Israel oo cagaf-cagaf ku aasay dad aan hubeysneyn oo ay ku dileen Gaza

Muuqaal ay heshay Aljazeera ayaa muujinaya ciidamada Israel oo tooganaya,isla markaana cagacagaf ku aasaya rag Falastiini ah oo aan hubeysneyn,kuwaas oo ku sugnaa Gaza.

Marxuumiintaasi ayaa la sheegy in kahor inta aan la dilin ay kor u qaadeen ama luleen maryo cad oo muujinaya ama calaad u ah in ay isdhiibeen.

Xamaas ayaa falkaasi dilka ah  cambaareysay, iyadoo sheegtay inay tahay caddayn dheeraad ah oo muujinaysa baaxadda dambiyada ay galayaan kuw faashiistaha ah eel eh hab-dhaqanka Sahyuuniyadda”.

Ugu yaraan sagaal qof ayaa ku dhintay laba weerar oo kala duwan oo ay Israa’iil ka geysatay koonfurta Lubnaan iyadoo uu sii kordhayo dagaalka ay kula jirto Xisbullah.

Tirada dhimashada Falastiin ayaa mareysa 32,490 ,halka 74,889 oo kalana lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.