Shirkada diyaaradaha ee Egypt Air oo Duulimaadyo ka bilaabaysa Soomaaliya

Maareeyaha guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta qaabbilay wafdi ka socda Hay’adda Duulista Rayidka Dalka Masar iyo shirkadda diyaaradaha ee Egypt Air.

Socdaalka wafdiga iyo ujeeddada kullamadan ayaa bilow u ah qorshaha lagu diyaarinayo duulimaadyo ay ka bilowdo garoonka diyaaradaha caalamiga ah Aadan Cabdulle ee caasimadda Muqdisho, shirkadda duulimaadyada Egypt Air.

“ Waxaan isla bilownay qiimeynta la xiriirta surtagalnimada ay duulimaad toos ah uga billaabayso Muqdisho , shirkadda diyaaradaha Egypt Air, kaaso noqonaya Muqdisho iyo Qaahira ,” ayuu yiri Maareeyaha guud, Axmed Macallin.

Wafdiga ayaa sidoo kale kormeer ku tagay xafiisyada xarunta dhexe ee hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) iyo garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle.

Egypt Air, ayaa ku biiraysa shirkadda duulimaadyada Saudi Airlines, oo sidan oo kale wafdi usoo dirtay Muqdisho toddobaadyo ka hor si ay qiimeyn u sameeyaan, labadan duulimaad ayaa la filaya in la billaabo ka hor dhammaadka sannadkan, waxayna noqonayaan duulimaadyadii sagaalaad oo caalami ah oo ka soo degga Muqdisho, waxaa horey si joogta ah uga soo deggayay Muqdisho shirkadaha diyaaradaha caalamiga ah ee kala ah ; Turkish Airlines , Qatar Airways, Ethiopian Airlines, Flydubai ,Air Djibouti, Uganda Airlines iyo Kenya Airways.

“ Hadda waxaa socda qorshihii aan ugu gudbi lahayn duulimaadyada bariga dhexe , waxaana dalka uu martigelin doona shirkadaha diyaaradaha Yurub oo daneynaya inay duulimaadyo ka billaabaan garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle .” ayuu ku daray Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Mudane Axmed Macallin Xasan oo ka hadlay qorshaha xiga ee horumarinta duulimaadyada caalamiga ah si loogu fududeeyo muwaadiniinta duulimaadyada caalamiga ah oo sidoo kale gacan ka gaysana qorshaha horumarinta dhaqaale iyo sumcada qarankeenna.

  

Golaha Baarlamaanka oo ka dooday cutubka-4aad ee dastuurka

Guddoonka Baarlamaanka ayaa shir guddoomiyay kulanka 26-aad ee wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka JFS.

Ajandaha kulanka maanta wuxuu ahaa dhammaystirka ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka Dalka.

Ka doodista cutubka afaraad madaxyadiisa koowaad iyo labaad oo maanta la soo geba gebeeyay ayaa waxaa aragtidooda ka dhiibtay maalmaha ay dooddiisu socotay in ka badan boqol Mudane oo isugu jira Sanatarro iyo Xildhibaanno ka tirsan Baaarlamaanka JFS, kuwaas oo soo bandhigay aragtiyadooda ku aaddan qoddobada laga doodayay, iyadoo lagu ballamay in laguda galo maalinta Talaadada ah doodda madaxyada saddexaad iyo afaraad ee gunaanadka u ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah.

  

Madaxweynaha JFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Eriteriya

Asmara:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay fiidkii Aqalka Madaxtooyada magaalada Asmara kulan kula qaatay dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka Eriteriya Isaias Afwerki ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal iyo sidoo kale Arrimaha gobolka ka jira iyo guud ahaan caalamka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warbixiyey dhiggiisa dalka Eriteriya Mudane Isaias Afwerki dadaallada dowladda Soomaaliya ugu jirto la dagaalanka kooxaha Khawaarijta.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa Eriteriya Isaias Afwerki ayaa socod ku soo maray goobaha dadweynaha ku caweeyaan ee magaalada Asmara ee xarunta Dalka Eriteriya.

8

Wafdi ka socda DFS oo ka qeyb galaya shirka Isbaheysiga Ciidanka Dalalka Islaamka

Wafdi ka socda dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Sareeye Guud Cabdiraxmaan Tuuryare ayaa gaaray magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga si ay uga qeyb galaan shirka Isbaheysiga Ciidanka Wadamada Islaamka ee la dagaalanka argagaxisadda.

Shirka ayaa diirada lagu saari doona hindasiyaasha la dagaalanka argagaxisadda.

Isbaheysigan oo la yagleelay 2015 ayaa waxaa uu ka kooban yahay 42 dal waxaana Soomaaliya ay ka mid tahay aasaasa yaasha.

Ra’iisul wasaare Xamse oo guddoomiyay kulan looga hadlayey amniga dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey amniga guud ee dalka, ciribtirka Khawaarijta iyo sidii loo sii adkeyn lahaa ammaanka caasimadda.

Kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Gaashaandhigga, Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha, Talisyada Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska iyo Nabad Sugidda, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga, gaar ahaan xilligaan lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan oo kooxaha Khawaarijtu ay caadeysteen in ay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in hey’adaha amnigu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah, si Khawaarijtu aanay fursad ugu helin dhibaateynta dadka Soomaaliyeed ee cibaadada Alle ku jira.

Waxa uu hoosta ka xariiqay Ra’iisul Wasaare Xamsa sida ay mudnaanta koowaad ugu leedahay Xukuumaddiisa ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee baneystay nafta iyo maalka bulshada Soomaaliyeed.

    

Madaxweyne Xasan Sheekh oo goordhaw gaaray dalka Ereteriya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhaw  safar shaqo ugu ku gaaray dalka Ereteriya oo ay tababar ku qaadanayaan qaar ka mid ah ciidamada qalabka sida.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Eriteriya ay booqasho labo maalin ah uga bilaabatay ayaa kula kulmi doono dhiggiisa dalkaas Isaias Afwerki, kaas oo ay ka wada hadli doonaan iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Ereteriya.

   

Madaxweynaha JFS oo Sagootiyey dhaawacyadii Hotel SYL oo loo qaaday Dalka Turkiye

Madaxweynaha JFS Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiirro, Xildhibaanno iyo mas’uuliyiin kale ayaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ka sagootiiyay 19 ka mid ah dadkii ku dhaawacmay weerarkii kooxda Khawaarjta ka geysatay Hotel SYL ee magaalada Muqidisho.

Wasiirka Caafimaadka XFS Dr Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in dhaawacyadan loo qaaday dalka Turkiga halkaasna daaweyn iyo daryeel caafimaad loogu sameyn doono.

Israel oo dishay 12 ruux iyo Woqooyiga Gaza oo la geeyay gargaar

Ciidamada Israel ayaa woqooyiga Gaza ku dilay 12 ruux oo gargaar doon ah,xilli gawaari kolonyo ah oo sidday shixnad mucaawino ah la gaarsiiyay bartamaha.

Weerarkan lagu laayay dadkaasi rayidka ah,gaar ahaan haween iyo carruur sugaayey sahay gargaar ayaa ka dhacay deegaanka Deir el-Balah oo ku yaalla bartamaha Qaza.

Sida laga soo xigtay muuqaallo iyo goob-joogayaal ayaa tilmaamaya in ay jiraan tiro badan oo dhaawac ah oo ay geysteen ciidamada Israel,kadib kolkii ay weeraro ku qaadeen Deir el-Balah.

Saddex iyo toban baabuur oo ah kuwa xamuulka qaada ayaa si nabad ah ku gaaray Jabalia iyo magaalada Gaza, kuwaas oo calaamad u ah kolanyadii ugu horreeyay ee ka socdaalay koonfurta una gudbay waqooyiga Marinka Qasa iyada oo aan wax shil ah dhicin kadib afar bilood.

Dhinaca kale, wadahadallada xabbad-joojinta ayaa suurtagal ah in manta ay dib uga bilowdaan Dalka Qatar, iyadoo wafdi Israa’iili ah oo uu hoggaaminayo madaxa sirdoonka Mossad la filayo inay Hamas kala hadlaan qorshe saddex marxaladood ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Ugu yaraan 31,553 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 73,546 waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israel ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Tirada dhimashada Israa’iil ee weerarkii Xamaas ee Oktoobar 7 ayaa mareysa 1,139 iyada oo ay jiraan tiro badan oo  maxaabiis ah oo la heysto.

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir oo la hor keenay Saraakiil loo haysto musuq maasuq

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta u fariisatay Dacwad loo haysto saraakiil loo haysto Eedaymo Musuq maasuq, Saraakiishan ayaa hore Maxkamadda Gobolka Banaadir uga soo saartay xukun ah in lagu waayay eedaymihii loo soo jeediyey xoriyadoodana dib ugu celisay balse Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee qaranka ayaa ka qaatay Racfaan.

Eedaysanayaashan ayaa ka tirsanaa wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshadda iyadoo laba ka mid ahi u kala dambeeyaan xilka Agaasimihii guud ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha Bulshada,halka Sarkaalka saddexaad yahay sarkaal ka tirsan shaqaalaha wasaaradda.

Dowladda ayaa dagaal adag ku qaaday la dagaalanka musuq maasuqa iyo dabar goyntiisa iyadoo muddooyinkii u dambeeyey ay si daahfuran uga socdeen Maxkamaddaha dalka Saraakiil loo haysto Musuq Maasuq.

Bardaale oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartanka Warbaahinta Qaranka

Tartankaan bisha Ramadaan ee ay qabatay Warbaahinta Qaranka ayaa xalay ku soo idlaaday 14- dhibcood oo ay guushii ku raacday Degmada Bardaale,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Dharkeynleey ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartameyaasha labada degmo ee Bardaale iyo Dharkeynleey ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Tartanka caawa waxaa ku baratami doona degmooyinka Buur-hakaba iyo Kaaraan oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.