Fadaa’isha Bisha barakaysan ee Ramadan (MAQAAL)

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Xalay xaqiijisay in maanta ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii Culimada Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta ay Studiyaha Telefishinta Qaranka Soomaaliyeed ku dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana Maanta oo ah 11-ka bisha Marso, kuna beegan 1-da bisha barakeysan ee Ramadan ee sanadka 1445-ka Hijrada u bilowday inta badan Muslimiinta Caalamka bisha kheyrka badan ee Ramadan.

Ramadaanta ayaa waxay ka mid tahay Rukunada adag ee Diinta Islaamka, iyadoo lagu wado in Muslimiin gaaraya tiradooda 1,8-Bilyan inay Bishaan soomaan, inkastoo ay jiraan qaar ka mid ah Muslimiinta ay heystaan caqabado waxaana ka mid ah Muslimiinta Falastiin oo bishan Barakeysan la kowsanaaya Duqeynta iyo go’doominta Ciidamada Sahyuunadda Yuhuuda.

Sidaasi awgeed waxaan qormadaan uga hadleynaa Fadaa’isha ay leedahay Bisha Ramadaan,  mana aha wax lagu soo koobi karo qoraal ama dhowr maqaal, waxaa laga qoray kutub aad u waaweyn, hadabba waxaan isku dayeenaa in aan wax yar ka tilmaano waxooga ka mid ah fadaa’ishaasi:-

Waxyaabaha Rabbaaniga ah waxaa ka mid ah in uu Allaha kala fadilo waqtiyada, wuxuu ka fadilay Bisha Ramadaan dhammaan bilaha kale ee Sanadka,wuxuu ku gaaryeelay Bishan fadli aad u weyn oo ay uga soocan tahay bilaha kale,waxaana ka mid ah fadaa’isha kuwa soo socoda

  1. Waa Bishii la soo dajiyaya Quranka iyo dhammaan Kutubta kale ee Samaa’wiga ah.

قال الله تعالى Ilaaheey waxa uu yiri:-

شَهْرُ رَمَضَانَ الَّذِيَ أُنزِلَ فِيهِ الْقُرْآنُ هُدًى لِّلنَّاسِ وَبَيِّنَاتٍ مِّنَ الْهُدَى وَالْفُرْقَانِ فَمَن شَهِدَ مِنكُمُ الشَّهْرَ فَلْيَصُمْهُ وَمَن كَانَ مَرِيضًا أَوْ عَلَ سَفَرٍ فَعِدَّةٌ مِّنْ أَيَّامٍ أُخَرَ يُرِيدُ اللّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ الْعُسْرَ وَلِتُكْمِلُواْ الْعِدَّةَ وَلِتُكَبِّرُواْ اللّهَ عَلَى مَا هَدَاكُمْ وَلَعَلَّكُمْ تَشْكُرُونَ } (185) سورة البقر

، وعن واثلة بن الأسقع رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال : ( أنزلت صحف إبراهيم عليه السلام في أول ليلة من رمضان ، وأنزلت التوراة لست مضين من رمضان ، والإنجيل لثلاث عشرة خلت من رمضان ، وأنزل الفرقان لأربع وعشرين خلت من رمضان ) رواه أحمد .

 

  1. Waa Bisha la faradyeelay Soonka.
  2. Waa Bisha Towbada iyo dambi dhaafka.

Allaah wuxuu Quraanka Kariimka ah ku yiri: waxaan idinku waajib yeelay Soonka; Hadaad tihiin Ummadda ‘Nab’i Muxamed (NNKH), sida aan ugu Waajib yeelnay ummadihii idinka horeeyey, waxaad mudan tihiin inaad cabsataan. Sidoo kalena Allaah wuxuu xadiisu Qudsi ku yidhi:-Soonka aniga ayaa iska leh aniga ayaana ka abaal marin doona Adoomadayda. Rasuulkeena suuban (SCW) wuxuu xadiis saxiixa ah ku yidhi “Soonka Bilawgiisu waa Raxma, Dhexdhaxaad kiisuna waa dambi dhaaf, dhammaadkiisna Naarta ayaa la’iska xoreeyaa”.

KHAYRKA BISH SOON

  • Quraankaa soo Dagay
  • Leylatul Qadar ayaa ku jirta
  • Albaabada cadaabta ayaa la xiraa.
  • Albaabada Jannada ayaa la furaa
  • Sheydaanka la xiraa
  • Waa bil cibaado badan
  • Gaajada oo laga wada sinnaado
  • Waxay beertaa is jaceyl.
  • Sakada Soonka oo nafta daahirisa.

NOOCYADA SOONKA

  • Bisha Soon (faral)
  • Lix beri shawaal (sunne)
  • Toban beri dul xajih (sunne’)
  • .Laba beri caa,shuutaa;(sunne)
  • Isniin & Khamiis (sunne)
  • Bil kasta seddex beri (sunne)

SOONKA YUU WAAJIB KU YAHAY?

  • Qofkasta.oo Muslim ah
  • Qof qaan gaar ah.,
  • Qof miyir qaba.
  • Qof aan waayeel ahayn.
  • Qofkii caafimaad qaba.’
  1. Dumar aan Uur lahayn
  2. Dumar aan ilmo nuujineyn.
  3. Dumar aan caado qabin
  4. Dumar aan umul aheyn.
  5. Qof aan musaafir ahayn.

MAXAA SOONKA JEBIYA?

  1. Gaalmada
  2. Diinta oo laga baxo lana caayo
  3. Shahwad iska keenid adoo soo jeeda.
  4. Haddii uu qofku wax cuno ama wax cabo ula kac ahaan.
  5. Haddii uu isku mudo Irbad qofka jirkiisa nafaqo galinaysa,
  6. Dhiig bax qofku la taag darreeyo
  7. Dumarka oo Caado ku dhacdo ama Umula.
  8. Haddii toobinku dhiig kaa keeno.
  9. Haddii uu ula kac u matago.

WAXYAABAHA AAN SOONKA JEBIN HADDII AY DHACAAN.

  1. Qof Soomanaa haddii uu wax cuno ama cabo isagoo hilmaansan.
  2. Hadduu-cabo asagoo u qaba in qoraxdii dhacday ama in uusan waagu baryin.
  3. Haddii luqluq ku fakado.
  4. Haddii qof isku junubo asagoo hurdo.

SOONKA MUXUU DAAWO U YAHAY?

  1. Dibirada Caloosha.
  2. Joojinta Sigaarka iyo dhammaan Balwadaha kale
  3. Calool xanuunka.
  4. Iscaateynta qofka buuran.
  5. Xanuunka macaanka ama Sokorta
  6. Kelyo xanuunka.
  7. Wadna xanuun.
  8. Gaastiriiga.
  9. joojinta cunista qaadka .

Sidaa awgeed waxaynu ku qasbanahay in aynu qiimayno sirta bishan barakeysan ee Ramadaan ku jirta ee loo baaahan yahay in lagu dhaqmaana ay tahay in la ilaaliyo dhegaha, Afka iyo Carabka, si aan dembi loo gelin, isla markaana Qur’aan badan la akhriyo, Ilaahayna waxaan ka baryaynaa in uu bisha barakaysan inoo naxariisto, dembigeenana uu dhaafo oo uu naarta inaga xorreeyo. Marka la ducaysanayana waxaan soo jeedinayaa in lagu daro ducada Illaahayow arlada aanu degganahay noo aslixi, naguna cisee dambi dhaafna noo samee. Waxaa soo marnay ama aan la kulanay dunuub badan oo ilaahay inaga jarayo, haddii aanan si dhab ah loo toobad keenin, sidaa awgeed, waa in laga toobad keeno, islamarkaana la badiya Istiqfaarta iyo ducooyinka.

Ugu dambeyn “Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan. Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu  duceeyaan amni iyo barwaaqo. Alle ha inaga  aqbalo acmaasha wanaagsan. Ramadaan kariim”, sidaasina waxaa yiri:- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Shiikh Maxamuud.

 

W.D:-C/laahi Ruush

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

Ciidanka Qaranka oo kaashanaya saxiibada Caalamka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay degaana ay isku abaabulayen khawaarijta oo katirsan Shabeellaha Hoose.

Howlgalka ayay ciidanku ku dileen Seddax katirsanaa maleeshiyaadka khawaarijta, waxaana goobta lagu burburiyay dhagartii ay maleegayee.

Ciidanka xoogga dalka ayaa maal mahaan howlgallo lagu baacsanayo firxadka khawaarijta kawaday degaano badan oo dhaca maamulada Hirshebeelle,Galmudu iyo jubbada Hoose,halkaa qasaara xogga cadawga lagu gaarsiiyay.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS oo Xarunta Degmada Hodan ka furay daadajinta doodaha dastuurka dalka

Wasiirka Wasaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud iyo Gudoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka Mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa caawa Xarunta Degmada Hodan ka furay daadajinta doodaha dastuurka ee ka qaybgalka  Dadweynaha, kaas oo dhammaan degmooyinka Gobolka Benadir laga sameyn doono.

Daadajinta doodaha dastuurka ee ka qaybgalka dadweynaha ayaa ahmiyad weyn u leh in bulsho weynta Soomaaliyeed si guud ugu qeyb qaataan dooda dastuurka Wasaaradda iyo Guddiyada uxilsaaran  dastuurka ayaa soo waday muddo badan latashiyada bulshada Si loo helo dastuur dhameystiran.

Wasiir Xasan Macalin  ayaa carabka ku adkeeyay  in dalka la xisbiyeeyo ay nooga xirantahay qabyo tirka dastuurka ,dastuurkana ahayn mid ay ku daneysanayaan balse  dhameystir u ah dowladnimadeena asaga oo tilmaamay dastuurka dadweynaha leeyihiin ayagiina loo soo celiyay oo doodo wax ku ool ah ka sameynayaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo hambalyo ku aaddan bisha Ramadaan u diray Shacabka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo berri ay tahay maalinteeda koowaad.

“Dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan caalamka Islaamka waxaan idiin ku hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee bilashada bisha Ramadaan.

Bisha naxariista iyo dambi dhaafka awgeed, waxaan dadka Soomaaliyeed ku baraarujinayaa in ay u istaagaan taakuleeynta dadkeenna danyarta ah, oo ay badiyaan Rabbi-bariga bishan barakaysan oo dalka iyo dadkaba ugu  duceeyaan amni iyo barwaaqo”

Alle ha inaga  aqbalo acmaasha wanaagsan.

Ramadaan kariim.

Dowladda Soomaaliya oo xaqiijisay in berri ay tahay maalinta 1-aad ee bisha Ramadaan

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in berri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii culimada wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta XFS ay dhaariyeen Jamaal Axmed Mayow oo sheegay in bilashada bisha Ramadaan uu ka arkay degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wasiirka awqaafta iyo arrimaha diinta, ku xigeenkiisa iyo guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed oo kulanka dhaarinta goobjoog ka ahaa ayaa ku dhawaaqay in berri ay tahay maalinta koowaad ee Soon-qaad.

Wasiir Mukhtaar Roobow ayaa shacabka Soomaaliyeed u xaqiijiyey in Isniinta berri ee 11-ka Maarso ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan, kadib markii dad meela kala duwan jooga ay sheegeen inay arkeen bilashada bisha.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan oo berri ay tahay maalinteeda koowaad.

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo si rasmi ah xilka ugala wareegay Xoghayihii hore

Munaasabad kooban oo lagu qabtay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo ay goobjoog ka aheeyeen Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Xirsi Gaani, Agaasimeyaasha, la-taliyeyaasha iyo howlwadeennada xafiiska ayuu si rasmi ah xilka ugula wareegay Kamaal Guutaale oo dhawaan uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Xoghayaha cusub oo munaasabadda ka hadlay ayaa ballan qaaday in uu la imaan doono hufnaan shaqo, isla markaana uu dardargelin doonno howlaha uu Qaranka Soomaaliyeed u hayo xafiisku, isaga oo codsaday in si dhow loola shaqeeyo.

Sidoo kale, waxa uu Xoghayihii hore ee xilka wareejiyey Maxamed Abuukar Subeer, ayaa uga mahadceliyey howlwadeennada Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha sidii wanaagsanayd ee ay ula shaqeeyeen muddadii uu xilka hayey, waxuuna Xoghayaha cusub ee xilka uu kala wareegay u rajeeyey in Alle u fududeeyo howsha baaxadda leh ee hortaalla.

  

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta kulan la qaatay wafdi caalami ah oo ay hoggaamineysay Agaasimaha Guud ee Sanduuqa Cimillada Cagaaran (GCF), Mafalda Duarte.

Kulanka ayaa looga hadlay dhibaatooyinka isbeddelka cimilladu sababeen ee heysta dalkeena iyo sidii wax looga qaban lahaa, taasi oo Ra’iisul Wasaaruhu sheegay in loo baahan yahay ficil iyo taageero wadajir ah oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka Cimillada.

Mudane Xamsa waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay diyaarisay qorshe guud oo istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo, isla markaana adkeysi loogu yeelanayo dhibaatooyinka isbeddelka cimillada.

            

Safaaradda Soomaaliya ee Masar oo abaal marin guddoonsiisay shaqaalihii ugu shaqada wanagsanaa safaaradda ee sanadkii tagay

Qaahira-Safaaradda Soomaaliya ee dalka Masar ayaa soo agaasintay munaasab heerkeedu sareeyo oo lagu abaal marinaayey qaar kamid ah howl wadeenadda safaarradda, waxaana munaasabadda oo lagu qabtay xarunta safaaradda ee Qaahira ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar ahna wakiilka Joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar oo furitaanka munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in ujeedka munaasabadu ay tahay mid lagu dhiiragalinayo shaqaalaha wasaaradda ee laf-dhabarka u ah howlaha safaaradda sidoo kalena lagu xusayo guulihii ay safaaradda gaartay sanadkii tagay.

Danjire Ilyaas Sheekh Cumar ayaa dhiiraglin iyo dardaaran u jeediyay shaqaalaha lagu abaal mariyay munaasbadda kuwaas oo noqday shaqaalihii ugu shaqada wanaagsana safaaradda ee sanadkii tagay. Waxaan uu tilmaamay in abaal marintaani ujeedkeedu tahay in la sii dardargaliyo shaqada baaxada leh ee safaaradda.

Dhan kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Masar ku sugnaa munaasabadda ayaa uga mahadceliyay safiirka waxqabadka wanaagsan ee safaaradda uu ku soo kordhiyay, wadashaqeynta iyo xiriirka dhabta ah ee Jaaliyadda kala dhaxeyso.

                

Amb: Kullane oo ka qeyb galay kalfadhiga 2-aad ee golaha wadatashiga shacabka Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Shiinaha Amb: Cawaale Cali Kullane ayaa magaalada Beijing kaga qeyb galay xiritaanka shirka 14-aad ee guddiga qaran ee wada-tashiga siyaasadda Shiinaha (CPPCC)  oo lagu qabtay hoolka weyn ee shacabka (The Great Hall of the People).

Shirka waxaa goobjoog ahaa madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo madax kale, waxaana kullanka diiradda lagu saaray y dib u eegista warbixinnada iyo soo jeedinta lagu hagayo siyaasadaha mustaqbalka ee Shiinaha.

Wang Huning oo ah hogaamiyaha xisbiga CPPCC ayaa ugu horeyn khudbad kooban ka jeediyay madasha, wuxuuna sharxay waxyaabihii u qabsoomay iyo hadafka guddiga. Ka qayb galka Amb. Kullane ee shirka ayaa cadeyn u ah xiriirka adag ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha.

Danjire, Cawaale Cali Kullane ayaa muujiyay xiriirka iyo iskaashiga xooggan ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Shiinaha, wuxuuna kullankan fursad siinayaa Soomaaliya si ay faham wanaagsan uga qaadato siyaasadda Shiinaha.

Shirkan, ayaa qeyb ka ah dadaalka ay Soomaaliya ugu jirto xoojinta xiriirka ay la leedahay dalalka kale, sida Shiinaha. Waxay muujineysaa sida ay Soomaaliya u daneyneyso in ay si firfircoon uga qayb qaadato doodaha caalamiga ah iyo in la helo fursado iskaashi oo caawin kara labada dal.  

Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga ee XFS oo uu wehliyo taliyaha ciidanka booliiska ayaa tababar u soo xiray ciidamo cusub

Sii hayaha wasiirka Amniga Gudaha, ahna Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga XFS Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, ayaa maanta tababar u soo xiray ciidamo cusub oo tababar ku qaatay dugsiga tababarrada Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye.

Ciidamadaan ayaa kamid noqon doona Boliiska Soomaaliyeed, waxayna ka qeyb qaadan doonaan dadaalada lagu xakameynayo dhagarta kooxaha Khawaarijta Bulshada Soomaaliyeed u soo maleegaan iyo guud ahaan amniga guud ee dalka.

Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin, oo la hadlay ciidankan tababarka loo soo xiray ayaa kula dardaarmay inay la dagaalamaan argagixisada iyo waxyaabaha maanka-dooriya, bulshadana ay si wanaagsan ula dhaqmaan, maadaama ay ka soo dhex baxeen bulshada.

Dhankiisa Wasiir Xagaa ayaa uga mahad celiyay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed dadaalka ay galiyeen dhismaha ciidanka dhalinyarada ah ee ku soo biiray ciidanka booliska.