Wasiirka Waxbarashada oo Guddoomiyay Kulanka Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka

Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sar Mudane Faarax Sheekh Cabdiqaadir ayaa maanta xarunta Wasaaraddaasi ku Guddoomiyay Kulanka Guddiga Farsamo Xiriirka Arrimaha Xasilinta ee Wasaaradaha iyo Hey’adaha Federaalka ah.

Guddoomiyaha Guddiga Farsamo ee Xiriirka Arrimaha Xasllinta mudane Cabdicasiis A. Gurbiye ayaa ugu horreyn waxaa uu sharaxay ujeedka loo dhisay guddigan iyo kaalinta uu xilligan uu dalku ku jira dib u xorreyn ka qaadanayo iska warqabka, xiriirka, mideynta ajendeyaaaha Xiriirka, Fariimaha Dowladda, wacyigelinta iyo habka gudbinga ee dhammaan hey’adaha labada heer ee ka shaqeeya howlaha Xasillinta.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Mudane Faarax Shiekh Cabdiqaadir ayaa si qotodheer ah uga hadlay muhiimadda Xasilinta, Dib-u-xoraynta dalka iyo dedaallada ay Dowladda Soomaaliya ku daadejineyso adeeg bixinta oo ay ka mid yihiin; Waxbarashada, Caafimaadka, Garsoorka, Amniga iyo howlo kala sida Dib u heshiisiinta bulsho iyo is cafinta isaga oo bogaadiyay shaqada guddiga iyo ahmiyadda uu u leeyahay iskuxirka Dowladda iyo Shacabka

Wasiir Faarax ayaa ku adkeeyay guddiga in ay xoogga saaraan soo gudbinta farriimo adag oo kala duwan, oo u adeegaya aragtida dowladda ee dhanka Xasllinta, iyo in si fiican loo soo bandhigo qeyta Xasllinta ee qeybaha bulshada iyo qurbajoogta ay ka fuliyaan deegaannada ay ka yimaadeen.

Ugu Dambayn, Kulanka Guddiga ayaa lagu soo bandhigay howlaha Xasillinta ee ka socda dowlad goboleedyada iyada oo Wasaarad walba ay ka shaqeyn doonto barnaamijyo la xiriira, kadibna laga shaqeynayo sidii loosoo bandhigi lahaa.

Baarlamaanka oo maanta soo afmeeraya dooda Cutubka Afraad ee Dastuurka

Doodda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo, iyadoo Xildhibaannada Labada gole hadda wadaan ka doodista madaxa saddexaad oo ku saabsan Xisbiyada Siyaasadeed iyo madaxa Afaraad(Maamulka Doorashooyinka).

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay khudbadii Jumcaha oo uu Dadweynaha Soomaaliyeed kula hadlay ku sheegay in Dastuurka la dhamaystirayo masuuliyadiisuna saaran tahay haya’addaha u xil saaran dhamaystirka Dastuurka.

Dhinaca kale Ra”iisul wasaaraha Xukuummadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre oo khudbad ka jeediyey kulanka guud ee Affur wadareedka Sannadlaha ah ayaa sheegay in dhowaan la magacaabi doono Guddiga Doorashooyinka Qaranka si ay u guddo-galaan hawlaha Doorashooyinka loogana baaqsado firaaq dastuuri ah iyo dib u dhac doorasho.

Ra’iisul Wasaaraha XFS “Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo hadal ka jeediyey Affur Wadareedka Sanadlaha ah ee is aragga Xukuumadda iyo Bulshada Qeybaheeda kala duwan ayaa ka hadlay Arrimaha Dastuurka KMG oo hadda gacanta ku hayaan Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay si aan dalku u gelin hubinta la’aan siyaasaddeedna in ay muhiim tahay in hadda sameeyo shuruucdii hagi lahayd doorashooyinka dalka, si aan hadhow u imaan muran siyaasaddeed oo doorashooyinka la xiriira.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dhammeystirka Dastuurka KMG ah ee horyaalla Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu yahay hortabin wadareed dadka Soomaaliyeed oo dhan u taalla, taas u baahan in la isku kaalmeysto ee aan u baahayn in la isku mucaarido.

“ Muskhiladda jirta waa haddii aanan anigu fulinayn dastuurka sidiisa ha iska ahaado, Berri marka ay harto waqti yar, haddii aan dhahno waxaan magacaabaynaa guddi doorasho, waxaa dhacaysa hubinta la’aan siyaasadeed sidii dhici jirtay” ayuu yiri Mudane Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in Dastuurku uu ku jiro gacan aamin ah, muhiimna ay tahay in looga danbeeyo hay’adaha shaqada ku leh, si meesha looga saaro arrimaha waaweyn ee dastuurka ku xiran, sida gobonnimada, amniga iyo horumarka.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Cambaareeyey Weerarkii Argagixiso ee ka dhacay Ruushka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane DR Xasan Sheekh Maxamuud ayaa cambaareeyey weerarkii Argagixiso ee ka dhacay xalay goob lagu qabanayey Bandhig faneed oo ku taala caasimada dalka Ruushka ee Moosko.

Madaxweyne Xasan Ayaa dowladda iyo Shacabka Ruushka uga tacsiyeey dhacdadan argagaxa leh isagoo sheegay in wakhtiga adag dowladda Soomaaliya garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Ruushka.

Xalay ayey koox hubaysan oo soo gashaday dirayska Ciidanka waxay galeen goob Hool ah halkaas oo ay ka socday Bandhig faneed,iyadoo sida ay sheegtay Warbaahinta Ruushka goobta ku dhinteen 40 qof sidoo kalena ku dhaawacmeen in ka badan 100 qof oo shacab ah.

Baraawe oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka Warbaahinta Qaranka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Baraawe,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Wadajir ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Baraawe iyo Wadajir ayaa xalay wajahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka C/casiis iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Sanaag,

Hay’adda maareynta musiibooyinka Oo 5,000 oo qos gaarsiisay gargaar

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa maanta 5, 000 oo qos kana kooban Danyar, dad naafo ah iyo kuwa ka soo barakacay qaybo kamid ah Gobolka Shabeeladda Hoose waxa ay gargaar ugu qaybisay gudaha degmada Afgooye iyo duleedka Magalaada Muqdisho.

2,000 oo qoys waxaa gargaarkaan afurinta ah loogu sameeyay degmada Afgooye, halka 3,000 oo kale mucaawinadaan loogu qaybiyey duleedka Muqdisho.

Goobta lagu qaybinayey Gargaarkaan waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda gargaarka Sahra Cali Yuusuf, Maamulka Degmada Afgooye iyo Masuuliyiin kale.

     

Madaxweynaha JFS oo kaga hadlay xaaladda dalka iyo halka ay marayaan howlaha hortabinta u leh dowladda

Madaxweynaha JFS oo  kaga hadlay xaaladda dalka iyo halka ay marayaan howlaha hortabinta u leh dowladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Madaxtooyada ayaa ka hadlayo dagaalka dalka looga xoreynayo Khawaarijta iyo dhameystirka dastuurka.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in shan qodob ay muhiimad siisay dowladda xogana saartay, isagoo tilmaamay in qaar ka mid ah lagu guuleystay, kuwaas oo kamid ah Deyn cafinta, ku biirstii Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ,dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta,wax kabadalka arrimaha dastuurka dalka,cunaqabateynta laga qaaday Soomaaliya.

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay muhiimad gaar ah siinayaan dagaalka looga xoreynayo Khawaarijta arxanka daran iyo in dalka loo sameyo Dastuur rasmi ah oo meesha laga saaro dastuurka KMG oo muddo lagu soo jiray.

Ra’iisul wasaaraha Xamse oo ka qeyb galay afur wadareedka Sanadlaha ah

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda JFS Xamza Cabdi Barre ayaa ku Muqdisho ku daahfuray Afur Wadareedka Sanadlaha Ee is Aragga Xukuumadda JFS Iyo Bulshada Qeybaheeda taasi oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mudane Ahmed Moallim Fiqi, Wasiirka Xanaanada Xoolaha XFS Xildhibaan Maxamed Abdi Xayir Maareeye, Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Iyo Daryeelka Bulshada XFS Xildhibaan Cali Xaaji, Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xildhibaan Fardowso Cigaal, Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Balluugga ah XFS Mudane Axmed Xasan, Wasiirka Wasaaradda Qorshaynya XFS Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene, Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoljiyada Mudane Jaamac Xasan Khaliif, Wasiiru Dowlaha Xafiiska Raysal Wasaaraha XFS, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta iyo Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waxaa kale oo kulanka qeyb weyn ka ahaa bulshada rayidka iyaga oo ka hadlay arrimo muhiiim ah.

     

Tansaaniya : Madaxda Caafimaadka XFS oo kaga qeybgalay shirka Horumarinta Siyaasadda Caafimaadka

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xassan Maxamed Bulaale ayaa magaalada Zanzibar ee Dalka Tanzaaniya uga qaybgalay Shirka Madaxda Afrika ee jorumarinta siyaasadda  caafimaadka.

Shirka oo socday muddo labo cisho ah waxaa ka qaybgalay Madaxda Wasaaradaha Caafimaadka ee Afrika,kaas oo looga hadlay iskaashiga horumarinta Arrimaha caafimaadka iyo latacaalida  cudurada faafa ee isaga kala gudba xuduudaha.

Wasiir Kuxigeenka ayaa sheegay in kulanka u qabsoomay wasiirada caafimaadka Afrika uu aha  mid muhiim ah, gaar ahaan wadaagidda khibradda, , warbixinada iyo cilmi baarisyada caafimaadka.

Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xildh. Dr. Maxamed Xassan Maxamed Bulaale ayaa xusay in waqtiyada soo socda ay fududaan doonto dajinta mashaariicda guud ee ku aadan helitaanka iyo horumarinta adeega Caafimaadka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo gaaray Degmada Xaradheere

Taliyaha Ciidanka Milateriga Soomaaliya S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin Caddow iyo Wafdi saraakiil ah oo Hogaaminayay ayaa gaaray Degmada qadiimiga ah Ee xarardheere.

Taliyaha ayaa si weyn waxaa ugu soo dhaweeyay xarardheere saraakiil iyo askar ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxuuna noqday Taliyihii ugu horeeyay ee Xoogga dalka ah Ee gaaray Magaalada xarardheere tan iyo Qaran burburkii.

Xarardheere ayaa gacanta cadawga laga saaray 16, Bishii january 2023, waxaana gacanta ku haaya Ciidamada Milateriga Soomaaliya iyo xoogaga Macaawisleyda Ee deegaanka, waxaana Taliyihu ku dhiiragaliyay inay u diyaar garoobaan baacsiga haraadiga kooxda Argagixisada ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa furimaha Hore ee dagaalka ayaa waqti badan la qaadanaya Ciidamada jiida Hore ku sugan, waxaana socda diyaar garoowga dagaalka lagu xureynayo deegaano hor leh.