugu soo adeegay si daacad ah.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow Sanatarro, Xildhibaanno, xubno ka tirsan golaha Wasiirada, Odoyaal dhaqameed iyo marti sharaf kale.

                                    

Wasiirro, xildhibaanno iyo Gobolka Banaadir oo ka qeyb galay furitaanka xarunta cusub ee Gubadleey

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowladda FS ayaa ka qeybgalay munaasabadda xarig jarka dhismaha xarun cusub oo ay ku gowlgali doonaan maamulka deegaanka Gubadleey.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Ganacsiga XFS Cismaan Daallo,xildhibaanAfcadeey iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo ka hadlay xafladdaasi loo sameeyay xaarig jarka xarunta deegaanka Gubadleey ayaa ku ammaanay shacabka halkaasi dadaalka ay u galeen dhismaha xaruntaasi oo noqon doonta goob laga fuliyo adeegga dadweynaha.

Mas’uuliyiintasi waxa ay qireen in ay dadaal ku bixin doonaan sidii deegaanka Gubadleey loogu aqoonsan lahaa Degmo,kadib markii odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka kale ay soo jeediyeen tallaanadaasi wax ku oolka ah.

Guddoomiyaha deegaanka Gubadleey C/Laahi Nuur Maxamuud iyo odayaasha deegaankaasi ayaa xaruntaasi cusub ku sameeyay xaflad heer sare ah oo ay la dhaceen madaxdii ka socotay golayaasha dowladda iyo maamulka Gobolka Banaadir,waxayna.

Japan oo dib u bilaabeysa maalgelinta la siiyo hey’adda UNRWA ee Falastiin u qaabilsan gargaarka

Japan ayaa qorsheynaysa in ay dib u bilowdo dhaqaalihii ay siin jirtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ka dib markii Israel ay baahisay in shaqaale kamid ah kuwa gurmadka hey’addaasi ay ka qeybqaateen weeraradii Xamaas ee 7-dii October.

Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan Magaalada Tokiyo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan Yoko Kamikawa iyo madaxa UNRWA Philippe Lazzarini ,kuwaas oo kahadlay  siyaabaha kor ugu qaadi karo hufnaanta iyo hubinta raadinta lacagaha tabarucaadda ah iyo sidoo kale helidda shaqaale  dhexdhexaad  ah.

“Japan iyo UNRWA waxay xaqiijiyeen dadaallada lagama maarmaanka u ah dib u soo celinta tabarucaadkii Japan,” wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan ayaa bayaan ku sheegtay.

In ka badan toban wadan ayaa hakiyay dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA bishii Janaayo ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen in 12 ka mid ah shaqaalaha hey’addaasi ay lug ku yeesheen weerarada Xamaas ee koonfurta Israel.

Israa’iil ayaa ku doodday  in inka badan 450 shaqaale ah oo la howlgala UNRWA ay yihiin “shaqaale militari oo ka tirsan kooxaha argagixisada ee Gaza,balse Qaramada Midoobay oo baadhay arrintaasi  ayaa sheegtay in Israa’iil aysan heyn ama keenin caddaymo muujinaya eedaymahaasi.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo Danjiraha shiinaha ee soomaaliya oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdulqadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshey kulan looga hadalay xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha,gaar ahaan amniga iyo la dagaallanka argagixisada.

Wasiirka ayaa ka mahadceliy garab istaagga iyo taageerada dowladda iyo shacabka Shiinaha ee Soomaaliya, isaga oo xusay xiriirka saaxiibtinimo ee soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal.

Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya mudane FEI Shengchao ayaa sheegay in Soomaaliya ay dalkiisa ay u tahay saaxiib soo jireen ah, isaga oo ku amaanay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dadaalada ay ugu jiraan xasilinta iyo xaqiijinta hannaanka dowladnimo.

Tartamayaasha Laascaanood iyo Caabud waaq oo u gudbay wareegga 3-aad

Qeybtii hore ee Tartanka bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Laascaanood ,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Kaaraan ay keensadeen 8 dhibcood.

Sidoo kale qeybtii labaad ee tartanka waxaa wareegga 3-aad ku soo baxay Degmada Caabudwaaq oo ku badisay 18-dhibcood,halka tartamayaasha Degmada Aadan0Yabaal ay heleen 8-dhibciid.

Tartameyaasha afartaasi degmo ayaa wjahay tartan aad u adag oo ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Heliwaa oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Banaadir.

 

Cabdixakiin Axmed oo maanta lagu oofiyey qisasta Wariye Bulxan oo horay uu ugu diley magaalada Caabudwaaq

Magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud waxaa maanta dil toogasho ah lagu filiyey Cabdixakiin Axmed Cigaal oo  laga oofiyay qisasta Allaha u naxariistee Wariye Cabdikariin Ahmed Bulxan oo horay uu  udiley, kaas oo ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka.

Dilka Wariyaha ayaa waxaa ka hadlay badi madaxda dowladda iyo qaar ka mid ah Bulshad, iyaga oo codsaday in tiirka la horgeeyo Eedaysanaha, si uu caddaaladda u helo, waxaana ugu dambeyn maanta lagu xukum dil toogasho ah qisaastii.

Toogashada lagu oofiyey Cabdixakiin Axmed Cigaal waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Bulshada qeybaheyda kala duwan oo ay isugu jiraan Aqoonyahaanno iyo waxgaradka.

Cabdullaahi Saciid oo ka mid ah Cilmibaarayaasha Soomaaliyeed, oo ka hadlay dhacdadaan ayaa ku tilmaamay in Caabudwaaq ay cagta saartay jidkii nolosha iyo xasiloonida, xilli uu xusay in muddooyinkii dambe ay bulshada ay doorbiday maxkamadaha taas oo sahashay in la helo caddaaladda.

Mar uu ka hadlayey arintaan waxa uu yiri, “Ilaa sadex nin oo midkastaa si geesinimo leh u qirtay inuu dil bareer ah gaystey ayaa lagu wada xukumey dil toogasho ah oo ah qisaasta dadkii ay dileen. Waxaa la yaab leh in ay ayagu codsadeen in laga oofiyo dhiiga ay galeen!

Allah ha u naxariisto kuwii hore ay u dileen iyo kuwa xadka laga oofiyey dhammaantood. Meeshaas waxaa ka baxay culaysyo badan oo ka yimaada marka dilalka noocaan ah dhacaan.

Dambiilaha in la qabto waxa ay dan u tahay naftiisa, waxa ay dan u tahay ehelka qofkii uu diley, waxa ay dan u tahay ehelkiisa oo aan awood u lahayn xoolaha magta ee dhowr boqol la gaarsiiyey sanadihii dambe, waxa ay kaloo dan guud u tahay bulshada oo dhan.

Sanadahaan waxaad mooddaa in xukunka maxkamadaha dadku doorbidayaan kana daaleen odayaashii ula dheeraa ee caddaalada ka fogaa. Dilka jooji haddii aadan joojinayn is dhiib ha lagu dilee.”

Israel oo cagaf-cagaf ku aasay dad aan hubeysneyn oo ay ku dileen Gaza

Muuqaal ay heshay Aljazeera ayaa muujinaya ciidamada Israel oo tooganaya,isla markaana cagacagaf ku aasaya rag Falastiini ah oo aan hubeysneyn,kuwaas oo ku sugnaa Gaza.

Marxuumiintaasi ayaa la sheegy in kahor inta aan la dilin ay kor u qaadeen ama luleen maryo cad oo muujinaya ama calaad u ah in ay isdhiibeen.

Xamaas ayaa falkaasi dilka ah  cambaareysay, iyadoo sheegtay inay tahay caddayn dheeraad ah oo muujinaysa baaxadda dambiyada ay galayaan kuw faashiistaha ah eel eh hab-dhaqanka Sahyuuniyadda”.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba weerar oo kala duwan oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan iyadoo uu sii kordhayo dagaalka ay kula jirto Xisbullah.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa mareysa 32,490 ,halka 74,889 oo kalana lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Xildhibaanada BJFS oo loo gudbiyay nuqulka kama danbeysta ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ah

Kulanka wada-jirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa goor-dhow ka furmay xarunta Villa Hargeysa,kaas oo maanta ah Dib-u-eegista marxaladda 3-aad ee Dastuurka.

Guddoomiyaha Guddiga Dib u Eegista Dastuurka,Mudane Xuseen Iidow ayaa warbixin guud ka siisay wax ka bedelka iyo soo-jeedinta Mudanayaasha labada aqal ee lagu daray ayaa BJFS u Gudbiyay Nuqulka kama danbeysta ah ee soo jeedinta wax-kabedelka afarta  Cutub ee  ugu horeysa Dastuurka KMG ah.

Guddoomiyaha Guddiga Madax bannaan ee Dastuurka Abukaate Burhaan Aadan Cumar ayaa sidoo kale labada aqal u sharaxay sida ay u Kala Doorten aragtida ay ka dhiibteen Mudanayaasha BJFS muddadii u socday dooda xildhibaanada.

Halkaan Hoose ka daawo hadal jeedinta guddoomiyaha guddiga dib u eegista Dastuurka,Xuseen Iidow.

Video Player

00:00

DHAGEYSO:-Warbixin ka hadlaysa wax ka beddelka iyo dib u Eegista Dastuurka

Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista Arrrimaha la xiriirah Dastuurka ku meel gaarka ah JFS 12-kii bishii Febaraayo ee Sanadkan 2024 Wax-ka bedelka Dib u Eegista  Dastuurka Afarta  Cutub Ee ugu horeysa si ay u fahmaan shacabka Soomaaliyeed qodobada wax ka bedelka lagu semeyay iyo kuwa wax lagu soo kordhiyay Ee kujira cutubyada hore Dastuurka.

Cutubka koobaad ee Dastuurka ayaa waxaa uu ka kooban yahay ilaa Sagaal Qodob si la mid ah sidii u ahaa asalka Dastuurka,waxaana Toosi lagu Sameyay dhammaan qododbada iyo 21 farqadood,sidoo kale waxaa lagu soo kordhiyay Sagaal Faradood oo aan ku jiri asalka Dastuurka,iyadoo la-tiray labo farqadoodo ka mid ah Dastuurka.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Warbixin Dhameystiran Oo ku Saabsan Dib u Eegista iyo Wax ka bedelka Dastuurka Si Aad Wax Uga Fahanto Dastuurka horyaala Labada Aqal Ee Baarlamaanka JFS oo ay doodisa socoto.

Video Player

Bardaale oo u gudubtay sideed dhamaadka tartanka Warbaahinta Qaranka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Bardaale,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Kismaayo  ay keensadeen 12-dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Bardaale iyo Kismaayo ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa qeynta hore ku baratami doona degmooyinka  Kaaraan iyo Laascaanood oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sool, halka tartanka qeybta labaad ay isku arki doonaan Caabudwaaq iyo Aadan Yabaal oo ka kala trsan Gobollada Galgaduud iyo Shabeelaha Dhexe.