Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka oo la kulmay Haweenka bulshada rayidka Soomaaliyeed

Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xalay kulan is xog-waraysi ah la qaatay Haweenka bulshada rayidka Soomaaliyeed.

Xubnaha Guddiyada Haweenka labada aqal ee Baarlamaanka JFS oo kulanka loogu yeeray, ayaa dhagaystay dareenka iyo talooyinka Haweenka bulshada rayidka Soomaaliyeed ee ku aaddan dib u eegista dastuurka KMG ah iyo ka miro-dhalinta qoondada Haweenka ee  boqolkiiba soddon.

Taliyaha cusub ee guutada Abuu Dujaana oo xilka la wareegay

Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka Jeneral Cabdullaahi Aaden (Cirro) ayaa xilka u kala wareejiyey taliyihii hore ee ciidamada guutada 27-aad ee Abuu Dujaana Gaashaanle Nuurdiin Xuseen Macalin iyo Taliyaha cusub ee guutada 27-aad ee Abuu Dujaana Gaashaanle Maxamed Nuur Maxamed Cabdi oo dhawaan uu taliska xoogga dalku u soo magacaabay guutadaan.

Xil wareejinta oo ay soo abaabuleen guddiga xil wareejinta oo uu hogaaminayay G/sare Yoonis Maxamed Cali oo ahaa guddoomiyaha gudiga xil wareejinta guutada Abuu Dujaana ee ciidanka xoogga dalka ayaa taiye xigeenka la wadaagay shaqadii ay soo qabteen iyo tiro koobka, ciiddanka guutada, hubka iyo Gaadiidka, taas oo lagu soo aruurshay galka xil wareejinta.

Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka jen Cabdullaahi Aden Xuseen Cirro oo xil wareejinta ka dib la dardaarmay Taliyaha Cusub ee Saraakiisha la shaqeynaysa ayaa sheegay in looga fadhiyo xoojinta Dagaalka lagula jiro kooxda Khawaarijta oo ay door weyn ku leeyihiin cuidamada guutada 27-aad ee Abuu Dujaana.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo shir guddoomiyey kulanka guud ee labada aqal

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee wadajirka ah ee labada aqal, waxaana ku weheliyay ku-xigeennada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo weli ku guda jira ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa maanta u gudbay ka doodista Madaxa Seddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo Madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka dorashooyinka dalka.

Gudoomiye Sheekh Aadan oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in kulanka beri ay Xildhibaannada soo xaadiraan si loo dhameystiro cutubka 4aad ee wax ka bedelka Dastuurka KMG

Baarlamaanka labada Aqal oo ka doodaya cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe oo wehliyaan ku-xigeennada labada aqal ayaa shir guddoomiyay kulanka 27-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Somaaliya oo weli ku guda jira ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah, ayaa maanta u gudbay ka doodista qodobbo ka mid dastuurka.

Madaxa Saddexaad oo ka hadlaya xisbiyada siyasadeed iyo madaxa 4-aad oo ku saabsan maamulka Dorashooyinka dalka.

Doodda maanta oo ay isku diiwaan geliyeen soddon iyo saddex Mudane oo isugu jira Sanatarro iyo Xildhibaanno, ayaa lagu wadaa in la soo geba gebeeyo maalinta berri ah.

Wasiirka Cadaaladda XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika

Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane, Xasan Macallin Maxamuud iyo Kuxigeenkiisa Mudane, Axmed Cabdiraxmaan Xasan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabbilay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ahna Madaxa ATMIS, Danjire, Souef Mohamed El-Amine iyo wafdi uu hoggaaminayay.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay horumarinta nidaamka caddaaladda iyo xoojinta sarreynta sharciga, horumarka laga gaaray dib u-eegista iyo dhameystirka dastuurka iyo arrimo kale.

Wasiir Xasan ayaa ugu dambeyn uga mahad celiyay garab istaagga ATMIS ee la xariira Horumarinta nabadda iyo xasilloonida dalka.

Ciidanka Xoogga oo in ka badan 30 khawaarij ah ku dilay shabeellada hoose

-In ka badan 30 Khawaarij ah ayaa lagu dilay howlgal ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka sida  iyo saaxiibbada caalamka, kaasi oo ka dhacay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose.

Howlgalkan ayaa dhacay ka dib markii ciidanka dowladda ay heleen xogta malleeshiyaad Khawaarij ah oo isku aruursanayay deegaannadaasi, kuwaas oo waday abaabul ay ku dhagrayaan shacabka Soomaaliyeed.

Howlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-Khawaarij ah, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad.

Sidoo kale, dhagar qabayaal kale oo ku dhaawacmay howlgalladan ayay Khawaarijtu geeyeen deegaannada Farsoolay iyo Buulo Fullaay.

Dhanka kale, Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaalla dhanka xeebta Muqdisho illaa iyo magaalada Marka iyo tuulooyin kale oo ka tirsan Shabeellada hoose oo si dhuumaalaysi ah ay Khawaarijtu isku dayayeen inay u kusoo galaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu mahad celisay shacabka geesiyaasha ah ee go’aansaday in ay cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Khawaarijta ah iska dul qaadaan oo ay garab istaagaan Ciidanka Qalabka sida.

Taliyaha CXD oo faahfaahin ka bixiyay howlgallo culus oo ka socda gobollada dalka

Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal ; Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo culus oo gobollada dalka ka bilowday.

Wuxuu sheegay taliyuhu in ciidamada ay guluf xooggan oo kama dambays ah ay ku qaadeen gobollada Shabeellooyinka iyagoo si saf ballaaran ah u wajahaya deegaannada kooban ee ay ku dhuumaalaystaan cadowga.

Taliyaha oo la dardaarmayay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo qayb ka ah howlgalka Shabeellooyinka ayaa sheegay in cadowgu uu ku sugan yahay xilli gabogabo, wuxuuna ugu baaqay in ay haraadigooda xididdada u siibaan.

Tartamayaasha Degmada Laascaanood oo u gudbay wareegga 2-aad

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 10- dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Laascaanoon,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Shingaani ay keensadeen 8 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmoo ee Laascaanood iyo Shangaani ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Caabudwaaq iyo Hodan oo ka kala tirsan Gobollada Gaalgaduud iyo Banaadir.

 

Hay’adda SoDMA oo gargaar ka qaybisay qeybo ka mid gobolka Banaadir

Hay’adda SoDMA ayaa markale deegaanka Garasbaaleey degmooyinka Xamar-jajab iyo Howlwadaag waxa ay gargaar ugu qaybisay 13,900 oo qoys oo iskugu jira danyar, barakacyaal iyo kuwa naafo ah.

Deegaanka Garasbaaleey waxaa gargaar loogu qaybiyay 12,000 oo qoys halka degmooyinka Xamar-jajab iyo howlwadaag gargaar loogu qaybiyey 1,900 oo qoys.

Qoysaska gargarka afurinta ah ka faa’iideeystay ayaa u mahadnaqay hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA oo u taagan caawinta iyo u gargaaridda bulshada Soomaaliyed.

Ciidanka dowladda oo howlgallo la dhanka Khawaarijta ka sameeyey gobolka Mudug

Ciidanka dib u xoreynta deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ayaa saakay qaaday howlgallo ay dhowr deegaan uga sifeeyeen maleeshiyaadka Argagixisada ah, si Bulshada looga dulqaado dhagartooda.

Deegaanka Galcad-jiimo iyo deegaano kale oo hoostaga Degamada Xarardheere ee Gobalka Mudug ayey Ciidanku Kala wareegeen khawaarijta, Kuwaasi oo nabadiidka u ahaa goobo ay si dhuumaaleysi ah ku tagaan kadibna dadka shacabka ah ku dhibaateeyaan.

Cabduqaadir Kadiido oo ka tirsan Saraakiisha hogaamineysay Ciidanka deegaanka ee maleeshiyada ka sifeeyay deegaanadaasi, ayaa tilmaamay in howlgalada Ciidanka ee ka dhanka ah Nabadiidka ay sii wadi doonaan inta laga ciribtirayo cadowga caadeystay daadinta dhiiga dadka Muslimiinta ah.

Waxaa uu tilmaamay howlgalada ka socda aaga degamada Xarardheere khawaarijta lagu gaarsiiyay jab xoogga horjoogayaal iyo maleeshiyaad kalena lagu dilay.