Maxkamadda Racfaanka oo soo saartay xukunno kala duwan oo ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha dowladda

Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta xukunno kala duwan ka soo saartay laba Dacwadood oo ka dhan ah mas’uuliyiin ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda, Bangiga Dhaxe, iyo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Maxkamadda oo dacwada 1-aad ka yeelatay 8-fadhi ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqday xukunka oo noqday sida tan:

Makamadda ayaa ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah Cumar Macallin Nuur & Cabdullaahi Maxmuud Cusuble Hal Sano oo Xarrig ah, waxaana Saabir Xasan Cabdinuur lagu riday xukun ah Labo Sano & 6 Bilood oo Xarrig ah, halka Aadan Maxamed Cabdi lagu waayay dhamaan eedeymihii loo jeediyay.

Dhanka kale, Maxkamadda ayaa Dacwada 2-aad oo ay ka yeelatay 7-fadhi xukun ku soo oogtay 3 eedeysane oo lagu tuhmay lacag dhaqis & maalgelinta agagaxisada, kuwaas oo kala ah Abuukar Maxamed Cali oo lagu xukumay 6-Sano oo Xarrig ah, Maxamed Aadan Cabdullahi oo Xarrig Hal Sano ah lagu xukumay, iyo Cabdiqaadir Cabdi Socdaal oo lagu waayay dhamaan eedeymaha loo jeediyay.

Wasiirka Maaliyadda XFS oo saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan

Paris:- Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa saxiixay heshiis Soomaaliya looga cafinayo deyn dhan 1.2 Bilyan oo ay lahaayeen dalalka ku bahoobay naadiga Paris Club.

Wasiirka iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta Magaaladda Paris ee dalka Faransiiska, ku soo gebagebay wada-xaajood wakhti dheer qaatay oo ay la yeesheen waddamada ku middoobay Naadiga Paris ( Paris club).

Wasiirka oo guushan ka hadlay ayaa yiri, “Iyada oo laga duulayo isafgaradka laga gaadhay wada xaajoodka ayaa waxa aanu toban ka waddan ee ku bahoobay Naadiga Paris kala saxeexanay heshiis lagu dhaafayo dentii ay Soomaaliya ku lahaayeen. “

Talaabadani ayaa ka dhigan in Paris Club ay dhaafeen xaddi dayneed oo ka badan Inta uu ku waajibiyay hannaanka dayn cafiska (beyond HIPC debt relief) ee loo yaqaan HIPC, waxaana xigi doona heshiisyo gaar gaar ah oo ay Dowladda Soomaaliya la geli doonta wadamada Naadiga.

   

Tartamayaasha Degmada Kaxda oo u gudbay wareegga 2-aad

Tartamayaasha Degmada Kaxda ayaa xalay  u gudubtay wareegga 2aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka,kadib markii ay 10-dhibcood  kaga guuleysteen koox ku tartameysay magaca Degmada Daayniile.

Tartameyaasha labada degmo ee Kaxda iyo Daaymiile ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag mudadii inta uu socday tartankaasi.

Tartankaan ayaa ku soo idlaaday 10-08 oo ay guushii ku raaxday Degmada Kaxda,iyadoo mudada uu socdo tartanka cilmiyeedka bisha Ramadaan ay si wadajir ah xil isaga saareen Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Caawa tartanka 5-aad  waxaa ku baratami doona degmooyinka Gaalkacyo  iyo Dhoobley  oo ka kala tirsan Gobollada Mudug iyo Jubbada Hoose, halka kulanka labaad ay ku tartami doonaan Buuhoodle iyo Xamar weyne oo ka kala tirsan Gobollada Togdheer iyo Banaadir.

Taliyaha CXD oo Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal

Jowhar:- Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa shalay Midowga Yurub kala wareegay gaadiid dagaal oo loogu tala galay Guutada 14 October ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

S/gaas ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa mid mid u kormeeray gadiidkaan Gaashaman, waxaana goobjoog ka ahaa Taliyaha Guutada 14 October ee CXDS G/Dhaxe Nuur Maxamed Gaabow (Nuur farey).

Guutada October ayaa ka mid ah geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ee howlgalka adag oo ka dhanka ah argagixisada ka wada Gobalka Sh/Hoose.

 

   

Bukaankii ugu horeeyay oo qaliinka wadnaha dalka gudihiisa loogu sameeyay

Cisbitaalka tababarada iyo cilmi-baarista Recep Tayyip Erdogan (Ex-Digfeer) ee magaalada Muqdisho ayaa markii ugu horeysay gudaha dalka ka fuliyay qaliin lagu guuleystay oo dhanka wadnaha furan ah, kaas oo loo sameeyay bukaan lagu magacaabo Cabdullaahi Maxamed jaamac oo 74-sanno jir ah.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac ayaa sida ay dhaqaatiirtu sheegeen waxaa loo xiriiriyay saddex xidid wadnaha oo xirnaa,taas oo uu Alle mahadii uu ku caafimaaday, isagoo haatan lagula tacaalayo gudaha cisbitaalka.

” Nabadaa dareemayaa,” ayuu yiri Cabdullaahi oo ka jawaabayay su’aal uu weydiiyay dhaqtarkii la tacaalayay oo Turkish ah.

” Sida caadiga ah, waxaan kugu nimid waxay tahay xaaladdaada in aan fiirino, mar walba waa lagu socodsiin doonaa, haddii aad socotid oo socodkaada uu hagaag noqdo qeybta bukaan jiifka lagu geyn doonaa,” ayuu yiri mid ka mid ah dhaqaatiirta la tacaaleysay Bukaan Cabdullaahi oo maray qaliin dhanka wadnaha ah.

Cabdullaahi Maxamed Jaamac oo 70-sanno ah, ayaa sheegay inuu aad u xannuusanayay,islamarkaana uu jeclaa inuu aado dalka Malaysia, balse daruufta u saamixi weysay.

” Aniga aad ayaa la ii hayay kow dheh, waxaan jeclaa inaan Malaysia aado dantaa ii diiday, wax la’aanaa ii diiday, hadda Ilaahey wuxuu igu caafiyay meeshan,”.

Dadaal dheeraad ah oo ay sameeyeen agaasimaha guud ee cisbitaalka  Raceb Tayid Erdogan iyo agaasime ku-xigeenka ayaa suurta gal ka dhigtay in lagu guuleysto qaliinka dhanka wadnaha looga sameeyay Cabdullaahi Maxamed Jaamac.

” Maanta waa maalin muhiim ku ah taariikhda Soomaaliya gaar ahaan bahda caafimaadka, taariikhda Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa la fulin doonaa qaliinka furan ee wadnaha, waxaana fulin doona koox nooga timid dalka Turkiga iyo dhaqaatiirteenna Soomaaliyeed, sida la wada ogyahay 10-kii sanno ee la soo dhaafay wuxuu cisbitaalka shacabka Soomaaliyeed u hayaa adeegyo caafimaad oo heerar kala duwan leh, waxaana daaweynay ku dhowaad 3-milyan oo bukaan,” ayuu yiri agaasimada guud ee cisbitaalka.

Waxaa qaliinkan fuliyay dhaqtarka qaliimada wadnaha Dr. Mahmad Kislaay iyo koox ka kooban toddobo qof, kuwaas oo ka yimid cisbitaalka tababarada iyo cilmi baarista qaliimada wadnaha iyo feeraha dalka Turkiga iyo dhaqtarka qaliimada wadnaha iyo xididdada ee cisbitaalka Digfeer Cabdinaafac Maxamed Xuseen oo ah nin Soomaali ah.

Maxamed Xuseen Ashraf oo ah agaasime ku-xigeenka Cisbitaalka Erdogan ayaa sheegay in ay sii socon doonaan qaliimada wadnaha ayna sii joogi doonaan dhaqaatiirta Cisbitaalka.

 

Kulanka wadajirka ah ee golayaasha Baarlamaanka oo looga dooday cutubka 4-aad ee Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kulanka 25-aad ee labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana kulanka ku weheliyay ku-xigeennada labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad JFS.

Ajandaha kulanka maanta ayaa ahaa sii wadista ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ah madaxa koowaad mataladda shacabka iyo madaxa labaad oo ku saabsan doorashooyinka dalka.

Doodda cutubka afaraad gaar ahaan madaxyada koowaad iyo labaad oo la gudo galay maalintoodii labaad, ayaa qaar ka mid ah Xildhibaannada iyo Sanatarrada si la mid ah mudanayaashii kulankii hore waxa ay doodo adag iyo su’aalo geliyeen qodobbada maanta la horkeenay ka doodistooda, halka kuwo kalana ay ku boggaadiyeen guddiyada dastuurka sida ay u soo qaabeeyeen qodobada dastuurka iyo faqradaha cusub oo ay ku soo kordhiyeen.

Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo soo xiray gunaanadka kulanka ayaa waxa uu sheegay dooda cutubkan afaraad ay sii socon doonto maadaama uu aad u balaaran yahay.

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan la qaatey ciidamo ka tirsan kumandoska Danab oo dalka Kenya uga soo qeybgaley dhoolatus milateri oo ilaa iyo 23 waddan ay qeyb ka ahaayeen.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay xafladda qalinjabinta dufcadda 22-aad ee ardayda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

3- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhambaal hambalyo ah u diray guud ahaan haweenka dunida, gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed oo u dabbaaldegay munaasabadda 8-da Maarso.

4- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray shacabka Soomaaliyeed.

5- Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa bilaabay ka doodista cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG oo ka hadlaya matalaadda shacabka iyo doorashooyinka.

6- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo kulan la qaatay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte oo ay ka wadahadleen dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa.

7- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee qeybta baarista dembiyada oo lagu soo kordhiyey qalab casri ah.

8- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Waddada Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

9- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya.

10- Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa xariga jaray qeybo ka mid ah Wasaaradda Qorshaynta iyo Dhiirigelinta Maalgashiga oo dib u dhis lagu sameeyay.

11- Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa xarunta Degmada Hodan ka furay daadejinta doodaha dastuurka ku meel gaarka ah ee dalka.

12- Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa sheegay in Soomaaliya muujisay isbeddel xooggan oo dib u habeynta dhaqaalaha iyo hay’adaha maaliyadda kadib kulan uu Nairobi kula qaatay hay’adaha dhaqaalaha adduunka.

13- Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Macdanta Soomaaliya Mudane Cabdirizaaq Cumar Maxamed iyo dhiggiisa dalka Turkiga ayaa kala saxiixday heshiiska dhinaca shidaalka iyo gaaska ah iyo sida looga faa’iidaysanayo.

14- Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr Cali Xaaji ayaa daah-furay madasha iskaashiga adeegga gaarka loo leeyahay iyo kan dowliga ee caafimadka.

15- Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Soomaaliya Mudane Axmed Moallim Fiqi ayaa guddoomiyay kulan heer wasiir oo ay ka soo qeybgaleen madaxda hay’adaha OCHA iyo FAO oo looga hadlay maareynta isbeddelka cimilada iyo xaaladaha bani aadamnimo ee Soomaaliya.

16- Siihayah Wasiirka Amniga Qaranka ahna Wasiiru Dowlaha wasaaraadda Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

17- Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan la qaatey Sii-hayah Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, iyagoo ka wadahadley arrimaha dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta.

18- Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Soomaaliya Marwo Raaxa Maxamuud Janaqoow ayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga uga qeyb gashay shirka Iskaashiga Ganacsiga Hey’adaha Dowliga ah iyo kuwa gaarka ah.

19- Xoghayaha Joogtada ah ee cusub ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale ayaa si rasmi ah ula wareegay xilkiisa.

20- Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka ayaa gacanta ku dhigtay Guddoomiyihii hore ee degmada Dharkenlay Abuukar Axmed Caddow Tifoow oo ka tirsanaa Khawaarijta kaas oo in muddo ah ku dhex dhuumanayay hay’adaha dowladda.

21- Ciidanka Booliska ayaa gacanta ku soo dhigay 140 hoobiyayaal ah oo Khawaarijta dooneysay inay ku dhibaateeyaan shacabka magaalada Muqdisho.

22- Agaasimaha Guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Ahmed Said Mohamed, ayaa daah furay hanaan casri ah oo lagu bixin doono baasaboorka.

23- Ciidamada Booliska ayaa Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose ku qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo sannadkii hore la goostay gaari dowladda ay leedahay, kadibna u galey Khawaarijta Al Shabab.

24- Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada Mareykanka ayaa dilay saddex xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al Shabab kadib hawlgal milateri oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.

25- Dab ka kacay qeyb ka mid Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho oo khasaare geystay.

26- Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo tababbar ku saabsan maareynta dhibaatooyinka ka dhasha deegaannada laga xorreeyo Khawaarijta loogu soo xiray magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ee Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

27- Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa ka qeyb galay carbis ciidan oo ka dhacay dalka Kenya, halkaasi oo ay si wanaagsan uga soo dhex muuqdeen.

 

==============DHAMMAAD==============

Wasiir Daa’uud: oo ka hadlay guulihii u dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya gaartay

Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuummadda Federaalka Soomaaliga Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo Wakiilka Midowga Afrika Amb Souef Mohamed El-Amine oo maanta si wadajir ah shir jaraa’id ugu wada qabtay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa ka hadlay guulihii toddobaadkii u dambeeyey Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhanka la dagaalanka Khawaarijta,Amniga Caasimadda,Waxbarashadda iyo dhanka Diblomaasiyadda.

Wasiir Daa’uud ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha la dagaalanka Khawaarijta oo guullo laga gaaray ka dib markii Khawaarijta laga saaray goobihii ay kaga dhuumanayeen gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan deegaanka Jilib-marka iyo deegaanada ku hareeraysan halkaas oo Ciidanka Dowladda ku dileen khawaarij tiro badan oo ay ku jiraan Horjoogayaal sare.

Sidoo kale waxa uu wasiirku u xusay in gobolka Jubadda hoose ay ka socdaan hawlgalo lagu ciribtirayo Khawaarijta halkaana looga dilay tiro ka badan 50,loogana qab qabtay tiro maxaabiis ah.

Dhinaca kale wasiirka ayaa xusay in Dowladda Guul wey ka soo hoysay dhinaca Diblomaasiyadda iyadoo ka hor tagtay xadgudubka iyo damaca Gurracan ee Itoobiya ku raadinaysay qayb ka mid ah dhulka Soomaaliya.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay wakiilka cusub ee UNHCR ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Isaak Maxamuud Mursal, ayaa Talaadadii Muqdisho ku qaabilay wakiilka cusub ee loo soo magacaabay Guddiga Sare ee Qaramada Midoobay ee Qaxootiga (UNHCR) ee Soomaaliya, Mudane Charles Leonard Mballa.

Wasiir ku-xigeenka iyo wakiilka UNHCR ayaa ka wada hadlay hagaajinta iskaashiga bani’aadamnimada, gaar ahaan isxilqaanka dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya iyo Yemen.

Kulankan  ayaa ahmiyaddiisu ka mid aheyd  sare u qaadidda heerarka nolosha iyo abuuridda jawi ku haboon hagaajintooda, taasoo muujinaysa dadaalka Soomaaliya ee la shaqaynta UNHCR si wax looga qabto arrimaha muhiimka ah ee bani’aadamnimada iyo kor u qaadidda xalka waara ee bulshada barakacayaasha ah.

Hay’adda maaraynta musiibooyinka oo degaanka Janaale gaarsiisay deeq raashin ah By Aadan Sooyaal March 13, 2024 1 Min Read

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA,  ayaa maanta waxa ay degaanka Janaale ee Gobolka Shabeellada hoose u dirtay Doonyo sida shixnado mucaawino gargaar ah, kuwaas oo ka ambabaxay Degaan xebeedka Jasiira.

Doonyahaan ayaa ku xiran doono Xeebta Magaalada Marka ee caasimada Gobolkaas, waxaana intaas kadib looga daabuli donaa gaadiid si deegaankaas loo gaarsiiyo, waxaana saaran gargaar ka kooban qaybaha kala duwan ee raashinka.

Mucaawinadan ayaa loogu talagalay in la gaarsiiyo 1,500 oo qoys, waxaana Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka gargaarkaan ku wareejisay Guddoomiyaha deegaanka Janaale Md. Cabdiraxmaan Al-cadaala .