Wasiirka Caafimaadka XFS oo daah-furay Madasha iskaashiga adeegga gaarka loo leeyahy iyo kan Dowliga ee qeybta Caafimadka

๐–๐š๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐š๐ซ๐ฒ๐ž๐ž๐ฅ๐ค๐š ๐›๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐—๐ฎ๐ค๐ฎ๐ฎ๐ฆ๐š๐๐๐š ๐…๐ž๐๐ž๐ซ๐š๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐š ๐‡.๐„ Dr. Ali Haji Adam ๐š๐ฒ๐š๐š ๐ฆ๐š๐š๐ง๐ญ๐š ๐๐š๐š๐ก๐Ÿ๐ฎ๐ซ๐ž๐ฒ ๐Œ๐š๐๐š๐ฌ๐ก๐š๐๐š ๐ˆ๐ฌ๐ค๐š๐š๐ฌ๐ก๐ข๐ ๐š ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐ ๐š๐š๐ซ๐ค๐š ๐ฅ๐จ๐จ ๐ฅ๐ž๐ž ๐ฒ๐š๐ก๐š๐ฒ ๐ข๐ฒ๐จ ๐š๐๐ž๐ž๐ ๐ ๐š ๐ƒ๐จ๐ฐ๐ฅ๐ข๐ ๐š ๐š๐ก ๐ž๐ž ๐ช๐ž๐ฒ๐›๐ญ๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Guuleed Cabdijaliil waxaana kasoo qeybgaley Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, agaasimayaal, xubno ka socdey qeybaha gaarka loo lee yahay iyo kuwa Dowliga ah ee qeybta Caafimaadka Soomaaliya, aqoonyahano, kaadiriin dhanka Caafimaadka ah, Dhaqaatiir iyo marti sharaf kale.

Munaasabadda Daahfurka madasha wadahadlka u dhaxeeya qeybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowliga ah ee bixiya Caafimaadka waxaa looga hadley isdii labada dhinac ay si wadajir ah u wada shaqeyn lahaayeen iyo in la hello jawi wadashaqeyn oo ka duwan midka hadda jira si loo gaaro yoolka fog ee ah in bulshadeenu hesho Caafimaad nidaamsan oo tayeysan taasoo qeyb ka ah bartilmaameedka Caafimaadka horumarsan ee dalkeena.

Dhammaan madaxdii kasoo qeybgashey ayaa tilmaantey in wadashaqeynta qeybaha gaarka iyo kuwa dowliga ah ay ka dhigan tahay in isbadal xoogan oo dhinaca horumarka ah uu ku socda Caafimaadka Soomaaliya taasoo muujineysa dadaalka aan kala joogsiga la heyn ee ay Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku baadi goobeyso xaqiijinta Caafimaadka dhameystiran ee Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Ali Haji aden ayaa sheegey in waajib qaran ay tahay wadashaqeynta labada dhinac si bulsho waynta Soomaaliyeed ee u heelan adeegyada Caafimaadka u helaan, waxa uuna ka mahad celiyey in dedaalada qeybaha gaarka loo leeyahay iyo kuwa Dowliga ah ay markasta ugu hiilinayaan dadkeena.

Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka goโ€™an wax ka qabashada baahiyaha Caafimaad ee ka jira Dalka iyo sidii lagu horumarin lahaa Caafimaadka
<span;>Soomaaliya si loo gaaro yoolka horumarinta Caafimaadka Qaranka.

Boliiska oo gacanta ku soo dhigay 140 Hoobiyayaal ah oo khawaarijta dooneysay in shacabka ku dhibateyaan

Afhayeenka Booliska soomaaliyeed Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay howlgal ay xalay abaara 12:00 Habeenimoย  ka sameeyeen magaalada Muqdisho ku soo qabteen tiro hoobiyaal oo gaarayo ilaa iyo 140 xabo oo isugu jiro kuwa garbaha laga tuuro iyo kuwa laga sameeyo Baaruudda qaraxda.

Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalkan oo meelo kala duwan ka dhacay uu ka dhashay kadib markii kooxda Khawaarijta soo tuureen labo Hoobiye kadibna ciidanka sidaas ku tixraaceen.

Sidoo kale afhayeenka ayaa sheegay in dabkii saaka aroortii hore ka kacay Suuqa Bakaaraha uu ka dhashay qarax ay Khawaarijga ku qariyeen meel qashin ah

 

 

ย ย 

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo Dhagax dhigay Xarunta Taliska Ciidanka Dhulka

Wasiirka Gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed S/gaas ibraahim Sheikh Muxudiin oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Gen Dayah Cabdi Cabdulle ayaa Maanta Dhagax dhigay Xarunta Taliska Ciidanka Dhulka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin oo ka hadlay Munaasabada Dhagax dhiga ayaa sheegay in dhaxgax dhiga xarunta ay qeyb weyn ka qaadan doonto daboolida baahiyaha ciidnka.

Wasiirka Gaashandhigga XFSย  Mudane,Cabduqaadir Maxamed Nuurย  ayaa Tilmaamay in Dhismaha xarunta Taliska ciidanka dhulka uu u leeyahay muhiimad gaar ah, isagoona xusay in Si isxilqaan ah loo dhisayo Xaruntaan.

Dabkii ka kacay Suuqa Bakaaraha oo lagu guuleystay damintiisa.

Dabkii saakay ka kacay suuqa Bakaaraha ayaa lagu guuleystay damintiisa, kaas oo khasaare nafeed iyo mid hantiyadeedba gaystay sida uu sheegay guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh)

Guddoomiye Yabooh ayaa sheegay in hal qof oo ah ilaaladii suuqa uu ku dhintay, isagoo sheegay in uu dabku ka dhashay kadib markii qaraxyo soo abaabuleen khawaarijta lagu qarxiyay halkaas.

Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa sheegay in dhawaan maxakamad lasoo taagi doono xubna la qabtay iyagoo qaraxyo dhigayo gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha, isagoo dhanka kale sheegay in ay socdaan baaritaanno la xiriira baarista kuwa ka dambeeyay dabkaas.

Qaar kamid ah Ganacsatada oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ku bas-beeleen dabka ilaa 12 xaruma gancsi, iyagoo sheegay inuu socdo tira-koobka rasmiga ah inta uu la egyahay dhaqaalaha ku baaba’ay dhibkaas ka kacay Suuqa ugu wayn Soomaaliya ee Bakaaraha.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku qaabilay saraakiil ka socotay UK

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil uu hoggaaminayay Taliyaha Ciidamada Ingiriiska ee tababarada ka caawiya ciidanka ee jooga degaanada koonfur Galbeed iyo sarakiil ciidan oo ay Wehlinayeen

Qaabilaada Madaxweyne Laftagareen oo ay ka qeybgaleen Taliye ku xigeenka Ciidanka Xooga Dalka Sareeye guuto Madeey Nuurkey Shekh iyo Taliyaha Qeybta 60-aad Ciidanka Xooga Dalka Generaal Xasan Isaaq Cumar.

Madaxweynaha iyo Saraakiisha ayaa kulankooda kaga wada hadlay Xoojinta Amniga Deeganada Koonfur Galbeed, Kordhinta Taageerida Dowladda UK ee Tababarida, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay kulanka.

Inta kulanka socday ayaa madaxda waxa uga wada hadleen Qalabaynta Ciidamada Qalabka sida iyo Wadaagida Xogaha ku Saabsan ka hortagida kooxda khawaarijta ee dhibaatada ku ah dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Rayโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xarigga ka jaray waddo muhiim ah

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xarigga ka jaray dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta Xoosh ilaa Ex Kontorool Afgooye, taas oo sii marta saddex degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa sheegay horumarka ay ku tallaabsatay caasimaddu in aan la xaqiijiyeen haddii aan amniga wax laga qaban, isaga oo xusay in horumarka iyo amnigu ay yihiin labo isku xiran oo haddii mid la waayo kan kalana uu meesha ka baxayo.

Mudane Xamsa ayaa uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir iyo Heyโ€™adaha amniga sida ay uga goโ€™an tahay nadiifinta magaalada, si dib loogu soo celiyo bilicdii iyo amnigii ay ku suntanayd Caasimaddu.

โ€œNabaddu waa tilmaanta quruxda iyo bilicda, marka meel kasta laami la saaro, waxaa kor u kaca nabadda, dhaqaalaha iyo bilicda, dhismaha Jidadku waxa ay muwaadinka u sahlayaan isu socodkaโ€. Ayuu yiri Raโ€™iisul Wasaare Xamsa.

Raโ€™iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ugu baaqay muwaadiniinta Soomaaliyeed in canshuurta ay bixiyaan si loogu hormariyo dib u dhaska dalka, isagoo faray dadka degganย  xarumaha danta guud ah in ay banneeyaan, si bulshada loogu adeego, dibna loogu dhiso.

SHEEKO: HOTEL ADEEGIISA BILAA LACAG UGU DHIGAY DADKA BUUR BUURAN

Dhacdo ka mid noqotay arrimaha layaabka aduunka ayaa maamulka hudheel ku yaala dalkaย Shiinuhuย ku kacay dhawaan, taas oo la xidhiidha adeeg bilaa lacag ah oo uu macaamiisha qaarkood u fidin doono hudheelkaas, gaar ahaan kuwa buuxiya shuruudo aad laga wada yaabay oo ku xidhan inuu qofku rag iyo dumar helo adeegaas bilaashka ah.

Sida inta badan warbaahinta dalka Shiinuhu ku warantay, hudheel ku yaala dalkaas oo lagu magacaabo, Nahoun Restaurant ayaa xayaysiis cusub oo uu dhawaan warbaahinta ku baahiyay, adeegyada bilaashka ah ku soo daray, cunto iyo adeeg dheeraad ah oo loo fidin doono, raga aadka u buur buuran, ee miisaankoodu boqol iyo afartan kilo gaadho.

Waxa kale oo adeegan lacag laโ€™aanta ah heli doona, haweenka dhuudhuuban ee miisaankoodu shan iyo sodon ka kilo iyo wixii ka hooseeya yahay, sida xayaysiiskaasi dhigayo, lab iyo dhedig mid kasta oo shuruudahan buuxiya, waxa isaga iyo dadka la socda la siin doonaa adeeg cunto iyo mid sharaab oo bilaash ah.

Si qofku u xaqiijiyo inuu buuxin karo shuruudaas waa inuu isku qiyaaso miisaan albaabka laga galo hudheelkaas ku yaala, kaas oo marka uu ku ogaado miisaankiisu inuu gaadhsiisan yahay qiyaasta la doonayo uu ku bushaaraysto adeegyo bilaa lacag ah.

In kasta oo aad dadka badankoodu ula yaabeen xayaysiiska hudheelkan haddana waxa suura gal ah, in dad buuxiya shuruudahaas laga heli karo dalka Shiinaha oo isagu ah kan dadka ugu tiradda badan dunidu ku nool yihiin.

Sida ay ku warantay jariirad ka soo baxda dalkaasi mulkiilaha hudheelkan ayaa sababta uu goโ€™aankan u qaatay, ku tilmaamay mid uu macaamiishiisa ku dhiiri galinayo kuna doonayo sidii ay fursad ugu heli lahaayeen tartan dhiiri galin iyo jirabaad isugu jira.

WQ: Cumar Maxamed

 

Munaasabad lagu soo bandhigay buugga Hadhiwaa ee Qoraa Maxamed Haldoor oo xalay lagu qabtay Muqdisho

Munaasabad aad loo soo agaasimay laguna soo bandhigayay buugga Hadhiwaa ee uu qoray Maxamed Haldoor ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qeyb-galeen masโ€™uuliyiin ka tirsan dowladda iyo qeybaha bulshada Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Moallim Fiqi ooย  ka qeybgalay bandhigga buugga Hadhiwaa ayaa iibsaday 120 buug, isagoo sidoo kale wakiil ka ah Raโ€™iisul Wasaaraha XFS ka iibiyay 150 taasoo wadarta ka dhigaysa 270 buug.

โ€œSharaf bay Ii ahayd caaway in aan ka qeybgalo munaasabad si weyn loo soo agaasimay oo lagu soo bandhhigayey isla markaana lagu garab istaagayey qoraaga buugga Hadhiwaa Maxamed Haldoor. Waxaan buuggaas ka qaatey 120 xabbo, anigoo sidoo kale ku qaaday magaca Raโ€™iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Md. Xamsa Cabdi Barre 150 buugโ€.ayuu yiri wasiir Fiqi.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigaayay Buuga ayaa ballanqaaday qarashaadka ku baxaya caafimaadka Qoraaga Buugaan Maxamed Muuse Jaamac (Haldoor) oo ka mid ah dadka baahiyaha gaarka qaba.

Wasiirka Waxbarashada XFS Faarax Sheekh oo munaasabadda ka hadlay ayaa dhiirigeliyey Qoraa Maxamed Haldoor,isagoon sheegay in uu qabtay shaqa wanagsan islamarkaana ay muhiim tahay in ay ku daydaan dhalinyarada kale.

Masuuliyiinta kale ee ka qeybgalay xafladda lagu soo bandhigay
Buugga Hadhiwaa ayaa dhamaan bogaadiya Qoraa Maxamed
Haldoor oo ah nin dhalinyaro ah kana mid ah dadka baahiyaha gaarka ah qaba,isagoo soo badhigay buugan oo ka hadlayo inta badan noloshiisa.

Dab Xooggan oo ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha

Waxaa saaka Dab xooggan ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha, gaar ahaan goobo ganacsi oo ku yaalla wadada isku xirta dhismaha shirkadda Somtel iyo suuqa Cabdalla-shideeye, waxaana hadda gubanaya goobo ganacsi, iyadoo ay socdaan gurmadyo lagu badbaadinayo hantida umadda oo kooxaha gurmadka deg degga ah ee maamulka gobolka Banaadir iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay ay wadaan.

Raโ€™iisul wasaare Xamse oo xariga ka jaray xarun cusub oo loogu talagalay ka hortagga isbeddelka cimillada

Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta xarigga ka jaray Xarun cusub oo qayb ka qaadanaysa ka hortagga isbeddelka cimillada iyo nabaadguurka deegaanka.

Raโ€™iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyey dadaalka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada ee la xiriira sidii loo heli lahaa Soomaaliya cagaaran oo ka guuleysata saameynta ay isbeddelka cimilladu ku yeelatay deegaanka.

Mashruucan oo qeyb ka ah hirgelinta hal abuurkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee Soomaaliya Cagaaran iyo beerista 10, milyan oo Geed, ayaa waxa hirgelinteeda iska kaashaday Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada iyo Shirkadda ka hortagga abaaraha, horumarinta deegaanka iyo duurjoogta ee Afrika (ADILP).

ย ย