Tartamayaasha Degmada Dhuusamareeb oo u gudbay wareegga 3-aad

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Dhuusamareeb,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Garbahaareey  ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhuusamareeb iyo Garbahaareey ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Ceeldheer iyo Kaxda oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Banaadir.

Wasiirka Maaliyadda ee XFS oo kulan la yeeshay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan cige ayaa kulan la yeeshay Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo uu wehliyo ku xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobay, ahna Iskuduwaha Gargaarka Beni’aadannimada George Conway.

Kulanka oo Muqdisho ka dhacay ayaa looga hadlay guulihii maaliyadeed ee Soomaaliya ay dhowaan gaartay, oo ay ku jirto dakhli kordhinta, iyada oo loo marayo hannaanka dhijitaalka ah.

Wakiilka Gaarka ah ee QM Soomaaliya ayaa dib u xaqiijisay taageerada xooggan ee Qaramada Midoobay ee ajendaha dib-u-habeeynta dhaqaalaha.

Xoghayaha Golaha Shacabka BJFS oo ka qeybgalay kulanka dhiggiisa ee Baarlaamaanada Aduunka

Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle Jaabiri ayaa ka qeyb galay kulanka guud ee Xoghayayaasha Baarlaamaanada Aduunka, kaas oo ka dhacay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Mudane Jaabiri oo hadal ka jeediyay kulanka Xoghayayaasha Baarlamaanada Aduunka ayaa uga warbixiyay horumarka uu sameeyay Baarlamaanka 11-aad ee JFS, gaar ahaan shuruucda horutabinta u leh dhismaha dowladnimada dalka iyo dib u eegista dastuurka oo ahmiyad gaar ah u leh Qaranimada.

Xoghaya guud ee Golaha Shacabka waxaa uu qeyb ka yahay wafdi uu hoggaaminaayo Guddoomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka Mudane Abdullahi Cumar Abshirow oo ka qeyb galaya meertada 148-aad ee Midowga Baarlamaanada Aduunka.

Dekadda Muqdisho oo lagu qabtay 249 Kartoon oo Taabuug ah

Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa dekadda Weyn ee Muqdisho ku qabatay Kunteenar ay ku jiraan 249 Kartoon oo Taabuug ah kaas oo qorshuhu ahaa in lagu daroogeeyo dadka Soomaaliyeed.

Hay’adda tayadhowrka Soomaaliyeed ayaa ku wareejisay Ciidanka Boliiska, si waajibaadkooda uga gutaan.

Hay’adda ayaa markale adkeysay in aan Dekadda iyo Garoonka Caasimadda laga soo daji karin gebi ahaan waxyaabaha maanka dooriya.l, kuwaas oo dhibaato balaaran ku haya dhalinyarada Soomaaliyeed iyo bulshada Qeybaheeda kale.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo kulan la qaatay wakiilka QM ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur oo maanta kulan la qaatay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing iyo Wakiilka UNICEF Wafaa Siciid.

Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa adkeeyay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya siineyso ka hortagga tacaddiyada caruurta gaar ahaan askaraynta iyo xadgudubyada kale ee soo wajihi kara.

Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay iyo Wakiilka hay’adda UNICEF ayaa dhankooda bogaadiyay dadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee la xiriira ilaalinta xuquuqda caruurta.

Safaaradda JFS ee India oo goob joog ka ah dhageysiga dacwad loo heysto 35 Soomaali ah

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Hindiya ayaa goob joog ka ah dhageesiga horgeynta Maxkamadeed ee muwaadiniin Soomaaliyeed oo gaaraya 35 muwaadin kuna sugan saldhiga Yellow gate ee Magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.

Maxkamada (Kala Ghoda) ayaa maanta waxaa ka furmaya kiiska Muwaadiniintaan iyadoo Safaaraddu u qabatay Qareen Mr Vishwajeet Singh in uu Maxkamadda horteeda uga doodo muwaadiniintan Soomaaliyeed ee lala-xariirinayo fal Burcad-badeednimo.

Xukunka Askari 19 sano ka tirsanaa Ciidanka laguna helay Falal Argagaxisanimo

Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) oo ka tirsan Ciidanka minishiibiyada ee degmadda Afgooye, ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan qeybta istidlaaca (Jaajuusnimo) isaggoo xogaha saraakiisha, shaqaallaha iyo maamulka degmadaasi u gudbin jiray argagixisada.

Xilal kala duwan ayuu kasoo qabtay maamulka degmadda Afgooye, ciidannimadana waxa uu qortay sanadkii 2005, isaggoo khawaarijta ku biiray 2017, waxaana uu la shaqeyn jiray madaxii amniyaadka gobolka Shabeellaha hoose oo magaciisa afgarashada uu yahay Abtiga, kaasi oo markii hore ku tashkiiliyey kamid ahaanshiyaha Maleeshiyada, Is-faham kadibna waxaa lagu soo xiray labo dhagarqabe oo amniyaadka kooxda u jooga Afgooye ka mid ah.

Waxa uu si joogto ah khawaarijta ugu gudbin jiray xogaha iyo dhaqdhaqaaqyada maamulka iyo saraakiisha amniga degmadda Afgooye, waxaana uu ka qeyb ka ahaa shirqool lagu dilay guddoomiye ku xiggeenkii hore ee amniga degmadaasi Xuseen Jibriil August 2022, dilkaasna waxaa kala shaqeeyey nin lagu magacaabo Yaasir Jiis oo hadda ah Horjoogaha guud ee ee Maleeshiyada ku dhuumaalaysata gobolka Shabeellaha hoose.

Muddadii uu shaqeynayey waxa uu khawaarijta la wadaagay xogaha shaqo ee shaqsiyaad ay kamid yihiin, Taliyihii hore ee booliska Afgooye, Taliye ku-xiggeenka saldhiga degmadda iyo guddoomiye waaxeedka 21-Octobar, kuwaasi oo xogo dhameystiran uu ka bixiyey.

Sidoo kale Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka, Gen. Odowaa Yuusuf Raage mar uu kormeer shaqo ku tagey xerooyinka Ciidanka Xoogga ay ku leeyihiin Afgooye, ayuu xogo ku saabsan kormeerkiisa la wadaagay Khawaarijta.

Ciidanka NISA oo ku raadjoogay Daahir Garboole, ayaa shan iyo tobankii bishii October 2023 qabtay gudaha degmadda Afgooye ee gobolka Shabeellaha hoose.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada ayaa codsaday qaadista kiiskan, waxaana laga oggolaaday Todobadii bishaan.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Ex Kormeere Koowaad dowladda hoose Daahir Cali Cabdi Amiin (Garboole) 10 Sano oo xabsi ciidan ah.

Sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.

Ra”iisul wasaaraha XFS oo shir guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey sidii kor loogu qaadi lahaa wax-soo-saarka iyo kaabayaasha dhaqaalaha dalka, taas oo ku saleysan qorshaha Xukuumadda DanQaran ee casriyeynta dowladnimada Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Wasaaradaha wax-soo-saarka looga fadhiyo sidii ay dalka u gaarsiin lahaayeen isku filnaansho dhaqaale, isaga oo kula dardaarmay in ay yeeshaan wada-shaqeyn dhow, si wadajir loogu xaqiijiyo hadafka Xukuumadda ee la xiriira isku-filnaansho dhaqaale oo ay Soomaaliya gaarto.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira, barnaamijka istiraatijiyadeed ee Bangiga horumarinta Afrika iyo qorshaha isbeddelka Qaranka iyo Labs’ka Wasaaradaha wax-soo-saara dalka.

Isku aadka jadwalka wareegga Labaad ee tartanka bisha Ramadaan

Waxaa haneebimadii xalay si rasmi ah u soo gabagaboobay wajigii koowaad ee tartan cilmiyedka bisha Ramadaan,kaas oo sanad kasta ay qabtaan Waraabinta Qaranka Soomaaliyeed.

waxaan halkan ku soo gudbineynaa isku aadka jadwalka  wareegga 2-aad oo ay ku soo baxeen 16 degmo.

Tartanka caawa ee wareegga 2-aad waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Gedo.

 

Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka Warbaahinta Qaranka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Dhahar,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada C/Casiis ay keensadeen 6 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhahar iyo C/Casiis ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Gedo,