Degmooyinka Heliwaa iyo Xarardheere oo u gudbay wareegga 2-aad

Qeybtii hore ee Tartanka bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 22- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Xaradheere ,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Cadaado ay keensadeen 2 dhibcood.

Sidoo kale qeybtii labaad ee tartanka waxaa wareegga labaad ku soo baxay Degmada Hilawaa oo ku badisay 12-dhibcood,halka tartamayaasha Degmada Jilib ay heleen 6-dhibciid.

Tartameyaasha afartaasi degmo ayaa wjahay tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Baraawe iyo Wadajir oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Hoose iyo Banaadir.

116 Maxbuus oo ku xirnaa Xabsiga dhaxe ee Xamar & Xabsiga MBCC oo cafis Madaxweyne lagu sii daayay

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maanta Cafis Madaxweyne kusii daayay 116 Maxbuus oo ku xernaa Xabsiga Dhaxe ee Xamar iyo Xabsiga MBCC ee ku yaala Ex-Control Afgooye.

Maxaabiista ku xernaa Xabsiyada ayaa Maxkamadaha ku xukumeen xukuno kala duwan ayada oo ay ku eedeysanaayeen dambiyada fudud waxaana qaarkood ay qaateen intii ugu badneyd xukunkooda.

Xeer Ilaaliye ku xigeen Farxaan Xuseen Maxamed ayaa kula dardaarmay Maxabiiista in ay ka faaiideystaan fursada la siiyay waxaana uu uga mahadceliyay Madaxweynaha JFS mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud. ( Waxaan idin sheegeynaa in Cafiska aad ku baxdeen uu idin fidiyay Madaxweynaha JFS munaabadda Bisha Barakeysan awgeed, qof walba waxaa laga rabaa in uusan u laaban waxii loosoo xeray”

Dadka Ka faa’iideystay Cafiska Madaxweynaha ayaa u badnaa Dhallinyaro aad u da’yar waxaana intii ay xabsiyada ku jireen ay heleen adeegyo cafimaad oo bilaash ah, waxbarasho, iyo goobo lagu cayaaro, ayada ay u dheertahay kormeerka Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka si loo ilaaliyo xaquuqda Maxaabiista ku xeran Xabsiyadda dalka.

MW Xasan Sheekh oo daahfuray wajiga 2aad ee adeegga 5G

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah-furay wajiga 2aad ee adeegga 5G, oo ay Shirkadda Hormuud ka hirgelisay Caasimadda iyo Gobollada Dalka.

Adeeggaan isgaarsiineed ee 5G ayaa ah mid faa’iido weyn u leh horumarinta dhaqaalaha, Ganacsiga,waxbarashada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee isgaarsiinta.

Madaxweynaha JFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomey danjireyaasha dalalka Turkiga, Kuuriyada koonfureed, Filibbiin iyo Sirilaanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirrada cusub ee dalalka, Turkiga, Kuuriyada Koonfureed, Filibbiin iyo Sirilaanka ee loo soo magacaabay Soomaaliya.

Munaasabad ku qabsoomtay Madaxtooyada Qaranka ayaa Madaxeweynuhu kaga guddoomiye waraaqaha Aqoonsiga Danjireyaasha kala ah, Mudane Alper Akta Safiirka cusub ee dalka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Yeo Sung-jun Danjiraha Cusub ee Kuuriyada Koonfureed, Mudane K. Theshatha Danjiraha dalka Sirilaanka  iyo Marwo Marie Charlotte oo ah Danjiraha cusub ee dalka Filibbiin u fadhin doonta Soomaaliya.

Danjireyaasha ayaa Madaxweynaha la wadaagay farriimo ay ka sideen Boqorrada iyo hoggaanka dalalkooda, iyagoo soo bandhigay dadaalka ay ku bixin doonaan adkaynta xiriirka taariikhiga ah ee ay la wadaagaan Dowlada iyo Shacab ka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Danjireyaasha ayaa si gaar-gaar ah uga wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ay Dowladda Federaalka Soomaaliya la leeyihiin dalalkoodu, waxa uuna xusay ahmiyadda ay leedahay in ay xoojiyaan garab istaagga dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda, si guul looga gaaro dowlad-dhiska iyo horumarinta dalka.

Maxkamadda CQS oo xukun ku riday Sarkaal Danab ahaa oo loo haystay falal Argagixisanimo

Maxkamadda Ciidanka Qalabka sida ayaa maanta xukun ku riday, Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge kaas oo loo soo xiray ka mid ahaanshaha Khawaarijta Alshabaab iyo Jaajuusida Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka.

Mucaawiye ayaa hoggaamiyay dhowr horimood oo Ciidanka gaarka ah ee Danab kamid ah, isaggoo kaga faa’iideystay in uu xogaha ciidanka iyo howlgalada uu u dusiyo Maleeshiyada, uuna wakiil kaga ahaa Cabdullaahi Cabdi Cumar (Cabdullaahi Hiiraan) iyo Muxudiin Maxamuud Cabdi (Muxudiin Turki).

Waxaa lagu eedeeyey in uu si gaar ah u dusiyey xogaha ciidanka ee dagaaladii Galcad ee uu ku Shahiiday Abaanduullihii Danab Gaashaanle Xasan Maxamed Cusmaan (Xasan Tuurre), sidoo kale waxa uu gudbiyay xogaha difaacyadda ciidanka iyo in aysan hawada ku jirin Diyaaradaha saxiibada Danab (Drones), dagaaladii Budbud, Cali Yabaal, Alkowsar iyo Daaru-nimca.

Waxa uu dhabar jabin ku sameeyay ciidanka, gaar ahaan dagaalkii Budbud ka dib markii uu difaaca ka saaray horintii uu xukumayey.

Sidoo kale waxa uu sahmiyay Saldhigyadda Military ee Beli-doogle iyo Xero Nac-Nac, isaggoo la wadaagay Cabdullahi Hiiraan xogta ciidanka ku jira iyo koolba waardiyaasha xerooyinkaasi.

Mucaawiye Waxa uu adeegsanayey ereyo afgarasho ah oo ay isla yaqaaneen Cabdullahi Hiiraan, ayna ka mid yihiin, Adeer (Saaxibada Danab Mareykanka), Ilmaha Adeer (Speacial Danab), Abaayo (Beli-doogle), Hooyo (Muqdisho), Meeshii hore (Howlgalkii hore) iyo ereyo kale.

Waxa loo adeegsaday soo iibinta Drone, Ookiyaalaha aragga habeenkii (Night Vision) iyo agabyo kale oo ciidan oo aan u suura gelin.

Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday Afar iyo Tobankii bishaan, iyaggoo maxkamadda horkeenay cadeymo ku saabsan kiiskaan oo ay ka mid yihiin marag-fur iyo saraakiishii ka sarreysay Mucaawiye oo marqaati ahaan maxkamaddu ay u dhageystay.

Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambayn maanta ku Xukuntay, Ex- Labo Xidigle Mucaawiye Cumar Cusmaan Waasuge Toban sano oo xabsi ciidan ah, Waxaana laga xayuubiyey darajada labo xidigle iyo xubinnimada ciidanka xoogga dalka.

Sida uu warbaahinta u sheegay Guddoomiyaha Maxkamdda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida Gaashaanle Sare Xassan Cali Nuur Shuute

Muqdisho oo maanta laga daahfuray tartanka Qur’aan akhriska ee heer Qaran

Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha  Diinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u furay tartanka Qur’aan akhriska ee heer Qaran.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeybgalay madaxda wasaaradaha Awqaafta heer Federaal iyo heer dowlad goboleeda iyo gobolka Banaadir, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, culimaaudiin iyo waalidiin.

Tartanka oo sanadkii 2aad uu taabageliyay madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud waxaa ka qeybgalaya arday ka socota, maamullada; Jubbaland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle, Galmudug iyo Khaatumo.

Dhamaan mas’uuliyiintii iyo culimadii ka hadashey munaasabada tartanka quraanka akhriska ah ayaa ku amaanay madaxda Qaranka sida ugu istaageen horumarinta Quraanka Kariimka ah, kuna baaqay in dolwadda laga taageero dadaalka ay wado oo dhankasta leh.

Shirka golaha wasiirrada oo looga hadlay amniga iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo  yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa looga hadlay amniga dalka iyo howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Shirka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda JFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu bogaadiyey guulaha ciidamada amniga iyo kuwa xoogga dalka ay ka gaareen dagaalka dalka loo sifeynayo kooxaha nabad-diidka ah ee baneystay nafta iyo maalka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, golaha ayaa ka dhageystay Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha warbixin sanadeedka-2023 guulihii laga gaaray Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka.

Saacadihii u dambeeyay Israel oo Gaza ku dishay 100 ruux

24-kii saac ee la soo dhaafay In ka badan 100 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay Gaza,kadib markii ciidamada Israel ay weerareen dhowr goobood oo kamid ah deegaanada Gaza.

Weerarada Israel ee cisbitaalka al-Shifa ee magaalada Gaza ayaa galay maalintiisii afraad ,iyadoo la dilay tiro badan oo Falastiin ah,isla makaana ay barakeceen  daraasiin kale oo halkaasi u joogay gabaad .

R/Wasaaraha Israel  Netanyahu ayaa u sheegay senetarada Mareykanka ee Jamhuuriga in Israa’iil ay sii wadi doonto dagaalka ay ku jabinayso Xamaas.

Dhinaca kale, Antony Blinken ayaa bilaabay socdaal uu ku marayo Bariga Dhexe isagoo wadahadallo Sacuudi Carabiya kula yeeshay madaxda dalkaasi ,wuxuuna manta tagayaa Masar si uu wadahadal ula yeesho wasiirrada Carabta.

Ugu yaraan 31923 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 74096 kalana waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Safiirka JFS u fadhiya dalka Masar oo daah-furay tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda

-Safiirka JFS ee Masar ahna Wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa shalay Galabta daah-furay tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Masar oo maanta si rasmi ah uga bilaabmay garoonka kubadda cagta ee Wafaa-ul Amal.

Tartanka Koobka Ramadaanka ee Jaaliyadda Masar oo Sanadkaan ay soo qaban qaabisay Safaaradda ayaa waxa ka qeyb galaya 12 kooxood oo ka socda Xaafadaha ay dagan yihiin Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Safiir Ilyaas Sheikh Cumar ayaa ugu horeyn soo dhaweeyey tartanka Koobka kubadda cagta ee ramadaanka, waxana uu bogaadiyey sida habsamida leh ee loo soo agaasimay. Isagoo hoosta ka xarriiqay inay ka Safaarad ahaan soo dhaweynayaan Koobka maanta bilaabmay, islamarkaana ay si kal iyo laab ah ugu hagar baxeen horumarinta ciyaaraha isagoo yiri “Waxaa Sharaf, farxad iyo rayn-rayn ii ah inaan kasoo qaybgalay furitaanka Koobka Ramaadaan ee Jaaliyadda Masar, markasta oo dhallinyaradu ciyaaraysana qalbigaanu kala jirnaa Maadaama Ciyaaruhu ka qeyb qaataan isdhexgalla bulshadda waxaanu jecelnahay inay noqdaan kuwo dhalinyaradda ku kulmaan iskuna bartaan, haynteenna oo yar mooyaane wixii dhallinyarada horumarkooda ah kama hagraneyno.”

Intaa kaddib, Danjire Ilyaas Sheikh Cumar ayaa si rasmi ah u bilaabay kubbaddii ugu horraysay ee Koobka lagu furay, waxaana maanta wada ciyaaray Kooxaha New Stars VS Itixaad iyo SYL VS Bucuus.

 

Tartamayaasha Degmada Aadan-Yabaal oo u gudbay wareegga 2-aad

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Aadan-yabaal,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Ceelbuur ay keensadeen 8 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Aadan-Yabaal iyo Ceelbuur ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Xarardheere iyo Cadaado oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Galgaduud..halka qeybta labaad ay ku tartami doonaan Degmooyinka Heliwaa iyo Jilib oo ka kala tirsan gobollada Banaadir iyo Jubbada Dhexe.