Ciidanka Taraafikada oo hawlan gurmadka shil gaari oo Muqdisho ka dhacay

Ciidanka ilaalada nabadgalyada Waddooyinka ee Taraafiko ayaa ku howlan gurmadka Shir gaari gabaldhicii Caawa ka dhacay Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka ilaalada waddooyinka Col Muuse Kheyr oo lahadlay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Kunteener saarnaa gaari Xamuul ah uu ku dul fariistay gaari PL ah .

“Darawalka Gaariga oo ka badbaaday shilka wuxuu noo xaqiijiyay in gaariga ay saarnaayeen afar qof dhamaantiidna way dhinteen oo hadda ayaan meydka kasoo saarnay gaariga walina waan xaqiijinaynaa haddii ay jiraan dad kale oo waxyeello kasoo gaartay shilka madaama aan ku howlanahay gurmarka” ayuu yiri taliye Muuse Kheyr

In ka badan 80 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgallo laga fuliyay Mudug, Shabeellaha Dhexe iyo Bakool.

Hawlgalka koowaad; in ka badan 40 Horjoogeyaal iyo maleeshiyaad Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo ka dhacay deegaanka bacaadka Faarax Aadan oo hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo Khawaarijta ay isku aruursanayeen iyaga oo doonayay in ay weeraraan magaalada Xarardheere.

Hawlgalka labaad; in ka badan 35 Khawaarij ah ayaa lagu dilay hawlgalkan oo ay iska kaashadeen ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada caalamka kaas oo ka dhacay hawdka Fiiqaay oo 15km qiyaastii u jira deegaanka Daaru-Nicma ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan ayaa lagu bartilmaameedsadaymaleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma .

Hawlgalka Seddaxaad; Lix ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool.

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta caadeysatay dhibaateynta shacabka ee ka waantoobi waaya falalka wuxuushnimada ah.

-Dhammaad-

Xukuumadda oo meel marisay heshiis shidaal qodis ah oo Turkiga lala galay

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan deg-deg ah, ayaa ansixiyey Heshiis ku saabsan soo saarista Shidaalka iyo Gaaska, kaas oo ay wada galeen Soomaaliya iyo Turkiga.

Qodobada ugu muhiimsan heshiiska ayaa qoraya in Dowladda Turkiga ay naga caawiso dhanka wax soo saarka shidaalka, sahminta iyo daareysiintiisaba, si ay ummadda Soomaaliyeed uga faa’iideystaan kheyraadkooda dabiiciga ah.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo golaha horkeenay heshiiska, ayaa tilmaamay in uu heshiiskani Soomaaliya u horseedayo in ay ka faa’iideysato Kheyraadkeeda, korna u qaadayo dhaqaalaheeda iyo inaan ka maarano deeqadaha caalamiga ah, isaga oo xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in Shidaalka dalka la soo saaro, maadaama ay haatan dunida ka gudbayso shidaal, una gudbayso isticmaalka Tamarta.

Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu meelmariyey Wax ka beddelka Hindise Sharciyeedka ka hortagga lacag dhaqidda iyo maalgelinta Argagixisada iyo Xeer nidaamiyaha Diiwaangelinta Dadweynaha iyo Aqoonsiga Qaranka

Wasiirka qorsheynta oo qaabilay wafdi ka socda Bangiga horumarinta Afrika

Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamuud  Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa maanta kulan la qaatay wafdi ka socday Bangiga horumarinta Afrika oo booqasho ku yimid magaalada Muqdisho. Kulanka ayaa inta badan diiradda lagu saarayay Dhamaystirka Warbixinta Istaraatiijiyadda Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya 2022-2024.

Kulanka ayaa sidoo kale looga dooday gogol-dhigga Qorshaha Cusub ee Istaraatiijiyadda Dalka 2025-2029, kaas oo la jaan-qaadaya mudnaanta qaranka Soomaaliya iyo Qorshaha Casriyaynta Dowladnimada ee Xukuumadda Dan-Qaran si loo helo horumar waara iyo barwaaqo. Istiraatijiyadda dalka ayaa taabanaysa dhinacyo kala duwan sida horumarinta dhaqaalaha, xasilloonida, iyo horumar joogta ah.

Wasiir Beenebeene ayaa intii uu kulanka socday waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay sida hagar la’aanta ah ee uu Bangigu ula shaqeeyo dowladda Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale qiray dadaalka bankiga uu ugu jiro horumarinta kobaca dhaqaalaha dalka, kuwaas oo lagama maarmaan u ah hiigsiga fog ee Soomaaliya. Kulanka ayaa ahaa mid isfaham iyo miro dhal kusoo dhamaaday, waxaana labada dhinac ay isku aragti ka ahaayeen mustaqbalka Soomaaliya.

Wafdiga ayaa ugu danbayntii kulan heer farsamo ah la qaatay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda QMHDH, Mudane Maxamed Shire iyo qaar ka mida Agaasimayaasha Waaaxaha waxa ayna si mug leh u eegeen natiijooyinkii warbixinta oo ay ku jireen falanqayn lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay, caqabadaha iyo casharrada laga bartay hirgelinta istiraatijiyadda.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay danjiraha UK

R’iisul wasaare ku xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Saalax Jaamac ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Mudane Mike Nithavrianakis, oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka ayaa Danjiraha la wadaagay qorshaha xukuumadda ee hawlgallada looga ciribtirayo Khawaarijta goobaha ay dalka kaga sugan yihiin, dardar-galinta barnaamijka xasillinta deegaannada la xoreeyey iyo hirgalinta mashriicda horumarineed ee UK ay ka taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka horumarinta, gargaarka iyo amniga.

Dhankiisa Danjiraha ayaa soo dhaweeyey guulaha laga gaaray ciribtirka kooxaha argagixisada ah, isla markaana ay UK sii wadi doonto taageerada Soomaaliya ee dhinacyada amniga horumarinta iyo gargaarka bani’aadantinimo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga ee u qaabilsan Soomaaliya Mudane Alper Aktaş.

Guddoomiye Sheekh Aadan oo ugu horeyn danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo soo magacaabay, ayaa waxaa ay kawada hadleen xiriirka walaalnimo ee labada dal iyo sidii loo xoojin lahaa wadashaqeynta Baarlamaannada Soomaaliya iyo Turkiga, waxaana uu danjiruhu ka mahadceliyay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay.

Taliyaha Ciidanka dhulka oo sheegay in ay laba laabi doonaan howlgallada lagu baacsanayo khawaarijta

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen; Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar kormeer iyo dhiiri gelin Ciidanka ah ku tagay Saldhigga Ciidamada Xoogga dalka degmada Afgooye ee  gobolka Shabeellada hoose.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen; Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kulan la qaatay Taliyeyaasha iyo Ciidanka Qaranka ee ku sugan degmada Afgooye, isagoo ka xog waraystay Sugitaanka amniga degmada iyo deegaannada ku xeeran.

Abaanduulaha  qeybta 12-ka April gaashaanle sare ; Warsame Maxamed Diiriye  ayaa Taliyaha Lugta warbixin ka siiyay Shaqada Ciidamadu ka hayaan deegaannada hoos yimaadda Afgooye oo ay jab xooggan ku gaarsiiyeen Khawaarijta duulaanka ku ah nafta iyo maalka dadka Soomaaliyeed.

Abaanduulaha  qeybta 12-ka April gaashaanle sare ; Warsame Maxamed Diiriye  ayaa ballan qaaday In ay joogtaynayaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta isla markaana ay diyaar u yihiin in ay ka sifeeynayaan deegaannada ay gobolka shabeellada hoose kaga dhuumaalaystaan.

Taliyaha Ciidanka dhulka Gen; Dayax Cabdi Cabdulle oo Saraakiisha iyo Ciidanka ku dhiirri galiyay jihaadka xoreynta dalka ayaa waxa uu faray in ay u diyaar garoobaan sidii loo soo afjari lahaa Khawaarijta nafla caariga ah.

Sidoo kole Taliyaha Diidanka dhulka Gen: Dayax Cabdi Cabdulle ayaa bogaadiyay guulaha isdaba joogga ah oo ay Ciidamada Qaranku kasoo hooyeen howl-gallada lagu baacsanaayo Khawaarijta.

Taliyaha Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa furimaha hore ayaa waqti badan la qaadanaya Ciidamada jiidaha ku sugan, waxaana socda diyaar garoowga dagaalka looga xoreynaayo Khawaarijta ku dhuumaalaysanaysa deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose.

Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federeraalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Kooxda Iskudhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka ee Qaramada Midoobay (IESG) mudane Deryck Fritz.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashada, tallaabooyinka hortabinta u leh xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dardargelinta howlaha ay ka mid yihiin shuruucda doorashooyinka iyo isku diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka dhan laga hirgeliyo.

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabbilay Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Aktaş oo ay ka wada hadleen xoojinta  xiriirka walaaltinimo iyo Iskaashi ee ka dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaaraha oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Turkigu uu yahay walaal dhab ah oo ay leedahay Soomaaliya, kaas oo xilliyo adag soo garab taagnaa dadka iyo dowladda Soomaaliyeed, kana taageera dhinacyo badan oo kaabaya horumarinta dowlad-dhiska Soomaaliya.

Dhankiisa, Danjire Alper Aktaş ayaa tilmaamay in uu sii xoojin doono xiriirka walaaltinimo ee ka dhaxeeya labada dal ee walaalaha ah, isaga oo uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed soo dhaweyntooda.

Boqolaal qof oo cudurka duumada ugu dhimatay Itoobiya

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in 764 qof ay ugu dhinteen cudurka duumada bishii February oo kaliya dalka Itoobiya, taas oo ka dhigan kor u kac dhan 25% .

Bishii January waxaa la diiwaan geliyay in 611 qof ay cudurka duumada ugu dhinteen Itoobiya

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in guud ahaan kiisaska dadka qaba cudurka duumada in ay gaareen 5.2 milyan oo qof taas oo ah wax aan hore loo arkin.

Sida ay OCHA sheegtay gobollada ugu badan ee uu cudurkan ka dillaacay ayaa kala ah Oromia, Amxara, Koonfur-Galbeed iyo gobollada Koonfureed, iyada oo  gobolka Gambella uu  yahay gobolka ugu badan ee laga diiwaan geliyay dadka qaba cudurka duumada, waxaana ku xiga Koonfur Galbeed iyo Benishangul Gumuz.

Howl wadeennada caafimaadka ayay ku adkaatay in wax ka qabtaan faafidda cudurka, waxaana sii kordhaya tirada dadka uu haleelayo  cudurka iyo kuwa dhimanaya.

Caqabadaha jira waxaa ka mid ah tayada xarumaha caafimaadka oo aad u hooseeya, dawo yaraan iyo dedaallada ka hortagga oo liita.