Guddoomiyaha maxkamadda sare oo tababar u soo xiray garsooreyaal iyo xeer illaaliyaal cusub

Guddoomiye Maxkamadda Sare ee JFS Mudane Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta tobabar socday muddo saddex toddobaad ah u soo xiray 50 garsooreyaal iyo xeer Ilaaliyeyaal cusub ah oo dhawaan ku soo baxay imtixaan daahfuran oo laga qaaday sanadkii hore dhammaadkiisa.

Tobabarkan oo ujeedkiisu ahaa kor u qaadista aqoonta iyo fahamka wacyiga la xiriira shaqada baaxadda leh ee loo igmaday, ayaa lagu tababaray hababka kala duwan ee dacwad qaadista iyo xeerarka kale ee dalka.

Guddoomiye Baashe Y. Axmed oo halkaas ka hadlay ayaa wuxu boggaadiyey sida qiimaha badan ee garsooreyaasha iyo xeer Ilaaliyeyaashu ba ay u dhammaysteen tababarkii u socday muddada saddexda toddobaad ah, isaga oo kula dardaarmay inay hawlaha shaqo u gutaan si hufnaani ku jirto, Alle ka cabsi iyo inay u cadaalad sameeyaan dadka ay u adeegayaan maadaama shaqadan ay ku heleen hanaan cadaaladdeed oo daahfuray.

      

Ra”iisul wasaaraha XFS oo kormeer ku tegay Talisyada Ciidamada NISA iyo Booliiska

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagey Taliska Ciidanka Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, halkaas oo uu warbixinno ku saabsan amniga dalka kaga dhageystay Ku-simaha Wasiirka Amniga Gudaha. Taliyeyaasha ciidanka Booliska iyo NISA.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray hey’adaha amniga in ay dardargeliyaan xaqiijinta ammaanka dalka, kana feejignaadaan dhagarta uu cadowgu ku khal-khal gelinayo ammaanka, isla markaana ay ku doonayaan in ay kaga hor istaagaan dadka Soomaaliyeed gudashada waajibaad Alle.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in Xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay ciribtirka kooxaha Khawaarijta ah ee banneystay daadinta dhiigga bulshada Soomaaliyeed, isaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in shacabka iyo ciidanku ay yeeshaan iskaashi dhow, si loo fashiliyo shirqoolka cadowga.

   

Dowladda Soomaaliya oo ka Qayb Gashay Kulan Looga Hadlay Doorashada Midowga Africa ee 2025

Addis ababa:-Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa  ayaa xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa kaga qayb galay kulankii 22-aad ee Golaha Fulinta Ururka Midowga Afrika, waxaana shirkan diiradda lagu saaray doorashada soo wajahan ee hoggaanka sare ee Midowga Afrika oo lagu wado inay dhacdo bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Muritania ahna guddoomiyaha Guddiga Fulinta Midowga Africa Dr Mohamed Salem Ould ayaa shirkan kusoo bandhigay warbixin dhameystiran oo guddigu soo saaray, taasoo looga hadlay diyaargarowga loogu jiro doorashadan muhiimka ah ee hogaanka sare ee Midowga Afrika.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo goor horeba si rasmi ah u shaacisay inay u sharaxan tahay hogaaminta Midowga Afrika ee sanadaha 2025 ilaa 2029 ayaa dhankeeda abaabul xoogan iyo diyaar garow ugu jirta doorashada Midowga Afrika oo dhici doonta bisha Febraayo ee sanadka 2025.

Danjire Warfaa, ayaa shirkan ka jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysa, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuux saday in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay rajo weyn ka qabto hanashada hogaaminta Midowga Afrika, isla markaana qorshayaasheeda wax qabad uu kamid yahay in la dar-dar geliyo hawlaha loo igmaday Ururka Midowga Afrika iyo sidoo kale xal u helidda xasaradaha ka taagan qaar kamid ah wadamada Africa.

Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay soo dhoweynayso warbixinta diyaar garowga doorashada ee guddigu soo bandhigay, isagoo tilmaamay muhiimada ay leedahay in haweenka Afrika fursad loo siiyo inay kamid noqdaan hogaamiyayaasha Ururka Midowga Afrika iyo ka qayb galka doorashada soo aadan.

Mudo xileedka hoggaanka sare ee Midowga Afrika ayaa ah afar sano, waxaana la rajaynayaa in doorashada soo wajahan ee Guddiga Golaha Midowga Afrika ay dhex mari doonto Dawladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ay u kala sharaxan yihiin Fowziya Yuusuf Xaaji Aadan iyo Raila Odinga.

 

Tartamayaasha Degmada Kismaayo oo u gudbay wareegga 2-aad

Tartamayaasha labada degmoo ee Kismaayo iyo Warsheekh ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii uu socday tartankaasi.

 Tartankaan ayaa ku soo idlaaday 12 dhibcood.oo ay guushii ku raacday Degmada Kismaayo,halka kooxdii ku tartameysay magaca Degmada Warshiikh ay keensadeen 10 dhibcood.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka tartanka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

 Caawa kulanka ama tartanka 7-aad waxaa ku baratami doona degmooyinka Bardaale iyo Dharkeynley oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir.

Howlgal qorshaysan oo lagu qaarajiyay maleeshiyaad ka tirsanaa Khawaarijta

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya gaar ahaan guutada 8-aad qeybta 60-aad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Haween oo hoostaga gobolka Baay.

Howlgalkaan ayaa lala beegsaday koox  maleeshiyaad ah oo ka tirsanaa Khawaarijta argagixisada ah ee Al-shabaab oo ku dhuumaaleysanayay deegaanka Haween iyadoo ay ka war heel ciidanka xoogga dalka.

Intii uu socday howlgalka ayaa lagu dilay inka ka badan ilaa 7-maleeshiyaad ah waxaana sidoo kale halkaasii lagu gubay ilaa 5- ka mid ah gaadiid ay isticmaalayeen oo nuucoodu ahaa mootoyinka loo yaqaan Feekonka oo ay wateen.

Madaxweynaha JFS oo booqday dhaawacyada ku waxyeeloobay weerarkii khawaarijta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta booqday Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo lagu dabiibayo qaar ka mid ah dhaawacyada, mas’uuliyiin iyo muwaadiniin Soomaaliyeed ee ku wax yeeloobay weerarkii argagixisada Khawaarijta ee ka dhacay hotelka SYL. Madaxweynaha oo mid mid u dul istaagay dhaawacyadan ayaa Alle u weydiiyay caafimaad degdeg ah

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn kormeer ku tagay xarunta hay’adda Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-Sugidda Qaranka NISA, halkaasi oo uu ku dhageystay warbixino horudhac ah oo ku saabsan weerarkii argagixiso ee hotel SYL.

Guddoomiyaha golaha shacabka Oo booqday dadkii ku dhaawacmay weerarkii Hotelka SYL

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa booqday Isbitaalka Erdogan oo ay ku jiraan dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay qaraxii bahalnimada ahaa ee kooxda Khawaariijta ah ay ku soo qaadeen Hotel SYL ee magalada Muqdisho.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa mid mid u dul istaagay dhaawacyadda isagoona Allah uga baryay inuu caafimaad deg deg ah siiyo, Guddoomiyaha ayaa xusay dhaawacyada aadka u daran in loo qaadi doono dalka dibadiisa si halkaasi loogu soo dabiibo.

          

Ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka Xaradheere oo dilay 4 horjooge oo khawaarij ah

Ciidamada qaranka  iyo kuwa macawisleeyda ee deegaanka Xaradheere ayaa Xalay Howlgal Qorshaysan ka fuliyay Deegaan u dhow tuulada Dumaaye oo ka tirsan gobolka Mudug.

Howlgalkaasi ayaa lagu Qaarijiyay Horjoogayaal uu ka mid ahaa Liibaan dheere,kaas oo Degmada Xaradheere u qaabilsanaa maamulka tuulooyinka hoostaga.

Wasiirkii hore ee Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Galmudug Xusein Cabdi Xasan oo ka mida hogaamiyaasha Macawisleyda degmada Xarardheere ayaa xaqiijiyay in howlgalkaan lagu Qaarijiyay illaa Afar horjooge iyo maleeshiyaad kale oo la socday,isagoo intaa raaciyay in qasare la gaarsiiyay laba gaari oo ay wateen kooxdaasi  khawaarijta ah.

Madaxweynaha JFS oo sheegay in dowladda ay ka go’antahay ciribtirka argagixisada xilli uu maanta kulan la yeeshay laamaha amniga dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Taliyaha guud ee Ciidamada Qalabka Sida Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan ku saabsan dardargelinta howlgallada xoreynta dalka waxa uu kula qaatay xarunta Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Saraakiisha hoggaaminaya howlgallada,Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida iyo Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda JFS.

Madaxweynaha ayaa bogaadiyey naf-hurnimada geesiyaasha Soomaaliyeed ee u istaagay xoreyta deegaannada ay argagixisadu kaga harsan yihiin dalka, waxa uuna xusay in si adag la isugula xisaabtamayo arrimaha la xiriira dagaalkan, maadaama uu aasaas u yahay jiritaanka dowladnimada Soomaaliya.

“Mar walba cadowga waa la jabiyaa. Markaan waxaan rabnaa in aysan dib u soo laaban khawaarijta deegaannnada lagu jabiyo, waxaan dooneynaa in cadowga goobaha laga saaro la hubiyo si aysan dib ugu soo noqon”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay ciribtirka argagixisada, dadaalladdii looga miro dhalin lahaana ay bud dhig u yihiin hoggaan wanaagga Saraakiisha hurmuudka u ah howlgallada, waxa uuna sheegay in iskaashiga iyo la shaqeynta shacabka ay door weyn ka qaadaneyso dagaalka dalka lagu xoreynayo iyo sugida amniga caasimada iyo deegaanada ku hareeraysan.

Golaha Wasiirrada XFS oo ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa, oo shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ansixiyay magacaabista Golaha Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed oo ka kooban sagaal xubnood.

Xubanaha guddiga oo ay golaha u soo jeedisay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, ayaa kala ah;

1. C/raxmaan Maxamed Aadan (Koronto)
2. ⁠Maxamed Shiil Xasan Shiil
3. Muna Cumar Xasan
4. ⁠Yuusuf Xasan Mursal.
5. Axmed Maxamed Cabdi⁠
6. Maxamed Cabdullaahi Kooshin⁠
7. Hinda Daahir Jaamac
8. ⁠Cabdulqaadir Cusmaan Cabdisalaan
9. ⁠Fatuma Yuusuf Saciid

Golaha ayaa sidoo kale ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xogta Rasmiga ah iyo Heshiis u dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta oo ku saabsan ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo ka hortagga la-baxsashada canshuuraha.

Golaha ayaa joojiyey shirarka khuseeya Hey’adaha Dowladda ee lagu qabto meel ka baxsan dalka, maadaama uu dalkeenu soo kabtay amni ahaan iyo horumar ahaanba, isla markaana aysan jirin baahi keenaysa in dalal shisheeye lagu qabto shirarka looga hadlaayo Soomaaliya, kadib soo jeedinta Wasaaradda Qorsheynta iyo Maalgashiga Caalamiga ah.