Soomaaliya iyo QM oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federeraalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Agaasimaha Kooxda Iskudhafka ah ee Taageerada Doorashooyinka ee Qaramada Midoobay (IESG) mudane Deryck Fritz.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha doorashada, tallaabooyinka hortabinta u leh xukuumadda federaalka Soomaaliya iyo sidii labada dhinac isaga kaashan lahaayeen dardargelinta howlaha ay ka mid yihiin shuruucda doorashooyinka iyo isku diyaarinta doorasho qof iyo cod ah oo dalka dhan laga hirgeliyo.