Ceeldheer oo u gudubtay sideed dhammaadka tartanka Warbaahinta Qaranka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Ceeldheer,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Kaxda  ay keensadeen 6 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Ceeldheer iyo Kaxda ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhoobleey iyo Xamarweyne oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Hoose iyo Banaadir.

Muqdisho oo lagu qabtay munaasabadda habeenka Qurba Joogta

Kulanka Habeenka Qurbe joogta Soomaaliyeed oo ay ka soo qeyb galeen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda, Xildhibaano, ururada bulshada rayidka qurbe joogta iyo diblomaasiyiin

Caasho geesdir oo u ololeysa nabadda, Seynab laba dhagax iyo Leyla Abuubakar, La taliye sare Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Isķaashiga Caalamiga oo ka hadlay kulankan ayaa muujiyay ahmiyadda kulanka oo looga hadlayay isdhexgalka iyo xogwareysi bulshada qurbe joogta waxaana ay ugu baaqeen in si buuxda loo taageero ansixinta dastuurka si dalku uga guuleysto la dagaalanka Khawaariijta iyo dhismaha dowladnimada.

Ibraahim Guurre Maxamed, Agaasimaha Jaaliyadaha iyo Qurbejoogta Wasaaradda Arrimaha Dibedda XFS ayaa ugu baaqay qurbe joogta in ay ka qeyb qaataan Dib u dhiska dalka maadaama ay door muuqda ku leeyihiin dowlad dhiska.

“Qurbe joogta waxay laf dhabar u yihiin horumarka dalka waxaa loo baahan yahay in ay qeyb ka qaataan Dib ugu soo laabashada dalkooda iyo la dagaalanka Khawaariijta” ayuu yiri Guure, Agaasimaha Waaxda Jaaliyadaha iyo Qurbe joogta Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Xildhibaan Aweys Maxamed Cumar oo ku hadlayay afka xildhibaanada ayaa munaasabadda ka sheegay baahida loo qabo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed si loo gaaro Himalaya dowlad dhiska waxaana uu ugu baaqay qurbe joog in ay gacan ka geystaan la dagaalanka Khawaariijta.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda, Isaaq Maxamed Mursal oo soo xiray kulanka habeenka qurbe joogta ayaa u mahadceliyay dadkii ka soo qeyb galay

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka iyo kuwa dowlad gobaleedyada oo shiryeeshay

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka oo shir la yeelatay madaxda Hay’adaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha Maamul Gobaleedyada iyo Gobalka Banaadir.

Shirka oo ku qabsoomay qaab fugaan arag ah (ZOOM Meating) ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ku jiraan sidii loo sameyn lahaa qorshe hawleed mideysan oo ay u dhanyihiin dhamaan Maamul gobaleedyada iyo gobolka Banaadir, iyada oo la iska kaashanayo sidii wax loogu qaban lahaa Qaxootiga iyo Barakacayaasha ku nool gudaha dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka Marwo Safiyo Xasan Maxamed ayaa ka warbixisay waxyaabihii u qabsoomay, waxayna sheegtay in sharcigii Qaxootiga iyo magangalyadoonka uu saxiixay Madaxweynaha Jamhuuriyadda, isla markaana ay dooneyso in sida ugu dhaqsiyaha badan loo bilaabo hirgalintiisa waxayna xustay in mardhow la bilaabi doono sidii luuqadaha Qalaad loogu Turjumi lahaa sharciga, si deeq-bixiyaashu ula jaanqaadaan.

Sidoo kale guddoomiye Safiyo ayaa xustay in sharciga barakacayaasha isna uu meel fiican maraayo, kaasi  oo hadda horyaalla Mudanayaasha Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya.

“Sharciyadaan ayaa wax badan ka taraya sidii loo maareyn lahaa deeqaha iyo waxqabadka dadkeena nugul ee barakacaaysha ah, waxaana ka dhalan doona in ay hay’adaha dowladda ee heer faderaal iyo heer gobalba in ay awood u yeeshaan la xisaabtanka iyo jiheynta qorshayaasha wax loogu qabanaayo bulshadeena Soomaaliyeed ee ay saameysay isbadalka cilimilada,” ayay tiri Gudoomiye Safiyo.

Kulanka maanta ayaa Sidoo kale waxa looga hadlay sidii looga shaqeyn lahaa fulinta balan-qaadyadii shirkii GENEVA ee 2023 iyadoo loo abbaaraayo qorshe Wadajir ah.

Waxyaabaha kale ee kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Sidii lagu abbaari lahaa xalka dadka barakacyaasha ah, iyada oo lagu saleynaayo baahida dadkeena iyo sidii dhaqaaale loogu abuuri lahaa, iyada oo lagu salaynaayo deegaan walba iyo baahiyaha ka jira.

May be an image of text

Inta uu socday kulankaan ayaa laysla meel dhigay in dadka Qaxootiga ah loo abuuro nolol lamid ah yaraan middii ay ku haysteen xeryaha qaxootiga dalalkii ay kasoo laabteen, sida Caafimaadka Hooyada iyo Dhalaanka iyo waxbarashada ubadka.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay sidii wax looga badali lahaa qorsha hawleedka 5ta-sano ee soo socoto Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka  si loogu daro balan qaadyadii GENEVA ee 2023.

“Xafiisyada Madaxweynaha Qaranka iyo Raisul Wasaaraha XFS waa ay ka go’antahay in sharcigaan la meelmariyo iyo in xal rasmi ah loo helo Barakacyaasha gudaha dalka, maadaama dadku  ay sii kordhayaan marba marka ka dambeysa” ayay hadalkeeda ku dartay gudoomaha hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha qaranka.

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Taakeeye & kooxdiis

Maxkamadda ciidamada Qalabka Sida ayaa xukun ku riday Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye) oo lagu soo eedeeyey aas-aasida Xisbi ku sheeg uu ugu magacdaray Talo-kunool, kaasi oo faafiyo fikradaha gurracan ee lidka ku ah Diinta, Dalka iyo Dowladnimmada iyo sidoo kale Taageeridda Ficilada foosha xun ee Argagixisada.

Taakeeye, ayaa waxaa lagu soo qabtay iskaashi amni oo ay wada yeesheen Sirdoonada Soomaaliya iyo Kenya Siddeed iyo labaatankii September 2023. Waxa uu Baraha Xiriirka dadweynaha ku gudbin jiray fikirkiisa gurracan ee gaaleysiinta ah, isaggoo ku tashkiilin jiray Caamada in ay soo raacaan Xisbigiisa Talo-kunool.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa isna kaga biiray kooxda Taakeeye qaab Online-ah, isaggoo Whatsapp-ka ku faafiyey Fariimo lid ku ah Dowladnimmada iyo inuu garab istaag u muujiyay Taakeeye markii gacanta sharciga uu soo galay, isna waxaa la qabtay Siddeed iyo Labaatankii bishii September 2023.

Maxamed Cabdulqaadir Cali Nuur (Sandheere) ayaa isna ka mid ahaa kooxda Taakeeye kaga biirtay Online ka, Waxa uu isku dayey in uu marin habaabiyo laamaha amniga isaga oo sheegtay in uu yahay isa-soo dhiibe Khawaarijta ah, waxaana la xiray Labaatankii bishii December 2023.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Q.S, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Afar iyo Tobankii  bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta go’aan ka soo saaray Seddexda eedeysane, Sufyaan Sheekh Axmed Sheekh Maxamed (Taakeeye), ayaa lagu xukumay 2 Sano oo il ku hayn ah, halka Ex Dable Xoogga Yaasiin Axmed Maxamed Cabdulle isna laga saaray ka mid ahaanshiyaha Ciidanka Xoogga.

Sidoo kale Maxkamadda waxa ay sii daysay Maxamed Cabdulqadir Cali Nuur (Sandheere). Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

May be an image of 3 people, beard and text

Guddoomiyaha Hay’adda SODMA oo kulan soo dhaweyn ah loogu sameeyey dalka UK

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed Md. Maxamuud Macallin Cabdulle oo howlo shaqo u jooga dalka UK ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyeen Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada London.

Guddoomiyaha ayaa jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka iyo dadaallada bani’aadannimo ee socda, isagoo u soo bandhigay in ay ka qeyb qaataan wax-ku-darsiga sanduuqa dhaqaale ee loo furayo hay’adda si awood loogu yeesho ka jawaabista gargaarka deg-degga ah.

Jaaliyadda ayaa si weyn uga mahadcelisay sida  ay SoDMA ugu gurmatay dadka gobolka Sool xilligii colaadaha, halka guddoomiyuhu ku boorriyay in ay xoojiyaan garab istaagga dadka nugul ee dalka ku sugan, kuwaas oo wajahaya nolol adag oo gacan qabad u baahan.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga oo kulan la yeeshay Safiirka Norway ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa kulan la qaatay danjiraha Norway ee Soomaaliya Mudane Carsten Carlsen iyo la taliye sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Norway Mudane  Geir Arne Schei.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay arrimo muhiim ah oo kamid tahay xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka taariikhiga ah ee labada dal, iskaashiga ku saabsan horumarinta Kalluumeysiga, sugidda amniga badaha, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha.

Danjiraha dowladda Nowray ee Soomaaliya mudane Carsten Carlsen ayaa bogaadiyey talaabooyinka ku saabsan iskaashiga sugidda amniga badaha ee ay qaaday dowladdu waxaana uu sheegay in ay diyaar u yihiin in ay wasaaradda kala shaqeeyaan sugidda amniga badaha (maritime security) iyo in si wax ku ool ah loo maareeyo Kalluumeysiga iyo KHeraadka badaha.

Wasiirka wasaaradda Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa la wadaagay horumarada laga sameeyey dhinaca Kalluumeysiga gaar ahaan qorsheyaasha wasaaradda uga yaalla iskaashiga iyo horumarinta Kalluumeysiga, la dagaalanka Kalluumeysiga sharci darrada ah iyo in la helo hufnaan la xiriira amniga badaha dalkeenna (maritime security).

Waxa uu intaa ku daray in uu mudnaan gaar ah siinayo xoojinta kaalinta kaga aadan xiriirka labada dal iyo sidii ay labada dhinac isaga kaashan lahaayeen and arrimaha muhiimka ah ee ku saabsan amniga badaha, ka hortagga dambiyada ka dhaca badaha iyo in si wax ku ool ah loo maareeyo Kalluumeysiga iyo kheraadka badaha iyada oo laga faa’ideysanayo iskaashiga iyo taageerada caalamiga ah.

Xoghayaha Aqal sare oo ka qeyb-galay Shirka Xoghayeyasha Guud ee Baarlamaannada adduunka

Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa magaalada Geneva ee dalka Swizerland ugu qeybgal Shirka Xoghayeyasha Guud ee Baarlamaannada adduunka.

Shirkan oo maanta furmay ayaa socon doono ilaa 27-da bishan, kaas oo looga hadlaya Arimaha Nabadgalyada adduunka iyo sidii Baarlamaanada uga qaadan lahaayeen doorkooda Arimahaas.

Shirka Xoghayeyasha ayaa sidoo kale xoogga lagu saarayaa arrimaha Isbedelka cimilada iyo horumarrada xirfadaha iyo Aqoonta howlwadeennada Baarlamaannada Addduunka.

Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed ayaa inta uu socdo shirka kulammo doceedyo la qaadan doono dhiggiisa Xoghayeyasha Guud ee Baarlamaanada ee ka qeybta ah shirkan.

Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay Shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka

Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa ka qeybgalay Shirka 148-aad ee Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” Waxaana qeyb ka ah Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

Shirka ayaa Maanta daarnaa Dood ku saabsan dulucda Dublamaasiyadda Baarlamaanka: Dhisida buundooyinka nabadda iyo isfahamka

Shirirkaan isdaba jooga ah oo uu Guddoomiye Ku-Xigeenka labaad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow kaga qeebgalayo Magaalada Geneva ee dalka Switzerland.ayaa lafilayaa in uu qudbad dheer ka hor jeediyo ka soo qeyb galayaasha Gabgabada Shirka 148-aad ee Ururka Baarlamaannada Adduunka “Inter-Parlaimentary Union” .

Wafdiga uu hogaaminaayo Guddoomiye Ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Mudane Abdullahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galaya Shirka 148-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka waxaa qeeb ka ah Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri iyo Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare Mudane Cabdinaasir Ibraahim Guuleed.

    

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo gaaray Bariire

Taliyaha Ciidanka dhulka ee XDS Gen Dayax cabdi cabdulle, madaxa hoggaanka howl gelinta ee CXD g/dhexe Cali Aaden,Taliyaha guutada 14 Oct G/le dhexe Nuur maxamed gaabow (Nuurfarey), ayaa gaaray deegaanka bariire ee gobalka shabellaha hoose.

Liiban yuusuf garre Taliyaha ururka 18 aad guutada 6aad qaybta 60aad ee CXD ayaa deganka Bariire ku Soo dhaweeyay saraakiishan oo safar dhulka ah ku maraya qayb ka tirsan maamulka KGS.

Masuuliyiinta ayaa boodqay fadhiisimaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga dalka ay ku leeyihiin deegaanka Bariire, waxa ayna saraakiisha iyo Ciidankooda kala hadleen dardar gelinta Dagaalka lagula jiro Khawaarijta.

Taliyaha oo goob fagaara ah kula hadlay ciidanka ayaa sheeegay in markaan loo baahan yahay in is Bedel weyn Ciidankani ay ka keenaan dagaalka lagula jiro Argagixisada.

Taliyaha ayaa dhanka kale booqday Ciidanka ATMIS ee fadhigiis yahay deegaanka Bariire, shir saacad qaatay oo halkaas ka dhacayna waxaa lagu gorfeeyay ka qayb noqoshada dagaalka Ciidanka XDS ay ku la jiraan argagixisada kana socda Shabellah hoose.

      

Shacabka Muqdisho oo dhigay isu soo bax ay ku taageerayaa dhamaystirka Dastuurka

Shacab-weynaha ku nool magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay banaanbax ay ku taageeryaaan hannaanka dhamaystirka Dastuurka KMG oo hadda maraya marxaladii ugu dambaysay ee ansixinta.

Banaanbaxan ayaa waxa ka qayb qaadanaya Ardayda,waayeelka,Haweenka dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda, kaas oo uu soo qaban-qaabiyay Maamulka Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa Banaanbaxan Shacabka kala qayb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladd Soomaaliya, kuwaas oo ugu horeeyaan, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo hadal ka jeediyey Banaanbaxa ayaa tilmaamay in dhamaystirka Dastuurku tahay Shacabka Soomaaliyeed oo helay xuquuqdoodii, sidoo kalena Haya’addaha u xilsaaran Dastuurku wakiil ugu yihiin dhameystirkiisa.

“Soomaaliya waxaa dastuurka wakiil uga ah labada Aqal ee baarlamaanka, go’aanka iyaga ayaa iska leh, xubnaha diidan shaqada socota aragtidooda ha geeyaan kulamada Baarlamaanka.” Ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala oo ka mid ahaa Madaxdii Shacabka kula hadashay Daljirka Dahsoon ayaa yiri “Qof kasta ha ogaado, dadka diidan dhameystirka dastuurka waxay hortaagan yihiin xuquuqdiina, waa in laga gudbo looma dhama iyo marin habaabinta kooxaha diidan in dalkaan dowladnimo ka hana qaado.”

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Yabhoo oo isaguna goobta ka hadlaya ayaa yiri “Dadka Soomaaliyeed waxaan ka rabnaa inay dowladooda ku garab istaagaan dhameytirka dastuurka, si qaranimo buuxda aan u gaarno.”

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo dhawaan soo gabagabeeyey doodda waxkabadalka Dastuurka ee cutubyada 1-aad 2-aad 3-aad iyo 4-aad ayaa lagu wadaa in dhawaan ansixiyay taas oo meesha ka saari doonta dastuurka KMG ee tan iyo 2012-dii lagu soo waday dalka Soomaaliya.