Boqolaal qof oo cudurka duumada ugu dhimatay Itoobiya

Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabbilsan isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA ayaa sheegay in 764 qof ay ugu dhinteen cudurka duumada bishii February oo kaliya dalka Itoobiya, taas oo ka dhigan kor u kac dhan 25% .

Bishii January waxaa la diiwaan geliyay in 611 qof ay cudurka duumada ugu dhinteen Itoobiya

Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in guud ahaan kiisaska dadka qaba cudurka duumada in ay gaareen 5.2 milyan oo qof taas oo ah wax aan hore loo arkin.

Sida ay OCHA sheegtay gobollada ugu badan ee uu cudurkan ka dillaacay ayaa kala ah Oromia, Amxara, Koonfur-Galbeed iyo gobollada Koonfureed, iyada oo  gobolka Gambella uu  yahay gobolka ugu badan ee laga diiwaan geliyay dadka qaba cudurka duumada, waxaana ku xiga Koonfur Galbeed iyo Benishangul Gumuz.

Howl wadeennada caafimaadka ayay ku adkaatay in wax ka qabtaan faafidda cudurka, waxaana sii kordhaya tirada dadka uu haleelayo  cudurka iyo kuwa dhimanaya.

Caqabadaha jira waxaa ka mid ah tayada xarumaha caafimaadka oo aad u hooseeya, dawo yaraan iyo dedaallada ka hortagga oo liita.