Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday Taliska Ciidanka ee Arbacow

Wafdi Saraakiil ah oo uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka dhulka Gen. Dayax Cabdi Cabdulle ayaa safar isu Jira kormeer iyo dhiiri gelin ku tegay Xerada ciidanka Arbacow oo gobalka shabelada hoose.

Xeradan ayaa fariisin u ah cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka waxaana halkaa saraakiisha ku Soo dhameeyay Taliyaha guutada 14 October  ee Ciidankan Xoogga dalka G/le dhexe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur-farey).

Taliyaha ayaa qudbad u jeediyay guutada 14 October Oo maalmihii la Soo dhaafay howlgallo lagu baacsanayo ka weday qaybta ka tirsan shabelada hoose.

Taliyaha ayaa Ciidanka u sheeegay in la doonayo in kaalin mugleh ay ka qaataan la dagaalanka argagixiso waxa uuna faray Ciidankan iyo saraakiishooda in la dedejiyo dagaalka lagu baacsanayo argagixisada ee ka socda shabelada hoose.

Safarkan waxaa qayb ka ahaa taliyaha howl gelinta ee Ciidanka Xoogga dalka.

Wasiir Fiqi: waa la dhamaystirayaa Dastuurka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS mudane Ahmed Moallim Fiqi oo xalay xarunta degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir uga qeyb galay Afur Wadareed ay iska kaashayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay arrimo badan ay ka mid yihiin amniga, baahinta maamulka iyo dastuurka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Kaaraan ay muteysatay barnaamijka Afur Wadareedka isaga bogaadiyay baraarugga shacabka degmada iyo guud ahaan Muqdisho ee ku aaddan howlaha hortabinnada u leh qaranka Soomaaliyeed, waxaa uuna xusay xuquuq badan oo ka maqan oo ay ka mid tahay maqaamka caasimadda.

Mudane Axmed Macallin Fiqi oo soo hadal qaaday Arrimaha Dastuurka ayaa sheegay in kuwii ballanqaaday dhameystirkiisa ay qaarkood maanta hortaagan yihiin isaga oo shacabka Soomaaliyeed ku adkeeyay in ay soo baxaan.

“Dastuurka kun diyaarad hadii la raaco waxba kama badalayso, dastuurka waxaa uu horyaallaa baarlamaanka iyo hey’adihii ku shaqada lahaa ee buuqa hala yareeyo” ayaa ka mid ahaa erayadiisa.

Ugu dambeyntii, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Macallin Fiqi waxaa uu shacabka deggan caasimadda Muqdisho kula dardaarmay inay u soo baxaan aftida dastuurka isaga oo yiri “Waxaan rabnaa in bananaanka la soo istaago, oo loo codeeyo”

Kulanka afurka ah, waxaa kale oo qeyb ka ahaa; Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Sulub Firin, Guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho mudane Yuusuf Xuseen Madaale, Guddoomiye Ku xigeenka Amniga Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh, qaar ka tirsan guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka tacsiyeey Geerida Senator Cabdirisaaq Cismaan Xareed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay, Alle ha u naxariistee, Sanatar Cabdirisaaq Cismaan Xareed oo ka tirsanaa Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle u waydiiyey Marxuumka in uu hoygiisa ka yeello Jannatul Firdowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed.

DHAMMAAD

Amb Jibriil: oo ka qayb galay Xaflada maalinta dhaqanka Dugsiga caalamiga ah ee Nairobi

Safiirka Safaarada Soomaliya ee dalka Kenya Jabri Ibrahim Abdulle ayaa ka qeyb galay Xaflada maalinta dhaqanka Dugsiga caalamiga ah ee Nairobi (NIS).

Xafladan dabaaldegga iyo munaasabad dhaqameedka ah ee goobta lagusoo bandhigay ayaa xiiso geliyay kasoo qeybgalayaasha kuwaas oo la dhacay hiddaha iyo dhaqanka ay soo bandhigeen ardayda Soomaaliyeed.

Amb Jabril Ibrahim Abdulle ayaa bogaadiyay Ardayda Soomaaliyeed ee muujiyay qiimaha hiddaha iyo dhaqanka Soomaalida’’Tani ayaa muujineysa sida ay iskugu xilsaareen in la muujiyo,Hidaha iyo dhaqankeeyna suuban,kuwaas oo aan kasoo gaarnay waalidkeeyn’’

Dhahar oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka Warbaahinta Qaranka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Dhahar,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada C/Casiis ay keensadeen 6 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Dhahar iyo C/Casiis ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Dhuusamareeb iyo Garbahaareey oo ka kala tirsan Gobollada Galgaduud iyo Gedo.

Taliyaha ciidanka dhulka ee ciidanka xoogga dalka oo gaaray deegaanka Dhanaane

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Dayax Cabdi Cabdulle iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir G/Sare Macalin Mahdi ayaa  gaaray deegaanka Dhanaane ee gobolka Shabeellada Hoose, iyagoo ciidamada qaranka ku amaanay sida ay ugu jilib dhigeen cadowga Khawaarijta ah.
Saraakiishaan ayaa soo kormeeray goobihii cashirka loogu dhigay Khawaarijta, waxayna saraakiisha iyo ciidanka sii baacsanaya Khawaarijta naf la caariga ah ku dhiirigeliyeen jihaadka xaqa ah oo ay ku jiraan.

Dowladda Soomaaliya oo ku guulaysatay in ay gacanta ku soo dhigto shabakaddii ka dambeysay Weerarkii Hotelka SYL

Hay’adaha ammaanka ee dowladda oo gacanta ku haya galbaariseedka weerarkii nafla caariga ahaa ee Khawaarijta ay ka gaysteen Hotel SYL ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 16 eedeysane oo ku lug lahaa weerarkaas.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa ku guulaysatay in ay soo qabato Abdinasir Daahir Nuur oo ahaa shaqsigii suurta-galiyay in magaalada ay soo galaan Gawaarida falka argagixiso lagu gaystay.

Sidoo kale dadka la qabtay waxaa ka mid ah ilaa iyo Afar eedeysane oo ku diiwaan gashan milkiyadda labada Gaari ee Khawaarijtu u adeegsatay weerarka Hotelka SYL.

Waxaa kale oo baaris ay ku socotaa Shan xubnood oo ka tirsan ciidanka ammaanka dowladda kuwaas oo ka shaqaynayay baraha baaris ee Khawaarijtu ay ka soo gudbeen.

Shacabka Soomaaliyeed waxaa lala wadaagi doonaa caddaymo dhammaystiran kuwaas oo muujinaya dhagarta Shabakaddan Khawaarijta ah iyo gungaarka hay’adaha baarista.

Dhammaan Shabakadda Khawaarijta ah ee la qabtay iyo eedeysaneyaasha kale ee loo haysto kiiskan waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda shaqada ku leh, waxaana ay hortagi doonaan cadaaladda.

-Dhammaad-

Muqdisho oo ku tallaabsatay horumar ganacsi oo xoog leh

Isbeddelka dhinaca ganaciga ee dalkeenna ayaa sii xoogeysanaya,iyadoo shirkadaha waa weyn ee Soomaalida ku leeyihiin dibaddaha qaarkood dalka la keennayo, magaalada caasimadda ee Muqdisho ayaa si gaar ah looga dareemayaa horumar ganacsi oo baaxad weyn.

Waxaa Muqdisho laga furay xarumihii ugu horeeyay ee shirkadaha soo saara dharka iyo kabaha casriga ah ee GIORDANA iyo FLO oo laga hirgeliyay suuqyada Jubba-Hyper-market iyo Barako-Hyper-Market, kuwaas oo shacabka si weyn uga adeeganayaan.

Xuseen Daahir Shire oo ka mid ah mas’uuliyiinta Jubba-Hyper-Market ayaa ka hadlay faa’idooyinka dhaqaale ee shirkadahan dalka ku soo kordhinayaan.

” Caawana waxaad marti u tihiin furitaanka labadan shirkadood GIORDANO oo shirkad caan ah oo Bulshada Soomaaliyeed ay yaqaanaan dhibna loo qabay in dharkeeda oo sax ah magaalada gudaheeda laga helo, sidaas daraateed waxaan rabnaa in ay macaamiisha ka faa’ideystaan oo nagula ciidaan,”.

Qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ayaa soo dhoweeyay tallaabadan, waxayna sheegeen in dalka uu ka bilowday tartan ganacsi oo muhiim u ah kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Bulshada.

Guddoomiye ku-xigeenka amniga degmada Shangaani ee gobolka Banaadir ayaa dhankiisa sheegay in xarumahan ganacsi ee laga furay magaalada Muqdisho ay horumar ku soo kordhin karaan ganacsi dalkeenna.

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay sugto amniga magaalada Muqdisho, taas oo suurta-gelisay in ganacsiga magaalada si xowli ah ku socdo, dadkuna si nabad ku ganacsadaan.

Ra’isal wasaare ku-xigeenkii hore oo ka qeyb galay lagu taageerayay dhammeystirka dastuurka

Kulan looga hadlayay geedi-socodka dhammeystirka iyo kaabista Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya oo ay soo qaban qaabiyeen Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) iyo hoggaanka ardayda Qaanuunka Jaamacadaha Muqdisho ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo sidoo kale, kulanka su’aalo la xiriira arrimaha Dastuurka lagu weydiiyay Xil. Mahdi Maxamed Guuleed.

Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka Xil. Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa marka hore sharaxaad ka bixiyay muhiimadda dhammeystirka Dastuurka iyo cutubka 4-aad oo ay ka doodistiisu wadaan Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.

” Cutubka 4-aad, oo matalaadda shacabka ama nidaamka madaxtooyada miyeynu qaadanaa kii Baarlamaaniga ahaa ee ninka odaygu ahi baqashu ku micneeyay miyaa ku sii joognaa mise nidaam madaxtooyo oo madaxweyne iyo ku-xigeen aynu qaadanaa, nooca doorashada ma waxaynu ka dhignaa ( single constituency) oo habka liistada xiran ah ama ama habka liistada furan waa dood kale, xisbiyada siyaasadda saddex goor beyni soo marnay, mid waa taa aan iri 1960-96 oo 86-xisbi siyaasadeed, nin iyo xaaskiisa subaxii inta ay iska soo kacaan ayay xisbi ku dhawaaqi jireen,”.

Qaar ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanada ah ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa su’aalo ku saabsan dhammeystirka Dastuurka weydiiyay Ra’iisal wasaare ku-xigeenkii hore ee dalka.

” Haddii madaxweyne iyo madaxweyne ku-xigeen la aado, maxaa xigi doonaa mala sameeyay qiimeyn?. Qodobo waxaa jira ay aad baarlamaanka u diidan yihiin in Dastuurka lagu daro oo ay ka mid tahay qofna looma aabo-yeelayo xasaanad fal-dambiyeed uu galay inuu kaga baxsado oo doodda ugu badan ay ka dhallatay, haddii Baarlamaanka saddex boqol iyo tiradaas dhammaan isku raacaan in qodobkaas laga saaro matalaaddii shacabka ama dadweynihii marka afti laga qaado ay codsadaan in qodobkaas in qodobkaas lagu soo daro labadaas kee la cuskanaa oo la ictimaadi doonaa? ayaa ka mid ah su’aalihii la weydiiyay Xil. Mahdi.

Intaas ka dib, xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka jawaabay su’aalihii ay weydiiyeen ardayda ka soo qeyb gashay kulanka.

Baarlamaanka Soomaaliya oo soo gabagabeeyay dooda 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehliyay kuxigeenada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajanadaha kulanka maanta oo ahaa sii-wadida dooda madaxyada 3-aad iyo 4-aad oo ku jira cutubka 4-aad ee wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna Xidhibaannada aragtidooda ka dhiibteen qodobadii ka harsanaa dooddii madaxyada 3aad iyo 4aad ee cutubka afaraad.

Dooddan afarta cutub ee soo bilaabatay 12, Febraayo 2024, socotayna in kabadan 40 maalmood ayaa inta badan Xildhibaanada iyo Sanatarrada labada Aqal ka yeesheen dood adag oo isugu jirta sixid, tirid, siiqayn iyo su’aalo waydiin guddiyada soo diyaariyay soojeedintan.

Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka Xil. Xuseen Iidow oo dooda ka dib ka hadlay soo jeedimaha Xildhibaannada ayaa mid mid u dul istaagay qodobadii ay  aragtidooda ka dhiibteen Xildhibaannada iyo Senatorrada  ee Baarlamaanka 11aad, isagoona sharxay qodob kasta faqraha uu ka koobnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Burhan Aadan Cumar, oo Xildhibaannada aragtooda dhiibtay u soo bandhigay qaab qoraal ah, isagoona dulmar kooban ku sameeyay Xildhibaan kasta aragtida uu ka dhiibtay qodobadii iyo faqradihii ku qornaa cutubka afaraad ee dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo xiray fadhiga maanta ayaa  sheegay in dooda cutubka 4-aad uu inta ku egyahay, isla-markaana Guddiga Dastuurka looga baahanyahay in ay soo khulaaseeyaan soo jeedimaha Xildhibaanada.