Ceeldheer oo u gudubtay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Ceeldheer ayaa xalay u gudbay wareegga 2-aad ee tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka,kadib markii ay ka badiyeen  tartamayaashii Degmada Howlwadaag.

Tartankaan ayaa ku soo idlaaday 14-10 oo ay guusha ku raacday Degmada Ceeldheer,kadib kulan adag oo xiiso lahaa uu dhexmaray labadaasi kooxood.

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Afar iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka,waxaa sanadkaan barnaamijka tartanka si wadajir ah u taaba-gelinaya Bankiga IBS iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Caawa kulanka 4-aad waxaa ku baratami doona degmooyinka Kaxda iyo Deyniile oo ka wada tirsan Gobalka Banaadir.

Madaxweynaha JFS oo kulan afur ah la qaatay ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan afur ah kula qaatay ciidamo ka tirsan Kumaandooska Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka qayb galay dhoola-tus Millatari oo ciidamo ka socday 23 waddan ay ku sameeyeen dalka Kenya.

Madaxweynaha ayaa ciidamada ku bogaadiyey kartida, aqoonta, xirfadaha sare ee ay soo bandhigeen iyo sumacadda ay usoo hooyeen Qarankooda, isaga oo kula dardaarmay in ay u dhaqaaqaan waajibka qarannimo ee ka saaran xoreynta dalka oo ay eybtooda ka qaataan dardargalinta hawlgallada ciribtirka khawaarijta.

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin iyo saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse oo qaabilay wasiirada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda FS mudane Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay wasiirrada arrimaha gudaha dowlad goboleedyada dalka oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta XFS mudane Axmed Macalom Fiqi.

Wasiirrada la kulmay Ra’isul wasaare Xamse Bare waxa ka mid ahaa mudane Maxamed Ibraahim Oogle Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Mudane Cabdi Maxamad Jaamac Waayeel Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Galmudug, Mudane Maxamuud Axmed Gacal Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha ee Hirshabelle iyo Cabdisahal Jaamac Maxamed oo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha ee maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya mudane Axmed Fiqi ayaa saddexdii maalin ee tagtay shir guddoominayay “Madasha Wadatashiga Wasiirrada ee Hannaanka Qaran ee Dowladaha Hoose Wadajir” taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirrada Arrimaha Gudaha ee dowlad goboleedyada Galmudug, Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Maamulka Kumeelgaarka ah ee SSC Khaatumo, iyo weliba Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradahaasi iyaga oo isafgarad ka yeeshay howlo badan oo hortabin u leh, laguna hormarinayo dowladaha hoose.

Hormuud Salaam Foundation oo maanta daah-furtay Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan

Hay’adda Samafalka Hormuud Salaam Foundation ayaa maanta daah-furtay Mashruuca Afurinta Bisha Ramadaan oo ay soon qaad kasta deeqo cunno iyo lacago isugu darto ka gaarsiiso dad danyarta oo gaaraya 7,000 oo mudan in la taakuleeyo.

Hay’adda oo mashruucan fulinaysa sannadkii 12ᵃᵃᵈ oo xiriir ah ayaa ku daahfurtay in ay deeq lacageed siiso 120 haween oo danyar ah oo ka tirsan Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Inta mashruucu socdo, waxaa deeqo la gaarsiin doonaa bukaannada qaba xanuunada dhimirka ee ku jira isbitaallada Dr. Xabeeb iyo Lazareti, Maxaabiista ku jirta Xabsiga Dhexe, Naafada Isbitaalka Martiini, qaxootiga Yamaniyiinta, ardayda ku xareysan xarunta dhaqancelinta carruurta darbijiifka ah ee Maamo Ugaaso, iyo ardayda dhigata iskuulka Indhoolayaasha Al-Nuur iyo iskuulka Dhagoolayaasha Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale mashruucan ka faa’iideysan doono dadka danyarta ah ee ay gacanta ku hayaan xarumaha Save Somali Women and Children (SSWC), Somali Women Organization, Somali Women Development Center (SWDC), iyo Somali Humanitarian Education and Development Association (SOHEDA).

Mashruucan sannadlaha ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah oo aan uga qeybqaadanayno samatabixinta iyo taakuleynta dadkeenna danyarta ah.

Booliiska Jubaland oo gacanta ku dhigay xubin ka tirsan Khawaarijta

Dhoobley:-Degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose waxaa lagu qabtay Xasan Ibraahim oo ka mid ahaa saddex nin oo Janaayo 2023 gaari Hardtop ah kala goostay wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Jubbaland, kuwaas oo u galay Khawaarijta, balse dabagal dheer kadib Booliska Jubbaland ayaa gacanta ku soo dhigay Xasan.

Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa October 2023, sidaan oo kale waxay Muqdisho ku qabteen Cabdifataax Nuur iyo Xasan Cabdullaahi oo ninkaan hadda lasoo qabtay la socday, kalana shaqeeyey inay gaarigaas la goostaan, si Khawaarijta ay uga iibsadaan.

Soo qabashada raggaan waxay muujineysaa in kuwa dhagarta maleegaya aysan ka baxsa karin gacanta hay’adaha ammaanka Soomaaliya oo meel kasta lagu qaban karo.

Soomaaliya oo ka qeybgashay kalfadhiga 68-aad ee Qaramada Midoobay

Wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha JFS, Marwo H.E Amina Hassan Ali ayaa saaka ka qeybgashay kal-fadhigiisa 68-aad ee shirweynaha Arrimaha Haweenka Adduunka,kaas oo ka dhacay xarunta Golaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Shirka ayaa looga hadlay doorka haweenka ay ku leeyihiin bulshada, kaalinta ay ka qaataan horumarinta dalalka iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay dhiirigalinta iyo kor u qaadidda aqoonta haweenka.

Wafdiga ka socda Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuuquuqda Aadanaha JFS ayaa maalmahaan booqashooyin shaqo ku joogay dalal ay kaid yihiin Turkiga

Taliyaha Ciidanka Boliiska oo ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaariyay 300 askari

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin, ayaa ka qeybgalay munaasabad maanta lagu dhaariyey 300 oo askari oo ka tirsan Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, kuwaas oo shalay tababar loogu soo xiray dugsiga tababarrada booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya S/guuto Zakiye Xuseen Axmed  iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Taliska Booliska ayaa Taliyaha kala qeyb galay munaasabadaan, waxayna ciidankaan cusub ka qeyb qaadanayaan sugidda amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed

 

  

Baarlamaanka JFS oo maanta bilaabay ka doodista cutubka 4aad ee Dastuurka KMG

Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta bilaabay ka Doodista cutubka 4-aad oo ka hadlaya Matalaadda Shacabka, Madaxa Koowaad(Mabaadii’da Guud ee Matalaadda Shacabka) iyo Madaxa Labaad oo ka hadlaayo (Doorashooyinka).

Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay uga soo dooday cutubyada 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, iyagaa marka uu soo dhamaado ka doodista Cutubyada dastuurka KMG lagu wado inay ansixiyaan.

Dhanka kale wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dalka ka wado la tashiyo ku aadan dastuurka KMG, si loo dhageysto aragtida Shacabka Soomaaliyeed oo muhiim ah dastuurka.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sida dalka u yeelan lahaa dastuur dhameystiran oo meesha ka saara KMG uu muddo ku soo jiray dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Munaasabad lagu daah furay Mashruuc afurin dadka dantayar oo lagu qabtay Muqdisho

Munaasabadd Kooban oo ka dhacday xarunta dhexe ee SoDMA, goobjoogna ay ka ahaayeen Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan, Safiirka Dowladda Qatar ujooga Soomaaliya ayaa lagu daahfuray Mashruuc afurin ah oo loo sameenaayo dadka dantayar iyo kuwa barakacyaasha ah ee ku nool gudaha Dalka.

Mashrucaan waxaa iska kaa shanaya SoDMA iyo Hay’adda Qatar Charity, waxaana lagu wadaa in Gargaarkaan la gaarsiiyo 10,200 oo qoys, sidoo kale goobaha gargarkaan la garsinayo waxaa kamid ah xarumaha lagu xanaaneeyo caruurta agoonta ah.

Bisha Ramadaan oo bilatay iyo dadka Falastiin oo wajahaya baahi iyo dagaal

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada dadka reer Falastiin UNRWA ayaa sheegtay in deegaan kasta oo Falastiin ah ay ka jiraan baahi iyo macluul daran, xilli uu si rasmi ah u bilowday ama la galay bisha Ramadaan.

Hey’adda ayaa mar kale ku  celisay baaq la xiriiray in la helo xabad joojin degdeg ah,gaar ahaan  inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dhinaca kale,Ciidamada Israa’iil ayaa boqolaal Falastiiniyiin ah ka hor istaagay in ay galaan masaajidka al-Aqsa ee ku yaala bariga Quddus ee la haysto si ay ula yimaadaan waajibaadka Alle,gaar ahaan salaadaha iyo ducooyinka gaarka u ah bisha Ramadaan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.

Ciidamada Israa’iil  ayaa garaacay dad badan oo Falastiiniyiin ah,isla markaana hor-istaagay in ay salaadaha bisha Ramadaan ku dukadaan  Masjidka Al-Aqsa ee la heysto .

Ismail Haniyeh oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas, ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay ku guuldaraysatay in ay gaadho heshiis xabbad-joojin ah kahor bisha Ramadaan, isagoo yiri “Ma doonayno heshiis aan soo afjareyn dagaalka Gaza.”

Ugu yaraan 31,045 falastiiniyiin ah ayaa la dilay 72,654 kalena waxaa lagu dhaawacay weerarrada Israa’iil ee Gaza tan iyo Oktoobar 7.

Tirada  dhimashada Israa’iil eek u baxay  weerarradii Xamaas ee Oktoobar 7 ayaa maraysay 1,139, daraasiinna weli waa la haystaa.