Tartamayaasha Xamarweyne oo u gudbay wareegga 3-aad

Tartankan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood oo ay guushii ku raacday Degmada Xamarweyne,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dhoobleey  ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmo ee Xamarweyne iyo Dhoobleey ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Kismaayo iyo Bardaale oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Baay.