Soomaaliya iyo Aljeeriya oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dowladood

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya mudane, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa kulan kula qaatay Xafiiskiisa Nairobi danjiraha dalka Aljeeriya isla markaana qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, Mahi Boumediene.

Labada Safiir ayaa ka wada hadlay sidii dib loogu dardar-gelin lahaa xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Aljeeriya.

Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle ayaa ka codsaday Danjire, Mahi Boumediene in ay Soomaaliya ku taageerto codkeeda marka lagu loollamayo fagaarayaasha caalamiga ah, tartannadaasi oo uu ugu horreeyo doorashada xubnaha Golaha Ammaanka.

Soomaaliya ayaa kamida dalalka ku tartamaya kuraaska xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Amaanka, iyadoo garab istaag ka dalbatay dowlado ay ka mid tahay Aljeeriya.

Soomaaliya iyo Aljeeriya waxaa ka dhaxeeya xiriir qoto dheer, kaas oo salka  ku haya iskaashi iyo xiriir walaaltinimo.

Tartamayaasha Xamarweyne oo u gudbay wareegga 3-aad

Tartankan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood oo ay guushii ku raacday Degmada Xamarweyne,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dhoobleey  ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamarweyne iyo Dhoobleey ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Kismaayo iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay.

 

Hay’adda SoDMA oo gargaar u dirtay Jubbaland

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa maanta Shixnad gargaar ah oo gaaraysa 4,000 oo tan u dirtay dowlad goboleedka Jubbaland, waxana doonidaan sidda gargaarkaan lagu wadaa in ay ku xirato Dakedda Magaalada Kismaayo.

Gargaarkaan oo Dakadda Muqdisho uu ka sagootiyey Maanta Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan,  waxaana ku wehliyey Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka maamulka Jubbaland Maxamed Cismaan Jaamac iyo Agaasimaha waaxda gargaarka SoDMA Sahra Cali Yuusuf.

Gargaarkaan ayaa hore waxaa dalkeena ugu deeqay Dowladdaha Ruushka iyo Sacuudiga,  waxaana hay’adda mar walba ka go’an caawinta iyo u gargaarida bulshada Soomaaliyed meel walba oo ay dalka ka jogaan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka Jubbaland ayaa ballanqaaday in Gargaarkaan dadkii mudnaa ay gaarsiin donaan.

Madaxweyne Xasan oo abaalmarinno guddoonsiiyey Tartameyaasha kaalmaha hore ka galay Tartanka Qur’aanka JFS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka waxa uu afur ku maamuusay Tartameyaasha Quuraanka Kariimka ah, iyadoo ay goobjoog ahaayeen Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda, Guddiga Tartanka iyo Hay’adda Culimada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo abaal-marin guddoonsiiyey 7-da tartame ee ugu sarreeya sannadka labaad ee Tartanka Quraanka Kariimka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in halyeeyadan ka socda gobollada dalka oo idil ay ka turjumayaan dhaqanka Soomaaliyeed ee ku saleysan diinta Islaamka iyo wanaagga.

“Ubadkan sidaas u xifdiyey Quraanka Kariimka ah, waalidka kula dadaalay Kitaabka Alle iyo macallimiinta soo barbaariyey waxay caddeyn u tahay sida dadkeennu ay ugu dheggan yihiin diinteenna Islaamka. Tani waa xujo adag oo hortaalla argagixisada banneysatay dhiigga dadkeenna, iyagoo ku been abuuranaya diinteenna suubban. Imisa ayey xasuuqeen arday baranaysay Kitaabka Alle, macallimiin xifdisiinayey ubadkeenna Kitaabka Alle. Imisa dugsi Quraan ayey dumiyeen, imisa Masaajid ayey burburiyeen ama ku dhex laayeen ehlu Quraan”.

Abaal-marinnada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee Tartanka Quraanka Kariimka ah ayaa waxaa ku guuleystay;
1-Majiidu Raxmaan Maxamed Cabdullaahi, $20,000.
2-Yuusuf Xasan Cusmaan, $15,000.
3-Xuseen Xasan Nuur, $10,000.
4-Sadiiq Maxamed Cali, $7000.
5-Faadumo Jamaal Xaashi, $5000.
6-Maxamed Haaruun Maxamed, $3000.
7-Ikraan Cabdikariim Xasan, $2000.

Hawlgal qasaare lagu gaarsiiyey Khawaarijta oo ka dhacay gobolka Mudug

Xarardheere: Ciidanka xoogga dalka, dadka deegaanka iyo maamulka degmada Xarardheere oo is kaashanaya ayaa galabta deegaanka Bacadka Faarax Aadan ku weeraray Khawaarij ku dhuumaaleysaneysay, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo lagu jebiyey Khawaarijta.

Guddoomiyaha degmada Xarardheere Maxamed Yuusuf ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in dhowr jiho ay ka weerareen argagixisada, isla markaana ay halkaas ku laayeen, welina ay ku sii raacdeysanayaan dhulka howdka ah.

Goordhow la soco faahfaahinta jabkii Khawaarijta la gaarsiiyey iyo wareysi ku saabsan howlgalkii galabta ka dhacay aagga Xarardheere.

Guddiga dib u eegista dastuurka BFS oo kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah

Guddiga dib u eegista iyo La-socodka Hirgelinta Dastuurka ee Baarlamaanka JFS ayaa maanta kala wareegay Guddiga madaxa bannaan ee Dastuurka KMG ah soo-jeedinnada nuqulka kama danbaysta ah oo lagu soo dhafay talooyinkii iyo aragtiyihii mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo lagu soo bandhigay nuqulka kama dambaysta ah ee cutubyada 1aad – 4aad ee Dastuurka KMG ah ee ka soo gudbay marxaladda labaad, isla markaana waxaa loo dul istaagay  qodob qodob,  iyagoo hubinayey habka loo soo qaabeeyay looguna badalay luqad dastuur aragtiyadii iyo soo-jeedinnadii Mudanayaasha labada aqal ee Baarlamaanka jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

    

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka oo ansixiyay qaraarka buuxinta Kuraasta bannaan

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS Mudane, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 16-aad ee Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ahaa warbixinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Qaraarka Buuxinta Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka.

Guddooomiye Sheekh Aadan Madoobe oo warbixin ka siiyay Xubnaha Guddiga Joogta ayaa la wadaagay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan shuruucda hortebinta u leh guud ahaan dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee horyaalla Golaha.

Sidoo kale xubnaha Guddiga ayaa ka dooday isla-markaana ansixiyay Qaraarka Kuraasta ka Bannaan Golaha Shacabka in la soo buuxiyo, si loo helo mataalada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo furay shir u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Bankiga horumarinta Afrika

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta furay shir muhiim ah oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga horumarinta Afrika, shirkaas oo dib loogu eegayo mashaariicdii uu ka fuliyay dalka tan iyo 2022- 2024.

Shirkan oo socon doono muddo laba cisho ah isla markaana ay qayb ka yihiin dhammaan hay’adaha dowladda ayaa lagu qiimeyn doonaa mashaariicda Bankiga horumarinta Afrika uu maal gelinayay sanadihii lasoo dhaafay, wax qabadkoodii iyo caqabadihii uu la kulmay.

Qiimeyntan ayaa saldhig u noqon doono qorshaha Bankiga horumarinta Afrika uu diyaarinayo shanta sano ee soo socoto, sida uu sheegay Wasiir Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Bankiga horumarinta Afrika ugu mahad celiyay doorka ay ka qaateen kobaca dhaqaalaha dalka iyo dhiirri gelinta maalgashiga iyo xasaradaha ka dhasha is-beddelka cimilada.

Khawaarijta oo macallin qur’aan ku dishay Hiiraan

Jalalaqsi- Khawaarijta ayaa deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan ku dilay Allaha unaxariistee macallin Cabdulqaadir Xasan Ilkacase oo maalmo ka hor ay ka Afduubteen meel 4KM u jirta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan , halkaas oo uu ku lahaa dugsi Qur’aan.

Macallinka ayaa diiday inuu bixiyo lacago baad ah oo dhowr jeer ay weydiisteen khawaarijta, intaas kadib waxay ku amreen in uu yimaaddo deegaannada ay wali joogaan, wuxuuna sidoo kale ka hor yimid ammarka kooxda, taas oo sababtay inay Afduubtaan kadibna ay dilaan, sida ay nala wadaageen ehelada macallinka.

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Feseraalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabbilay Ergeyga Gaarka ah ee Shiinaha u qaabbilsan Geeska Afrika, Danjire Xue Bing.

Labada mas’uul ayaa waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo Jireen ka ah ee u dhaxeeya labada dal.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya, isaga oo xusay guulaha waawayn ee ay Soomaaliya xaqiijisay muddaddi la soo dhaafay, haddana loo diyaar garoobayo isbeddel mug leh oo dhinacyada dhaqaalaha iyo bulshadaba wax wayn ka bedeli doona.

Dhankiisa Danjire Bing ayaa sheegay in ay Soomaaliya mar walba garab taagan yihiin, haddana sii xoojin doonaan taageeradooda.