Warbixinta toddobaadlaha ee dowladda federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo wadahadal kula yeeshay Asmara Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, oo ay ka wadahadleen xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga amniga.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ka sii sagootiyay 19 ka mid dhaawacyadii weerarkii argagixiso ee ka dhacay Hotel SYL oo loo qaadey dalka Turkiga.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan lagu dardargelinayo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada la yeeshay Wasiirka Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka.

4- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

5- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha iyo taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo NISA.

6- Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) u qaabilsan Soomaaliya Mr. Charles Mballa, iyagoo ka wadahadley xaaladda qaxootiga iyo barakaceyaasha ku nool dalka.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macallim Fiqi.

9- Taliska Ciidanka Booliska ayaa sheegay in 3 askari ay ku dhinteen, 27 qof oo ay ku jiraan 3 xildhibaan ay ku dhaawacmeen weerar Khawaariju ka geysteen Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho. Booliska ayaa sidoo kale toogtay 5tii dhagarqabe ee Khawaarijta ee weerarka fuliyay.

10- Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire, Souef Mohamed El-Amine.

11- Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

12- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

13- In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka sida iyo saaxiibbada caalamka oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

14- Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka ayaa degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ku dilay 4 horjooge oo Khawaarijta ka mid ahaa.

15- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa sheegay in ciidamada ay guluf xooggan oo kama dambays ah ay ku qaadeen gobollada Shabeellooyinka iyagoo si saf ballaaran ah u wajahaya deegaannada kooban ee ay ku dhuumaalaystaan cadowga Khawaarijta Al Shabab.

16- Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa qaabilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Masar iyo Shirkadda Diyaaradaha ee Egypt Air oo dhowaan duulimaadyo ka bilaabaysa Soomaaliya.

17- Hay’adda SoDMA ayaa markale deegaanka Garasbaaleey, degmooyinka Xamar-jajab iyo Howlwadaag waxa ay gargaar ugu qaybisay 13,900 oo qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo kuwa naafo ah.

18- Ciidanka Xoogga Dalka iyo dadka deegaanka oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka sameeyey degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

19- Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle ayaa dalka Britain kaga qeyb galay shir ku saabsan sidii wadajir looga shaqayn lahaa dhisidda u adkeysiga cimilada ee xaaladaha jilicsan iyo kuwa colaaduhu saameeyeen oo ka dhacay Wilton Park.

20- Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa xarunta Midowga Afrika kaga qayb galay shir diiradda lagu saaray doorashada hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo dhacaysa horaanta sanadka 2025.

21- Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA, ayaa degaanka Jannaale ee Gobolka Shabeellada Hoose u dirtay doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay degaan xeebeedka Jasiira.

==DHAMMAAD==

Golayaasha Baarlamanka oo maanta ka dooday cutubka 4-aad ee Dastuurka oo dib u eegis ku socoto

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyaan ku-xigeennada labada aqal ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 28-aad ee wadajirka ah ee Labada Golle ee Baarlamanka JFS.

Kulanka maanta ayaa looga dooday madaxyada 3aad iyo 4aad oo ka hadlaya maamulka doorashooyinka iyo nidaamka xisbiyadda nooca ay noqon lahaayeen, kuwaas oo ay ku jiraan Cutubka 4-aad ee wax ka bedelka Dastuurka KMG ee Jamahuuriyada Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo kulanka maanta soo xiray ayaa sheegay in maalinta Sabtida laisku yimaado, si loo gabagabeyo dooda Cutubka Afaraad.

 

Soomaaliya oo ka qayb gashay shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub

Addis Ababa- Dowladda Soomaaaliya ayaa si rasmi ah loogu casumay ka qayb galka shirka sanadlaha ah ee Midowga Yurub oo looga hadlo ilaalinta iyo samata-bixinta arrimaha bulshada ee loo yaqaano Social Protection, kaasi oo sanadkan 2024 ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Shirkan oo ay isugu yimaadaan sanad kasta dhamaan waddamada iyo hay’adaha ka shaqeeya arrimaha samata-bixinta bulshada ayaa si gaar ah loogu lafa guray tallaabooyinka wanaagsan ee muddooyinkii danbe loo qaaday dhinaca samata bixinta dalalka soo koroya.

Madaxa barnaamijka BAXNAANO ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS Marwo, Fardawsa Cabdullahi oo si rasmi ah u metelaysa Dawladda Soomaaliya ayaa shirkaas ka qayb gashay, waxayna ka jeedisay khudbad dhaxal-gal ah oo ay kaga hadashay dedaalka ay dowladda Soomaaliya ku bixisay arrimaha samata-bixinta bulshada.

Marwo Fardowsa waxay shirka ka sheegtay in Soomaaliya ay dedaal badan gelisay samata-bixinta dadka tabarta daran iyo dadka ku waxyeelloobay dagaallada, barakaca iyo wixii lamid ah.

Sidoo kale, waxay ugu baaqday dhamaan hay’adaha Midowga Yurub ee ka shaqeeya ilaalinta arrimaha bulshada in ay mar kasta ku hawl-galaaan nidaamka ama qorshaha Qaran ee Dawladda Soomaaliya u dejisay arrimaha samata-bixinta bulshada, si loo daboolo baahiyaha gaarka ah ee ay qabaan dadka tabarta daran ee ku nool gudaha dalka.

Madaxweynaha Midowga Yurub, Von Der Leyen ayaa dhankeeda dowladda Soomaaliya ku bogaadisay dedaalka wanaagsan ee ay ku bixisay arrimaha samata-bixinta bulshada, waxayna hoosta ka xariiqday in ay xoojin doonaan garab istaagga Soomaaliya.

       

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS oo kormeeray degaanno dhowaan laga saaray khawaarijta

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed sarreeye guuto; Dayax Cabdi Cabdulle ayaa kormeeray deegannada laga saaray kooxda khawaarijta ee Janbaluul, Daniga baallow, Baqdaad iyo tuulooyin dhaca gobollada Shabeellada dhexe iyo Shabeellada hoose.

Taliyaha ayaa ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degaannadaas ku boorriyay in ay sii laba jibbaaraan dar-dar gelinta howlgalka ka dhanka ah kooxda khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay madaxa hay’adda UNHCR ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka  Soomaaliya Mudane, Xamsa Cabdi Barre ayaa Xafiiskiisa ku qaabbilay Madaxa Hey’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) Xafiiskeeda Soomaaliya Mr. Charles Mballa.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Hey’adda Qaxootiga UNHCR ee Soomaaliya, ayaa ka wada hadlay xaaladda qaxootiga iyo barakacayaasha ku nool gudaha dalka iyo sidii howlaha gargaarka ee ay ka wadaan Soomaaliya loogu beddeli lahaa mashaariic horumarineed si xal waara loogu helo dhibaatooyinka sababa barakaca.

Mudane Xamsa ayaa dul istaagay muhiimadda ay leedahay in howlaha ay hey’addu ka fuliso dalka lagu saleeyo arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda, isaga oo intaas raaciyey in loo diyaar garoobo saameynta ka dhalan kara roobabka, maadaama uu nagu soo foolleeyahay xilli roobaadkii.

Mr. Charles Mballa ayaa dhankiisa ballan-qaaday in ay si dhow ula shaqeyn doonaan hey’adaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo arrimaha mudnaanta leh ee ay ka wada shaqeynayaan labada dhinac.

Kulanka labada Aqal ee BFS oo goor dhow furmay

Kulanka wada-jirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS oo goor-dhow furmay ayaa maanta lagu wadaa in la soo gabagabeeyo guud ahaan doodda wax ka beddelka afarta cutub ee dib u eegista lagu sameeyay, gaar ahaan cutubka Afaraad madaxyadiisa 3aad iyo 4aad ee wax ka baddalka lagu sameeyay ee Dastuurka KMG ah.

Kulanka wada-jirka ah labada aqal ee Baarlamaanka JFS oo uu guddoominayo guddoomiyaha golaha shacabka, Sheekh Aaden Maxamed Nuur ayaa lagu wadaa in ay dhowaan meel mariyaan mudanayaasha labada aqal si loo gudo galo ka doodista cutubyada kale ee dastuurka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo dhiirraglin ugu tagay Ciidamada ku sugan Daaru-Nimca

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo booqday kummanaan Ciidanka dowladda ah oo ku sugan Daarul-nimca,Ciidanka ku sugan halkaa, ayaa ah guutada 19aad ee Gumac ee illaalo Qaran.

Taliyaha ayaa ku amray ciidan ilaalo Qaran inay ka sifeeyaan,Galvad deegaanadda ku xeeran Khawaarijta ku dhuumaalaysanayso

Taliye Hurdaaye “Amarka Taliyaha ciidanka xoogga na siiyay waa inaan gacanta ku dhigno Galcad iyo deegaano kale oo muhiim ah.”

Taliyaha hurdaaye ” Shacabka ku sugan degaanadaas waa inay naga caawiyaan Xogta khawaarijta kusoo dhuumaalaysanayso,Saan ugu dulqaadno dhibaata cadawga, In badan ayay nagu caawiyeen inaan soo qaqabano khawaarijta”.

Dhallinyaradda ay qaldeen Cadowgaas khawaarijta ah waxaan ugu baaqayaa inay isi soo dhibaan,Oo aan nahay dadkii soo dhaweyn lahaa,Gacan ammaan ah way galayaan haddii alle khawaarijta kasoo saaro.

Ciidanada Soomaaliyeed, ayaa ku howlan siddii ay haraadiga Khawaarijta Al-shabaab ugu sifeen lahaayeen,Meelaha ay ku jiraan oo ay ku dhibaateeyaan Shacab masaakiinta ah.

Tartamayaasha Degmada Caabudwaaq oo u gudbay wareegga 2-aad

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 12- dhibcood oo ay guushii ku raacday Degmada Caabudwaaq,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Hodan ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmo ee Caabudwaaq iyo Hodan  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka  Aadan yabaal iyo Ceelbuur oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dhexe iyo Gaalgaduud..

Soomaaliya iyo Sweden oo iska kaashanaya hannaanka hantidhowrka Qaran ee labada dal

Hantidhowraha Guud ee JFS Abukaate; Axmed Ciise Guutaale ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay Khuburo iyo madax ka socota Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden oo kamid ah bahwadaagta muhiimka u ah XHGS.

Kulanka oo ujeedadiisu ahayd in la sii dardargeliyo wada shaqaynta ka dhaxaysa labada Xafiis ee taabo-gelinta iyo isdhaafsiga Waaya-aragnimada iyo xirfadda gaarka ah ee Baarista Waxqabadka (Performance Audit).

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay hannaanka iskaashi ee u dhexeeya XHGS iyo Xafiiska Hantidhowrka Qaranka ee Sweden.

Taliska Ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar oo ka digay ka ganacsiga maandooriyaha

Taliyaha howlgelinta Ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Sharma’arke Caddow Tuur-Yare ayaa sheegay in dowladda hoose ay ka go’an tahay la dagaallanka maandooriyaha.

Taliyaha oo saxaafadda kula hadlayay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalmahan ay laba laabeen howlgallo ka dhan ah anshax xumada iyo maandooriyaha, wuxuuna xusay in ay albaabbada u laabeen goobo lagu iibiyo waxyaabaha maandooriyaha ah soona qabteen dadkii ku lug lahaa.

Taliyaha howlgelinta Ciidanka ilaalinta deegaanka Xamar Sharmaarke Caddow Tuur-Yare ayaa bulshada ku dhaqan Caasimadda ugu baaqay in ay la shaqeeyaan laamaha ammaanka gaar ahaan ciidanka ilaalada deegaanka, wixii hadda ka dambeeyana Muqdisho ay mabnuuc ka tahay in lagu gado qaybaha kala duwan ee maandooriyaha.

Taliye Sharma’arke ayaa ugu dambayn waaliddiinta ugu baaqay in ay la socdaan ilmahooda maaddaama dadka isticmaala maandooriyaha ay u badan yihiin dhallinyaro aad u da’yar oo laga yaabo in la qalday.